Talaado 18 June 2024 {HMC} Dabaaldaga Maalmaha Ciida Iyo Goobaha Loo Dalxiistago Baladweyne
Ciidanka Greece oo la sheegay in tahriibayaal Soomaali ku jirto ay ku tuureen badda
Talaado june, 18 2024 (HMC) – Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sababay dhimashada tobonaan muhaajiriin ah oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka muddo saddex sano ah sida ay goob joogayaal sheegeen.
Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha.
Sagaalkan qof ayaa kamid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka Ay Sameeysay Waraahinta.
Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa baaritaankeena ku sheegay in eedeymaha falalka sharci darrada ah ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn.
Waxaana La tusnay muuqaalka 12 qof oo la soo saaray doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga, kadibna loogaga tagay doonida, taas oo loo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ilaalada xeebaha Giriigga.
Markii uu ka kacay kursigiisii, ee uu weli makarafoonkiisu shidnaa, waxa uu sheegay in ay “sida iska cad sharci-darro tahay” iyo “dambi caalami ah”.
Dowladda Giriiga ayaa muddo dheer lagu eedeyay inay dib ugu celinayso dadka si qasab ah, iyadoo dadka dib ugu celinaysa Turkiga, halkaasoo ay ka soo gudbeen, taasoo sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Laakiin tani waa markii ugu horreysay oo Warbaahinta ay tiriso dhacdooyinka oo sheegaya in dhimasho ay ka dhalatay falka ilaalada xeebaha Giriigga.
15-kii dhacdo ee aan falanqeynay ee ku taariikhaysan May 2020-23 – ayaa sababay dhimashada 43. Ilaha waxay ahaayeen warbaahinta maxaliga ah, NGO-yada iyo ilaalada xeebaha Turkiga.
Xaqiijinta tiarada noocaan ah aad ayay u adag tahay, marqaatiyadu inta badan waa la waayaa, ama aad ayay uga baqayaan inay hadlaan. Laakiin afar ka mid ah kiisaskan waxaan awoodnay inaan xaqiijinno tiarada annagoo la hadalnay markhaatiyaal goob-joogeyaal ah.
Baaristeenna, oo lagu baahiyay dukumiinti cusub oo la yirahdo Dead Calm: Killing in the Med?, ayaa soo jeedisay qaab cad.
Shan ka mid ah shilalka, muhaajiriinta ayaa sheegay in ay si toos ah badda ugu tuureen maamulka Giriigga. Afar kamid ah kiisaskaas waxay sharraxeen sida ay uga soo degeen jasiiradaha Giriigga laakiin waa la ugaarsaday.
Dhowr dhacdo oo kale, muhaajiriintu waxay sheegeen in la saaray laashash la buufiyo oo aan lahayn matooro ka dibna aaryo baxay, ama ay u muuqdaan in la dalooliyay.
Mid kamid ah dhacdooyinka ugu daran waxaa ka sheekeeyay nin u dhashay Cameroon, kaasi oo sheegay in ay ugaarsadeen mas’uuliyiinta Giriiga ka dib markii uu ka degay jasiiradda Samos Sebtembar 2021.
Si lamid ah dhammaan dadkii aanu waraysanay, waxa uu sheegay in uu qorsheynayay in uu magangalyo doon ahaan iskaga diiwaan-geliyo dhulka Giriiga.
“Si dirqi ah ayaanu ugu soo xiranay jasiiradda, booliiskuna gadaal buu nagaga yimi,” ayuu yiri. “Waxaa jiray laba nin oo boolis ah oo ku labisnaa dhar madow, saddex kalena waxay ku labisanaayeen dhar rayid ah, wejiyada ayay duubnaayeen, waxaad arkaysay oo keliya indhahooda.”
Isaga iyo laba qof oo kale, mid u dhashay Cameroon iyo nin u dhashay Ivory Coast ayaa lagu wareejiyay doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriigga, ayuu yiri, halkaas oo dhacdooyinku ay noqdeen kuwo argagax leh.
“Waxay ku bilaabeen ninka u dhashay Cameroon. Waxay ku tuureen biyihii. Ninka reer Ivory Coast ayaa yiri: ‘I badbaadi, ma rabo inaan dhinto kadibna kaliya gacantiisa ayaa ka sarreysay biyaha, jirkiisuna waa uu ka hooseeyay.”
“Si tartiib tartiib ah ayay gacantiisu u libiqday, ka dibna jirkiisa oo dhan ayay biyihii ka kor mareen.”
Kooxda AS oo Xariir Iskaashi La Bilaaway kooxda Xuutiyiinta Yemen
Talaado june, 18 2024 (HMC) – Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay, in kooxda Al Shabab ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, si ay isugu dayaan in awooddooda ay ku ballaariyaan Soomaaliya.
Saraal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka oo codsaday inaanan la magac-dhabin ayaa sheegay, in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay labadi sano ee lasoo dhaafay Al Shabab ka qabsadeen dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya, balse ay Al Shabab dhinaca kale u rogeen guulahaasi.
“Al Shabab waxay la shaqeynayaan Xuutiyiinta, waa wax la yaab leh oo walaaceeda leh.” Ayuu yiri sarkaalkan Mareykanka ah.
Guuleed Axmed oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka Bariga Dhexe ayaa sheegay in Xuutiyiinta oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxa uu sheegay in Xuuthiyiinta ay horay ugu soo direen Al-Shabaab 3 Injineer oo ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dhismaha hubka casriga ah iyo Bambaanooyin loo sameeyo kooxda AS ee xiriirka la leh Al-Qacida.
Saraakiishu waxay sheegeen in malleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ay xiriirkaan billowga ah u arkaan mid mudan in si dhab ah loo qaato, xilli ay isku dayayaan in ay sii wadaan halista ay ku hayaan maraakiibta Mareykanka iyo Britian ee Badda Cas.
saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in lixdi bil ee lasoo dhaafay ay Al Shabab dinac kale ugu rogeen guulihi ay Ciidanka Milatariga Soomaaliya ka gaareen howlgallada ay kula dagaallamayaan AS.
Saraakiisha Difaaca Mareykanka waxay kaloo sheegeen, in tirada AS ay hadda dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan.
Kororkaasi ayay sheegeen inuu dhacay kaddib marki ay AS xoojisay isku daygeeda dhalinyarada ay qorato iyo dhaqaalaha soo galo kooxda, iyaga oo si gaar ah uga faa’iideystay is-afgaradki horraanti sannadkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo marki danbe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo
{DAAWO SAWIRADA} Rooboow oo Booqday Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed aay deggan yihiin
Talaado june, 18 2024 (HMC) – Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Dr Khadar Daahir ayaa xalay kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo.
Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dowladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kuleyka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka warsanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu howlaneed hubinta iyo la socodka xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee gudanaysa acmaasha Xajka.

