Home Blog Page 2282

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Sodma oo Ka Qeybgalay Shir Ka Dhacay dalka Japan

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan howlo shaqo u joogay magalada Himeji ee dalka Japan iyaga oo ka qayb-galaya shir laba sanadle ah oo lagu magacaabo Madasha Caalamiga ah ee Fahamka Halista “Understanding Risk Global Forum“.

Gudoomiyaha ayaa Madasha ka jeediyay khudbadiisa oo uu kaga hadlay sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaalla hay’adda. Wafdiga ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirar doceedyo iyo doodo looga hadlayay arimaha la xiriira maaraynta masiiboouyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn.

Ugu danbeeyntii, Guddoomiye Maxamuud ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo abaabulka shirka iyo dowladda Japan oo martigalisay.

Wasiir Fartaag oo Qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaalia

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxaladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Boliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta uleh amniga sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

 

RW Xamse Barre oo xil cusub u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cali

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali La-taliyaha sare ee dhaqaalaha.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale loogu magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi in uu noqdo agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha .

Ninkan loo magacaabay labada xil ee lataliyaha iyo agaasinka ayaa la sheegay in uu kamid yahay dadka aadka ugu dhaw Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna qeyb ka yahay xubno badan oo xilal looga tixay xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa xilal u badan lataliyaal looga magacaabay xubno ku yimid saaxiibtinimo iyo xubno kale oo iyana lagu magacaabay ballanqaadyo loo sameeyay siyaasiyiin dano lagu meel marsaday.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo kasoo gudbay Xadka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Boqolaal ka tirsan Ciidamada itoobiya ayaa shalay ilaa manta kasoo gudbay Xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidamadan oo aad u hubeeysan ayaa kasoo gudbay Degmada Feerfeer Soomaaliya oo ku taalla Xadka

 

Dadka ku nool degmada Feerfeer Soomaaliya ayaa Hiiraanweyn u sheegay in ay arkeeyn Ciidamo farabadan oo itoobiyaan ah kuwaas oo lug uga soo gudbay Xadka shalay ilaa manta iyada oo wato Gaadiid dagaal oo aad ufarabadan

 

ilaa iyo hada lama-oga ujeedka Rasmiga ah ee ka dambeeysay in Ciidamadan ay kasoo gudbaan Xadka Gobolka Hiiraan uu a wadaago Dowlada Deegaanka Soomalida Itoobiya. Arintan ayaa dadka deegaanka waxaa ay ku abuurtay Walaac xoogan

 

Ciidamada Soo gudbay ayey dadka deegaanka sheekeyn In lagu Qiyaasay ilaa toban-kun oo askari, Deegaanada Jawiil Jiracle ilaa Beergadiid ayaa Manta lagu arkay Ciidamadan Itoobiyaanka ah kuwaas oo wato gaadiid dagaal oo aad u badan

 

Dhaq dhaqaaqa ay Bilaabeen Ciidamada Itoobiya ayaa kuso aadeysa xilli Khilaaf Xoogan oo udhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan Soomaaliya laga Saarayo Ciidamada itoobiyaanka ah sanadkan gaar ahaan Bisha Juun

 

Dowlada Itoobiya oo hadalkan ka jawaabtay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku joogto Magaca ATMIS Ila aiyo hadane dhinacooda uunan war kasoo gaarin.

MD Xasan oo Muqdisho ku soo laabtay Kidib Safaro uu Ku Tagay Dalal Dhoowr Ah

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeybgaley Madasha Nabadda ee Oslo , halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu dalka Switzerland uga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gabagabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal.

{DAAWO MUUQAALKA} Waa kuma ciyaariyahanka 2aad ee ugu safarada badan Tartanka Euro ah

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Waa kuma ciyaariyahanka 2aad ee ugu safarada badan Tartanka Euro ah

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ku Heshiiyeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti?

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Maxay ku Heshiiyeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee Puntland u qabatay taliyihii $5-ta milyan ka qaatay MV Abdullah?

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Sidee Puntland u qabatay taliyihii $5-ta milyan ka qaatay MV Abdullah?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo kulan mahadcelin ah u qabatay gudigii Hilibka Xoolihii Udxiyada ahaa qeybiyey maalmihii ciida

Khamiis 20 June 2024 {HMC} DFS oo kulan mahadcelin ah u qabatay gudigii Hilibka Xoolihii Udxiyada ahaa qeybiyey maalmihii ciida

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Ciidanka Xooga Dalka oo Howlgal qorsheysan ku dilay sargaal katirsanaa AS

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab oo xilal kala duwan soo qabtay.

Ciidanka Gorgor ayaana gurigiisa oo kuyaalla deegaanka Shaamgarre ugu galay sargaalkan oo lagu magacabayay Sakariye Cabduqaadir Shabeelow (Moosow) , waxaana la sheegay in ciidanka ninkaasi goobtaasi ku dileen.

Taliyaha ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan ay dileen uu soo noqday madaxii miinooyinka Al Shabaab deegaannada Bariire iyo Owdheegle, haddana uu Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca jaajuusnimada .

Waxa uu sheegay taliyaha Gorgor in ninkan ay dileen uu ahaa nin shar badan oo dhibaatooyin badan ku hayay dadka deegaanka, waxa uu sheegay in dad badan ka gubay gaadiid iyo mootooyin kuwa kalana uu dhac u geestay.

Taliyaha ururka 1-aad ee ciidamada Gorgor Cabdisalaan Jaamac Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad kale oo lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo howlgalka lagu soo qabtay, kuwaa uu sheegay in ay ka socdaan baaritaanno.