Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Ciidamo itoobiyaan ah oo la geeynayo Qasa iyo Masar ko kasoo hor jeesatay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Ciidamo itoobiyaan ah oo la geeynayo Qasa iyo Masar ko kasoo hor jeesatay
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} MW Xasan sheekh oo ubax dhigay taalada Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Shirkii Mucaaradka ee kismaayo oo leesku Mari la’yahay Qodobada qaar.
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Trump oo joojiyey Barnaamijkii Bakhtiyaanasiibka lottery-gii Mareeykanka
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Muxuu yahay Ballan qaadka uu Trump Sameeyey oo haatan uu ka dhabeeyey.?
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Al Jazeera in nidaamka fiisaha elektaroonigga ah (e-visa) ee Soomaaliya uu leeyahay cillad amni oo halis gelinaysa xogta shakhsiyeed ee dadka codsada fiisaha.
Ilo-wareedku wuxuu sheegay in arrintan ay horay ugu gudbiyeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya toddobaadkii hore, si ay uga digaan khatarta jirta, balse aysan wax jawaab ah ka helin.
Sida ay sheegeen, inkasta oo digniintaas la bixiyay, haddana cilladda lama sixin, arrintuna weli way taagan tahay.
Bridget Andere, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda xuquuqda dijitaalka ah ee Access Now, ayaa Al Jazeera u sheegtay in jebinta xogta shakhsiyeed ay tahay khatar weyn, maadaama ay dadka u horseedi karto dhibaatooyin ay ka mid yihiin xatooyo aqoonsi, khiyaano dhaqaale, iyo in xogta loo adeegsado falal basaasnimo.
Khatartaan cusub ayaa imanaysa bil kaddib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay billowday baaritaan la xiriira weerar hore oo hackers ay ku qaadeen nidaamka e-visa-da dalka.
Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa awood u yeelatay inay ku celiso tijaabada khataraha ay sheegeen ilo-wareedyadu, waxayna si fudud u soo dejisay fiisooyin elektaroonig ah oo ay ku jireen xog xasaasi ah oo dad badan ay leeyihiin.
Xogtaas waxaa ku jiray dad u dhashay Soomaaliya, Portugal, Sweden, Mareykanka iyo Switzerland.
Al Jazeera waxay mar kale la xiriirtay dowladda Soomaaliya, iyagoo u diray su’aalo isla markaana uga digay cilladda nidaamka, balse weli wax jawaab ah lagama helin dhinaca Dowladda.
Bridget Andere ayaa sheegtay in ku degdegidda hirgelinta nidaamka e-visa iyadoo aan loo diyaarsanayn khataraha amni ay dhaawacayso kalsoonida dadweynaha, isla markaana abuureyso daldaloollo laga baaqsan karay.
Waxay sidoo kale cambaaraysay in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan si rasmi ah u shaacin jebsashadii weynayd ee xogta E-Visa ee bishii Nofeembar.
Waxay intaas ku dartay in sharciga ilaalinta xogta ee Soomaaliya uu waajibinayo in hay’adaha mas’uulka ka ah xogta ay wargeliyaan hay’adda ilaalinta xogta iyo sidoo kale dadka ay saameysay marka ay dhacdo khatar noocan ah, gaar ahaan marka ay khusayso dad ka kala yimid dalal kala duwan.
Al Jazeera ma shaacin faahfaahin farsamo oo ku saabsan cilladda amni, maadaama aan weli la sixin, si looga hortago in hackers ay ka faa’iideystaan.
Dhammaan xogtii xasaasiga ahayd ee la helay intii baaritaanku socdayna waa la tirtiray si loo ilaaliyo asturnaanta dadka ay quseyso sida lagu sheegay baaritaanka kanaalka Al-Jazeera.
Bishii hore, dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka digay jabsasho xogeed oo lagu helay macluumaadka in ka badan 35,000 oo qof oo dalbaday fiisaha Soomaaliya, Xogta la faafiyay waxaa ka mid ahaa magacyo, sawirro, taariikhaha dhalashada, cinwaanno guri, iyo xaaladaha guurka.
Kaddib dhacdadaas, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (ICA) ayaa beddeshay bogga e-visa-da, iyagoo u wareejiyay domain cusub si loo xoojiyo amniga.
Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay sheegayaan in dowlado badan ay ku degdeggaan hirgelinta nidaamyada fiisaha elektaroonigga ah, taasoo inta badan keenta amni-darro, halka dadkuna ay adagtahay inay is-ilaaliyaan maadaama xogta laga rabo ay tahay mid qasab ku ah habraaca safarka.
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in diyaarad dagaal oo Mareykan ah ay Khamiistii duqeymo cirka ah ka fuliyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellada Dhexe.
AFRICOM ayaa bayaan ku sheegay in duqeynta cirka lagu qaaday ay ku timid iskaashi iyo wada-shaqeyn ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya.
“Duqeymaha cirka ah waxay ka dhaceen agagaarka deegaanka Nuur Dugle ee Soomaaliya, kaasoo qiyaastii 215 km waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka.
AFRICOM waxay sheegtay inay si wadajir ah ula shaqeynayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee halis ugu keeni karta dhulka Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.
Taliska AFRICOM wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo cutubyada iyo qalabka la adeegsaday, si loo ilaaliyo amniga howlgalada socda.
Inkasta oo ay socoto olole militari oo wadajir ah, oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, ciidamada Soomaaliya iyo taageerada cirka ee Mareykanka, haddana Al-Shabaab waxay weli haystaan awood ay ku beegsadaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah iyagoo adeegsanaya qaraxyada is-miidaamin ah.
Alshabaab ayaa maalmo ka hor qabsaday degaanka Nuur Dugle, kaddib dagaal ay la galeen ciidamada Dowladda. Qabsashada Nuur Dugle ayaa ka dhigan in Alshabaab ay badi qabsadeen degaanada gobolka Shabeellada Dhexe.
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay Munaasabadda xuska 82 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haatan ka socota Akadeemiyada Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliya Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano), Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeyo Gaas Odowaa Yuusuf Raage & Saraakiil kale.
Inta ay munaasabaddaan hadda tooska ah ay socoto waxa ay Ciidamada Booliiska samayn doonnaan dhoolatus ka tarjumaya awooddooda shaqo, qalabka ay haystaan iyo soo bandhigista Gaadiidkooda casriga ah ee qaarkood dhowaan lagu wareejiyay.
Waxa ay Ciidamo dhagaysanayaan khudbadaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo mas’uuliyiinta kale ee goobta ku sugan.
Booliiska Soomaaliya waxaa la aasaasay 20kii December sanadkii 1943dii, waxa uu waqti ahaan ka horreeyay Xorriyadda Soomaaliya, tan iyo xiligaas waxa uu soo maray heerar kala duwan oo isugu jira Barwaaqo & Duruufo adag.
Sabti 20 Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Soipan Tuya ayaa safar aan horay loosii shaacin ku gaartay Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland si ay usoo ogaata xogta ciidanka KDF ee halkaas ku sugan.
Saraakiisha ugu sarreeya Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa soo dhaweeyay wafdiga ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dalkaas.
Soipan Tuya, Wasiirka Difaaca Kenya ayaa sheegtay ciidamada ka socda dalkeeda kula dardaarantay in ay sare u qaadaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xeerka Midowga Afrika iyo kan Kenya.
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Waxaa loo gudbiyay qaar kamid ah Xeryaha Ciidamadaan ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee AUSSOM ee ku yaalla Magaalada Kismaayo si ay u ogaato nolosha dhabta ah ay halkaas ku haystaan & sida ay u shaqeeyaan.
Soipan Tuya, waa Haweeneydii saddexaad ee taarkiihda Dalkaas noqota Wasiirka Difaaca, waxaa sidaan oo kale booqashada Ciidamada ka jooga Soomaaliya uga horreeyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo hadda ah Wasiirka Caafimaadka, Aadan Barre Ducaale.