Home Blog Page 2302

Maxeey Kawada Hadleen Soomaaliya iyo Hindiya ?

Khamiis 13 June 2024 {HMC} –  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka Hindiya Namgya Choden Khampa ayaa wasiirka kala hadashay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale, kulankaan oo ka dhacay xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu gorfeeyey fursadaha lagu ballaari karo iskaashiga wadajirka ah ee labada dal oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Safiirka Hindiya ayaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya u sheegtay in ay ka go’an tahay fududeynta codsiga dal ku galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan inay caafimaad u aadaan Hindiya.

“Waa naga go’antahay inaan hubino in ay Soomaalidu si degdeg ah u heli karaan fiisaha, iyada oo aysan jirin cid kale oo na dhexdhexaadi doonta,” ayey tiri Namgya Choden safiirka Hindiya u joogta Soomaaliya.

Hindiya ayaa safka hore uga jirta dalalka ay dadka Soomaaliyeed u aadaan caafimaadka, hadana dhibaato weyn ayaa lagu qabaa sidii qof Soomaali ah uu Hindiya ku tegi lahaa.

Inta badan Soomaalida u socota Hindiya waxay aadaa Addis Ababa – Itoobiya, halkaas ka jartaan fiidaha ama dal ku galka Hindiya, dad badan ayaa cabasho ka muujiyey wareegaas dheer, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka dalbaday in safarada Hindiya la fududeeyo.

Hadda waxaa xaaladda sii adkeysay arrinta Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaal culus oo diblomaasiyadeed uu ka dhex qarxay, dadka Soomaaliyeed waa ku sii dhibtoodeen helidda dal ku galka Hindiya, balse hadda waxaa muuqata in dowladda garowsatay inay raadiso xal deg deg.

Cali Wajiis oo Difaacay Go”aanka Dowlada ee Dib Ufaagista Qubuuraha Iskool Polizia

Khamiis 13 June 2024 {HMC} – Sheekh Cali Wajiis oo ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya, isagoo si weyn u difaacay go’aanka dowladda, tusaaleyn dhanka diiniga ahna ka bixiyey qodobada uu ku difaacayo go’aanka qabuuraha looga rarayo dhulkaas.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis ayaa shaaciyey in xilligii dowladii Farmaajo, ay mar sidaan oo kale isugu dayeen maamulkii gobolka Banaadir, gaar ahaan in qabuurahaas lasoo fago oo laga saaro dhulkaas, balse ay ka diideen, maadaama la sii rabay shakhsiyaad gaar ah.

Waxa uu si gaar ah u xaqiijiyey in Farmaajo iyo ra’iisul wasaareyaashiisa aanay dalban, balse arrintaas uu soo jeediyey guddoomiyihii gobolka Injineer Yariisow.

Hadda oo dowladda Xasan Sheekh ay go’aankaan la qaateen iyo xiligii Farmaajo oo ay ka diideen wuxuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu jiray kala duwanaasho, maadaama dowladda Xasan Sheekh ay dhulkaas uga faa’iideysaneyso, si dan-guud ah, halka dowladii Farmaajo ay ka kirey rabtay shakhsiyaad ganacsato ah.

Shiikha ayaa sidoo kale sheegay in xiligii Farmaajo ay mar kale dowladda ka diideen in dadka ku shaqeysta laga saaro dhul u badan hoteelo uu ku jiro Hotel Afrik oo dowladda u jireysan.

“Guddoomiye Injineer Yariisow ayaa noo keenay liis dheer oo qiyaastii 30 ah, kuwaas oo u kireysan dowladda oo Hotel Afrik uu ku jiro, waxaan R/Wasaare Kheyre ku dhahnay dhulkaan hadii dadka ku shaqeysta laga saaro dan-guud maka hirgelinee? Wuxuu yiri maya, ka leexo ayaan dhahnay dadka degan ayaa u xaq leh oo sanado badan laga kireeyee, waana naga aqbalay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekh Cali ayaa sheegay in xiligaas ay dowladii Farmaajo ka aqbashay culimada is hortaagii ay ku sameeyeen go’aanka lagu fagi lahaa qabuuraha iskuul Buluusiya, balse hadda dowladda Xasan Sheekh ay halkaas ka fulineyso qorshe danguud ah oo dhulkaas la dejinayo in ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo baahi weyn loo qabo.

Sheekh Cali Wajiis waxaa la weydiiyey waxa la gudboon culimada, hadii dhulkaas laga dhigo dhul ganacsi oo shakhsiyaad la siiyo, isagoo sheegay markaas ay ka hor imaa doonaan dadkana u cadey doonaan in balantii ay uga baxday dowladdu, balse hadda qorshaha loo sheegay oo dowladda ay ku raaceen uu yahay in dhulkaas hanaan danguud ah loo isticmaalo.

Wuxuu intaas ku sii daray, in diinta islaamka aysan baneyn in dangaar ah loo isticmaalo dhul danguud ah, inta laga saaro dadkii ku xabaalaa, sidoo kale wuxuu faahfaahin dheer ka bixiyey marka la ogolyahay in meyd laga saaro meel ee meel kale lagu aaso, isagoo ka bixiyey tusaalooyin waaweyn oo ku qanciyey in culimadu ay go’aankaas la qaadayo dowladda.

Muran dhanka xududda ah oo ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Arbaco 12 June 2024 {HMC}  Muranka dhanka xuduudda ah ee u dhexeeya dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta, oo imika gaaray miiska Qaramada Midoobay, ayaa iftiimiyay wax lagu tilmaami karo “xifaaltan qarsoon” ama “muran ku saabsan hoggaanka gobolka” oo u dhexeeya labada waddan ee deriska ah ee Khaliijka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Sida ku cad qoraallada iyo warqadaha loo diray Qaramada Midoobay ee labada dal waxaa muuqata in farqiga u dhexeeya labada dhinac iyo muranka soohdinta uu sii kordhay, waxana laga yaabaa in ay jiraan khilaafyo kale, taas oo keentay in la wajaho Qaramada Midoobay iyada oo ujeedadu tahay in la isku dayo “in la caddeeyo xuquuqaha madaxbannaanida, caalami ahaan,” sida ay qabaan falanqeeyayaasha.

Inkastoo khilaafkan iyo arrimo kale oo la xiriira khilaafka Sucuudiga iyo Imaaraatka, haddana dadka wax indha indheeya ayaa aaminsan inay weli jirto fursad wanaagsan oo lagu soo afjari karo farqigaas, xataa si ku meel gaar ah, iyadoo la og yahay inay jiraan dano guud oo ka miisaan culus qodobbada ay isku maandhaafsan yihiin labada dhinac.

Si dhif iyo naadir ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay, muranka xuduudda Sacuudiga iyo Imaaraatka ee ku aadan deegaanka “Al Yasat” uu u soo shaac baxay kadib warqad ay dowladda Sacuudiga u dirtay 18-kii bishii March Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay taa oo ku saabsaneed ku dhawaaqista Imaaraatka Carabta. “Al Yasat” oo ah meel Imaaraatka laga ilaaliyo baddeeda.

Waraaqadan, ayaa Riyad waxay ku tilmaamtay in ku dhawaaqista Imaaraadka ay ka soo horjeedo shuruucda caalamiga ah iyo in aanay tixgelin ama aqoonsanayn wax kasta oo sharci ah oo ay ku yeelanayso goobtaasi.

Imaaraatka Carabta ayaa fariin cad kaga jawaabtay 16-kii May in “Al Yasat” ay ku taallo dhul badeedkeeda.

Muranka ma waxaa uu ku kooban yahay xuduudda mise arrimo kale ayaa jira?

 

Warbixinnada ay qorayeen wargeysyada aan ahayn kuwa Carabta ayaa muddo dheer ka hadlayay waxa ay ugu yeereen “saaxiibka-cadowga”, taas oo ah, in Imaraadka iyo Sacuudiga, iyo tartanka juqraafiyeed iyo loolanka awoodeed ee u dhexeeya.

Abdullah Baaboud, oo madax ka ah xarunta cilmibaarista Malcolm Kerr-Carnegie ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in ay jiraan murano badan oo dhanka xuduudaha ah oo u dhexeeya dawladaha Khaliijka, sababtoo ah xuduudaha qaar ayaan si cad loo kala saarin, mararka qaarkoodna khilaafyadani waxay soo baxaan, gaar ahaan marka ay jiraan khilaafyo kale oo qarsoon.

Baaboud waxa uu intaa ku daray in khilaafkii dhawaan dhacay aan la eegi karin xaaladiisa guud, maadaama ay jiraan kala duwanaansho qarsoon oo u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Kala duwanaashiyahan ayuu khabiirka sheegay inay la xiriiran tartan dhaqaale oo gaar ah, maadaama Sacuudiga uu isku dayayo, iyadoo loo marayo Hiigsiga 2030-ka inuu noqdo dalka ugu muhiimsan gobolka, wuxuuna isku dayayaa inuu noqdo xarunta dhaqaalaha adduunka, halka Imaaradka gaar ahaan Dubai loo arko inay u tartamayso isla meeqaamkan.

Baaboud waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal oo ay ka mid tahay arrinta Yemen oo ay ku kala gadisan yihiin hadafka iyo taageerada ciidamada maxalliga ah, Afgaanistaan ​​iyo loolanka saamaynta ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo waliba wadamada Waqooyiga Afrika.

Cilmi-baarahan ayaa sidoo kale intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kala duwanaansho gudaha wadamada soo saara shidaalka ee OPEC ah, iyada oo Imaaraadku ay isku dayayaan inay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin gobolka, halka Sacuudi Carabiya ay sidoo kale leedahay istiraatijiyad u gaar ah.”

Mustaqbalka khilaafka iyo saamayntiisa

In kasta oo qaarkood ay isku dayayaan in ay yareeyaan saamaynta muranka soohdinta badda ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadku ku yeelanayo xiriirka labada dal, kuna qanacsan yihiin in ay u arkaan “farqi yar oo u dhaxeeya” oo uusan ahayn “khilaaf,” ayaa Professor Fawaz Girgis, oo Xiriirka Caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda London, waxa uu aaminsan yahay in qaabka Sucuudigu arrintan ugu gudbiyay Qaramada Midoobay “ay muujinayso baaxadda farqiga u dhexeeya labada dal, iyo awood la’aanta labada waddan inay xaliyaan murankan soohdinta badda.

Waxa kale oo ay tilmaamaysaa in xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay aanu sidii hore u sii adkayn.

Girgis waxa uu intaa ku daray in xiriirka labada dal uu marayo meel mugdi ah, waxaanu aaminsan yahay in xiisadan ka dhalatay xiriirka labada dal aanay midna dan u ahayn, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto golaha iskaashiga Khaliijka, marka la eego baaxadda arrintan.

Sacuudiga iyo Imaaraadka Waxay ayaa waxay laf-dhabar u yihiin Golaha Khaliijka, sidaas darteed xiisadda xiriirka waxay horseedi doontaa nooc kala duwanaansho, wuxuuna khilaafakan sidoo kale sababi karaa in golahaasi ay Awoodi waayaan inuu dhaqaajiyo faylalka muhiimka ah.

Marka laga soo tago Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, Golaha Iskaashiga Khaliijka waxaa ka mid ah Cumaan, Kuwait, Bahrain iyo Qatar, waana gole la aasaasay saddex iyo afartan sano ka hor, xaruntiisuna tahay Sacuudi Carabiya.

Muxuu sharciga ka leeyahay Yasat”

Sharci ahaan, uma taallo Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaarto soohdinta iyo kala soocidda xudduudaha, balse waa arrin ay tahay in dalalku si laba geesood ah u xalliyaan.

Faallo kooban oo uu, ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, wuxuu yiri: “Ma hayno hadda wax faallo ah oo faahfaahsan oo aanu ka bixinno, waxaan si fudud u dhiirigelinaynaa dhammaan dadaallada ay dalalku sameeyeen si caadi looga dhigo xiriirkooda laba geesoodka ah.”

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Isbeddelka Cimilada iyo Deegaanka ee Imaaraatka, aagga badda ee “Al Yasat” waxaa ku jira jasiirado badan oo leh biyaha ku hareeraysan, waxayna ku taallaa koonfur-galbeed ee Abu Dhabi, oo ku taal xeebta kala qaybisa Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.

Taariikhda muranka xuduudka

Muranka soohdinta ee Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa uu soo billowday sannadkii 1974-kii, markaas oo ay labada waddan kala saxiixdeen heshiis ay ku xallinayaan khilaafaadkooda xuduudeed ee loo yaqaanno heshiiskii Jiddah, kaas oo Sucuudigu ka tanaasulay sheegashadiisa qayb ka mid ah meel Saliida Qani ku ah ee loo yaqaano Buraimi Oasis.

Xuduudaha saliidda qaniga ku ah ee u dhexeeya labada dal, sida Jaziiradda Al-Huwaisat, halka Imaaraadku uu ka tanaasulay boqolkiiba 80 ceelka shidaalka ee Shaybah, iyo 50 kiiloomitir oo xeebta ah.

Sida uu dhigayo heshiiskaas, Sacuudiga wuxuu sidoo kale u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay dowlad madax-bannaan, tanina waxay ahayd bilowgii wejigiisii ​​aasaaska.

Cabdul Khaleq Cabdullah, oo ah borofeesar cilmiga siyaasadda ka dhiga Imaaraadka, ayaa u sheegay in heshiiska lagu saxiixay si degdeg ah iyo duruufo adag oo dhanka hay’adaha ah, lagana yaabo in duruufahaas ay ku kaliftay in Imaaraadku saxiixdo iyada oo aan xisaabta ku dareynin tafaasiil badan oo muhiim ah.

Waxa uu intaa ku daray in isaga oo ka duulaya xogtan, Abu Dubi ay bilaabeen in ay dib u eegis ku sameeyo Riyadh si wax looga bedelo qaar ka mid ah qodobbada heshiiska, balse sacuudiga ay diidan yhiin.

Heshiiskii 1974 kii ma baabi’in xurguftii labada dal, taasoo gaartay heer ay Imaaraadku qaadacaan shirkii wasiiradda arrimaha dibadda iyo shidaalka khaliijka 1999-kii ee ka dhacay Sacuudi Carabiya, iyagoo ka soo horjeeday furitaanka goob shidaal oo ku taal gobolka Shaybah iyo ku guuldareysiga inay ku lug yeelato Abu Dhabi ka faa’iidaysiga dakhliga goobtaas.

Xiisadda ayaa sii xumaanaysay sannadihii xigay, waxayna gaartay meeshii ugu sarreysay sannadkii 2010-kii, markaasoo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudiga inay ku xad-gudbeen ilaalada badda ee ay ku sugan yihiin dhul-badeedkiisa, waxayna arrintu gaartay heer ay xabbado digniin ah ku riddo.

Sannadkii 2004-tii, Imaaraadku wuxuu hoggaanka Sucuudiga la soo qaaday arrinta wax ka beddelka heshiiska xuduudka, iyagoo u arkayay inay “caddaalad-darro ku tahay arrintaas,” illaa uu Madaxweynihii hore ee Imaaraadka, Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, soo saaray wareegto sannadkii 2005-tii uu ku sheegayo markii ugu horeysay in “Al Yasat” ay Imaaraadka ka tirsan tahay.

Sida laga soo xigtay falanqeeyaha siyaasadda iyo lataliyaha xarunta warbaahinta iyo daraasaadka Carabta, Abdulaziz bin Razen, ma jiro khilaaf dhab ah oo u dhexeeya labada waddan, laakiin taa beddelkeeda waxaa jiri kara farqi ama kala duwanaansho xagga aragtida ah. Waxa uu sheegay in arrinta “Al-Yasat” la soo afjaray, lahaanshiyaheedana ay ku soo laabatay Sacuudiga sida uu qabo heshiiskii 1974 oo lagu qoray khariidadaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

Bin Razen waxa uu intaa ku daray in wareegtada Imaaraadku soo saartay 2019 ay ka hor imanayso heshiiskaas, sidaas darteedna aanay Boqortooyadu aqbali karin in heshiiskan hal dhinac laga beddelo maadaama uu dhacay.

Balse dhanka kale waxa uu rumeysan yahay in aysan saameyn xun ku yeelan doonin xiriirka labada dal.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland oo booqday Deegaan Dhawaan laga saaray AS.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta booqday deegaanadii u danbeeyay ee degmada Badhaadhe ee laga xoreeyay AS.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wafdigiisa kamid ahayeen masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee maamulka ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka BuuloXaaji kula hadlay dadweynaha deegaanka.

Waxaa Madaxweyne ku xageenku uu uga mahad celiyay dadka deegaanka sida ay usoo dhaweeyeen ciidamada geesiyada ah, isla markana ay diyaarka ugu yihiin inay ku noolaadan nolol bilaa cabsi ah kadib markii deegaankan laga saaray Khawaariijta mudada dheer guumaysiga ku haysay dadka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ballanqaaday in hay’adaha kala duwan ee maamulka ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan sidii loo hirgalin lahaa goobo loogu adeego dadka deegaanka gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada iyo biyaha.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha wali ciidamadu ay ku wajahan yihiin inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wiilashooda nafta u huraya sidii nabad iyo cabsi la’aan ay ugu noolaan lahayeen.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Deegaanno dhawaan Lagu Dagaalmay

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaala ah oo wadaag ahaa.

Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo wax garadka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in ay gaaraan xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhex marta.

Si guud billawga gogosha ayaa la isla qaatay saddex qodob oo kala ah;

1: In xabbad joojinta la is la qaatay, sidoo kalana lala shaqeeyo ciidammada amniga.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo caasimadda Dhuusamareeb la dhigay.

 

Mareykanka oo qiimeynaya jawaabta Xamaas ee qorshaha xabadjoojinta

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Kooxaha hubeysan ee Falastiin waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin heshiis balse waxay si gaar ah u muujiyeen in ay u baahan yihiin in Israel ogolaato xabadjoojin rasmi ah.

Israel weli kama hadal balse sarkaal magaciisa la qariyay ayaa sheegay in jawaabta Xamaas ay u muuqato diidmo. Masar iyo Mareykana oo dhexdhexaadinaya heshiiska ayaa doonaya in qorshaha la hirgeliyo. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, wuxuu talaadadii sheegay in ra’iisul wasaaraha Israel u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay heshiiska, Xamaasna ay mas’uuliyadda qaadeysa hadii aan wax horumar ah laga gaarin.

Mr Netanyahu si cad uma aqbalin qorshaha uu madaxweyne Biden ku sheegay in Israel ay la timid markii uu soo bandhigayay 12 maalmood ka hor.

Hadal kooban oo ay soo saartay Xamaas ayey si cad uga jawaabtay xabadjoojinta taas oo soo jiidatay taageero balaaran oo caalami ah. Xamaas waxay ku celisay dalabkooda ah in si buuxda loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in ciidamada Israel ka baxaan dhulka Falastiin.

Sarkaal Xamaas ka tirsan, Cisaat Al-rishqi, ayaa sheegay in jawaabta ay tahay mas’uuliyad, ayna furtay dariiq hehsiis lagu gaaro. Ra’iisul wasaaraha Israel lagama hayo jawaab rasmi ah oo tixraac leh.

Balse hadalka Israel waa mid uu sheegay sarkaal magciisa qarsoodi yahay kaas oo sheegay in Xamaas ay beddeshay dhammaan arrimahii ugu muhiimsanaa iyadoo diiday qorshaha lagu sii deynayo la haystayaasha ee uu sheegay madaxweyne Joe Biden.

Qatar iyo Masar hadal ay wadajir u soo saareen ayey ku sheegeen in ay eegayaan jawaabta Xamaas, ayna la xiriirayaan dhinacyada ay quseyso wixii laga yeeli lahaa. Waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadayaan dadaalada dhexdhexaadinta ilaa inta heshiis laga gaarayo.

Madaxweyne Nigeria oo kufay ka hor inta uusan fuulin gaarigii qaadi lahaa

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa simbiriiraxday oo dhacay ka hor xuska 25 guurada dimuqraadiyadda dalkaas.

Madaxweynaha oo 72 jir ah ayaa dhacay isagoo korayay jaranjarada gaariga u qaadi lahaa fagaaraha Eagle ee caasimadda Abuja.

Mid ka mid ah kaaliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay in uu lugta la gafay jaranarajada, wuxuuna sheegay in ay u suuragashay in uu qeyb ka ahaado inta ka hartay barnaamijka.

Shehu Sani oo ah siyaasi caan ah ayaa sheegay in aysan wax weyn aheyn, madaxweynahana uu san ka duwaneyn dadka caadiga.

Inta badan dadka Nigeria ayaa u rajeeyay caafimaad balse qaar ayaa su’aalo ka keenay caafimaadkiisa taa oo la mid ah tii mucaaradka ay sheegeen ololihii doorashada ee sanadkii hore

Maxay maraakiibta dagaalka Ruushka ka dooneen Cuba?

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Afar maraakiibta dagaalka Ruusha oo uu ku jiro mid xambaarsan hubka nukliyeerka oo ah kuwa quusa ah ayaa iyadoo ay taagan tahay xiisadda Ruushka iyo reer galbeedka ku soo xirtay Cuba.

Maraakiibta oo loo arkay in ay Cuba u yimaadaan ismuujin ayaa ku xirtay gacanka Havana kaas oo u jira 145 km gobolka Florida ee Mareykanka.

Wasiirka difaaca Ruushka, Admiral Gorshkov, ayaa sheegay in hub casri ah ay ku xiran yihiin maraakiinta. Hubka waxaa ka mid ah gantaalada guuxooda ka dheereeya ee Zircon. Dhoolatus ayey hore uga soo sameeyaan Atlantic.

Wasaaradda arrimaha dibadda Cuba ayaa sheegtay in maraakiibta aysan ku xirneyn hubka nukliyeerka, booqashadooda shanta maalmoodna khatar kuma ahan gobolka.

Mareykanka waxay sheegeen in ay si dhow ula socdaan booqashada maraakiibtaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Qoorqoor oo isku keenay Beelahii ku Dagaalamayay Galgaduud

{DAAWO MUUQAALKA} Aqoon is weydaarsi looga hadlayay xadgudubka iyo naafada qaranka oo lagu qabtay Muqdisho