Isniin 17 June 2024 {HMC} Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud oo maalintii labaad si weyn looga ciiday.
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo Ismaamulada Waqooqi Bari oo ka hadlay dagaalka AS
Isniin 17 June 2024 {HMC}Wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo Ismaamulada Waqooqi Bari oo ka hadlay dagaalka AS
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Duqeeymo Dhanka Cirka ah oo Lagu Dilay Xubno Katirsan AS
Isniin june, 17 2024 (HMC) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamo caalami ah, ayaa xalay weerar dhinaca cirka ah waxa ay ka fuliyeen deegaanno kuyaalla xadka ay wadaagaan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud.
Diyaaradaha dagaalka ayaana beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab, waxaa sidoo kale duqeynta lagu gubay gaadiid dagaal iyo kuwa xamuul qaada oo ay wateen Al Shabaab.
Taliyaha ururka 86-aad guutada 77 ee ciidanka xoogga dalka Cabdinuur Yuusuf Qadaaye ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn lagu garaacay goobo ay joogeen Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan.
Waxa uu sheegay taliyahan in duqeynta Al Shabaab looga dilay 28-dagaalyahan, waxa uu sidoo kale tilmaamay in rag badan weerarkaasi looga dhaawacay, waxa uuna intaa ku daray in dhaawacyada Al Shabaab la geeyay Cowsweyne.
Taliye Cabdinuur Qadaaye ayaa sheegay in duqeynta diyaaradeed ee xalay dhacday lagu gubay gaari dagaal oo Cabdi Bille ahaa iyo sidoo kale labo gaari oo nuuca loo yaqaan BG ay xamuulka qaada.
Kooxda xalay weerarka cirka ah lagu beegsaday kooxdan katirsan Al Shabaab ayuu sheegay sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya in aagaasi shalay soo gaareen ayna ka abuubuli rabeen weeraro, waxa uua xusay in duqeynta dhacday xilli xoolo qalasho ku jireen.
Diyaaradaha dagaalka ee garabka siiya ciidanka xoogga dalka ayaa fuliya weeraro dhinaca cirka ah oo lagu beegsanayo Al Shabaab, weeraradaasi ayaana mararka qara khasaarooyin xooggan kasoo gaaraan Al Shabaab.
{DAAWO MUUQAALKA} Ku dhowaad 30 AS ah oo lagu dilay howlgal
Isniin 17 June 2024 {HMC} Ku dhowaad 30 AS ah oo lagu dilay howlgal
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17/ 06/ 2024}
Isniin june, 17 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdimaajid Adbdirahman Addan iyo Shukri Baryare Maxamuud
Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Maxaa loo fasiran karaa hadalka ay ka carootay Soomaaliya ee ay sheegtay Itooboiya iyada oo uu weli taagan yahay khilaafka labada dal.
isniin june, 17 2024 (HMC) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si weyn loo hadal hayay qoraal lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter kaas oo uu soo daabacay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bululta oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid millatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.
Qoraalkan oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa waxaa isna qoraal kale ugasoo jawaabay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir maxamed Nuur isaga oo si kulul u cambaareeyay hadalka kasoo yeeray wasiir Bululta.
Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraalkaas uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Fariimaha marin habaabinta ah ee baraha Bulshada la soo marinaayo loona soo dhiibey Wasiirada Ethiopia waa riyo maalmeed. Ethiopia way ogtahay taako dhul Soomaaliyeed ka mid ah ineysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jirey, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan”.!
Balse saacado kooban kadib waxaa hawada ka baxay qoraalkii uu soo dhigay wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee Itoobiya kaas oo u muuqday in gebi ahaanba la tir-tiray.
Dad badan ayaa u fasiray in Itoobiya ay gaabsaneyso ka hadalka arrintan halka kuwa kalana ay u fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Tiwtter.
Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya ahna falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska gaar ahaan Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arrinkan mid aan wax badan kasoo cusbooneysiineyn halkii ay kala taagnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

fasireen in sababo farsamo awgood qoraalka looga saaray barta X ama Tiwtter.
“Wasiiru-dowlaha warshada ee Itoobiya waxa uu ka hadlayay heshiiskii ay la gaartay Somaliland in uu sax yahay, taas ayuu ka hadlayay maadaama Itoobiya arrin ay muddo dheer dooneysay, hadalkiisa waxa uu daba socday heshiiskaas ee ilama aha in uu wax cusub ka hadlay”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “in qoraalka laga saaro barta X ee wasiirku uu kusoo qoray waxa ay u muuqataa in looga saaray qaab farsamo, uma maleynayo in go’aankii Itoobiya uu wax iska bedelay inta aan ognahayna kama aysan laaban laakiin waxaa jiri kara sababo kale”, ayuu sii raaciyay.
Waxa uu sheegay in aysan jirin wax saan-saan ah oo haba yaraatee muujineysa in ay degtay xiisaddii u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Itoobiya aysan heshiis la geli karin ilaa ay aqoonsato taasina ay weli ku howlantahay.
“Somaliland waxa aminsantahay in aqoonsigu uu u horreeyo markaa kadibna ay heshiis la geli karto dowladda Itoobiya, halka Itoobiyana ay leedahay marka dhulka nala siiyo ayaan aqoonsaneynaa, taas ayaa muuqata laakiin weli ma cada oo guddi farsamo ayaa loo saaray”, ayuu sii raaciyay wasiir Maxamed Mukhtaar.

Bilowgii sanadkan Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo dhul badeed kiro ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.
Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.
Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.
Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.
Kadib heshiiskaasi Soomaaliya ayaa muujisay caro weyn iyada oo heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland ku sheegtay xad gudub cad iyo in lasoo fara geliyay madax bannaanideeda dhuleed.
Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo kala diray golihii wasiirada ee dagaalka
isniin june, 17 2024 (HMC) – TEL AVIV — Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.
Talaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka.
Talaabada uu maanta qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka.
Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza.
Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza.
Waxaa kuwaas ka mid ah golaha amniga, halkaasi oo xulufadiisa midigta fog ee ka soo horjeeda heshiis xabad-joojoin, islamarkaana taageersan in dib loo qabsado Gaza, ay xubno ka yihiin.
Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa la dhisay maalmo kadib bilowgii dagaalka Gaza, markii Gantz oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee siyaasadda dhexe uu ku biiray xulufada, si loo muujiyo midnimo kadib weerarkii ay Xamas ku qaaday Israel 7-dii October.
Gantz ayaa dalbaday gole kooban oo yar in ay hagaan dagaalka, isaga oo isku dayaya inuu dhinac u riixo xubnaha midigta-fog ee dowladda Netanyahu.
Waxa ay ka koobnaayeen saddex xubnood oo kala ah Gantz, Netanyahu iyo wasiirka difaaa Yoav Gallant, waxayna si wadajir ah u qaadan jireen go’aanada intii uu socdal dagaalka.
Is-casilaadda Gantz, ayaa in kasta oo aysan halis ah toos ah ku hayn xukunka Netanyahu, waxay haddana ruxday siyaasadda Israel xilli xasaasi ah.
Madaxii hore ee militariga Israel ayaa loo arkay mas’uul xoojiyey muuqaalka Israel ee saaxiibada caalamka, xilli Israel ay ku jirto xilligeedii loogu go’doominta badnaa.
Dowladda Netanyahu ayaa ah tii ugu diin ay garab midigsaneyd abid. Hanaanka baarlamanka Israel ee kala qeybsanaanta badan, ayaa Netanyahu ku qasbay in uu caawimaad ka raadiyo xisbiyada yar yar ee midigta.
Islamarkaana ayada oo aysan jirin taageerada xisbiga Gantz, Netanyahu ayaa waxaa qasab ku noqon kara in uu usii durqo dhanka xulufadiisa midigta, kuwaas oo marar badan ballan-qaaday inay ridi doonaan dowladda haddii aan la fulin dalabyadooda.
Dadka dhaliila ayaa sheegaya in go’aanada Netanyahu ee dagaalka ay si weyn u saameeyeen xagjiriinta ku jira dowladdiisa. Netayahu ayaa beeniyey eedeymahaas, wuxuuna sheegay inuu maanka ku hayo waxa ugu wanaagsan dalka.
Israa’iil oo ku kala qeyb santay tallaabo dadka reer Qasa waxtar u leh oo ay qaadeen milatariga Israa’iil
isniin june, 17 2024 (HMC) – Milatariga Israa’iil ayaa maalin kale oggolaaday Xabad joojin ay ku tilmaameen ‘taatiko’ taas oo ay ka sameeyeen xaduudaha galbeed Gaza.
Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay qorshe loogu talagalay in gargaarka bini’adantinimo gaaro dadka balse waxaa go’aankaasi cambaareeyay raysal wasaaraha Irsaa’iil Benjamin Netanyahu, iyo dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda midigta-fog.
Inkastoo ay taasi jirto hadana militariga ayaanan dhag jalaq u siinin oo weli sii wada qorshaha xabad joojinta maalin laha ah.
Xabad joojinta xaddidan ayaa loogu talagalay in loogu oggolaado baabuurta xamuulka ah inay ka qaataan gargaarka is-goysyada Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay weli walaac ka muujinayaan ammaanka. (Israa’iil waxay sheegtay in howlgallada militari ay ka sii socon doonaan Rafah iyo aagagga koonfurta Qaza ee ka fog waddada saadka ee loogu talagalay).
{DAAWO MUUQAALKA} Magaalada London ee dalka UK oo si weyn looga ciiday.
Isniin 17 June 2024 {HMC} Magaalada London ee dalka UK oo si weyn looga ciiday.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Mid kamid ah Burcad Badeedii Weraray Markab isticmaalayey Xeebaha Soomaaliya oo la Xeray.
Isniin 17 June 2024 {HMC} Mid kamid ah Burcad Badeedii Weraray Markab isticmaalayey Xeebaha Soomaaliya oo la Xeray.



