Home Blog Page 2260

Qoorqoor oo shir dib u heshiisiin ah isugu keenay beelihii dhowaan dagaalamay

Talaado June, 25, 2024 {HMC} – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq, kuwaasoo dhawaan maleeshiyaad kala taabacsan ay diriri dhexmartay.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey salaaddiinta iyo nabaddoonnada inay guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa guddi culimo ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan cidna aysan u eexan, isla markaana ay dowladdu ku garab taagan tahay.

Labada Mareexaan iyo Dir ayaa dhowaan maleeshiyaad kala taabacsan waxay ku dagaalameen degaano u dhexeeya degmooyinka Caabudwaq iyo Xeraale, kaasoo salka ku hayey dilal aano qabiil, waxaana dagaalkaas ku naf waayey dad ka badan 50 qof halka ku dhowaad 100 kale ay ku dhaawacmeen.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhaca Talefoonada Baladweyne oo sababay dhimasho iyo dhawac.

Talaado june,25 2024 (HMC) Dhaca Talefoonada Baladweyne oo sababay dhimasho iyo dhawac.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKATababar loo qabtay 100 Macallin oo ka socda degmooyinka SSC-Khaatumo.

Talaado june,25 2024 (HMC)  Tababar loo qabtay 100 Macallin oo ka socda degmooyinka SSC-Khaatumo.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ugaas Yuusuf oo soo dhaweyn balaaran looga sameeyay degmada Jalalaqsi

Talaado june,25 2024 (HMC) Ugaas Yuusuf oo soo dhaweyn balaaran looga sameeyay degmada Jalalaqsi

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} dadkii Dhalinyarada Soomaaliyed Magafayaasha gacanta u galin jiray oo la qabtay.

Talaado june,25 2024 (HMC) dadkii Dhalinyarada Soomaaliyed Magafayaasha gacanta u galin jiray oo la qabtay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Galmudug oo Daah Furay Shika Nabadeeynta Beelahii Caabudwaaq

Talaado june,25 2024 (HMC)  Madaxweynaha Galmudug oo Daah Furay Shika Nabadeeynta Beelahii Caabudwaaq

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

Ciidamada Israel oo Xubno katirsan Qoyska Ismaaciil Haniyah Ku dilay weerar ay geesteen

Talaado June, 25, 2024 {HMC} –  Ciidamada Israel ayaa la sheegay weerar dhinaca cirka ah oo aroornimadii maanta ka fuliyeen magaalada Gaza ku dileen xubno badan oo katirsan qoyska hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah.

War ay soo saarray hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa lagu sheegay in weerarka Israel ka fuliyeen xerada qaxootiga Al-Shati lagu dilay xubno katirsan qoyska Hoggaamiyaha ururka Xamaas.

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza Mahmud Basal, ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay fuliyeen ciidamada Israel lagu dilay toban qof bay ku jirto Sahra Haniyeh oo la dhalatay hoggaamiyaha Xamaas.

Hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa horey loogu dilay magaalada Gaza saddex wiil uu dhalay iyo afar kale uu awoowe u ahaa, waxaana weerarkan uu dhacay Bishii April ee sannadkan, gaar ahaan maalintii Ciidul Fitriga.

Israel ayaa dad ku dhaw 40-kun oo qof ku xasuuqday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, ciidamada Israel ayaana wali wada duullaanka ay wali ku beegsanayaan dadka shacabka ah aan waxba galabsan.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Waxbarashada XFS oo maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka dugsiyada

Talaado june,25 2024 (HMC)  Wasiirka Waxbarashada XFS oo maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka dugsiyada

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhiira galin loo sameeyey Ciidamo ka tirsan xooga Dalka.

Talaado june,25 2024 (HMC) Dhiira galin loo sameeyey Ciidamo ka tirsan xooga Dalka.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maraykanka oo Itoobiya uga digay hurinta xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya ee ka dhalatay xadgudubka

Talaado june,25 2024 (HMC) Maraykanka oo Itoobiya uga digay hurinta xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya ee ka dhalatay xadgudubka

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA