Talaado 11 June 2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Malawi iyo dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradii Shilka gashay oo dhintay ”
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Daah-Furey Mashaariicda Xaldoon iyo Nagaad
Talaado 11 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Daah-Furey Mashaariicda Xaldoon iyo Nagaad.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Shiiq Shariif oo Si adag uga Horyimid Dalkabka Doowlada ee Ku adan Qabuuraha iskuul boolisiiya
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh ayaa si kulul uga hor yimid go’aanka DF ay ku bixisay in 10 cisho gudahood lagula baxo meydadka ku aasan qabuuraha Iskoolo Buluusiyo ee magaalada Muqdisho oo ay ku aasan yihiin kumanaan qof.
“Waxaan aad uga xumahay arrinta dib u faagista qubuuraha Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku aasan yihiin dad badan oo shacab ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu aasayay” ayuu yiri shariif oo War saxaafadeed soo saaray.

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle oo gaaray magaalada Mesagaway
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle Ayaa gaaray magaalada Mesagaway ee Gobalka Galgaduud asigoo halkaasi kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 86aad ee Guutada 77 ee XDS.
Taliye Dayax ayaa ciidamada iyo saraakiisha Hogaaminaya ku amaanay sida quruxda badan oo ay uga adkaadeen cadawga khawaarijta ah, tabaha dagaalka oo ay la yimideen iyo sida ay shacabka u garab istaageen.
Waxuu taliyaha Ciidanka Dhulka Dayax Cabdi Cabdulle uu faray saraakiisha ciidanka hogaaminaya inay u diyaar garoobaan baacsiga Cadawga khawaarijta ah oo dhowaan uu sheegay in laga xureyn doono deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah.Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Dayax Cabdi Cabdulle oo gaaray magaalada Mesagaway ee Gobalka Galgaduud ayaa halkaas kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 86aad ee Guutada 77 ee XDS.
Taliye Dayax ayaa ciidamada iyo saraakiisha Hogaaminaya ku amaanay sida quruxda badan oo ay uga adkaadeen cadawga khawaarijta ah, tabaha dagaalka oo ay la yimideen iyo sida ay shacabka u garab istaageen.
Waxuu taliyaha Ciidanka Dhulka Dayax Cabdi Cabdulle uu faray saraakiisha ciidanka hogaaminaya inay u diyaar garoobaan baacsiga Cadawga khawaarijta ah oo dhowaan uu sheegay in laga xureyn doono deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah.

Kiiska 19 eedeysano oo Caan Ka Ah Tiktok oo la Codsaday in Maxkamadda Mudeeyso Dhageesiga kiiskooda
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 19 eedeysane oo loo heysto in Social Media ay ka wadeen kicin bulsho iyo falal kale.
Xeer-Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Sharci ayaa Maxkamadda Gobalka Banaadir u gudbiyey Eed waafaqsan Qod. 71 X.H.C.S oo lid ku ah 19 Eedeysane oo dhammaantood loo heysto ku lug lahaanshaha Dagaal isir sifayn ah, Khalkhal gelin amni, Naceyb, Kicin Bulsho iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.
Xafiisku waxa uu Maxkamadda Gobalka Banaadir ka codsaday inay soo mudeyso dhageysiga kiiskaas.
Hadaba Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu degniin adag u dirayaa dadka Baraha Bulshada u isticmaala dhaqamada xun xun oo liddiga ku ah dhaqanka suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Bulshada Soomaaliyeed, Dhaqan xumadaas oo ah Aflagaadeynta, Iskudirka Bulshada, Been abuurka, naceybka iyo kicinta bulshada.
{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse oo sheegay inla mideynayo dhammaan tababarrada ciidanka qalabka sida
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.


Qoysaskii tegay qabuuraha Iskuul Booliisiya oo walaac ka muujiyay amarka dowladda
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Waxaa maanta qabuuraga Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyey qoysaskii ugu badnaa oo baadi goobaya maydadka dad ehelladooda kamid ah oo sanado kahor lagu aasay dhulkaas oo ay hadda dib u dhisaneyso dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu shalay amar guud kasoo baxay dowladda, kaas oo lagu faray ehellada inay maydadka muddo 10 cisho ah ugala baxaan halkaasi, ayada oo sababta lagu sheegay in dowladdu ay usoo baahatay dhulkaasi
Qaar kamid ah dadweynaha tegay qabuuraha ayaa walaac ka muujiyay amarka dowladda, waxayna sheegeen in uu yahay mid aan laga fiirsan oo ay si wayn uga naxeen.
Sidoo kale dadkan ayaa qaarkood tilmaamay inay mar kale la mururgoonayaan xanuunka iyo tiiraanyada dadkii ay jeclaayeen oo ay sanado dheer kahor aaseen, balse haatan mar kale dib loo soo saarayo maydadkooda.
Waxa kale oo ay dadkan markii ay tageen la kulmeen arrin kale oo cusub oo ah inay bixiyaan lacago tiradooda lagu sheegay 20 dollar iyo inay warqad ogolaanshaha kasoo qaataan maamulka gobolka, sida ay ku warrameen qaar kamid ah ehellada oo tegay qabuuraha.
Dadkan ayaa sidoo kale ku dooday in aysan wada awoodin lacagtan, ayna dalbanayaan in loo ogolaado inay la baxaan maydadka, si ay meel kale ugu aastaan.
“Saaka ayaan imaanay waxay na dheheen warqad ka doonta Gobolka Banaadir, dowladda amarkeeda lama diidi karo, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay warqaddaas nagadhaafto” ayay tiri gabar kamid ah ehellada tegay qabuuraha.
Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato.
Somali federal government resumes development projects in Puntland amid political tensions
Talaado 11 June 2024 {HMC} – The Somali federal government has restarted development projects in Puntland State after political tensions between the two sides affected several ongoing projects in Somalia.
Somali Minister of Planning and International Cooperation, Mohamud Abdirahman (Benebene), stated on Monday that the Puntland administration had previously suspended the implementation of projects in their region but has now allowed them to resume.
advertisements
“We are very excited to see the resumption of the Barwaaqo and Somalia Food System Resilience Project {SSRP} projects in Puntland, which signifies a renewed commitment to improving the livelihoods of our people. These projects are crucial for fostering sustainable development and ensuring a resilient future for all regions,” stated Minister Benebene.
The Barwaaqo project, launched in January 2023, is a comprehensive water management and infrastructure development initiative. The Somalia Food Systems Resilience Project (SFSRP), launched in June 2023, also aims to strengthen food systems across the federal member states, ensuring food security and promoting sustainable agricultural practices.
“The Federal Government of Somalia, under the leadership of President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre, is committed to depoliticizing humanitarian and development endeavours across the nation. We are dedicated to ensuring that these projects are implemented with utmost transparency and equity, reaching those in need without any political considerations,” Minister Benebene added.
Barwaaqo and SFSRP were earmarked for all Federal Member States; however, Puntland State unilaterally halted their implementation, the federal government said.
However, a day ago, Puntland regional state leader Said Abdullahi Deni asked Somalia’s international partners to establish a new mechanism enabling multilateral development banks to directly provide humanitarian support, development aid, and budget support to Puntland amid the increasing political conflict between Puntland and the federal government.
In a letter sent to the international community, President Deni accused the federal government of politicizing donor assistance and budgetary support intended for Puntland through multilateral development banks.
In March, the Puntland administration withdrew its recognition of the Federal Government of Somalia, demanding that changes to the Somali constitution be approved via a popular referendum. However, the political conflict between Puntland and the federal government existed before the constitutional amendments were approved
{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyadda oo Nairobi ku guddoomiyay kulanka Jiheynta maaliyadda dalka
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay dowlad-goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.

Maxeey Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaaraha Norwey?…
Talaado 11 June 2024 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.
Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.



