Home Blog Page 2275

{DAAWO MUUQAALKA} M/Dabageed Maxuu ka yari Shirka Moqoroki?

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} M/Dabageed Maxuu ka yari Shirka Moqoroki?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo labo qodob kala hadlay bulshada moqokori

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo labo qodob kala hadlay bulshada moqokori

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Kumuu Ahaa Ninkii Soomaaliga ahaa ee sirdoonka Midowgii Soofiyeet u bixiyeen KERL

Sabti june,22 2024 (HMC) – Qoraallo kala duwan iyo keydka sirdoonka Midowgii Soofiyeet waxaa ku xusan ereyga KERL oo ah magac afgarad ah oo ay sirdoonka Soofiyeetka u bixiyeen masuul sare oo dowladdii Soomaaliya xil wayn ka hayey, aadna ugu dhowaa AUN Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre, kana mid ahaa saraakiishii ku lugta lahaa inqilaabka Soomaaliya ka dhacay bishii Oktoobar ee sanadkii 1969-kii.

Sida ay sheegeen KERL wuxuu xogta inqilaabka inta uusan dhicin la wadaagay safaaradda Soofiyeetka ee Muqdisho. Waxay ku tilmaameen qof ay kaga kalsooni badnaayeen Madaxweynaha. Wuxuu ahaa qofka ugu badan oo ay ka helaan xogta. Waxay kaloo sheegeen in uu ahaa ninka Madaxweynaha ku qanciyey in la eryo Peace Corps kii Ameerikaanka iyo kala bar shaqaaalaha safaaradda, Soofiyeetkana saldhig ciidan badeed Berbera laga siiyo.

Wuxuu kaloo ka shaqeeyey in xog la xariirta tikloonajiyada Milateriga Maraykanka oo uu Talyaaniga ka helay u gudbiyey Soofiyeetka.

Wuxuu kaloo sida ay sirdoonka soofiyeetku sheegeen u gudbin jiray xogta kulamada uu qaybta ka yahay ee dowladda Soomaaliya iyo madaxda dowladaha kale dhexmara. Waxaa ka mid ah kulan uu Kornayl Qadaafi lala yeeshay.

Dhanka kale, wuxuu kala shaqayn jiray la socdka dhadhaqaaqa diblomaasiyiinta Marayaknka, isagoo gacan ka gaystay in 5 ka mid ah dalka laga eryo, joojinaya Maraakiib dagaal Maraykan oo booqasho ku imaan lahaa Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegeen in Kerl uu aydiyoolajiyad ahaan u aaminsanaa nidaamka Hantiwadaagga, haddana dhuuni kama marnayn basaasnimadkiisa oo markii uu soo xaday sirta tiknoolajiyada milateriga Maraykanka, waxaa lagu abaalmariyey $5kun oo doolar iyo in lala kulansiiyo madaxda KGB, Andropov, ku xigeenkiisa Semyon Tsvigun, iyo hoggaamiyihii Soofiyeetka Brezhnev.

Inkastoo aysan Soofiyeetku dibadda soo dhigin magaca rasmiga ah ee shakhsiyada KERL, haddana markii aad isla aqriso qoraallada, warbixinnada iyo kaydadka sirdoonka kala duwan waxaa kuu soo baxaysa in uu ka mid ahaa shanta Golaha Sare ee Kacaanka. Ma rabo in aan ku danbaabo, laakiin qof ayuu iila muuqday.

Xilligaa oo ay awoodda dolwadnimadu xoogga lahayd, dadnimaduna jirtay, basaasiinta KERL oo kale waa ay is qarin jireen, laakiin maanta waxaa maqlaysaa Madaxdii dalka oo leh hebel lagama tegi karo oo dowlad hebel ayaa xanaaqaysa, iyo hebel dowlad hebel ayaa martigelisay oo biilkiisa iyo masruufka caruurtiisa bixisa, ama dhul ayaa dowlad hebel siisay. Sariig qaran iyo mid umadeedba midna ma jiro.

SOOMAALILAND : Arday imtixaanka maanta billowday ku galeyso xabsiga

Sabti june,22 2024 (HMC)   – Deegaanada maamulka Somaliland maanta waxaa si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo uu daah-furay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Imtixaanka ayaa waxaa sanadkan ka qayb-galaya illaa 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 arday oo dugsiyada hoose/dhexe ah, waxaana lagu gelayaa 129 goobood oo dalka oo dhan ah, sida ay shaacisay Somaliland.

Waxaa sidoo kale ardayda maanta u fariisatay imtixaanka kamid ah laba arday oo ku jira xabsiga wayn ee Gabiley, kuwaas oo xabsiga loogu geeyay imtixaanka, sida uu shaaciyay taliyaha xabsigaasi Khaalid Sheekh Xuseen Nuuriye oo la hadlay warbaahinta.

