Home Blog Page 2256

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.06.2024}

Arbaco 26 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Abdi Abdullahi Osoble

Farsamadii ::Abdimajiid Abdirahman Aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Hogaanka Siyaasadda Xamaas oo ka guuraya Dalka Qatar

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Shabakadda wararka The National News ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay cadaadiska Mareykanka uu saaray Qatar inay ku dhalisay hoggaanka Xamaas inay u raraan dalka Ciraaq howlgalkooda siyaasadda.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay hoggaanka Xamaas ansixiyeen bishii May ee la soo dhaafay , iyadoo dhammaan dhismayaasha iyo xafiisyada ammaankooda iyo ilaalada ay si toos ah u hoos imaan doonaan Iran, taasoo ka dhigan ciidanka Ilaalada Kacaan Iran inay maamuli doonaan ammaanka goobaha hoggaanka Xamaas.

Saraakiisha Xamaas, wali ma aysan xaqiijin xogta ay soo bandhigtay warbixintan, balse waqti dhow ma ah wax si fudud u dhacaya in xafiiska siyaasadda Xamaas laga raro Doha, sababo la xiriira wada-xaajoodyada la isku dayayo ee arrimaha maxaabiista oo ay Qatar u leedahay mudnaan la xiriira dhexdhexaadinta, taasoo haddii ay dhacdo inay saraakiisha Xamaas u guuran Ciraaq ay adkaan doonto sii socoshadooda, iyadoo tan aysan xataa u wanaagsanayn Xamaas oo doonaysa heshiiska maxaabiista inay u beddelaan mid soo afjara dagaalka.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 26-06-2024

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka 26-06-2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxwynaha Kenya Oo War Cusub Kasoo saaray Banaabaxyada Wadankaasi ka socda.

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Madaxwynaha Kenya Oo War Cusub Kasoo saaray Banaabaxyada Wadankaasi ka socda.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Waa kuwee shanta cudur ee Soomaalida qurbaha faraha baas ku haya?

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Soomaali badan oo qurbaha tagay iyagoo caafimaad qaba ayaa waxa dhacda in muddo kadibna arkaan caafimaadkooda oo hoos u dhacay, inta badan qurbaha waxaa laga hadlaa iyadoo dadka Soomaalida ee yimid waddamada reer galbeedka ay dabeecadda iyo deegaanku sameeyn ku yeelatay caafimaadkooda.

Waxaa arrintan loo aaneeyaa waxaa markiiba ku yaraada fitamaiinadda qaar gaara fitamiinka muhiimka ah ee la yidhaa Fitamiin D, iyadoo sababata uu Soomaalida waddamada qabaw ee reer galbeedka deggan uga yaradaa inay tahay jidhkooda oo qorraxdda la qabsaday oo madaw, labiskooda gaara ahaan haweenka iyo iyagoo cunin cuno isu dheeli tiran sida kaluunka iyo khudaarta cagaaran, sida ay dhaqaatuurtu sheegayaan.

Huda Xaaji Nuur waa agaasimaha xarunta daryeelka caafimaadka ee Caafi ee Bristol UK. Soomaalida deggan Ingiriiska iyo dadka kale ee laga tiro badan yahayba ayeey ka caawisa xagga caafimaadka waxayna ay sheegtay “Caafimaadku waa waxa ugu muhuumnsan noloshaada, waa inaad markaad qurbaha joogto aad si joogta ah isu baarto oo aad la socoto xaaladahaaga caafimaad adigoo dhaylasan waxa jirkaagu kuu sheegayo,”.

Agaasimaha Caafi ayaa ka hadashay shanta cudur ee ugu weyn ee Soomaalida qurbahu la tacalaan ama khatarta ku haya:

Macaanka

Markaad cunto wax macaan, jidhkaagu wuxuu u baahan yahay inuu isticmaalo sonkortaasi haddii aanu jidhkaagu si habaysan u isticmaali karin sonkortaasi, qayb ka mid ah ayaa ku dhagaysa unugyadda dhiigga iyadoo dhiiga ka buuxsamaysa.

Xaaladda sonkorowgu waxay horseedi kartaa cagaha oo lagu gooyo, indho la’aan iyo wadno xanuun haddii aan la xakameeyn oo aan baaris joogta ahna qofka qabaa isku sameeyn, waxaa inta badan uu sababaa cunto xumo, cayilka, iyo jimicsi la’aanta.

Dhiig-kar

Marka wadnahaagu garaaca samaynayo wuxuu dhiiga u habaa jidhkaaga si uu u siiyo tamarta iyo oksajiinta uu u baahan yahay.

Qulqulka dhiigga ayaa cadaadis ku sameeya gidaarada xidida dhiiga. Xooga cadaadiskan ayaa la yidhaa dhiigkar.

Cadaadiska dhiigga maaha wax aad dareemi kartid ama aad ogaan karto.Habka kaliya ee aad ku ogaan karto ayaa ah in aad cabirto.

UK, dhiig-karka ayaa ah kan ugu wayn ee keena dhimashada degdega ah iyo curyaanimada isagoo adeegsanaya faalig, wadno xanuun iyo wadno istaag. Saddexdii qofba hal qof ayaa qaba dhiig kar maalin walbana 350 qof ayuu haleelaa dhiig kar laga-hortagi karo ama wadno xanuun uu keenay sida ay sheegeen ururka Dhiig karka ee UK

Kansarka

Cudurka kale ee Soomaalida qurbaha aad ugu fiday sida ay sheegayaan qiyaasaha aan rasmiga ahayd ee ay sameeyeen goobaha bukaan socodka ee la booqdo waxaa ka mid ah kansarka. Micnaha guud ee kansarku waxaa weeyi iyadoo aanay si caadi ah u shaqayneeyn unugyada jidhku, lakiin waqtiyadan dambe heerka badbaadada ee xanuunkaasi ayaa kor u kacday.

Iyadoo ay aad muhiim u tahay in hore loo ogaado oo qofku hadduu shakiyo ay tahay inuu is baadho, dadka qaar ayaa is diidsiiya ama ka wahsada inay dhkahtarkooda booqdaan.

Neefta ama xiiqda

Sida ay qeexday hay’ada caafimaadka ee Britian NHS Xiiqda waxaa keena marin-haweedka sambabadaada oo barara.

Qaabab kala duwan ayay dadka u saameyn kartaa, astaamuhuna way isbeddeli karaan muddo kadib.

Xiiqdu waa xaalad muddo-dheer jirta oo u baahan daawayn joogto ah, gaar ahaan neef-siiyeyaasha la nuugo, si looga hortago astaamaha maalinlaha ah iyo si loo yareeyo inaad qaado xiiqda. Astaamahaaga xiiqda waa inaysan faragelin hawl-maalmeedkaaga.

Haddii aad isku aragto astaamaha xiiqda markaa waa inaad la hadashaa kooxdaada xiiqda.

Dadka qaarkood waxay qabaan xiiq ‘daran’, taasoo aan lagu daaweyn karin daawaynada caadiga ah waxayna u baahan tahay inuu daaweeyo khabiir ku takhasusay xiiqda.

Xanuunka dhimirka ama maskaxda

Warbixin la soo saaray ayaa lagu sheegay in qof ka mid ah lixdii qof ee UK ku nool uu qabo xanuun dhanka maskaxda ah.

Hay’adda caafimaadka ee Britain ee NHS ayaa baahisay in xanuunkaas uu saameeyay dadka da’dooda ay u dhexeyso 16 ilaa 64 sano.

Ha ahaato arrin qoys ama saaxiib, deris ama qof aad shaqo wadaagtaan; fursaddu waxay tahay in dadka oo dhan ay garan karaan qofka uu xanuunka saameeyay.

Dr Barre Jaamac oo ka hawlgala gobolka Northern Ireland ayaa sheegay in Soomaalidu ay kamid tahay bulshooyinka aad ugu nugul cudurraddamaskaxda waayo buu yiri ‘waa ogtihiin duruufaha soo qabsaday dadka Soomaaliyeed ee qurbaha qaxootiga ku yimid oo ah dad dagaallo iyo abaaro kasoo qaxay, immikana duruufaha qurbahu sameeyeen.

Sidoo kale isticmaalka maandooriyaha, werwerka iyo burburka qoyska ayaa qayb weyn ka ah dhibaatada haysta dadka Soomaaliyeed ee qurbaha.

 

Madaxweynaha Kenya oo laalay sharcigii dhaliyey dibadbaxyadii dadku ku dhinteen ee Kenya

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo dadweynaha si toos warbaahinta ugu hadlayey, ayaa sheegay in uu ka laabtay inuu saxiixo,hinde sharciyeedka maaliyada ee shalay barlamaanku ansixiyeen.

Sharcigaas ayaa dhaliyey banaanbaxyo waaweyn oo gilgilay Kenya, kuwaas oo dad ku dhinteen.

Kii ugu balaarnaa ayaa shalay ka dhacay caasimada Nairobi iyo meelo kale oo dalkaa ah.

Dadka dibadbaxayey ayaa ka ashkatoonayey canshuur kordhin ay dowladdu soo rogtay.

Madaxweyne Ruto, ayaa sheegay inuu dhagaystay dalabadkii shacabka, basle ay muhin tahay sida uu sheegay in la eego wixii dhacay.

Xaaskiisa iyo Aabihiis ayuu laabta galiyey, ninkii kashifi jiray siraha oo dalkiisa gaaray.

Arbaco june,26 2024 (HMC) –  Aasaasihii shabakadda WikiLeaks, Julian Assange, ayaa gaaray dalkiisa Australia ka dib markii ay sii daysay maxkamad ku taal Mareykanka .

Markii uu ka degay diyaarada magaalada caasimada ah ee Canberra, waxa uu u gacan haadiyay taageerayaashiisa oo faraxsan, ka dibna wuxuu isku duubay oo laabta galiyey xaaskiisa iyo aabihiis.

Qareenkiisa Jennifer Robinson, oo ka hadlaysay shir jaraa’id ayaa sheegtay in Mr Assange uu uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha Australia, sida uu hadalka u dhigay, in uu naftiisa ku badbaadiyay.

Xaaskiisa Stella ayaa sheegtay in ninkeedu uu u baahan yahay wakhti uu ku soo kabsado ka hor inta aanu si fagaare ah u hadlin.

Mr Assange waxa uu heshiis qirasho ah la gaadhay mas’uuliyiinta Maraykanka, isaga oo soo afjaray dagaal afar iyo toban sano socday oo ku saabsanaa daabacaadda dukumentiyo sir ah oo aad u tiro badan.

{DAAWO MUUQAALKA} Booliiska Aduunka iyo kan Soomaaliya oo iska kaashaday soo qabashada eedeysane dil ka geystay Garowe

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Booliiska Aduunka iyo kan Soomaaliya oo iska kaashaday soo qabashada eedeysane dil ka geystay Garowe

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Dhageyso: Gaabiska ka jira wax soo saarka cuntada iyo Calafla Xoolaha Soomaaliya(Feed & Fodder Shortage)

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Waxaa gaabis ka jiraa wax soo saarka cuntada iyo calafka Xoolaha ee Soomaaliya, Cali Cilmi Colaad oo ka tirsan shirkadda Horseed (Horseed Center Setvice Camp) oo ka shaqaysa wax soo saarka Cuntada iyo Calafka xoolaha ayaa ka warbixiyey wax soo saarkooda iyo culaysyada la soo gudboonaa.

Halkaan hoose ka dhegayso:

Dowalada Sacuudiga oo Sheegtay in ay Soomaaliya ka bixineyso Lacag Deyn ah

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Vienna ee xarunta Wadanka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee ururka OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa xili uu goob joog ka ahaa heshiiska Dr. Mohamed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Saudi Arabia oo Soomaaliya ku taageertay lacag dhan $36-malyan oo aheyd deyntii Sanduuqa OPEC uu Soomaaliya kulahaa, lacagtaan ay Dowladda Saudi Arabia ka bixisay Dowladda Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa (Bridge Loan).

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wadahadal ka arrinkan xalka looga gaaray deyntan iyo wadadii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa yiri “Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”.

Heshiiskaan maanta magaalada Vienna ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadxaajood iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka noqoto deeqaha iyo Mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya ee Afrika.