Taliska Ciidanka X.D.S oo Qaadanaayo layli saraakiil rag iyo dumarba leh.
Talaado june, 18 2024 (HMC) – Taliska ciidanka X.D.Soomaaliyeed waxa uu qaadanaya layli saraakiil cusub oo rag iyo dumarba leh.
Taariikhda arji qabashada:
Ragga 06-da Luulyo ilaa 18ka Luulyo
Dumarka : 20ka Luulyo ilaa 25Ka Luulyo
Shuruudaha
■Waa inoo ahaada muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya.
■Waa inoo wataa Shahaado dugsi sare oo asal ah(orginal) ama wax ka sareyo.
■Waa inay Da’da u dhaxeysaa 18 sano ilaa 22 sano jir (2002-2006)
■Hadii uu ardayga sanadkaan dugsi sare ka qalin jabiyay aanu wali uso bixin shahaadada waxaa laga doonaya:.Warqad cadeynaysa inuu shahaado suge yahay oo timbaraysan
◇Kaarka imtixaanka dowladda uu ku galay.
◇Dhalasho Iyo sugnaan oo gobolka ah ama Passport.
■In uusan horay uga soo mid noqonin kooxaha argagixisada ah.
■In uusan balwad lahayn.
☆Heerarka dhirika iyo culeyska waxaa lagu muujiyay Tusmada 1’aad.
☆Heerarka awoodda jirka waxaa lagu muujiyay Tusmada 2aad.
☆Maadooyinka Imtixaanka qabuulka iyo tirada su’aalaha waxaa lagu muujiyay Tusmada 3aad.
FG: Ardayga hadii uu ku imaanayo shahaado Jaamacadeed waxa uu horay usoo qaadanayaa Shahaadada dugsi sare oo asal ah {orginal}
Dhamaan ducoment-yada lagaa doonayo waa inay asal ahaadan (orginal) hadii aad fotokopi la timaado laguma qaabili doono.

Maxay Tahay Sababta Ka Danbeeys in Sheekh Shariif uu ammaano Maxamed bin Salmaan?
Talaado june, 18 2024 (HMC) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ammaanay oo u mahad-celiyey dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan oo sanadkan ku marti-qaaday gudashada waajibaadka Xajka.
Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku ammaanay dhaxal-sugaha iyo boqortooyada Sacuudiga is-garab taagga wadamada Islaamka oo dhan, gaar ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’adaannimo.
Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif
Waxay mahad u sugnaatay Allaah {SWT}, oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.
Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.
Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.
{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Gorgor iyo ilaalo Qaran oo isku maray deegaano dhowr ah
Talaado june, 18 2024 (HMC) –Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaalada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.
Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.
Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha AS, ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-galinta gulufka dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo isla shalayciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ay howl-gal ku dileen ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda.
Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.
Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa Kooxda, sidaasna lagu duqeeyay.
“Meydadkii Khawaarijta ayaa daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.
Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

{DAAWO MUUQAALKA} sideey u ciideen Caruurta Caseeyasha ah.?
Talaado 18 June 2024 {HMC} sideey u ciideen Caruurta Caseeyasha ah.?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Faah Faahin Dhimasho iyo Dhaawac ka dhacday Magaalada Baladweyne
Talaado 18 June 2024 {HMC} Faah Faahin Dhimasho iyo Dhaawac ka dhacday Magaalada Baladweyne
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Dabaal daga farxadda maalmaha Amniga iyo Nabadda ka hirgashay Caasimadda
Talaado 18 June 2024 {HMC} Dabaal daga farxadda maalmaha Amniga iyo Nabadda ka hirgashay Caasimadda



