Arbaco june,26 2024 (HMC) Waqooyiga Somalia wax la isku yiraahdo ma jirto ”Garaad Jamaac Garaad Cali”
{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Cadowga Somaliland badan yahay.
Arbaco june,26 2024 (HMC) Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Cadowga Somaliland badan yahay.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Roobow” Waxaan soo marnay iyadoo xujeydeenu Buundooyinka hoos daadsan tahay
Arbaco june,26 2024 (HMC) Wasiir Roobow” Waxaan soo marnay iyadoo xujeydeenu Buundooyinka hoos daadsan tahay
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Guddiga munaasabadaha toddobaadka xorriyadda uga warbixiyey howlihii u qabsoomay guddiga.
Arbaco june,26 2024 (HMC) Guddiga munaasabadaha toddobaadka xorriyadda uga warbixiyey howlihii u qabsoomay guddiga.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
MD Hore Farmaajo oo ka hadlay colaadaha sokeeye ee ka aloosan dalka Baaq muhiim ahna diray
Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray hambalyo ku aadan xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka u diray shacabka Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa sheegay in todabaadkan ay waajib tahay in uu horseedo midnimo dadka Soomaaliyeed dhaxdooda ah, isagoona ku baaqay in la joojiyo colaadaha sukeeye ee ka aloosan qaar kamid ah gobolada dalka.
”Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne hore Farmaajo oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u duceeyaan halgameyaashii horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka.
Muuse Biixi oo sheegay in ay ka go’antahay in la fuliyo heshiiska Itoobiya iyo Soomaliland
Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka go’antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.
Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay labada ka go’antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu sheegay in uu Somaliland u horseedi doono aqoonsi.
Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay daacadnimo daro, isaga oo sheegay in aanu diidanayn in heshiis badeed la galo, lakiin uu diidanyahay in ay Somaliland gasho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna dhankiisa ka hadlay munaasibada 26 Juun ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu kasoo horjeedin in reer Somaliland ay heshiis galaan, lakiin uu kasoo horjeedo in dhul la bixiyo, isaga oo sheegay in ay leedahay khatar mustaqbal.
Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad dibulumaasiyadeed oo ka dhaxaysa waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, sidookale qaar badan oo kamid ah urur goboleedyada caalamka ayaa kasoo horjeedsaday heshiiska.
Muxuu Madaxweyne Ruto Ka Yiri dibad-baxyadii dadka badan ku dhinteen?
Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Magaalooyin badan oo kuyaalla dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay dibad baxyo xooggan oo watay rabshado, waxaana dibad baxyadaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimadho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay dibad baxyadii shalay ka dhacay dalka Kenya, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan oo qaarkood halis yihiin soo gaareen dad ka badan 100-qof .
Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dibad baxii shalay ka dhacay dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan, waxaana warbaahinta qaar sheegayaan in khasaaraha inta hadda la shaaciyay ka badan yihiin.
Madaxweynaha dalka Kenya William Rutu ayaa si kulul u cambaareeyay dibad baxyadii shalay ka dhacay dalka Kenya, waxa uuna sheegay in kuwa dhigaya dibad baxyada yihiin dambiilayaal dalka halis ku ah.
William Rutu ayaa sheegay in dadka dibad baxyada dhigayay ee shalay galay xarunta Baarlamaanka iyo xarumaha kale ay yihiin kuwa khiyaano qaran ku kacay, waxa uuna digniin adag u diray dadka dibad baxyada dhigaya.
Madaxweynaha Kenya ayaa ku goodiyay in tallaabooyin adag laga qaadi doono dadka wada abaabulka dibad baxyada rabshada wata iyo kuwa dhigaya, waxa uuna sheegay in ciidanka ay qaadi doonaan tallaabooyin adag ay ku joojinayaan dibad baxyada.
{DAAWO SAWIRADA} MD Xasan oo mar kale ka hadlay xadgudubka Itoobiya iyo Damaceeda waalida ah
Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.
“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo Dacwo ka dhan itoobiya u gudbisay Qaramada Midoobe.
Arbaco june,26 2024 (HMC) Soomaaliya oo Dacwo ka dhan itoobiya u gudbisay Qaramada Midoobe.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Madaae ”oo madaxda qaranka ku soo dhoweeyey munaasabadda 26-ka Juun”
Arbaco june,26 2024 (HMC) Guddoomiye Madaae ”oo madaxda qaranka ku soo dhoweeyey munaasabadda 26-ka Juun”



