Home Blog Page 2310

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Federalka oo Fasaxday mashaariicdii Horumarineed ee ka socday dowlad-goboleedka Puntland.

Talaado 11 June 2024 {HMC} Dowladda Federalka oo Fasaxday mashaariicdii Horumarineed ee ka socday dowlad-goboleedka Puntland.

HOOS KMUUQAALKAA DAAWO WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Anaga hadaan Reer puntland nahay sida DFS dooraashada afka ugama hadalno ee waan fulinaa”Wasiir Juxa

Talaado 11 June 2024 {HMC} Anaga hadaan Reer puntland nahay sida DFS dooraashada afka ugama hadalno ee waan fulinaa”Wasiir Juxa

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Isbitaalka Xarardheere oo la gaarsiiyey daawooyin ay u dhiibtay hey’adda Maareynta Musiibooyinka

Talaado 11 June 2024 {HMC} Isbitaalka Xarardheere oo la gaarsiiyey daawooyin ay u dhiibtay hey’adda Maareynta Musiibooyinka

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.06.2024}

Talaado 11 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Owqaafta ayaa kormeeray adeegyada loo diyaariyey Xujeyda Soomaaliyeed ee deegaanka Mina.

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Wasiirka Owqaafta ayaa kormeeray adeegyada loo diyaariyey Xujeyda Soomaaliyeed ee deegaanka Mina.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Heshiis Horudhac Ah oo Laga Gaaray Dagaalkii Dhimashada badan keenay ee Galgaduud ka dhacay

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Heshiis Horudhac Ah oo Laga Gaaray Dagaalkii Dhimashada badan keenay ee Galgaduud ka dhacay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Shahaadooyin la guddoonsiiyay 583 Araday oo dhamaystay Akhriska Qoraalka iyo Xirfadaha Farsamada

0

Talaado 11 June 2024 {HMC} Shahaadooyin la guddoonsiiyay 583 Araday oo dhamaystay Akhriska Qoraalka iyo Xirfadaha Farsamada

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka Israa”iil oo is casilay.

Talaado 11 June 2024 {HMC}Sargaal sare oo ka tirsan Ciidanka Israa”iil oo is casilay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Puntland oo Ammar cusub dul dhigtay shirkadaha Isgaarsiinta deegaanada Puntland.

Talaado 11 June 2024 {HMC} Maamul goboleedka Puntland ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira deegaannada maamulkaasi, in aysan gudaha magaalooyinka iyo bannaankaba aysan ka dhisi karin taawarro cusub ilaa ammar dambe.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada maamulka Puntland ayaa lagu amray shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u joojiyaan dhisidda taawarrada cusub.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shirkadaha isgaarsiinta aysan wax taawarro cusub ah ka dhisi karin xaafadaha iyo bannaanka magaalooyinka ilaa laga hubiyo in dhismaha taawarada cusub aysan waxyeello u geysan degaanka iyo bulshada.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay wasaaradda Deegaanka Puntland lagu sheegay in cabasho xooggan kasoo gaartay dadka shacabka ah ee degan goobaha taawarrada laga dhisay, waxa ayna dadka ka cawday shucaaca taawaradda iyo qeylada matoorada.

Puntland oo dib loogu fasaxay mashaariicdii ay ka Hakisay dowladda soomaaliya.

Talaado 11 June 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dib u bilaabista mashaariicdii hormarineed ee ka socotay deegaanada dowlad goboleedka Puntland oo joogsaday wixii ka dambeeyey dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday deegaanada Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay, balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Wasiir Beenebeene ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Mashaariicdani waxay muhiim u yihiin kobcinta horumarka waara iyo xaqiijinta mustaqbal adkeysi leh dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Mashruuca Barwaaqo, oo ah mashruuc dhammeystiran oo ku saabsan maareynta biyaha iyo horumarinta kaabayaasha, iyo mashruuca SFSRP oo ujeeddadiisu yahay in lagu xoojiyo nidaamyada cuntada ayaa dhammaan laga hirgeliyaan dowlad goboleedyada, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqamada beeraha.

Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka, balse dowlad goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada uu ka arrimiyo markii uu xumaaday cilaaqaadkii kala dhexeeyey dowladda federaalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa ka go’an in aan la siyaasadayn hawlaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka oo dhan, waxaana ku dadaaleynaa in mashaariicdan loo fuliyo si hufan oo caddaalad a,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta DF.

Wasiir Beenabeene ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in la gaarsiiyo mashaariicda hormarineed ee dalka kuwa u baahan, iyadoo oo aan loo eegin aragtiyo siyaasadeed.

Mashruuca Barwaaqo waxaa daahfuray Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Janaayo 2023, waxaana xigay Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) bishii Juun 2023.