Home Blog Page 230

Nin Soomaali ah oo lagu helay tahriibinta haween oo lagu xukumay 4 sano iyo bar xabsi ah Dalka Ireland.

0

Sabti, 20. Dec 2025 {HMC} Ireland ayaa xabsi afar sano iyo bar ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu isticmaalay baasaboorro diblomaasiyadeed si uu haween dhowr ah ugu fududeeyo inay dalkaas ku galaan.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdallatif Maxamed (40 jir), kana loo yaqaan Hussein, ayaa muddo saddex bilood ah sannadkii 2024 adeegsanayay baasaboorro diblomaasiyadeed oo Soomaali ah, si haween isaga la socday uga soo degaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dublin.

Maxkamadda Dambiyada ee Dublin Circuit ayaa sheegtay in Maxamed uu qirtay afar dacwadood oo la xiriira ka caawinta gelitaan sharci-darro ah, taas oo ka hor imaanaysa Qodobka 6-aad ee Xeerka Caddaaladda Dambiyada ee 2021.

Booliiska Ireland (Garda) ayaa ogaaday in haweenkii la socday aysan ahayn dadka ku sawiran baasaboorada diblomaasiyadeed, inkastoo baasabooradu ahaayeen kuwo sax ah. Waxaa sidoo kale la helay lacago doolar ah iyo taleefanno, iyadoo haweenku sheegeen inay bixiyeen lacag u dhexeysa $14,000 ilaa $15,000 si dalkaas loo soo geliyo.

Garsoore Dara Hayes ayaa xukunka ku sheegay in dambigu yahay mid culus, gaar ahaan isticmaalka baasaboorro diblomaasiyadeed, kuwaas oo leh maqaam gaar ah.

Wuxuu xusay in falkaasi ahaa mid faa’iido-doon ah, islamarkaana eedeysanuhu uu door muhiim ah ku lahaa, inkastoo aan la helin caddeyn muujinaysa in haweenka lagu tahriibiyay si qasab ah.

Warmurtiyeed ay ku jiraan Hanjabaad ayeey Soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

0

Sabti, 20. Dec 2025 {HMC}  Madaxweynuhu hadduu muddo bil ah ku furi waayo wada-hadal doorasho… waxa goluhu diyaarinayaa doorasho uu dalka ka qabanayo.”

 

“Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka
5aad.”

Somali FM Calls for Cooperative Solutions at Russia–Africa Forum.

0

Saturday 20. Dec 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, participated on Saturday in the Second Ministerial Conference of the Russia–Africa Partnership Forum, held in Cairo from 19 to 20 December 2025.

In his official remarks, Minister Abdisalam underscored the importance of multilateralism in addressing global challenges such as geopolitical tensions, climate shocks, food insecurity, and terrorism. He stressed that these issues “cannot be effectively addressed through unilateral approaches” and called for “renewed confidence in cooperative solutions rooted in mutual respect, shared responsibility, and international law.”

The Minister highlighted Somalia’s recovery journey, noting that international solidarity and African-led initiatives have been vital.

He welcomed the Russia–Africa Partnership Forum as a platform for structured dialogue, emphasizing that frameworks “guided by mutual benefit and respect for sovereignty” can complement existing global mechanisms.

On climate change, Minister Abdisalam described Somalia as one of the countries most affected despite contributing minimally to global emissions. He urged for equitable climate finance, capacity-building, and access to technology through multilateral cooperation.

Addressing economic concerns, he pointed to market fragmentation and unequal access to finance as barriers to development, encouraging dialogue to foster inclusive and sustainable growth.

Concluding his statement, Minister Abdisalam reaffirmed Somalia’s commitment to a rules-based international order anchored in the UN Charter and peaceful dispute resolution. He expressed appreciation to the Arab Republic of Egypt for hosting the conference and thanked participating delegations for their constructive engagement.

Aabe Soomaaliyeed oo gabadhiisa ku gowracay Magaalada Baardheere.

0

Sabti, 20. Dec 2025 {HMC} Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin badan oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii halkaasi uu Aabe Soomaaliyeed ku gowracay gabar uu dhalay.

Aabaha ayaa la sheegay inuu gabadhiisa ku gowracay duuleedka degmada Baardheere, gaar ahaan nawaaxiga xerada barakacayaasha Iftin.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in aabahan Soomaaliyeed uu gowraco gabadhiisa, waxaana dhacdadaan maxdinta leh maanta si weyn looga hadal haya gudaha magaalada Baardheere iyo deegaanada ku dhadhaw.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Aadam Maxamed Axmed dhagacade ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaan argagaxa leh, isagoona sheegay in ciidamadu ku raad joogaan soo qabashada aabaha gabadhiisa dilay.

“Waa sax wey jirta in Aabe uu maanta gowcaray gabadhiisa, waxaa naloo sheegay inuu gabadhiisa ku waday baabur ayaa xamar ku saaraya, marku banaanka magalada geeyayna uu gowracay, ma cadeyn karno sababta uu u gowracay gabadhiisa lakiin baaritaan ayaa arinkaasi ku wadna” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baardheere Aadam Maxamed Axmed dhagacade.

Guddoomiye dhagacade ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadan ay la yaab ku noqotay guud ahaan dadka reer Baardheere, wuxuuna xusay in cadaalada la horkeeni doono aabaha gabadhiisa gowcaray gabadhiisa.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee aragaxa badan ayaa sanadahii ugu dambeeyay si weyn ugu soo kordhaayay inta badan gobolada dalka, waxaana u dambeysay dhacdadii laba maalin ka hor ka dhacday magaalada Galdogob ee la sheegay in ninka lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Cali uu ku dilay Hooyadiis iyo Xaakiisii.

New Somalia e-visa security flaw puts personal data of thousands at risk

0

Saturday 20 Dec 2025 {HMC} Somalia’s new electronic visa website lacks proper security protocols, which could be exploited by nefarious actors wanting to download thousands of e-visas containing sensitive information, including individuals’ passport details, full names, and dates of birth.

Al Jazeera confirmed the system vulnerability this week, following a tip from a source with a background in web development.

The source provided Al Jazeera with information about the at-risk data as well as evidence that they had taken their concerns to the Somali authorities last week to make them aware of the vulnerability.

The source said that despite their efforts, there had been no response from the authorities and the issue had not been fixed.

“Breaches involving sensitive personal data are particularly dangerous as they put people at risk of various harms, including identity theft, fraud, and intelligence gathering by malicious actors,” Bridget Andere, senior policy analyst at digital rights group Access Now, told Al Jazeera.

This new security weakness comes a month after officials said they launched an inquiry after hackers breached the country’s e-visa platform.
This week, Al Jazeera was able to replicate the vulnerability identified by our source.

We were able to download e-visas containing sensitive information from dozens of people in a short time. This included the personal details of people from Somalia, Portugal, Sweden, the United States and Switzerland.

Al Jazeera sent questions to the Somali government and alerted them about the system flaw, but did not receive a response.

“The government’s push to deploy the e-visa system despite being clearly unprepared for potential risks, then redeploying it after a serious data breach, is a clear example of how disregard for people’s concerns and rights when introducing digital infrastructures can erode public trust and create avoidable vulnerabilities,” Andere said.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kaga Qayb-galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

0

Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo socday intii u dhaxeysay 19–20 December.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla qaaradda Afrika iyo doorka Ruushka ee ku aaddan taageerada horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay in caqabadaha caalamiga ah ee hadda jira aan lagu xallin karin tallaabooyin hal-dhinac ah, balse ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, masuuliyad wadaag, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in nabad waarta oo ka dhalata qaaradda lagu gaari karo oo kaliya marka la isku dubarido dadaallada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo gargaarka bini’aadantinimada.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee iskaashiga Ruushka iyo Afrika, isagoo ku baaqay nidaam caalami ah oo caddaalad ku dhisan, maalgelin la saadaalin karo, iyo fududeynta helitaanka tiknoolajiyada casriga ah si looga guuleysto caqabadaha isbeddelka cimilada iyo carqaladaha dhaqaale.

Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

0

Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaasi oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Maamulka Degmada Waajid, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah kormeeridda xaaladaha guud ee Degmada, la socodka baahiyaha Bini’aadanimo, adkaynta Nabadda, Amniga, iyo dardargelinta Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Waajid.

Inta uu ku sugan yahay Waajid, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardar-geliyo wada shaqeynta iyo Horumarka Deegaanka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Abdifatah Mahad.

Madaxweyne Afrikaan ah oo Run u qaatay Muqaal AI lagu sameeyay.

0

Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay inuu toddobaadkii hore la soo xiriiray madaxweyne Afrikaan ah, oo wax dhab ah u qaatay markii uu internetka ku arkay muuqaal lagu sameeyay AI , oo sheegaya in Faransiiska uu afgambi ka dhacay oo xukunkii laga tuuray Macron, isla markaana sarkaal milatari uu talada Faransiiska la waraagay.

Macron, oo ka hadlaya farriinta uu ka helay madaxweynaha Afrikanka ah oo magaciisa uusan shaacin , wuxuu yiri ; “Saaxiib madaxweyne Afrikaan ah ayaa ii soo diray farriin leh: ‘Madaxweyne, maxaa idinka socda? Aad ayaan uga walaacsanahay.”

Waxa kale ee la yaabka uu ku sheegay Marcon ayaa ay inuu sheegay xafiiskiisa inay la xiriireen shirkadda Facebook oo baraheeda lagu baahiyay muuqaalkan lagu sameeyay AI-da , si looga saaro, balse shirkaddu ugu jawaabtay ; “ Muuqaalka kama saari karno maaddama uusan jebin shuruucdeena.”

Ruushka oo Diyaariyay qorshe uu si dhammeystiran ugu qabsanayo Ukraine iyo qaybo ka mid ah Bariga Yurub.

0

Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Sirdoonka Dowladda Mareykanka iyo Yurub ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu diyaariyay qorshe uu si dhammeystiran ugu qabsanayo Ukraine iyo qaybo ka mid ah Bariga Yurub oo hore uga tirsanaa Midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan dalalka Balti-ga iyo Poland.

Qiimeyntan sirdoon, oo la sheegay inay si joogto ah u wada aqbaleen una xaqiijiyeen hay’adaha sirdoonka Yurub iyo Mareykanka sannadihii la soo dhaafay, wax isbeddel weyn ah kuma imaan tan iyo markii Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine 2022.

Taasi waxay ka dhigan tahay in, inkasta oo ay jiraan wada-hadallo iyo hadallo rasmi ah oo ay jeedinayaan mas’uuliyiin Mareykan iyo Ruush ah oo sheegaya rabitaan lagu soo afjarayo dagaalka, aragtida istiraatiijiyadeed ee Moscow aysan is beddelin.

Sida ay werisay Reuters, warbixinnada sirdoonku waxay sidoo kale saadaalinayaan in Ruushku mustaqbalka u jihaysan karo dagaal toos ah oo uu la galo NATO.

Tani waxay si gaar ah walaac uga abuurtay dalalka Bariga Yurub, kuwaas oo u arka dagaalka Ukraine inuusan ahayn mid ku ekaanaya dhulka Ukraine, balse uu yahay qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo Ruushka uu ku doonayo bariga Yurub inuu ku gaaro.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 20-12-2025

0

Sabti 20, Dec  2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 20-12-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA