Home Blog Page 2313

{DAAWO MUUQAALKA} XARIG KA JARAY DHISMAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE HIRSHABEELLE

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} XARIG KA JARAY DHISMAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE HIRSHABEELLE

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gaashaanle Aadan Jeelle “Shacabka aad u dhaarateen waa inaad daacad ugu adeegtaan”

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Gaashaanle Aadan Jeelle “Shacabka aad u dhaarateen waa inaad daacad ugu adeegtaan”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Kulan xasaasi ah oo dhex maray Shariif,Farmaajo iyo james Swan + qorshaha.

Isniin 10 June 2024 {HMC} Ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo weli sii wada kulamadiisa gaar gaarka ah ayaa xalay wada-hadal khadka taleefoonka ah la yeeshay madaxweynaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo kala hadal arrimo xasaasi ah.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ahaa wadatashiyo uu maalmahan James Swan la yeelanayo daneeyayaasha siyaasadda, si uu xog wareysto xaaladda guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee loo yaqaano UNSOM.

“Isagoo sii wada xiriirada uu la samaynayo daneeyayaasha Somaaliyeed ayaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Farmaajo iyo James Swan ayaa waxa ay si gooni ah uga wada-hadleen isbeddeladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay iyo sida looga shaqeyn karo horumarka Soomaaliya.

“Waxay ka wadahadleen is baddalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo fursadaha lagu horumarinayo mudnaanta Qaranka” ayaa lagu sii raaciyay warka qoraalka ah ee UNSOM.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla noocaan ah oo ay xalay wada yeesheen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya kaas oo isna ahaa khadka taleefoonka ah.

Shariif iyo Swan ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimo ku aadan horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira.

“Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxay ka wada hadleen horumarada dalka ka socda iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa horumarka jira” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay UNSOM.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho kulamo ka waday James Swan oo markii labaad loo soo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo horey usoo ahaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM iyo madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, kadib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee Mareykanka.

Wasiir Roobow oo si yaab leh uga hadlay Arrimaha Xajka ”Dalxiis ma’ahan Xajka”

Isniin 10 June 2024 {HMC} Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ka qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Xajka sanadkan oo mar kale cabasho xoogan ay ka timid.

Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay

Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay.

Wasiirka oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo fashilinaya Xajka, iyaga oo ka raadinaya dano kale, sida u hadalka u dhigay.

“Waxaa nasiib darro ah in mararka qaar la arkayo qof dhahaya Xajkaan fashilinayaa, subxaanalaah, war xajka waa rukni ka mid ah arkaanul islaam” ayaa yiri Roobow.

Isaga oo ka hadlayay dayaacadda la sheegay in lagu sameeyay xujeyda Soomaaliyeed ayuu ku jawaabay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma’ahan”.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay guddiga haatan shaqada wada iyo shirkadaha Xajka in looga baahan in ay daacad ka noqdaan shaqadooda, isla markaana ay Alle uga baqaan adeegga ay u hayaan shacbka.

“Mukhtaar waa tagayaa ama waa la taksiinayaa ee shaqadiina ha’iska haleynina, Ilaaheyna uga baqa” ayuu sii raaciyay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Soomaaliya.

Si kastaba, tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa illaa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka.

{DAAWO MUUQAALKA} Deeq Geel ah Oo Lagu Wareejiyay Gudiga Caleema-saarka Nabadoonka Cali Madaxweyne.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Deeq Geel ah Oo Lagu Wareejiyay Gudiga Caleema-saarka Nabadoonka Cali Madaxweyne.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xogta Dhaqterkii Shaqo la’aanta Muqdisho uga Cararay ee Magafaha u Gacan galay.?

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Xogta Dhaqterkii Shaqo la’aanta Muqdisho uga Cararay ee Magafaha u Gacan galay.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga Hadlayey Axdiga Qaramada Midoobey ee Awood siinta Haweenka ayaa lagu Qabtey Baydhabo

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Kulan looga Hadlayey Axdiga Qaramada Midoobey ee Awood siinta Haweenka ayaa lagu Qabtey Baydhabo

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Magaalada Garowe oo lagu xeray Gudoomiyihii Maxkamada Puntland

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Magaalada Garowe oo lagu xeray Gudoomiyihii Maxkamada Puntland

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Roobow” Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa Ogaada Xajku dalxiis ma ahan

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Wasiir Roobow” Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa Ogaada Xajku dalxiis ma ahan

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.06.2024}

Isniin 10 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO