Home Blog Page 232

Mareykanka oo Itoobiya Ka codsaday in ay ku biirto howlgalka ciidanka caalamiga ee marinka Qasa

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka, Marco Rubio ayaa horraantii toddobaadkan la xiriiray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed , isagoo si gaar ah uga codsaday inay Itoobiya ku biirto howlgalka ciidanka caalamiga ee marinka Qasa , lana geeyo dhulka Falastiiniyiinta ciidan ka socda Itoobiya, sida uu weriyey wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Times of Israel oo xiganaya labo diblomaasi oo reer galbeed ah.

Ku biiritaanka Itoobiya ee ciidanka la geynayo Qasa, taasi waxay awood diblomaasiyadeed siinaysa Abiy Axmed , iyadoo horey Addis Ababa xarun ugu ahayd Afrika , hadda waxay helaysa inay door ku yeelato goob istaraatiji ah oo ka tirsan bariga dhexe.

 

Laakin waxa halkan ku jira ayaa ah Marco Rubio, wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Netanyahu , ka biirista ciidan ka socda Itoobiya , xilli mar horaba ay Itoobiyaanka ka mid yihiin ciidanka Israa’iil, waxaa halkaa ka muuqanaya inay tahay arrin ay Israa’iil dabada ka riixeyso oo awood u siinaysa inay ku hesho isbahaysiga ciidanka la geynayo Qasa ,

kuwa ka tirsan xulafadeeda. Inta badana waxaa la aaminsanyahay sirdoonka iyo milatariga Itoobiya inay tababbarto oo qalabayso Israa’iil.

WAR DEG DEG AH Shirka Kismaayo oo ku dhaw in uu Fashilmo.

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC}  kulankii Bilaawday waabarigii hore ee saake ayaa soo gaaray ilaa maqribkii caawa kadib markii la isku fahmiwaayay cida noqoneyso hogaanka Madashada Mustaqbalka Soomaaliya.

Warar ay hiiraanweyn heshay ayaa sheegaayo in Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee ka soo jeedo beesha Hawiye ay diideen in hogaanka loo doorto shiikh shariif.

Hogaanka jubbaland iyo Puntland ayaa aad u daneynaayay in Shiikh shariif uu noqdo hogaanka balse markii la diiday ayaa xaalada sii adkaatay.

Dhinaca kale si shirka fashil looga ilaaliya ayaa warar hoose waxa ay sheegayaan in guud ahaanba la joojiyo doorashada hogaanka Madasha Mustaqbalka Soomaaliya.

Khariidad Muran Badan Dhalisay oo ka soo Baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Xiisad Cusub Abuurtay.

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Abiy Axmed Cali Ra’iisul Wasaaraha Wadanka  Itoobiya, ayaa wajahaya dhaleeceyn iyo caro ballaaran oo ka imanaysa dalalka Geeska Afrika, kaddib markii ay baraha bulshada ku baahday khariidad muujinaysa Itoobiya oo ku darsatay qaybo ka mid ah dhulalka ay leeyihiin Soomaaliya, Eritrea iyo Jabuuti, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xeebaha Badda Cas.

Khariidaddan muranka dhalisay ayaa lagu arkay muuqaal (video) oo ay baahisay barta rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, xilli uu Abiy Axmed magaalada Addis Ababa ku qaabilayay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Arbacadii la soo dhaafay.

Falcelinno kulul ayaa ka dhashay muuqaalkaasi, iyadoo dad badan oo isugu jira falanqeeyayaal, aqoonyahanno iyo dad baraha bulshada ku firfircoon oo ka kala socda dalalka Geeska Afrika ay ku tilmaameen tallaabadan mid muujinaysa damac ballaarin dhuleed iyo isku day dib loogu soo nooleynayo hammiga Itoobiya ee helitaanka marin badeed.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in soo bandhigista khariidad noocan ah ay tahay farriin siyaasadeed oo halis ah, isla markaana ay si toos ah u dhaawaceyso madaxbannaanida iyo xuduudaha caalamiga ah ee dalalka deriska la ah Itoobiya.

Waxay sidoo kale ka digeen in arrintani ay sii hurin karto xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo cusub, xilli gobolka uu horeyba ula daalaa dhacayay khilaafaad iyo xaalado amni oo cakiran.

Dhinaca kale, dad badan ayaa ku tilmaamay tallaabadan “daandaansi cad”, iyagoo ku baaqay in beesha caalamka iyo ururrada gobolka ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada noocan ah, si looga hortago isku dhac hor leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Khabiirro ku takhasusay arrimaha gobolka ayaa carrabka ku adkeeyay in dib u soo qaadista arrimaha xuduudaha iyo marin-biyoodka qaabkan ah aysan wax faa’iido ah u keenayn xasilloonida gobolka, balse ay sii fogeyn karto dadaallada wada-shaqeyn iyo is-dhexgal dhaqaale oo ay dalalku u baahan yihiin xilligan adag.

Masaajidka Labaad ee Ugu weyn Baledweyne oo La xiray Maanta.

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Waxaa maanta Salaaadii Jimcaha iyo tii Casir aanan lagu Tukan oo albaabada uu u xiran yahay Masaajidka Al-Nuur ee ku yaala baratama magaalada Baledwayne ee gobolka Hiiraan.

Xirnaashaha Masaajidka ayaa timid, kadib murum ka dhashay nidaamka maamul ee madaajidka oo ay isku qabsadeen shaqsiyaad wada maamuli jiray nidaamka Masjidka.

Dadka ku nool magaalada Baledweyne ayaa maanta si weyn u hadal haaya dhacdadan oo noqotay kii ugu yaabka badneyd, maadama imaamkii ama khadiibkii loogu dhex gacan qaaday gudaha masaajidka.

“Waxaan la yaabno ayay noqotay Qadhiibkii markuu Fuulay Mim barka Masaajidka ayaa waxaa feer ku bilaabay nin kale oo ka mid ahaa guddiga Masaajidka Al nuur” ayuu raaciyay hadalkiisa qofka goob joogaha ahaa.

Masjidkan ayaa waxaa ku xiran Jameeco farabadan marka laga reebo salaadaha Cishaha iyo Salaada Subax, maadama uu yahay masjid ku yaala bartamaha magaalada Baledweyne.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo bulshada waxa u dhaxeeya ee loo baahanyahay inay fahmaan

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Labaatan iyo shantii sanno ee u dambeysay siyaasadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya , waxay noqdeen wax lagu cabiri karo hal dhacdo, wajiyada siyaasiyiinta iyo waxa ka dhex socday siyaasadda waxay ahaayeen wax isku mid ah , taasina waxay dhalisay waxa ay hadda tahay inay oggaadaan siyaasiyiinta , kuwa xilka haya illaa mucaaradka ; waa inay lumiyeen dareenka bulshada!

Siyaasiga Soomaaliyeed ; kuwa xilalka haya illaa kuwa bannaan jooga ah oo keliya u dagaallamaya inay kuraasta ku fadhistaan , waxay daaliyeen bulshada , daalkaa wuxuu ka dhalanaya inaysan jirin hal-abuur siyaasadeed oo ay dhalinayaan siyaasiyiintu, ma jirto cid si cad u qeexi karta barnaamijkiisa siyaasadeed oo bulshada usoo bandhigi kara hoggaamin isbeddel leh.

Isku imaatinka siyaasiyiinta ee iyagoo kala aragti ah , waa wax ka dhalanaya inaysan jirin aragtiyo siyaasadeed iyo barnaamijyo isbeddel leh oo lagu soo jiidan karo bulshada, si la mid ah siyaasiyiinta xilalka haya waxa ay ka arkayaan bulshada inaysan wax dan ah ka lahayn waxa mucaaradku wado, ma aha xaqiiqada sida kuwa badan ay u arkaan oo ah inay filanayaan dadweynaha inay iyagu taageersanyihiin, sidaana uga jeesteen mucaaradka , taa beddelkeeda dadweynaha ma arkaan wax kala duwanaasho ah iyo wax farqi ah oo u dhaxeeya siyaasiga xilka haya iyo midka xilka doonaya! Waxaa la arkay tobankii sanno ee u dambeysay waa in hoggaamiyeyaasha ay iska dhaxlayeen ficillada aan wax u tareyn qaranka iyo bulshada oo ay ugu horreyso iskudayga in doorashada muddeeda la dhaafiyo, niyad jabka bulshadana loo qaatay inay Soomaaliya tahay meel ay wax walba ku suragalayaan, xataa biyaha iyo korontada haddii la jaro ay dadweynuhu noqonayaan kuwa aan ka dhiidhin, sababtoo ah canshuurta maalin kasta laga qaato siyaasiga ayaa ilmihiisa gurya uga gada dibadda , mana ka falceliyaan bulshadu!

Dawladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda kalluumaysiga, waxay toddobaadkan heshiis kalluumaysi la gashay ururro iskutagay oo ay leeyihiin ciidanka Turkiga , waxaa isku taga ururradan lagu magacaabaa OYAK, oo u shaqeysa sida sanduuq dhaqaale loogu aruuriyo saraakiisha iyo askarta milatariga, waxayna hadda OYAK helayaan kalluunta Soomaaliya oo ah mid ka mid ah khayraadka ay tahay inay wax ka beddelaan xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya .

Turkiga wuxuu muujiyay dhammaan mashaariicda uu gacanta ku hayo ee Soomaaliya inay yihiin kuwa aan si toos ah loola xisaabtami karin, si taa la mid ah hadda kalluunka Soomaaliya ma wuxuu ku dhacayaa gacan aan lala xisaatami karin, oo wuxuu isku rogayaa khayraad ay ka faa’iideystaan askarta dal kale? Waligeed dawladihii is beddelay kuma ixtiraamin bulshada inay si daahfuran ugu soo bandhigaan heshiisyada lala galayo dhinacyo shisheeye.

Maanta Madaxweyne Xasan ayaa tagay Addis Ababa , waxaana soo dhaweeyay Abiy Axmed , xilli waxa u dambeeyay ee bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu baahiyay ay ahayd muuqaal lagu soo daray khariirad ay Itoobiya dhulkeeda ku darsatay qeybo ka mid ah Soomaaliya , ma jirin cid ka falcelisay dhacdooyinkan, waxay aamusnaanto la macno tahay in la oggolaaday wax kasta oo ay tahayba! Dabcan haddii aan si shaqsi ah khariirad noocaa ah uga baahin lahaa boggan dadka ku sugan dhulka ay Itoobiya sawirratay waxay ku dhawaan lahaayeen inay boggan xiraan, laakin kama falcelinayaan ficilka Itoobiya , taa oo ah oggolaasho dadban, arrintan xataa siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kuma dhaco inuu si dhiirran uga hadlo, markaa ma waxay Soomaaliya ka doorbidayaan Itoobiya?

Dhanka kale , hoggaamiyeyaasha xil doonka ah waxay xiriiro la leeyihiin dalal shisheeye oo ah halka laga sugayo inay maalgaliyaan doorashada ay ka qeybgalayaan, halkii ay ahayd si maxalli ah in khilaafaadka jira lagu xalliyo in ka badan dhexdooda madaxweynaha xilka haya iyo xubnaha mucaaradka waxay ku kalsoonyihiin dalalka shisheeye oo ay ku jiraan , kuwii ay tahay in dalka laga ilaaliyo ee dalalka dariska! Mid kasta oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya wuxuu leeyahay sooyaal inuu daacad u noqday in ka badan Soomaaliya , dal shisheeye, tusaale ahaan ; dawladda Federaalka iyo dawlad gobolleedyada mar kasta xalka khilaafkooda waxay la aadaan dhinac shisheeye, haddii aad leedahay dawlad gobolleedyada ayay tani keli ku tahay , waxaa la helayaa dawladda federaalka oo ashtiko ka dhan ah dawlad-gobolleedyada u geynaysa dal shisheeye!

Gunaanadku wuxuu yahay haddii bulsho iyo siyaasiyiinba ay ka doorbideen danaha shaqsi iyo midka qabiilka oo la iska indha-tiray danaha guud oo sharafta iyo qaranimada leh , ha raadin dawlad iyo dal xooggan , sababtoo ah shaqada aan qabaneyno laguma gaaro dawlad xooggan ee waxaa lagu gaara burbur iyo bahdil nololeed! Maanta haddii aan la helin cid danaha guud u doodda awood u leh inay farta ku fiiqdo musuqa xarga goostay, ku takri falka awoodeed ee dawladda federaalka iyo dawlad-gobolleedyada ka dhacaya , markaa mustaqbkeenna wuu cadyahay waa mid mugdi iyo fashil ah.

Ummad ururradeeda bulshada ee la doonayay inay danaha bulshada metalaan, aqoonyahankooda illaa dhallinyarada ay dhammaanyihiin kuwa gacanta u hoorsanaya siyaasiga waddada qaldan dalka u wada , ha oggaadaan inay dalka u diyaarinayaan meel ay wax kasta ka dhici karaan oo xataa gumeysi iyo xasuuq ku jiro.

W/Q Iman Jamac

Diyaarad uu Ruushka soo saara oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa gudaha u gashay Dalka Turkiga.

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Diyaarad uu Ruushka soo saara oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Orlan-10 ayaa markii u horreysay maanta gudaha usoo gashay Turkiga , waxayna ka dhacday aag miyiga ah ee İzmit, gobolka Kocaeli oo keliya 100 km u jira magaalada Istanbul, halka goobta diyaaradan laga helay ay tahay meel ku dhow waddada istaraatijiga ah ee isku xirta Istanbul iyo Ankara.

Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga oo warsaxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira diyaradan gudaha usoo gashay dhulka Turkiga oo wasaaraddu xaqiijisay inay tahay nooc loo adeegsado hawlgallada militari iyo sirdoon, gaar ahaan dagaallada casriga ah.

Waxaa kaloo warsaxaafadeedka lagu xaqiijiyay diyaaradan in baaritaan hordhac ah lagu oggaaday inay tahay Orlan-10 ee Ruushka soo saaro.

Wasiirada Kaluumeysiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka shiray Hirgilinta Heshiisyadii Hore loo galay.

0

Jimc 19 Dec 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Mudane İbrahim Yumaklı
Kulanka labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo labada Wasaaradood iyo dardargelinta fulinta heshiisyadii la gaaray oo uu ugu danbeeyay Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda oo ah mid muhiimad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ahaa Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS. Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kaasi oo goobta ka sheegay sida maalgashigu muhiim ugu yahay xoojinta xiriirka labada wadan.

Sidoo kale Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa dowlada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo wax-wadaqabsiga iyo wadajirka Walaalnimada ku dhisan ee labada dal, Dhankiisa Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane İbrahim Yumaklı ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go’antahay taageeradda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo fulinta dhammaan heshiisyadii lawada saxiixday.

Somali FM Arrives in Cairo for 2nd Russia-Africa Partnership Forum

0

Cairo, 19December 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, arrived in Cairo on Friday to participate in the Second Ministerial Conference of the Russia-Africa Partnership Forum, scheduled for 19–20 December.

The two-day conference brings together Foreign Ministers from across Africa and representatives of regional organizations. Building on the outcomes of the first ministerial meeting held in Sochi, Russia, in November 2024, the forum will focus on cooperation in trade, investment, energy, and infrastructure development.

Somaliland says 19 killed, over 200 injured in Borama protests

0

Friday 19  December , 2025 (HMC) – Somaliland government has announced that 19 people were killed and 214 others injured during protests earlier this month in Borama, the capital of Awdal region, following clashes between security forces and demonstrators.

The newly appointed governor of Awdal, Abdirashid Hassan Mataan, said the fatalities included one woman. Of the injured,194 sustained minor injuries, while 20 remain hospitalized in Borama and two others are receiving treatment in Hargeisa, he said.

advertisements

Governor Mataan added that nine people were initially transferred to Hargeisa Hospital, but seven were later flown by the government to Addis Ababa, Ethiopia, for advanced medical treatment. He said the condition of those injured is improving.
Speaking after assuming office on Thursday, the governor said he is confident the unrest in the region can be brought under control, noting that the people of Awdal played a key role in Somaliland’s independence struggle and continue to contribute significantly to its development.

Somaliland’s Minister of Interior, Abdalle Mohamed Arab, described Awdal as one of the safest regions in Somaliland, saying the incident that led to the deaths was not a deliberate act aimed at harming Somaliland, but rather an unplanned incident that resulted in tragic and unexpected losses.

Meanwhile, Somaliland Vice President Mohamed Ali Aw Abdi urged residents of Borama and other western regions to remain vigilant against further unrest. He called on communities in the area to coexist peacefully, emphasizing the importance of maintaining long-standing social harmony.

The violence erupted after the Somaliland government authorized a commemoration of Xeer Ciise, the traditional customary law of the Somali-Issa communities in Ethiopia, Djibouti, and Somalia, which is officially recognized by UNESCO.

The decision sparked anger among sections of the Borama community, triggering protests that escalated into violent confrontations with security forces.

Source Hiiraan Onine