Home Blog Page 2307

Dowladda Soomaaliya oo Malaayiin doolar dalbatay –muxuu yahay qorshaha socdo?

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Munaasabad ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay warbixinta cilmi-baaris lagu sameeyey saameynti tabneed ee ka dhalatay fatahaadihii Deyrta ee 2023-kii oo ay iska-kashadeen khubaro ka socota Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada beesha caalamka, taas oo laga soo aruuriyay gobollada dalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin heer Federaal, iyo heer Dowlad gobolleed, madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, iyo marti-sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay baaxadda dhibaatadii ka dhalatay cimiladii El-nino, iyadoo warbixintu xustay in fatahaaduhu wax-yeelleeyeen 2.5 milyan oo qof, kuwaas oo 1.2 ka mid ah barakaceen, halka la diiwaan galiyay dhimashada 188 qof. Waxaa xaaladda uga sii daray in dadkaan nugul ay hore u saameeyeen abaarihii 2022 & 2023.

Sida ku cad warbixinta la soo bandhigay, fatahaadihii Deyrta ayaa sidoo kale sababay khasaare dhaqaale oo ka badan $176 milyan oo isugu jira waxyeellada dalagga beeraha, xoolaha, ceelasha biyaha, dhismaha goobaha wax-barashada, caafimaadka iyo fayadhowrada bulshada, taas oo qasab ka dhigtay in wadajir loogu istaago dib u dhiska kaabayaasha muhiimka u ah bulshada ee burburay.

Soo bandhigidda qiimeynta kadib, Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu muujiyay in loo baahan yahay lacag dhan 230 milyan oo doolar, si maalgalin loogu helo dadaallada ka soo kabashada saameyntii El-nino iyo dhisidda bulsho adkeysi u leh aafooyinka kala geddisan ee dalkeenna ku soo laalaabtay.

Wiilka Madaxweyne Biden oo lagu helay dambiyo iyo maxkamada oo tallabo qaaday.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Hunter Biden oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu helay dambi ah inuu ka been sheegay isticmaalka daroogada markii uu iibsanayay qori.

Saddex saacadood oo dood ah ka dib, xeerbeegtida ayaa ku helay dambiga saddexda eedeymood.

Hunter ayaa wajahaya ugu badnaan 25 sano oo xarig ah dhammaan saddexda dambi. Taariikhda saxda ah ee la xukumayo lama sheegin, Garsooraha ayaasa sheegay in taariikhaha xukunku ay caadiyan ku dhacaan muddo 120 maalmood gudahood ah.

Hunter waxa uu muujiyey dareen yar markii la akhriyey xukunnada dembiyada, isaga oo hore u eegaya gacmihiisu isku laabnaa ka hor inta aanu u soo jeesan si uu u hab u siiyo qaar ka mid ah saaxiibbadiisa, kooxdiisa sharciga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay in uu aqbali doono natiijada kasoo baxda kiiska, uuna sii wadi doono in uu ixtiraamo nidaamka garsoorka maadaama Hunter uu ka fekerayo racfaan.

Madaxweynaha ayaa ku celceliyay inuu garab taagan yahay wiilkiisa. “Waligey ma beddeli doono taas,” ayuu yiri.

Xamaas oo aqbashay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Xamaas ayaa aqbashay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo qorshaha lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Gaza, waxayna diyaar u tahay inay wada xaajood ka galaan tafaasiisha heshiiskaas sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan kooxdaas, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka uu ku tilmaamay arrintas calaamad rajo leh.

Laakiin dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ayaan jawaabo rasmi ah ka helin Xamaas ama Israel hindisaha xabbad-joojinta ee ay Qaramada Midoobay taageerto, sida sarkaal ku dhow wada-hadallada uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, waxayna labada dhinacba soo jeediyeen Talaadadii in qorshuhu uu ku habboon yahay yoolalkooda wadahadalka, taasoo shaki gelinaysa in uu jiro dhabbo horudhac ah oo ku wajahan heshiis la galay.

Wadahadalada oo sidoo kale taabanaya qorshooyinka dagaalka ka dib ee Gaza ayaa sii socon doona labada maalmood ee soo socda sida uu sheegay Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken oo ku sugan Tel Aviv.

Blinken ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil si ay u soo afjaraan dagaalka cirka iyo dhulka ah ee siddeeda bilood jirsaday oo ka dhan ah Xamaas, maalin kaddib markii soo jeedintii madaxweyne Joe Biden ee xabbad joojinta uu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ka hor safarka Blinken, Israa’iil iyo Xamaas labaduba waxay ku celceliyeen mawqifyo adag oo meesha ka saaray fulinta heshiiskan, halka Israa’iil ay sii waday weerarrada ay waday bartamaha iyo koonfurta Gaza, oo ka mid ah kuwii ugu dhiigga badnaa ee dagaalka.

Soo jeedinta Biden waxa ay muujinaysaa xabbad-joojin, sii daynta la haystayaasha si loogu beddelo Falastiiniyiinta ku xiran Israa’iil, ugu dambayntiina horseeddaysa in si joogto ah loo joojiyo dagaalka.

Talaadadii, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Sami Abu Zuhri ayaa sheegay inay aqbaleen qaraarka xabbad joojinta ayna diyaar u yihiin inay ka wada xaajoodaan arrimaha gaarka ah.

“Maamulka Mareykanka waxa uu wajahayaa tijaabo dhab ah si uu u fuliyo ballamihiisii ​​ahaa in uu ku qasbo labada dhinac in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka iyadoo la fulinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Abu Zuhri.

Blinken waxa uu sheegay in hadalka Xamaas uu yahay “calaamad rajo leh” balse weli eray qeexan looga baahan yahay hoggaanka Xamaas ee ku sugan gudaha Gaza ee Israa’iil ay go’doomisay.

Ka dib markii uu Blinken u ambabaxay dalka Urdun, sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Israa’iil, oo codsaday inaan la aqoonsan, ayaa sheegay in hindisaha mareykanka uu u sahli doono Israa’iil inay gaadho yoolkeeda dagaal.

Sarkaalkan ayaa ku celceliyay ineysan wax iska bedelin mawqifkii Israel ee ahaa in awooda militari ee Xamaas iyo awooda maamulka Gaza la baabi’iyo, dhamaan la haystayaashana la sii daayo, lana xaqiijiyo Gaza oo aan wax khatar ah ku ahayn Israel mustaqbalka.

Dagaalkan ayaa billowday markii dagaalyahanno Falastiini ah oo Xamaas ka tirsan ay ay 7-dii Oktoobar soo galeen koonfurta Israa’iil, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 1,200 oo qof, in ka badan 250 kalena ay qafaasheen, sida ay sheegtay Israa’iil.

Weerarada cirka iyo dhulka ee Israel ku qaaday Qaza ayaa iyana dilay ugu yaraan 37,164 falastiiniyiin ah sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo warbixin soo saartay

Maraykanku waa saaxiibka ugu dhow ee Israa’iil iyo iibisa hubka, laakiin, adduunka intiisa badan, ayaa si weyn u dhaleeceeyay dhimashada weyn ee rayidka ah ee Gaza burburinta iyo masiibada bini’aadantinimo ee uu geystay weerarka Israel.

NISA oo Albaabada iskugu laabtay timo-jarayaashii degmada Kaaraan +Sababta.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay xiray oo albaabada isugu dhuftay xarumihii baalbayeeriyaasha ama Timaha lagu jara jiray ee ku yaalay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xabsiga u taxaabay dhammaan timajarayaashii ay ugu tageen goobahooda shaqada.

Howlgalkaas waxa uu ka dhacay laga soo billaabo isgoyska Sanca ilaa Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan.

Qaar ka mid ah dadka ay arrintan samaaysay ayaa sheegay warbaahinta u sheegay in aysan jirin sharraxaad ay ciidamadu ka siiyeen tallaabadan, isla markaana aysan garaneyn sababta loo xiray timajarayaashii ka shaqeynayey degmada Kaaraan.

Xogo ay warbaahinta heshay ayaa sheegaya in lagu haysto qaabka ay tinta u jaraan, booliska Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay dhalinyarada ka mamnuuci doonaan in si xun ay tinta u jartaan, balse askarta ayaaba u xiirta habka la dhaliilayo.

Hay’adda NISA, boos kuma laha canshuuraha, toosinta anshaxa guud iyo dhowridda kala dambaynta, waxayna ehellada dhalinyarada la xiray qabaa tabasho weyn, maadaama la iska xirtay rag u shaqo tegay nolol maalmeedkooda oo canshuur bixiyaal ah.

Waajibaadka NISA, waa inay dabagasho, soo qabato, oo haddii loo baahdana la dagaallanto nabad-diidka, sida AS iyo Daacish, waa marka ay joogto mukhabaaraadka gudaha, dibadana waa inay xooraan ka keento dowladaha cadowga ah ee doonaya inay carqaladeeyaan nabadda wadanka.

Maraykanka oo sheegay in Israel ay ka go’an tahay xabad-joojinta.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay u hogaansamidda xabad joojinta la soo jeediyay in laga hirgeliyo Gaza.

Sida uu sheegay blinken oo wariyeyaasha kula hadlayay Tel Aviv , Xamaas oo kaliya ayaa ilaa iyo hadda aan aqbalin shuruudaha ku jira xabad joojintan.

Shalayna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraar uu soo diyaariyay Maraykanka oo ugu baaqaya Israa’iil iyo Xamaas inay fuliyaan heshiiskan xabbad-joojinta.

14 ka mid ah 15ka xubnood ee Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraarka, oo ruushka oo kaliya uu ka aamusay.

Hindisaha Xabad joojinta Gaza ayaa ka kooban sadex waji:

Wajiga hore ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, labada dhinacna ay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiista ay kala heystaan, Gargaarka Gaza oo sare loo qaado, iyo ciidamada Israel oo ka baxa goobaha dadku ku badanyihiin Gaza, si dadku ay guryahooda ugu noqdaan.

Wajiga labaad, ayaa dhigaya in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, Maxaabiista oo si buuxda loo sii daayo, iyo in ciidamada Israel ay si buxda uga baxaan Gaza.

Wajiga ugu dambeeya ee hindisahan ayaa dhigaya in Gaza lagu bilaabo dib u dhis muddo sanado ah qaadanaysa, iyo in Xamaas ay Israel u celiso haraaga meydadka la heystayaashii Israel ee dhintay intii ay gacanta Xamaas ku jireen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {11-06-2024}

Talaado 11 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqano Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Saalax Jaamac ”waxaa lumay hab-nololeedkii Bulshada waana arrin u baahan in laga foojignaado.”

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Saalax Jaamac ”waxaa lumay hab-nololeedkii Bulshada waana arrin u baahan in laga foojignaado.”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ganacsatada Soomaalida ee Islii oo ka walaacsan hadal uu sheegay madaxweynaha Kenya

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Ganacsatada Soomaalida ee Islii oo ka walaacsan hadal uu sheegay madaxweynaha Kenya

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Sagaal iyo toban eedeysane loo haysta falal anshax xumo ah oo loo gudbiyay Maxkmadda

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Sagaal iyo toban eedeysane loo haysta falal anshax xumo ah oo loo gudbiyay Maxkmadda

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo mideyneysa xerooyinka tababarka ciidamda

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo mideyneysa xerooyinka tababarka ciidamda

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA