Arbaco 12 June 2024 {HMC} Cabdi Cali Diiriye “Dowladdu iyadaa masuul ka ah wax walbo waana loo baahan kara dhulka”
{DAAWO MUUQAALKA} Maxamed Nuur “Hadi ka hor dowladda waxa ay u baahatay dhulki if iyo Aakhiro maantane waa tii oo kale
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Maxamed Nuur “Hadi ka hor dowladda waxa ay u baahatay dhulki if iyo Aakhiro maantane waa tii oo kale
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Sheekh Cali Wajiis “Dowladdu ayada ayaa masuul ka ah dadka nool, kuwa dhintay iyo dhulkaba”.
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Sheekh Cali Wajiis “Dowladdu ayada ayaa masuul ka ah dadka nool, kuwa dhintay iyo dhulkaba”.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Tahriibaal ubadan Soomaali oo ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Yeman.
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Tahriibaal ubadan Soomaali oo ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Yeman.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Danab oo Kaabiga ku haayo Degmada Badhaadhe iyo AS oo iskaga baxay Magaaladasi.
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Ciidamada Danab oo Kaabiga ku haayo Degmada Badhaadhe iyo AS oo iskaga baxay Magaaladasi.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Saalax ”Digniin ayaa u direeynaa dadka xooga ku haaysto dhulka”
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Gudoomiye Saalax ”Digniin ayaa u direeynaa dadka xooga ku haaysto dhulka”
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Cali Guudlaawe oo Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.
Arbaco june, 12, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Mudane Maxamed Faarax Cali oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.
Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Guudlaawe ayuu ugu magacaabay Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud Yuusuf Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa faray Wasiirka cusub inuu dardargeliyo howlaha baaxada leh ee hortebinta u leh Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 12-06-2024}
Arbaco june, 12, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::shugri Baryare & Abdiyare
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Nisa Iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Degmada Maxaas
Arbaco june, 12, 2024 (HMC) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee {NISA} Cabdullaahi Maxamed Cali {Sanbaloolshe}oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.
Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.
Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali {Sanbaloolshe}

{DAAWO SAWIRADA} shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo furmay .
Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag} ayaa maanta furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa aad loogu lafoguri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyadda ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga qaranka.
Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada, isla markaana ay sii laba jiraan, isagoo intaas ku daray in hay’adu ku tallaabsatay isbedel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalka




