Home Blog Page 2276

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’isul Wasaare Xamsa oo Daah Furay Imtixaanka Fasalka 12aad.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Ra’isul Wasaare Xamsa oo Daah Furay Imtixaanka Fasalka 12aad.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciyaaro Hidaha iyo dhaqanka iyo Jalalaqsi

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Ciyaaro Hidaha iyo dhaqanka iyo Jalalaqsi

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} shacabka Buulo-Xaaji oo loogu baaqay in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada jubblanad

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} shacabka Buulo-Xaaji oo loogu baaqay in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada jubblanad

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland ayaa looga digay inay Imtixaanka keento Gobolka Sanaag.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Somaliland ayaa looga digay inay Imtixaanka keento Gobolka Sanaag.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.06.2024}

Sabti 22 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay ujeedada Safarka Odayaasha dhaqanka ee Gaaray Degmada Jalalaqsi.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Maxay tahay ujeedada Safarka Odayaasha dhaqanka ee Gaaray Degmada Jalalaqsi.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Boqolaal Shacab ah oo khasaaro kala duwan kasoo gaaray banaanbaxa ka socdo Kenya.

0

Sabti 22 June 2024 {HMC} Boqolaal Shacab ah oo khasaaro kala duwan kasoo gaaray banaanbaxa ka socdo Kenya.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

68 tahriibe oo laga badbaadiyay badda Atlaantiga

Sabti 22 June 2024 {HMC} Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain, markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil ayaa arkay Arbacadii la soo dhaafay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga.

Doonta ayaa mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife, oo ka mid ah todobada jasiiradood ee Jasiiradaha la isuku yirahdo Canaries, ka dibna ku wargeliyay Markabka dalxiis.

Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta.

Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira.

Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal.

Midowga Africa oo war kasoo saaray bixitaanka ciidanka ATMIS.

Sabti 22 June 2024 {HMC} Gollaha Amaanka ee Midowga Africa ayaa bayaan uu soo saaray shalay ku taageeray, in aan la de dejin bixitaanka ciidamada Midowga Africa ee ka howl gala Soomaaliya ee ATMIS, ee dowladda ka caawiya dhinaca amaanka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xag jirka ah ee al-Shabab.

Dhamaadka bishan June, ayuu qorshuhu ahaa in 4,000 oo askari oo ka mid ah 13,500 oo askari oo ATMIS ah ay ka baxaan Soomaaliya.

Laakiin, ka dib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo bishii May loo gudbiyay Gollaha Amaanka ee Midowga Africa, Gollaha Midowga Afrika ayaa kullan uu arrintaasi ka yeeshay Khamiistii Magaalada Addis Ababa wuxuu ku taageeray codsiga dowladda ee ahaa in la tartiibiyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in 2 kun oo askari oo kaliya ay baxaan bishan June, labada kelena ay baxaan bisha September ee sanadkan.

Bayaan uu soo saaray ayuu Golluhu ku sheegay si aanu u dhicin firaaq amni, al-shababna aysan u helin fursad kale oo ay ku majaxaabiso dowladda Soomaaliya, inuu ku baaqayo in la sameeyo “Howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo oo ATMIS bedella.

Maxeey tahay taariiqda ka dhaxayso Fowziya iyo kursiga AU-da?

Sabti 22 June 2024 {HMC} Fowziya Yuusuf Xaaji Aden waa gabar karti badan oo xilal qiima badan ka soo qabatay dalkaan, waana ka soo dhalaali karta xil kasta oo ay qabato mid qaran iyo mid caalamiba. Kurisiga AU waa kursi muhiim ah oo dalka ay dano badani ugu jiraan, waana mudan yahay in loo tartamo, laakiin akhriste dalku wuxuu leeyahy hortabyo qofka ka muhiimsan kuwaas oo la rabo inay dowladda iyo dadkaba ay qimeyn karaan.

Waxaa baraha bulshada iyo shir jaraa’id oo Marwo Fowziya qabatay ka muuqday inay arrinkan shakhsiyadeynayaan siyaasiyiin la hubo inay runta iyo xogta dhabta ah ee arrinaan ay ogyihiin, laakiin dano siaasadeed oo tii naga dhaxesay ee ka dalka uga sokeeya iyaga ka dhex arkay.

Madaxda dalka waa aamninsan tahay inay u qalanto jagadaas ay hadda daba joogto ee Xoghayaha Guud ee AU xildhibaan Fowziya. Laakiin waxaa masakaxshiil iyo maanka oo si qarameysan loo gedgediyo u baahan inaan dhinacyo badan ka fiirinno fursafaha iyo caqabadaha ku gadaaman kuisgaan kuwee badan?

Jagada waxaa xogahaya guud ee African Union, waa jago muhiim oo siyaasadeed oo cid walba oo codkeeda ku siineysaa kaa sugeyso inay wax kaaga badalato ama aadan ku dhibeyn marka aad qabatid ama aysan idinka dhaxeyn colaad kale.

Haddaba, ma jiraan caqabadda keeni kara inay kursiga naga hor joogsadaan marka aynu isu soo taagno kuwaas oo aan xuman ahayn laakiin dano daleed ah oo keeni kara inaan ku guuldarreysanno, kadibna ay nooga yimaadaan dhibatooyin waaweyn oo dalkeena jiritaankiisa saameya, in dalka lakala gooyo?

Haa waxaana ka mid ah:

Qodobka kowaad: Soomaaliya waxaa jooga ciidan ka kooban 12 dal oo Afrikaan ah oo taageera dowladda Somaliyeed taas oo ay waddamada qaar u arkaan inaadan ka noqon karin dhexdhexaad go’aanada qaar ama uu go’aankeennu uu noqdo mid jilicsan ama jihaysan oo janjeer leh. Taas waxay noo keeni kartaa inaan kuriska weyno oo waddamada nala tartamaya ay doodooda ku dhisaan qodoobkaas, codkana aan ku weyno.

Qodobka labaad: Waxaa qeybsamaya codadka dalalka Afrika, taasina ay hiil u noqoto inuu soo baxo qof annaga dhib nagu ah kaas oo la hubo inuu noqon doono qof saameyn ku dhex golaha, kadibna dhiirrigelin kara inuu wax ka badalo qodobka midnamadeenna ilaaliya hadda oo ah “In xuduudaha Afrika loo dhaafo sidii uu gumeysiga uga tagay.” Waxaana ka mid shakhsiyaadka qaba in Soomaaliya la kala gooyo oo musharraxa ruug caddaaga reer Kenya ee Raila Odinga oo ah tartame dalkiisa iyo isgaba ay cukus yihiin ah. Halkaan ka daawo isago leh Soomaaliya waa in la jaraa https://saxafimedia.com/raila-odinga-somaliland-quest-recognition/.

Qodobka seddexaad: Waxaan Afrika codsannay inay nagu taageeraan kursiga xubinimada aan joogtada ee golaha ammaanka kaas oo wax badan ka awood badan kan AU-da, waxayna siyeen dhamaan codadka AU. Ogow taas hadiyad Soomaali lala jeclaaday ma ahayn ee waxay ku timid dadaallo siyaasadeed oo isdaba texnaa, waxaana ka mid ahaa in wax na lookaga badasho oo aan ka harno kursigan AU, walow aan hadda kor lo sheegeyn.

Haddaba dadka maanta rabaa inaay arrinkaan ka dhigaan mid gabar iyo qof gaar ah loogu dan leeyahay waa doqonimo weyn oo u baahan in dib loo eego galalkooda taariikheed dadka ku doodaya arrimahan oo uu Fahad Yasiin ka mid yahay.

Ugu dambeyn dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa inaysan fududeysan inuu kursigaan yimaado ruux raba inuu Soomaaliya kala gooyo si awooddeeda daleed loo wiiqo.

Sidaas darteed, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyed waa inay qaataan go’aan ay caadifadda ka maran tahay oo ay Soomaaliya ka tanasushaa kursiga AU codkeedana ku biirisaa musharraxa dalka aan walaalaha nahay ee Jibuuti oo mar waliba u taagan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waa wasiirkiisa arrimaha dibadda ee Djibouti muddo 15 sano ah Maxamud Cali Yuusuf.

Ogow Musharraxa reer Djibouti, waxaa uu heli karaa codadka Afrikaanka ku hadla luqadda Faransiiska oo tiradoodu badan tahay iyo kuwa ku jira Jamacadda Carabta, laakiin haddii ay Soomaaliya tartanto waxay kala qeybin kartaa codadkaas waxaana si fudud ku soo bixi kara Raila Odinga oo la hubo inaan maalin ka shallaay doonno haddaan caadifad ku shaqeyno oo aan xisaabta dhinac fiican manta la eegin.

Dowladda waxay sameysay dadaal aad u weyn sida ay Fowziya ku sheegtay shirkeeda:

1- Inay waraaqo u qirtay 50 dal oo Afrikaan ah, hal dal oo kaliya ayaa ku soo jawaabay inay codsigeenna texgelin doonaan.

2- Qiimeyn ay dowladda sameysay waxaa u soo baxday kursigii Golaha Amaanka ka dib inay xaalado badan is badaleen.

3- Tartan oo markii hore ay Kenya Raila soo sharraxatay ma jirin waddo ay Soomaaliya ku ogolaan kartay inay Raila taageerto, waxayna soo shaarxday Marwo Fowziya laakiin markii ay Jibuuto soo dhigtay Muasharaxeeda ayaa waxaa dowladda u soo baxday inay codadka kala jabi karaan oo uu Raila heli karo fursad uu ku soo baxo.

Marka dadaalkaas dheer ayey dowladd u gashay kursiga kadibna ay u aragtay inuu Soomaaliya danaheeda dhaawacayo.

Gabagabadii walaasheen Fawziya waxaan ka sugeynay inay tiraahdo waan u tanasulayaa dadkeyga iyo midnimada aan weligey u taagnaa waxaana la ololeynayaa walaakey Maxamud Cali Yusuf oo codadkeyga ku biirinayaa.

Sabatuna waa tan: Fowziya waxay noqon lahayd halyeeyad mustaqbal hogaamineed u soo istaagi karta dalkan waa qof qaadan kara go’aan kharaar waayo waxay leedahay taariikh mug weyn leh oo ay ka dhaxashay laba waddani oo ay guri kula noolaatay Gen. Abukar Aftooje iyo xurmadle Yuusuf Xaaji Allah ha u naxariistee oo maanta haddii ay joogi lahaayeen ku oran lahaa Fowziya ka joog waa siriq iyo booraan hadimo oo noo soo dhuman karta keenina karta waxaan u noleyn inay halkaas ka baxaan taas oo midnimadii aan u so halgannay.