Home Blog Page 2312

{ DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Danab iyo kuwa Jubaland oo qaaday howlgal ka dhan AS

Isniin 10 June 2024 {HMC} Ciidamada Danab iyo kuwa Jubaland oo qaaday howlgal ka dhan AS

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Dhulka Ciidanka Xoogga oo gaaray degmada Ceeldheer oo kormeeray goobihii AS soo weerartay

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Taliyaha Dhulka Ciidanka Xoogga oo gaaray degmada Ceeldheer oo kormeeray goobihii AS soo weerartay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Mareykanka iyo Sacuudiga ‘oo ku dhow’ heshiis horseedi kara xiriir ay yeeshaan Riyadh iyo Israel

Isniin 10 June 2024 {HMC}  WASHINGTON — Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhow inuu dhameystiro heshiis lala galo Sacuudi Carabiya, kaasi oo u ballan qaadaya in Mareykanka uu difaaco boqortooyada, islamarkaana qeyb ka ah heshiis looga gol leeyahay dhiiri-gelinta xiriir diblomaasiyadeed oo dhex-mara Riyadh iyo Israel, waxaa sidaas Axaddii qoray wargeyska Wall Street Journal oo oo soo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Sacuudiyaan ah.

Heshiiska suurto-galka ah, oo ay si weyn uga shaqeeyeen Maraykanka iyo mas’uuliyiin kale muddo toddobaadyo ah, ayaa qayb ka ah xirmo ballaaran oo ay ku jiraan heshiis nukliyeer oo dhex-mara Maraykanka iyo Sucuudiga, tillaabooyin loo qaadayo dhismaha dawlad Falastiin ah iyo soo afjarida dagaalka Gaza ka socda, halkaasi oo dadaallo xabad joojin oo bilo socday ku guuldareysteen in ay nabad keenaan.

Ansixinta heshiiska, oo Wall Street Journal, uu sheegay in loo yaqaan Heshiiska Isbahaysiga Istaraatiijiga ah, ayaa u baahan doonaa saddex-meelood laba-meelood codka aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka, taasi oo ay adkaan doonto in la helo haddii aan heshiiska lagu xirin xiriir dhex-mara Israa’iil iyo Sucuudiga.

Heshiiska qabyada ah waxaa loo qaabeeyey si u eg heshiiska amniga wadajirka ah ee Washington ay la gashay Japan, sida uu wargeysku ka soo xigtay saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga.

Ayada oo dhaafsaneysa ballan-qaadka Mareykanka ee ah in uu gacan ka gaysto difaacidda Sacuudi Carabiya haddii la soo weeraro, qabyo qoraalka heshiiska ayaa Washington u ogolaanaya in ay adeegsato dhulka iyo hawada Sacuudiga, si ay uga ilaaliso danaha Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka, sida uu wargeyska ku warramay.

Waxaa sidoo kale laga damasan yahay in uu Riyadh si dhow ugu xiro Washington, ayada oo laga mamuunayo Shiinaha inuu saldhigyo ka dhisto boqortooyada ama uu iskaashi amni la galo Riyadh, ayuu Wall Street Journal ka soo xigtay saraakiisha.

Aqalka Cad, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaan si deg deg ah uga jawaabin codsi ah in ay arrintan ka hadlaan.

Maalinta kama dambeysta ah ee ay Xujeyda ku tegi karaan Sacuudiga oo la gaaray

Isniin 10 June 2024 {HMC} – Maanta oo ah Isniin waa maalintii ugu dambeysay ee dowladda Sacuudiga ay u asteysay maalinta ugu dambeysay ee Xujeydu ay uga imaanayaan dunida ayna tagayaan dalkaas si ay u gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Maanta saqda dhexe 12:00, Isniin xilliga Sacuudiga, ayay dowladdu sheegtay inay xirmi doonaan lixda garoon ee dalkaas.

Arrintan ayaa waxay ku qasbeysaa dalalka ay tirada ugu badan ee Xujeydu ka imaaneyso inay soo dhammeystiraan safarka Xujeyda kahor muddada kama dambeysta ah.

Garoomaha sanadkan loo qoondeeyay inay Xujeyda kusoo degaan ayaa ku kala yaalla magaalooyinka Riyadh, Jeddah, Medina, Dammam, Taif, iyo Yanbu’u.

Ardeydii ugu badneyd oo Maanta Magaalada Muqdisho u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah

Isniin 10 June 2024 {HMC} –  Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay maanta illaa 35,307 arday oo dhigata 656 iskuul, sida uu shaaciyay gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ardeydii u badneyd.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 wiil iyo 15,541 gabdhood. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

Mr Yabooh oo ku hadlay afka Duqa Muqdisho maadaama uu ka maqnaa goobta waxa uu Ardayda ku dhiirra-geliyay in ay dedaalkooda waxbarashada ka mira-dhaliyaan.

“Waxaan u mahadceliyay dadkii ka shaqeeyay ama isku dabariday xarumahii lagu gali lahaa imtixaanka iyo xarumaha saaka lagu galaayo oo ay ugu horreyso jaamacadda ummada sida ay uga qeyb qaateen na aad ayaan uga mahadcelinaayaa,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Ardeyda maanta imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad u fariisatay ayaa waxaa qayb ka ah ardeyda baahiyaha gaarka ah qaba (naafada) kuwaasi oo iskuullo gaar u ah wax ku barta.

 

Muxuu Aadan Madoobe u Ballanqaaday Baarlamaannada Maamul Goboleedyada?

Isniin 10 June 2024 {HMC} – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ku dhex maray Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedka Jubaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cuna qabateyntii hubka ee dalka saarneyd, ku biiristii Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiilada Jubaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac Iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ballanqaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {08 06 2024}

0

Isniin june, 10, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare Maxamuud & Abdimaajid Abdirahman adam

Farsamadii ::Abdirahman Muse Osman

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Aquafarming becomes main global source for fish, U.N. food agency says

Isniin 10 June 2024 {HMC} –  For the first time farmed aquatic production has exceeded the catch from traditional captured fisheries, the U.N. food and agriculture agency said on Friday, underscoring hopes that aquaculture can meet growing global demand for seafood.

In its latest biennial report on the state of world fisheries, the Rome-based Food and Agriculture Organization (FAO) said global fisheries and aquaculture production in 2022 hit a record 223.2 million tonnes.

advertisements
Aquaculture, also known as aquafarming, is the cultivation of aquatic organisms such as fish, crustaceans, mollusks, and aquatic plants and algae in controlled environments.

FAO said aquaculture production hit an unprecedented 130.9 million tonnes in 2022, of which 94.4 million tonnes were aquatic animals – 51% of the total aquatic animal production.

“These numbers demonstrate the potential for aquaculture to feed the growing world population,” FAO assistant director general, Manuel Barange, told reporters.

“It’s been the fastest growing food production system (in the world) for the last five decades,” he said.

However, just 10 countries – China, Indonesia, India, Vietnam, Bangladesh, the Philippines, South Korea, Norway, Egypt and Chile – accounted for almost 90% of all aquaculture production, and FAO said it was important to develop the industry elsewhere, especially in Africa, which is currently a net importer of fish.

Critics say aquafarming can damage the environment and put disease and invasive species into the wild, but FAO says this can be avoided by having proper regulation and monitoring.

Friday’s report said global per capita annual consumption of aquatic animal foods, a key source of protein for millions around the world, totalled 20.7 kg in 2022, up from 9.1 kg in 1961, and was set to rise further in the years ahead.

The haul from captured fisheries has remained stable since the late 1980s, equalling 92.3 million tonnes in 2022.

However, latest data showed 37.7% of fish stocks in the world’s marine fisheries were classified as overfished in 2021 – a continuous, increasing trend since 1974 when the figure stood at just 10%, FAO said.

“The issue of sustainability is of great concern to us,” FAO’s Barange said, adding however, that many larger commercial fisheries were being well managed, including tuna stocks, now approaching 90% levels of sustainability.

“This is a remarkable improvement over the last decade,” he said. Barange said that 80% of the top 10 marine species consumed by humans, were being sustainably exploited.

Heightened security measures imposed following deadly clan clashes in Somalia’s Galgaduud

Isniin 10 June 2024 {HMC} –   Heightened security measures are now in place in the Landhere area of Galgaduud Province, central Somalia, following violent intercommunal clashes that began on June 8. The conflict, involving two rival local militias, has resulted in at least 50 deaths and more than 60 injuries. Authorities have deployed armed troops to the region to control the violence and prevent further conflict.

advertisements
The clashes erupted between militias from the Marehan and Dir clans in the Abudwak and Herale districts. Local reports indicate that the violence broke out after morning prayers, rapidly escalating and causing significant casualties. The injured have been transported to hospitals in Herale, Abudwak, and Adado districts.

The Galmudug regional government and federal authorities have called for an immediate end to hostilities. The exact motive behind the inter-clan fighting remains unclear, though it is known to be linked to land disputes.

Minister of Security Mohamed Abdi Aden Gaboobe condemned the violence and announced that individuals responsible for inciting the conflict have been identified and will face legal consequences.

“The conflict, rooted in a territorial dispute over uninhabited land, is intolerable, and those involved will be prosecuted according to the law,” Minister Gaboobe stated.

Traditional elders from both sides have attempted to mediate and halt the violence, but no resolution has been reached so far.

The increased security measures in the Landhere area include the deployment of additional troops, the establishment of checkpoints, heightened patrols, localized curfews, and potential road closures. Authorities warn that further retaliatory violence is possible in the coming days, and localized business and travel disruptions are likely.

The Somali government has instructed its security agencies and the Galmudug administration to intervene and mediate urgently. The latest declaration by the Galmudug government aims to end the violence and restore stability to the region.

Landhere is approximately 470 km (290 miles) north of Mogadishu, near Somalia’s border with Ethiopia. The conflict has underscored the fragility of peace in the region and the ongoing challenges in resolving inter-clan disputes through negotiation and legal means.

Dowlada Itoobiya oo Ka jawaabtay Go’aanka Ciidamadeeda Looga Saarayo Soomaaliya

Isniin 10 June 2024 {HMC}  – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan shaaciyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla oo soo jawaabay ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, amaba lala soo wadaagay.

Nabiu Tedla ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, isaga oo ku dooday in weli uu yahay qorshaha bixista, maadaama aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS.

Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanaya, ayada oo dhowaan la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu bilowgii sanadkan Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay carooray dowladda federaalka Soomaaliya.