Taliyaha ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen guddiga waxbarashada, kadibna ay ka aqbaleen in labadaas arday imtixaanka loogu geeyo xabsiga, iyaga oo xiran.

“Imtixaanka shahaadiga ah ayaa maanta billowday saas daraadeed waxaan la xiriirnay guddoomiyaha waxbarashada Jaamac Raage oo runtii kal horana nagala shaqeeyay labadan maxabuus oo midna Wajaale ah, midna Hargeysa uu yahay waxbarashadoodana waa sii wataan oo maanta waxay u fariisteen imtixaanka” ayuu yiri taliyey xabsiga Gabiley.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xaq u leeyihiin imtixaanka, uuna u ogolaanayo sharciga, iyaga oo fududeeyeen, sida sheegay taliye Khaalid.

“Xaq waa u leeyihiin inay xabsiga kusii dhex wataan waxbarashadooda, waayo waxaa na faraya sharciga annaga oo dabaqeysa shuruucda xabsiga” ayuu sii raaciyay.

Dhankiia guddoomiyaha waxbarashada gobolka Jaamac Raage oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in markii labaad ay tahay in arday xiran imtixaanka looga qaado xabsiga Gabiley, wuxuuna arrintaas si gaar ah ugu amaanay taliska ciidamada ee gacanta ku haya.

“Taliyaha Jeelka haysta ee Gabiley waa markii labaad ee uu suurageliyay inaan arday kaga qaadno imtixaanka iyaga oo xiran, labadan arday waa fasalka 8-aad” ayuu yiri Jaamac.

Si lamid ah imtixaanaadka shahaadiga ah waxay maanta uga bilowdeen koonfurta, kawaas oo ay u fariisteen in ka badan illaa 37 kun oo arday, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22/ 06/ 2024}

Sabti june,22 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali & Shukari Baryare

Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Howlgalo Ka Dhan ah AS oo Kasocda Gobolka Shabeelaha Dhexe

Sabti 22 June 2024 {HMC}  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka sameeyeen degmada Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee aggaasi Cabdi Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen goobo iyo talisyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi.

Cabdi Taakow ayaa xusay inay howlgalladan ku gaareen dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanka Daarunimca iyo degmada Ruun-nirgood, ayna isku fureen waddooyin xiran.

“Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lix nin illaa sideed nin oo ka tirsan Khawaarijta ayaa ilaalisa koontaroolada ay meeshaan ku lahaayeen Al-Shabaab”.

Taliyaha Macawiisleyda degmada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in awoodda Al-Shabaab ee deegaanadaas ay aad u yartahay, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan halgankooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Howdkan wax joogo oo laga cabsado ma joogaan, waxaan rabnaa inaan horkacno ciidanka Xoogga dalka” ayuu mar kale yiri taliye Cabdi Taakow.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada u dhexeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

{DAAWO MUUQAALKA} Hirshabeelle oo Shaaciysay Tirada ardayda imtixaanka Fasalka 12aad ee Gobolka Hiiaan.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Hirshabeelle oo Shaaciysay Tirada ardayda imtixaanka Fasalka 12aad ee Gobolka Hiiaan.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Guud ahaan Dalka waxa maanta looga fariistay Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare.

Sabti 22 June 2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta ka furmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dusiga sare, kaas oo ay sanadkii 10-aad qaadeyso wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare.

Sanadkan waxaa imtixaanka ka qayb-galaya arday ka badan 37 kun, sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasiirka oo ka hadlay furitaanka imtixaankan ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen magaalooyin cusub iyo deegaano laga xoreeyay kooxda AS.

“Wax badan ayaa sanadkan lagu soo kordhiyay imtixaanka tirada ka qayb-galayaasha waxay gaartay 37038 arday, tirada xarumaha waa 136 goobood, tirada dugsiyada ka qayb-galaya 736 dugsi, tirada shaqaalaha kormeerayo 2,870 ah iyo tirada ciidanka booliska ee ka howlgalaya oo ah 2176 askari” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in imtixaanka uu sanadkan ka duwan yahay sanadihii hore, ayna ku dadaaleen dhanka tayada iyo ilaalintiisa.

“Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa aad looga shaqeeyay inuu imtixaanka ka duwanaado imtixaanadii hore dhanka tayada iyo dhanka gaarsiinta” ayuu sii raaciyay wasiirku.

Dhankiisara’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadkan ka daah-furay Muqdisho ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan wasaaradda”.

Waxaa kale oo ra’iisul wasaaruhu boggaadiyay in sanadkan imtixaanka lagu galaayo degmooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda AS.

“”Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Hadlay Daah Furka Imtixaanka 12aad.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Hadlay Daah Furka Imtixaanka 12aad.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Waxbarashada Soomaliya oo Shaaciyay Tirada ardayda Imtixaanka galeeysa fasalka 12aad.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Wasiirka Waxbarashada Soomaliya oo Shaaciyay Tirada ardayda Imtixaanka galeeysa fasalka 12aad.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA