Home Blog Page 2311

Madaxweyne Xasan sheikh iyo boqorka Norway oo kulan ka yeeshay xaalada labada dal.

Talaado 11 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha, amniga, isbeddelka cimilada adduunka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey Boqorka iyo shacabka Norway taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo ay ku jirto dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay Boqor Harald V horumarka iyo isbedelada waaweyn ee ka socda Soomaaliya, isagoo xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, iyo hagaajinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyey nabdda iyo horumarka gobolka.

Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa waxa uu wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa madaxda sare ee dalkaasi, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Dowladda Xasan Sheekh oo lugaha la gashay fadeexo horleh–maxaa dhacay shalay?

Talaado 11 June 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhowaaqday go’aan ay muddo ka meer-meeraysay shaacintiisa, kaasi oo lagu dalbanayo in deg deg qabuuraha Iskuul Buluusiya looga saaro meydadka ku aasan.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo tallaabadan ay dowladda qaaday ku tilmaamay mid luminaysa aaminaadda shacabka iyo dowladda u dhaxeeya, ayaa si weyn ugu weeraray madaxda dowladda arrinkaan, oo uu sheegay inay meesha ka saareyso is-aaminaaddii.

“Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa soo qaatay dhacdaddii bil kahor ay dowladda ku qasabtay wiilka uu dhalay AUN Ajakis inuu beeniyo in amarka dowladda uu ku baxshay maydka aabihii.

“Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin.

Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto.

Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {10-06-2024}

Isniin 10 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare Mohamuud

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Yabooh”Qabuuraha Iskool Boolisiya waa in Meydadka loogala baxo 10 beri”

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Guddoomiye Yabooh”Qabuuraha Iskool Boolisiya waa in Meydadka loogala baxo 10 beri”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Qabuuraha Mariina-geyd oo laga saarayo meydadka iyo dowlada war ka soo saartay

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Qabuuraha Mariina-geyd oo laga saarayo meydadka iyo dowlada war ka soo saartay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug oo war kasoo saartay dagaal beeledkii ka dhacay Galgaduud.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC}  Galmudug oo war kasoo saartay dagaal beeledkii ka dhacay Galgaduud.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ugaas Cali Xasan “Hadday Adeer iyo Abti u dooda weysay Qarannimo ayaan ugu doodeynaa”.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Ugaas Cali Xasan “Hadday Adeer iyo Abti u dooda weysay Qarannimo ayaan ugu doodeynaa”.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Cismaan Barre “Kuwa dad qalatada ah ee ku lug lahaa dilkii Ikran Tahliin waa in Maxkamad la horkeno”

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Cismaan Barre “Kuwa dad qalatada ah ee ku lug lahaa dilkii Ikran Tahliin waa in Maxkamad la horkeno”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Eedada Ikraan Tahliil “Gabadheenii inay micno darro u maqnaato nin kasta gabadhiisu….”.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Eedada Ikraan Tahliil “Gabadheenii inay micno darro u maqnaato nin kasta gabadhiisu….”.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Hooyada dhashay Ikraan Tahliil “Cudur baa igu dhacay cid ii damqatana waan la’ahay”.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Hooyada dhashay Ikraan Tahliil “Cudur baa igu dhacay cid ii damqatana waan la’ahay”.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA