Home Blog Page 2281

{DAAWO MUUQAALKA} Sanbaloolshe “Xawaadle 91-dii ilaa iyo hada ” Cali garleh Ceydiidne garleh.

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Sanbaloolshe “Xawaadle 91-dii ilaa iyo hada ” Cali garleh Ceydiidne garleh.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA} Danjiraha cusub ee Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray

Khamiis june,20 2024 (HMC) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday.

Waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn uga taageera Somalia dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadamnimada, waxaana Somalia ka jooga boqolaal askari oo milateriga DF ka taageera arrimaha tababarada iyo howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 20 6 2024

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 20 6 2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Mareykanka oo Shaaciyay tirada dadka sharciga daganaashaha siinayo iyo Shuruud ku xiran

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka oo Shaaciyay tirada dadka sharciga daganaashaha siinayo iyo Shuruud ku xiran

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Maxaa Ka Jiro in Canada aay argagaxiso u aqoonsatay Milateriga Iran

Khamiis june,20 2024 (HMC) – Canada ayaa liiska waxa loogu yeero argagixisada ku dartay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC)

Waxaa go’aankan ku dhawaaqay wasiirka Amniga Dadweynaha Canada, Dominic LeBlanc.

Talaabadan ayaa ka dhigan inay xiri doonaan laamaha sirdoonka Canada, dadka ku sugan gudaha dalkooda ee lagu helo inay taageeraan IRGC, si la mid ah waxay xayiri doonaan hantida saraakiisha ciidankan.

Ilaalada Kacaanka Iran, waa ciidanka ugu sarreeya Iran, tan oo ka dhigan inay Canada u aqoonsanayso argagixiso ciidamada ugu awoodda badan ee uu dal leeyahay

Falkan ayaa sare u qaadaya xiisadda reer galbeedka iyo Iran. Sida cad Iran ayaa qaadi doonto tallaabooyin tan la mid ah oo liiskeeda argagixisada ay ugu dari karto militariga Canada.

{DAAWO MUUQAALKA} Faysal Waraabe,oo Dawlada Jabuuti iyo Madaxweynahooda u hanjabay,

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Faysal Waraabe,oo Dawlada Jabuuti iyo Madaxweynahooda u hanjabay,

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 20 06 2024

Khamiis june,20 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdimajiid Abdiraxman & Sahra Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Sargaal Sare oo ka tirsan AS oo lagu Dilay Howlgal gaar ah.

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Sargaal Sare oo ka tirsan AS oo lagu Dilay Howlgal gaar ah.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Ciidanka Israel oo si cad u sheegay inaan laga adkaan karin Xamaas

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari ayaa si la yaab leh u qirtay inaysan suuragal ahayn Israa’iil inay burburiso oo ay meesha ka saarto Xamaas.

Wuxuu ku sheegay hadalkan waraysi uu siiyay telefishinka Israa’iil ee Channel 13 “Xamaas waa fikrad, mana dhimato fikrada, waxayna ku jiraan quluubta Falastiiniyiinta, wayna nagu adagtahay in aan meesha ka saarno.” ayuu yiri

Wuxuu intaa ku daray, “Marna ma soo celin karno dhammaan dadka la afduubay annagoo adeegsanayna qaab ciidan, Qiimaha aan ku bixinay dagaalkan waa mid aad u sarreeya, marna ma aamusi karno.”

Hadalkan, markiiba wuxuu gilgilay Israa’iil iyadoo oo uu soo baxay Netanyahu oo sheegaya “Burburinta Xamaas waa hadafka dagaalka, Ciidamada Israa’iilna waxaa ka go’an inay gaaraan hadafkan.” ayuu yiri.

Wargeysyada iyo telefishinnada Israa’iil ayaa hadda ka dhigtay ciwaannada kore ee wararkooda soo shaac bixista khilaaf u dhaxeeya militariga iyo Netanyahu, tan oo sare u qaadaysa doodda Israa’iiliyiinta, gaar ahaan qoysaska maxaabiista oo sheegaya in Netanyahu uu dagaalkan u dheereynayo si indho la’aan ah, sababo u gaar ah oo uu ku doonayo inuu kursiga ku sii joogo.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo fallanqeeyaasha Israa’iil ayaa dhankooda soo bandhigay inay si cad u muuqanayso inuusan jirin qorshe ay Israa’iil ku guuleystan karto, hadalka afhayeenka militariga ayay ku sheegeen inuu soo dedejinayo ciidanka iyo dadweynaha inay ka daalaan dagaalka aan lahayn wax qorshe ah.

Maxaa Ka Jiro In MD Xasan uu dhabarka ka jabiyay Xil Fowsiyo oo u sharaxneyd xilka Guddoomiyaha AU

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u sharaxneyd xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ee doorashadiisa dhaceyso sannadka soo socda ,ayaa lagu cadaadiyay in ay ka harto tartanka una tanaasusho dowlad kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada dalka ayaa si weyn ugu cadaadiyay xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in tartanka doorashada isaga harto kana tanaasusho.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabatay ayaa ka hadashay cadaadis uga yimid madaxda dalka ugu sarreeya , kuwaa oo uga baxay ballamihii ay horey u galeen kuna cadaadiyeen in ay doorashada ka harto.

Waxa ay sheegtay xildhibaan Fowsiya in si wadajir ah ugu yeereen Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, waxa ayna sheegtay in dhammaan u sheegeen in ay isaga harto tartanka una tanaasusho dowladda Jabuuti oo kursigaasi rabta.

Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay in ay aad uga naxday ugana niyad jabtay codsiga loola yimid, waxa ayna xustay in madaxda weydiisay danta ugu jirta in ay doorashada ka harto, iyadoo tilmaanta in ay jawaab u waayeen kaliyana u sheegeen in Madaxweyne Geelle codsaday.

Waxa kale oo ay sheegtay in kursigan olole xooggan u gashay ayna kasbatay taageerada waddamo badan oo Afrikan ah ay ugu horreeyaan kuwa ku jira ururka Islaamka iyo dalal kale oo Afrika kuyaalla, waxa ayna xustay in ay heesato codad ay ku guuleysan karto.

Fowsiya ayaa hadalkeeda ku dartay in sidan oo kale Madaxweyne Xasan Sheekh sanandkii 2016-kii uga reebay kursiga doorashadan ay u sharaxneyd, waxa ayna xustay in xilligaasi Madaxweynaha uga reebay kaliya in Kenya oo u sharaxneyd kursigaasu ka dalbatay, ayna ku guuldareesatay Kenya in ay hesho.

” Tiro labo jeer ayaa la iidiidan yahay la igana reebayaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika tartankiisa, waxana garan la ahay sababta la ii takoorayo , ma haweenimadaa mise waa sababo kale oo qarsoon, mansabkaas labo mar ayaa la iga hor istaagay, waa la tartamayaa haddii dowladaha ku heshiiyaan in looga horo midka ugu horreeya, balse lama arag qof in tartan aan wali la gelin dowlad kale darteed loga reebo” ayey tiri Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf.

Ugu dambeyn Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shaacisay in aysan ka tanaasuli doonin tartanka doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika ay u sharaxan tahay, iyadoona so cad isaga diiday dalabkii madaxda dalka ee ahaa in Jabuuti u tanaasusho mar kale.