Home Blog Page 2259

{DAAWO MUUQAALKA} Kama jawaabi karno hadii ay Qabuuraha kasoo baxaan Dadkii Xuriyada keenay

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Kama jawaabi karno hadii ay Qabuuraha kasoo baxaan Dadkii Xuriyada keenay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Aniga Reer Khaatumo waxaan Aamin sanahay Midnimo oo Aan cidna marti looga ahayn,

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Aniga Reer Khaatumo waxaan Aamin sanahay Midnimo oo Aan cidna marti looga ahayn,

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo Warbaahinta Hiiraanweyn 26 06 2024

Arbaco 26 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimaajid Abdiraxman

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Calan saarka 26ka juun Sidee ayay udhacday Xalay

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Calan saarka 26ka juun Sidee ayay udhacday Xalay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xasan Sheekh oo 26-ka Juun ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay Difaaca madaxbannaanida dalka.

0

Arbaco june,26 2024 (HMC) Xasan Sheekh oo 26-ka Juun ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay Difaaca madaxbannaanida dalka.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Raiisul wasare xamse oo si duur xulan ula hadlay maamulka Soomaaliland.

Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna buluugga ah laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Waxaan caawa ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah,” ayuu yiri.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: “Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh”.

“Kama jawaabi karno hadii ay Qabuuraha kasoo baxaan Dadkii Xuriyada keenay oo ay naweydiiyaan wax ay inoo dhiibteen iyo sababta dadkeena uga carareen dalkooda,” ayuu caddeeyay.

Ugu dambeyn, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa kusoo xiray hadalkiisa: “In aan marka la gaaro todobaadka xorriyadda ku raaxeysano heeso ah berri qaadeen wiilal iyo gabdho sax ma ahan. Aabahey ayaa geel lahaan jiray aniga ayaa dameer leh ayaa ka fiican. Horta annaga maxaan tarnay

Hogaamiye Firdhiye oo xalay qaaday talaabo ka dhan ah Soomaaliland.

Arbaco June, 26, 2024 {HMC}-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqadir Axmed Aw-cali ayaa Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya kala qaybgalay Munaasibadda Xuska 64-Guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed
ee 26-ka Juun.

“Waxaan ahay mas’uul matalaya gobolada waqooyi. Waxaan ku faraxsanahay in aniga oo xukuma gobolada waqooyi ina taagan midnimada aan kasoo qeybgalo xuska 26-da June,” ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa ka qaybgalay Munaasibadda 64 guurada Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun oo lagu qabtay Caasimadda SSCKhatumo ee Laascaanood.

Hoggaamiye Kuxigeenka ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed Munaasibadan, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey bulshada SSC-Khaatumo oo door shariif ah ka qaatay halgankii Guumaysi diidka ahaa iyo Midnimada dadka iyo dalka
Soomaaliyeed.

Kuuriyada Waqooyi oo ku guul-darreysatay tijaabo gantaal

Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Gantaal nuuca riddada dheer oo ay Kuuriyada Woqooyi tijaabisay ayeey u badan tahay in tijaabada ay ku guuldareeysatay, sidaasi waxa sheegay militariga Kuuriyada Koonfureed.

Arrintan aya imaneysa maalmo kadib markii dhowaan markab kuwa diyaaradaha xambaara ah oo uu Mareykanka leeyahay uu tegay gobolka si uu dhoolatus cusub oo military uu ula sameeyo Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Taliska guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah ka soo tuurtay caasimada loo ganay dhanka biyaha bari ee Waqooyiga Kuuriya, balse looga shakiyay in uu ku dhamaaday fashil.

Isla markiiba ma aysan sharaxin sababta Kuuriyada Koonfureed u aaminsan tahay in gantaalka Kuuriyada Waqooyi uu fashilmay. Wasaaradda Difaaca ee Japan ayaa sheegtay in ay sidoo kale ogaatay in Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaalka ballistiga ah.

Generaal Cabdalla Cabdalla oo la wareegay xilkii dhawaan loo magcaabay.

Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto, Zakiya Xuseen Axmed iyo Taliyaha Howlaha gaarka ah ahna Taliye xagee ka ciidanka booliska ee cusub S/Guuto, Cabdalla Cabdalla Maxamed.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Taliska ciidanka booliska Soomaliyeed, ayaa waxaa xilka ku kala wareegey Taliye Xigeenkii hore ee ciidanka booliska iyo Taliyaha Howaha gaarka ah ahna Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ugu Mahadceliyey Taliye Xigeenkii hore ciidanka booliska, mudadii ay xilkaas ugu adeegaysay Bulshada Soomaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa soo dhaweeyey Taliyaha Howlaha gaarka ah ahna Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska ee cusub kulana dardaarmay in uu horey usii wado shaqada balaaran ee hortaala Xafiiska loo magacaabay.

Madaxwayne Xasan oo xuska 26-ka Juun ugu Hadlay qodobo muhiim ah.

Arbaco June, 26, 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xad-gudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya oo hadda loo yaqaano Somaliland ay ku bilaabeen xorriyadda dalka.

Waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Munaasabaddan dabaal-degga 26-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.