Home Blog Page 2292

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Hakan Fidan oo Ka Wada Hadlay Arima Muhiim U ah Soomaalida

Isniin june, 17 2024 (HMC) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa shalay salaadda Ciidda Carafo kula tukaday Masjid ku yaala magaalada Ankara Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi mudane Cevdet Yılmaz iyo qaar ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalka Turkiga.

Turkiga ayaa dhowrkii iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ahaa saaxiibka ugu weyn Dowlada Somalia, isagoo ka taageerayey arrimaha amniga, dib u dhiska ciidamada, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta.

Israel oo xirtay Wiil 17-jir Yuhuudi ah oo Somalia u soo aadi rabay in uu kaga Biiro Daacish

Isniin june, 17 2024 (HMC) – Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay inay xireen nin dhallinyaro Israa’iili ah oo deggan magaalo ku dhow Haifa, kaaso isku diyaarinayay inuu u safro Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in ninkan Soomaaliya u soo aadi rabay si uu ugu biiro kooxda Daacishta Soomaaliya, weerarrana uga geysto gudaha Israa’iil iyo caalamka.

Ninkan oo 17 jir ah ayaa la sheegay inuu diyaariyay qorshaha uu ku tagi laha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xiriir la sameeyo Daacish isagoo adeegsanaya internetka, sida ay maanta sheegtay Hay’adaha ammaanka Israa’iil ee ShinBet.

Iyadoo arrintan ay soo shaac baxayso maalmo kaddib markii saraakiil Mareykan ah laga soo xigtay in madaxa Daacishta Soomaaliya uu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda Daacish.

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse oo waqti la qaatay shacab ku ciidayey Beerta Daru-Salaam

Isniin june, 17 2024 (HMC) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, ayaa halkaas wakhti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {17/06/2024}

Isniin june, 17 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::  Shukri Baryare

Farsamadii ::Abdirahman Muse {Hagar}

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Maxaa kasoo baxay shirweynihii Switzerland?

Isniin june, 17 2024 (HMC) –  Ku dhawaad 80 wadan oo ka mid ah ilaa 100 waddan oo labadi maalin ee lasoo dhaafay shir caalami ah uu uga socday dalka Switzerland ayaa Axaddii shalay ku baaqay in “Midnimada dhuleed” ee Ukraine ay saldhig u noqoto heshiis kasta oo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka laba sano jirsaday ee uu Ruushka ka wado Ukraine.

Hase yeeshee shirkan oo ay ka qeybgaleen ilaa iyo 100 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa ku guuldareystay in qaar ka mid ah waddamadi muhiimka ahaa ee ka qeybgalay ay saxiixaan cayaanki ugu danbeeyay ee kasoo baxay shirka.

War-murtiyeedka ayaa lagu soo koobay mirihi kasoo baxay shirka labada maalin socday, kaas oo aanan lagu casuumin Ruushka, balse qaar badan oo ka mid ah hogaamiyaashi ka qeybgalay ayaa rajo ka muujiyay in suurtagalnimada in Ruushka uu ka qeybgalo geeddi socodka nabadda ee mustaqbalka labada dhinac.

Dalalki ka qeybgalay isla markaana saxiixay war-murtiyeedka shirka ayaa waxaa ka mid ahaa, Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Britain, Japan, Polan, Turkey, Somalia, Kenya, Argentina iyo Ecuador.

Dalalka aanan saxiixin war-murtiyeedka shirki shalay lagu soo gaba gabeeyay dalka Switzerland ayaa waxaa ka mid ahaa India, Mexico, Saudi Arabia, South Africa, Thailand iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Brazil, oo goobjooge aheyd ma saxiixin, halka Shiinaha uusanba soo xaadirin.

Ruushka ayaa ku duulay Ukraine, bishii February ee sannadki 2022-dii, tan iyo markaas dagaalka Ukraine ayaa waxaa lagu dilay laguna dhaawacay boqollaal kun oo qof, halka kumannaan kun oo kalana ay ku barakaceen ama qaxeen.

Maamulka Puntland oo amar deg-deg ah dul dhigay Itoobiyaanka ku sugan Garoowe

Isniin june, 17 2024 (HMC) –   Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed.

“Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin hadda waqtigeedii bey gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno, cidda aan sharciga ku haysan magaalada inay isaga baxaay.”

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay Itoobiyaanka si aad ah ugu soo qul-qulayaab magaalada Garoowe, islamarkaana laga muujiyay cabasho xooggan, maadaama ay magaalada soo buux dhaafiyeen, walaacna laga muujiyay hab dhaqankooda.

Itoobiyaanka ayaa sidoo la sheega inay la wareegeen shaqooyinkii ay ku tiirsanaayeen dadka muwaadiniinta ah qaarkood, kuwaasi oo si gaar ah ugu sii tiirsanaayeen qoysaska danyarta ah, oo ay kamid tahay caseeyaha ama baalashka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalo ka tirsan maamulka Puntland laga saaro dadka Itoobiyaanka, ayada oo la xasuusto inuu horey maamulka degmada Gaalkacyo uga mamnuucay magaaladaasi.

RW Xamse oo Kormeer Ku tegay Deegaanka Daaru-Salaam ee Duleedka Muqdisho

Isniin june, 17 2024 (HMC) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, ayaa halkaas wakhti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya”

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH: Xukun Adag oo lagu Riday Xubno ka tirsan ka tirsan Garsoorka.

0

Isniin 17 June 2024 {HMC} WAR DEG DEG AH: Xukun Adag oo lagu Riday Xubno ka tirsan ka tirsan Garsoorka.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dad badan oo ku dhintay daad ka dhashay roobab Culus.

0

Isniin 17 June 2024 {HMC} Dad badan oo ku dhintay daad ka dhashay roobab Culus.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin iyo Shacabka Guri-Ceel oo diray hambalyo ku aadan maalinta 1aad ee cidul adxa

0

Isniin 17 June 2024 {HMC} Masuuliyiin iyo Shacabka Guri-Ceel oo diray hambalyo ku aadan maalinta 1aad ee cidul adxa

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA