Home Blog Page 2257

In ka badan 160 bukaan oo ku dhaawacmay dibadbaxyadii shalay ka dhacay Nairobi oo la daweynayo

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Isbitaalka Qaranka ee Kenyatta ayaa lagu dabiibayaa in ka badan 160 bukaano ah oo ku dhaawacmay dibadbaxyadii shalay ka dhacay magaalada Nairobi.

Ku-simaha madaxa qalliinka, Dr. Benjamin Wabwire ayaa sheegay in badi bukaannada la keenay lix ay qabaan dhaawacyo rasaas ah halka labaatan kale ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaasta cinjirka ah.

“Nooca dhaawacyada aan daweyneyno, tani waa tiro aad u muhiim ah.”

72 bukaan ayaa la daweeyay oo laga saaray, halka 23 ay sugayaan habraacyo dheeri ah.

Cisbitaalka ayaa sidoo kale xalay la geeyey shan iyo tobban bukaanoo laga keenya Githurai, halkaas oo ay ka jireen eedeymo boolisk naxariis darro.

Siddeed qof ayaa la dhigay qaybta qaliimada oo loo smaeeyey qaliimo kala duwan.

Cisbitaalka ayaa diiwaangeliyay saddex dhimasho ah, laba mayd ayaa la sheegay in ay dhinteen markii la yimi iyo hal qof ayaa dhintay iyada oo la daweynayo

{DAAWO MUUQAALKA} Munaasabad lagu xuska 26 June oo lagu qabtay Muqdisho

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Munaasabad lagu xuska 26 June oo lagu qabtay Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal lagu Dilay Xubno ka tirsan AS oo ka dhacay Galgaduud.

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Howlgal lagu Dilay Xubno ka tirsan AS oo ka dhacay Galgaduud.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Dibad-baxyada Ka Socda Dalka Kenya oo ay 22 qof ku dhinteen

Arbaco june,26 2024 (HMC) – NAIROBI —22 qof ayaa Talaadadii ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.”

“Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya.

Waxa ay intaas ku dartay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal ku xoomay xarunta baarlamanka.

Mudaaharaadayaasha ayaa ka soo horjeeda sharci cusub oo dowladda ay dooneyso in ay ku kordhiso canshuurta, waxayna maanta wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan banaan-baxyada ka dhanka ah canshuur kordhinta.

Boolis aad u hubeysan ayaa maanta maamulayey waddooyinka caasimadda Nairobi, ayada oo taageerayaasha banaanbaxa toddobaad jirsaday ay barta X u isticmaalaayaan hashtag #tutanethursday ama “Khamiis ayaa noo ballan ah.”

Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas.”

Dhinaca kale, boob iyo bililiqo ayaa laga soo weriyey Nairobi iyo deegaano kale, halka dab la qabad siiyey dhismooyin ku yaalla magaalada Eldoret ee uu ku xooggan yahay madaxweyne William Ruto.

Hindise-sharciyeedka – oo ay dowladdu ku dooday inuu yahay tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu dhimayo ku-tiirsanaanta daynta — ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta, Kenyan-ka shaqeeya iyo kooxaha ganacsiga.

Waxa uu soo jeedinayaa tiro cashuur kordhin ah oo la filayo in lagu soo rogo adeegyada maaliyadeed, wax soo-saarka iyo qaybaha ganacsiga.

Qodobada ugu muranka badan waxaa ka mid ahaa; billaabista canshuurta gaadiidka oo laga dhigayo 2.5% qiimaha baabuurka, iyo dib u billaabida canshuurta rootiga, kuwaas oo markii dambe laga laabtay.

Dadka kasoo horjeeda ayaa ka digay in tillaabooyinka cusub ay culeyska ku sii kordhin doonaan dadka markii horeba la halgamayay sidii ay nolol maalmeedkooda u dabooli lahaayeen xilli qiimaha nolosha uu aad sare ugu kacay.

{DAAWO MUUQAALKA} Khudbada Taliyaha Qeybta 60aad ee munaadabada 26-ka Juun.oo Khudbad ka jeediyey

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Khudbada Taliyaha Qeybta 60aad ee munaadabada 26-ka Juun.oo Khudbad ka jeediyey

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya oo Munaasabadda 26-June awgeed Ubax dhigay Taalada Dhagax-tuur.

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Madaxweynaha Soomaaliya oo Munaasabadda 26-June awgeed Ubax dhigay Taalada Dhagax-tuur.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Malihin Cadow xamar ka Daran Garoowe iyo kuwaa Xintama Waxaa iga Xiga Amxaar

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Malihin Cadow xamar ka Daran Garoowe iyo kuwaa Xintama Waxaa iga Xiga Amxaar

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

President Hassan congratulates Somalis on 64th Independence Day anniversary

Wednesday June 26, 2024 — President Hassan Sheikh Mohamud attended a ceremony in Mogadishu on Tuesday to mark Somalia’s 64th Independence Day. He was joined by Prime Minister Hamza Abdi Barre, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama, and other senior officials. During the event, President Mohamud wished Somalis at home and abroad a joyous Independence Day.

Prime Minister Barre echoed the President’s sentiments, highlighting the importance of national unity and resilience.”I congratulate the entire Somali nation on the occasion of June 26, which marks the 64th anniversary of the independence of the Northern Regions from British colonial rule and the raising of our flag on free Somali soil.”

June 26, 1960, is a pivotal date in Somali history as it commemorates the independence of British Somaliland. This achievement was a precursor to the unification of British Somaliland with the Trust Territory of Somalia (formerly Italian Somaliland) on July 1, 1960, forming the Somali Republic. The unified nation marked a major step towards the realization of Greater Somalia, a vision of bringing all Somali-inhabited territories under one sovereign state.

The anniversary celebrations in Mogadishu and other parts of Somalia included cultural performances, parades, and reflections on the nation’s progress and challenges since gaining independence.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka jeediyey munaasabada 26 ka juun

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka jeediyey munaasabada 26 ka juun

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Laqaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Arbaco june,26 2024 (HMC) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub e Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Richard H. Riley ayaa ka wada-hadlay danaha labada waddan iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa safiirka la wadaagay warbixin xasaasi ah oo ku aadan siyaasadda guud ee xukuumadda DanQaran, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshad iyo horumarrada laga sameeyay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Xamza oo kulanka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumaddiisa ay waddo Qorshaha Isbeddelka Qaran (National Transformation Plan), kaasi oo ku saleysan hawlaha ahmiyadda u leh Xukuumadda, sida xoojinta dowlad wanaagga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyada oo door muuqda ay ku leeyihiin ganacsatada iyo maalgashatada Soomaaliyeed si ka duwan qaabkii hore.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu markale caddeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan heshiis ku sheeggii sharci darrada ahaa ee Ethiopia, oo uu sheegay in marnaba Soomaaliya aanay oggolaan doonin taako ka mid ah dhulkeeda.

Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Iskaashi Ganacsi, Dhaqaale, Amni iyo Isdhexgal, balse ay ku xiran tahay, isla markaana aanay marnaba aqbali doonin ilaa Ethiopia ay ka laabanayso damaceeda gurracan.

Dhankiisa danjire Mr Riley ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha isdaba joogga ah ee ay ku tallaabsatay ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Safiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, arrimaha gargaarka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si gaar ah u daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya.

Richard H. Riley oo todobaadkan uun laga guddoomay warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo uu la qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, waxaana kulankii ugu dambeeyay uu shalay la yeeshay Aadan Madoobe.