Home Blog Page 2303

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {12-06-2024}

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::AbdiMaajid Abdirahman Addam

Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

XFS oo Shaacisay in uu miro-dhalay Wadahadallo u socday DFS iyo Puntland

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo ka hadlay shir ka dhacay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in miro-dhaleen wadahadallo u socday dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Xasan Macalin ayaana sheegay in uu hadda soo yeeray war farxad leh oo ku aaday in meel fiican oo miro-dhal ah marayo wadahadaladii u socday dowladda Federaalka iyo Puntland, waxa uuna rejo ka muujiyay in wada shaqeyntii labada dhinac soo laabato.

”Waxaan rabaa in aan idinla wadaago war farxad leh , kaas oo ah in ay miro-dhaleen wadahadaladii socday oo runtii wada bilaabanayaan barnaamijyadii lawada qaban jiray mustaqbalka dhaw Insha Allah, warkan waa farxad iyo mid na rajo galineysa ” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda faah faahin badan kama bixin wadahadalada socda cida ay sida toos ah u dhax mareen iyo qodobada la isku fahmay, kaliya waxa uu sheegay in wadahadalo socday ay miro-dhaleen.

Maamulka Puntland ayaa horey xiriirka ugu jartay dowladad Federaalka Soomaaliya, waxa ayna maamulkan ka baaqsadeen shirar dhowr ah oo magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada qaarkood ka dhacay.

Madaxtooyada Puntland ayaan wali ka hadlin warkan cusub ee kasoo yeeray xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan in wadahadallo labada dhinac u socday miro-dhal ku dhaw yihiin, mana jiro shirar la ogyahay oo labada dhinac dhax maray.

AFRICOM oo iska fogeeysay ineey duqeyn ku dileen laba dhaqtar oo Al-shabaab u afduubnaa

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Militariga Mareykanka ayaa is fogeeyay masuuliyada dil loo geystay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo ku jiray gacanta kooxda Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay u shaacisay in labada dhaqtar ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanka ka geystay 15-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2024 deegaano hoostaga degmada Jilib.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen sadaxdii bilood ee ugu dambeysay oo la xariirta duqeyntii ay ka geysteen nawaaxiga Jilib ineysan ku dhiman dad rayid ah.

AFRICOM waxay sidoo kale iska fogeysay eedeymo la xariira in duqeymo ay geysteen bilahii Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii ee sanadkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalooyinka kala ah Galhareeri iyo Kurtunwaarey iney ku dhinteen dad rayid ah.

Ugu dambeyntii labada dhakhtar ee Militariga Mareykanka beeniyeen iney ka dambeeyaan dilkooda ayaa lagu kala magacaabi jiray Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, kuwaas oo kooxda Al-shabaab ay kasoo afduubeen bishii April ee sanadkii 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

AFRICOM denies US airstrike killed Cuban doctors

Arbaco 12 June 2024 {HMC} The U.S. military says it was not involved in the reported killing of two Cuban doctors whom the al-Shabab militant group allege died as a result of a U.S. airstrike in Somalia in February.

The latest quarterly civilian harm assessment published by U.S. Africa Command, also known as AFRICOM, confirms that U.S. forces conducted an airstrike near the town of Jilib on February 15, but denies the strike resulted in the doctors’ deaths.

advertisements
“On Feb. 17, 2024, the command received one (1) report of an online media source stating two (2) civilians were killed as a result of a U.S. military operation in the vicinity of Jilib, Somalia, on Feb. 15, 2024,” the assessment read.

“The command completed a review of available information and assessed that the U.S. airstrike conducted on Feb. 15, 2024, did not result in civilian harm.”

Without providing proof, al-Shabab at the time said “the aerial bombardment” killed Assel Herrera and Landy Rodriguez. The two had been in the militants’ custody since April 2019, when they were abducted from Mandera County in northeastern Kenya.

Somali President calls on Somali diaspora in Norway to support fight against al-Shabab

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud reiterated that his government has liberated vast areas from al-Shabab over the last two years, despite the group increasing its attacks on army bases in Galmudug and Hirshabelle States.

Addressing the Somali diaspora community in Oslo on Tuesday, President Mohamud focused on security, politics, the country’s development, constitutional amendments, and the fight against al-Shabab in various regions.

advertisements
“The liberation of the country, the completion of the Constitution, and the strengthening of federalization go hand in hand. We want to eliminate the Khawarij, who have troubled Somalia for 17 years. It seems we have achieved great success in the war to cleanse the country,” said President Mohamud.

He President also urged the Somali community in Norway to play their part in the fight against al-Shabab. He explained the strong debates surrounding the amendments to the country’s Constitution, emphasizing that the work on the Constitution will continue and noting that the debate has been ongoing for 12 years.

“The discussion about the consultation has been going on for 12 years, and we have discussed it enough. The Provisional Constitution is composed of 15 chapters and remains the same 15 chapters. We have given 12 years to this discussion,” said President Mohamud.

In April, Somalia’s two houses of parliament unanimously approved four chapters of its Constitution, paving the way for a new political system. The approved chapters include provisions on freedom of expression, women’s representation, and a leadership system.

Hodan’s Spirit Lives On’: Legacy Day celebrates Somali-Canadian journalist in Toronto

Arbaco 12 June 2024 {HMC}  The vibrant spirit of the late Somali-Canadian journalist Hodan Nalayeh was celebrated with zeal on May 29 during the third annual Legacy Day at Hodan Nalayeh Secondary School. What began as a modest gathering has evolved into a significant community celebration, drawing students, families, educators, and local leaders to honour Nalayeh’s enduring impact.

A Growing Tradition

advertisements
Barwaaqo Nalayeh, Hodan’s sister, reflected on the event’s growth. “Over the past three years, Legacy Day has grown tremendously in both scope and impact,” she shared in an exclusive interview with Hiiraanweyn. “Initially, it was a smaller, more intimate event for staff and students to get to know Hodan Nalayeh, the school’s namesake. But it has become a powerful annual gathering that brings together students, families, educators, community leaders, and media.”
The expansion is a testament to the increasing recognition of Hodan’s legacy and the profound impact of her work. For the Nalayeh family, it signifies the continuation of Hodan’s mission to empower youth and uplift the Somali community.

Barwaaqo recounted a touching memory that encapsulates Hodan’s passion for youth empowerment. “One of my fondest memories of Hodan is from a visit we made to a local school in Somalia. Hodan had arranged for new books and supplies to be delivered, and she spent the day interacting with the students, listening to their dreams and aspirations. I remember her telling a young girl she could be anything she wanted to become, encouraging her to dream big and work hard. Hodan’s genuine belief in the potential of every young person she met was truly inspiring. She had an incredible ability to make everyone feel valued and capable, a testament to her passion for empowerment.”

Honouring Changemakers

The Legacy Day event also featured the Hodan Nalayeh Change Maker Awards, recognizing students who embody the values Hodan championed. Barwaaqo described the emotional impact of these awards: “Watching the students receive the Hodan Nalayeh Change Maker Awards fills me with immense pride and joy. It’s a bittersweet moment because while we miss Hodan deeply, we know that her spirit lives on through these young changemakers. I feel a deep sense of hope and optimism for the future as I see the students’ excitement and determination to make a difference in their school and community.”

She continued, “I believe Hodan would be incredibly proud and humbled by these recognitions. She always championed the idea that one person can make a significant impact, and these awards celebrate that ethos by acknowledging the positive contributions of these remarkable students. Last year, our mom attended the awards and was amazed at how many applicants applied this year, seeing the number of award winners triple from three to twelve. Hodan’s 12-year-old son spoke and thanked everyone, which always makes us proud to see her children watching their mother’s legacy continue.”

The Nalayeh family’s involvement in Legacy Day has deepened over the years, with increased efforts in organizing the event and securing resources to ensure its continued growth.

Muxuu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kala hadlay James Swam?

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya {UNSOM} James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan gaar ah.

Wasiirka iyo James Swam ayaa kulanka ay yeesheeb looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, dhimista ciidamada ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howlgaladda ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xiligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya {UNSOM} James Swan ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’antahay in ay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Muxuu Ka Yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda xaaladda Scuola Polizia.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Waan ka murugooday xaaladda ka taagan qabuuraha Scuola Polizia. Dhan kasta marka aan ka eegay waxay iigu muuqata go’aan aan aad looga fiirsan.

Marka hore, qabuuro waa la kor degaa, laakiin waa marka sannado hore dadka lagu aasi jiray.

Qabuuro weli la adeegsado, murugadii geerida dadka ku aasan aan weli ehelkoodu ka soo kaban, ma ahan in logo yeero in ay soo fagaan meydka.

Marka labaad, meyd in la aaso waxaa ka dhib badan oo ka culus in la soo saaro lafahiisa oo dhammaystiran iyo haddii xubnihiisa kale ay wax ka hareen. Waxay u baahan tahay farsamo iyo aqoon u gaar ah. Qofka qodayaa ma og yahay in 206 lafood ay ku jiraan jirka aadanaha? Mise og yahay sida ay u eg yihiin iyo sida uu u raadin karo?

Midda kale, dadka qaarkii waxay u dhinteen Covid iyo cudurro kale oo halis ah.

Dadka godadka fagaya, kuwo dul dhooban ee murugeysan, kuwa daawanaya ee aan shalay arkay iyo ciidanka dul tuban ma jirtaa cid hubin karta in aanay cudurro ka qaadin qabuuraha marka la faago?

Muqdisho dhul Dowladeed kuma yara. Hore ayaan ugu nooleyn caasimad laga waayay beer lagu nasto, bannaan lagu lugeeyo iyo Xeeb munaasib ah oo dhismayaashu ka fog yihiin oo nadiif ah oo lagu dabaasho, lagu nasto, lagu fekero ama lagu istareexo.

In ehelka meytada laga xishoon waayo, lagana horkeeno Dowladda, ma aha talo u adeegeysa danta dadka iyo Dowladda toona.

Ma aha in sas la qaadsiiyo agoon iyo rajo waalidkood ku aasan yahay qabuurahaas.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ma aha Xamar oo keliya. Maxaa qasab ka dhigay in dhul kasta oo Federaalku u baahdo, laga doondoono Xamar gudahihiisa?

Maskaxdu ha shaqeyso, shacabkana yaan lagu dhiirran ee ha la xaqdhowro.

W/Q Yuusuf Garaad Cumar ,Wasiirkii hore ee Arrimahada Dibadda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 12 6 2024

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 12 6 2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhibaatooyinka mukhaadaraadka iyo dambiyada ka dhalan kara.

0

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Dhibaatooyinka mukhaadaraadka iyo dambiyada ka dhalan kara.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA