Home Blog Page 2305

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya oo eedeyn u jeediyay Farmaajo

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigag Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay go’aanka dowladda ee kula wareegeyso qabuuraha Iskuul Buluusiya, isagoona dhanka kale eedeyn u jeediyay dowladdii hore ee Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdii hore uu madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ay isku deyday inay burburiso qabuuraha Iskool Buluusiya, iyada oo ka leh dano gaar ah, balse laga diiday xilligaasi, kadib markii ay ka horyimaadeen culimada iyo shacabka.

Waxa uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo iyo kooxdiisa ay rabeen in dhulkaasi ka dhistaan hoteelo iyo goobo kale oo dalxiis, balse ku fashilmeen rabitaankooda maadaama ay dano gaar ah wadeen.

“Xukuumaddii madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada Soomaaliyeed u gudbisay waxay codsadeen in culimada ay Ummadda Soomaaliyeed u sharraxdo, kadib culimada way wadiisay waxa meesha lagu qabanaayo waxa ay yiraahdeen hoteelo ka dhiseynaa iyo deegaan wayna diideen culimada” ayuu yiri Wasiirka Gaashadhigga.

Dhinaca kale warkan eedeynta ah ee kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa si adag u beeniyay afhayeenka Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna warkaasi ku tilmamay mid aan raad laheyn oo been ah.

”Warka uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu waa mid aan sal iyo raad toonna lahayn oo laga leeyahay dano gurracan, waxayna ka tarjumaysaa sida dowladda hadda joogta ay u caadaysatay been abuurka iyo musuqmaasuqa xargaha goostay” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeenka Farmaajo Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa intaas ku daray ”Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud.

Eedeyta kasoo yeertay wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda hadda jirta ammartay in meydadka ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya halkaasi laga saaro, waxa ayna dowladda sheegtay in dhulkaasi iyadu u baahan tahay.

{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah Culimadda Caabudwaaq fariin u diray beelo ku dagaalamay deegaanka Laandheer

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah Culimadda Caabudwaaq fariin u diray beelo ku dagaalamay deegaanka Laandheer

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Ceeldheer Oo Qoryaha U Qaatay Si Ay Isaga Xoreeyaan AS.

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Shacabka Ceeldheer Oo Qoryaha U Qaatay Si Ay Isaga Xoreeyaan AS

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Koonfur Galbeed oo amar dul dhigtay shirkadaha ka shaqeeya xoolaha udxiyada

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Koonfur Galbeed oo amar dul dhigtay shirkadaha ka shaqeeya xoolaha udxiyada

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Bulshada Gado ayaa Baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Lan-Dheer ee Galgaduud.

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Bulshada Gado ayaa Baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Lan-Dheer ee Galgaduud.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xukuumaddii Farmaajo Qabuuraha Iskool Bulusiya Hotelo Ayeey Kadhisirabeen Ee Culumadaa…..

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Xukuumaddii Farmaajo Qabuuraha Iskool Bulusiya Hotelo Ayeey Kadhisirabeen Ee Culumadaa…..

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyarada Caasimada oo keenay hal abuur layaableh oo loo xusaayo maalmaha xoriyada.

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Dhalinyarada Caasimada oo keenay hal abuur layaableh oo loo xusaayo maalmaha xoriyada.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Asal Consulting appoints former Somali Foreign Minister Mohamed Abdirizak as new CEO

Wednesday 12 June 2024 {HMC} Asal Consulting, a professional services firm focused on sustainable development in Somalia and the Horn of Africa, has appointed Mohamed Abdirizak Mohamud as its new CEO. He succeeds Rahma Ahmed, who will transition to Chief Operating Officer (COO).

Mohamed Abdirizak brings over 23 years of experience in development work and a solid commitment to driving positive change. His background includes roles in international organizations and government, including as the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation for Somalia.

Rahma Ahmed, founder and outgoing CEO, expressed confidence in the transition: “Mohamed’s appointment marks a new chapter for Asal. His wealth of experience and dedication to being in service of others and strengthening systems and structures align perfectly with Asal’s mission.”

Established in 2016 by Rahma Ahmed and Quman Akli, Asal Consulting focuses on research and public governance, particularly on locally-led climate action.

“Asal was founded out of a deep connection to Somali society, its people, and the urgent need for positive transformation,” said Rahma Ahmed.

Under Mohamed Abdirizak’s leadership, Asal aims to continue its focus on community empowerment and sustainable development. “I am honoured to join Asal as the new CEO and build upon the remarkable foundation laid by Rahma Ahmed and her team,” said Mohamed Abdirizak. “Asal’s dedication to promoting sustainable development and empowering communities resonates deeply with me. I am excited to leverage my experience and networks to further elevate Asal’s impact and contribute to positive change in Somalia and the region.”

Somali AG charges 19 influencers with spreading clan-based insults on social media

Wednesday 12 June 2024 {HMC} The National Attorney General’s Office referred 19 social media influencers to the Banadir Regional Court on Tuesday for spreading clan-based insults and engaging in “bad behavior” online.

According to the Office of the Attorney General, the defendants are accused of inciting ethnic conflict, disrupting security, spreading hatred, and making insults while using social media, particularly the TikTok platform.

The office requested that the Banadir Regional Court start the case hearing immediately.

The Attorney General’s office also issued a strong warning to individuals using social media for harmful practices that go against Islamic values and Somali cultural norms. Last month, Somali police arrested 21 social media influencers, both male and female, although two were released due to illness.

Many Somalis believe that spreading clan and family insults for monetary gain is unjustifiable. The use of offensive language, including insults and threats, is part of what the Somali government has condemned as immoral. Clannism remains a highly sensitive topic in Somali society, with many conflicts rooted in tribal divisions.

This week, over 50 people have been killed and 60 others wounded in inter-clan fighting in rural areas between Herale and Abudwaq towns in the Galgaduud region. The conflict started over a dispute involving grazing land and watering wells.

Duulimadkii qaahira iyo Muqdisho oo dib ubilaabanaya iyo dowladda DF oo ka hadashay.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Shirkadda diyaarada Masar ee Egypt Air oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadyo ay ku imaaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxayna soo saartay wargelin ku aadan duulimaadyadeeda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitterka ee shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay isaga kala gooshi doonaan Qaahira, Muqdisho iyo Jabuuti.

“War xiiso leh! Diyaaradda Egypt Air waxay bilaabaysaa khad cusub oo ay ku tagi doonto Jabuuti iyo Muqdisho. Soo ogow dhaqamada iyo muuqaalka meelahan cajiibka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in duulimaadyadooda ayaa billaabanayaan wixii ka dambeeya 11-ka bishan June oo shalay ahayd, ayna tagi doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sida lagu sheegay qoraalka todobaad kasta laba maalmood ayay diyaaradahooda kasoo duuli doonaan Qaahira, iyaga soo gaarayo Muqdisho, kadibna kusii hakanaya Jabuuti.

“Laga bilaabo 11-ka July 2024, kasoo duul Qaahira Khamiis iyo Sabti kasta. Qaahira illaa Muqdisho oo ku sii hakanaya Jabuuti.” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada Garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli diyaaradda Fly Dubai oo kamid aheyd diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada Muqdisho ay ku dhowaaqday inay joojineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho wixii ka dambeeya 11-ka bishaan June oo shalay ku beegneyd.

Laba arrimood ayaa loo sababeeyay arrintaan, balse mid kamid ah labadaasi qodob waxaa ku hareeraysan waxyaabo daciifinaya. Labada qodob mid waa suuqa midna waa siyaasadda.