Home Blog Page 2314

{DAAWO MUUQAALKA} Soo dhaweyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo wafdigiisa Oslo ee dalka Norway.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Soo dhaweyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo wafdigiisa Oslo ee dalka Norway.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil Katirsan Dowladda Iiraan Oo Amaro Culus Duldhigay Haweenka Dalkaas.

0

Isniin 10 June 2024 {HMC} Saraakiil Katirsan Dowladda Iiraan Oo Amaro Culus Duldhigay Haweenka Dalkaas.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Falcelin ka dhalatay go’aan la xiriira Xajka oo Sacuudiga uu ku dhowaaqay.

Isniin 10 June 2024 {HMC} Caro iyo dhaleeceyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii wasiirka Xajka iyo cumrada Sacuudiga uu ku dhowaaqay in boqortooyada aysan ogolaan doonin “hal-ku-dhigyada siyaasadeed” inta lagu jiro xajka, isaga oo ula jeeda ficillada garab is-taagga loogu muujinayo Falastiiniyiinta.

Tawfiiq Al-Rabiah oo warbaahinta kula hadlay magaalada Riyaad ayaa sheegay in Xajka “loo yaqaan hab cibaado, waxaana aad u daneyneynaa inaan xaqiijino nabadda si qof walba uu si fudud ugu guto cibaadadiisa.”

Waxa uu intaa ku daray “Sidaas darteed, Xajku waa cibaado ee maaha mid loo adeegsado hal-ku-dhegyo siyaasadeed, taasina waa waxa ay hoggaanka boqortooyada doonayaan in ay xaqiijiyaan – in Xajku ka kooban yahay astaamaha ugu sarreeya ee khushuuc, xasillooni iyo diin.”

Hadalladan ayaa waxa ay dhaliyeen caro badan oo ka timid dad badan oo Muslimiin ah oo caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo su’aal ka keenay sida aan caddayn ee hadalka loo dhigay, kaasi oo u muuqday mid tixraacaya mudaaharaadyada caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo dagaalka burburka leh ee lagu hayo Gaza iyo qul-qulka taageerada Muslimiinta ee qadiyadda Falastiin.

“Islaamku waa hab nololeed, ma kala qaybsana qaybta ‘siyaasadda’ iyo ‘cibaadada’ ee Islaamka. Nebi Muxamed NNKH wuxuu siyaasadda iyo istiraatiijiyadda dagaalka uga hadli jiray masjidka,” ayuu yiri qof qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Mid kale ayaa waxa uu iftiimiyay in Xajku yahay xilli lagu fekerayo nuxurka Muslimnimada, oo ay ka mid tahay “diididda dulmiga”.

Qaar kale waxay xuseen in inkasta oo oo uu yahay dal miisaan siyaasadeed ku leh gobolka, haddana Sacuudi Carabiya ay sii waddo mawqifka la dhimay ee ka qaybgalka diblamaasiyadeed, taas oo wiiqday diinta iyo qiyamka qoyska boqortooyada al-Sacuud.

“Iyadoo uu socdo xasuuqa Gaza, aamusnaanta maamulka Sucuudiga waa wax uu ka naxo qof kasta oo bani’aadam ah iska daa Muslim,” ayuu yiri qof kale.

Qaar ayaa iftiimiyay waxa ay u arkayeen in ay tahay laba wajiyeynta mas’uuliyiinta Sucuudiga iyaga oo xusay in ammaanida amiirka dhaxal-sugaha ah aan loo qaadan doonin dhibaato ‘siyaasadeed’.

Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa, Saami Xamdi oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda oo hadalka Rabiic su’aal geliyay, wuxuuna weydiiyay: “Maxay tani la macno tahay? Ha ka hadlin xasuuqa Gaza marka aad ku sugan tahay Baydka Allah?”

Dhaleeceyntan ayaa waxaa ka jawaabay akoonka Inside the Haramain, oo ah kan rasmiga ah ee labada Masjid ee xaramka.

“In loo duceeyo Falastiiniyiinta, gaar ahaan walaalaheen Gaza la ma mamnuucin, tani gabi ahaanba waa been abuur, waxa la mamnuucay waa hal-ku-dhegyo siyaasadeed, hadday tahay waddan iyo gobol kasta, keliya xuska Allah ayaa lagu soo qaadi karaa labada Masjid ee barakeysan,” ayaa lagu qoraal ay Inside the Haramain soo dhigeen barta X.

Bilihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa lagu soo warramayaa in ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah shaqsiyaadka dhaleeceynaya duullaanka Israa’iil ay ku hayso Gaza, iyadoo heshiis diblomaasiyadeed oo ay la gasho Israa’iil uu weli miiska u saaran yahay.

Saciid Deni oo markale beesha caalamka udiray warqad ka dhan ah Dowladda sooamaliya.

Isniin 10 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka.

Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka.

Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay.

“Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland.

Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.”

Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka.

Wasiiro ka tirsan Xakuumadda ee Isra’il oo is casilay.

Isniin 10 June 2024 {HMC} Benny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee Ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu.

Gantz ayaa ahaa xubinta kaliyah ee xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Waxa uu xukuumaddani ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza muddo hadda laga joogo siddeed bilood.

Is casilaadda Gantz ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Isra’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Isra’il ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca midigta fog.

Benny Gantz ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Ganz ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka.

Xisbiyada oo guulo hordhac ah ka sheeganaya Doorashooyinka Baarlamaanka Yurub

Isniin 10 June 2024 {HMC} Xisbiyada midigta fog ayaa guulo waaweyn ka gaaray doorashada baarlamaaniga ee Midowga Yurub, iyaga oo guul darrooyin durbaba saameyn reebay dhabarka u saariyay, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, iyo hoggaamiyaha Austria Karl Nehammer.

Dalka Faransiiska, xisbiga midigta fog ee NR ee ay hoggaamiso Marine Le Pen ayaa guul kasoo hooyay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Macron uu xalay kala diray golaha baarlamaanka kuna dhawaaqay doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Tallaabadan ayaa loo arkaa qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu ku kacay Macron maadaama xisbigiisa uu doorashadi Axaddii kala kulmay jab weyn.

Haddii uu lumiyo doorashada uu ku baaqay ee 30-ka bishan June, waxaa suuragal noqon doonta inuu xilka ka dago saddex sano ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka muudo xileedkiisa oo ku eg sannadka 2027.

Dalka Jarmalka, In Germany, waxaa guul lama filaan ah gaaray xisbiga midigta ee AfD oo kasoo kabtay fadeexado hareeyay murashaxiintooda ugu sarreeyay. Xisbigaan ayaa 16.5% kor ugu kacay codadka ay haleen marka loo eego doorashadi 2019-ki oo ay haleen 11%.

Xisbiga hogaamiyaha Jarmalka Scholz ee Social Democratic-ka ayaa ka hoos maray xisbiga midigta fog ee aad xahg-jirka u ah, arrintaas oo loo arko guuldarro siyaasadeed oo soo gaartay xisbul xaakimka.

Dhanka kale, xisbiga midigta fog ee Ra’isulwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sii xoojistay kuraastoodii baarlamaanka Yurub, kaddib marki ay guulo waaweyn kasoo hooyeen Talyaaniga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {09-06-2024}

Axad 9 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Askari ka tirsan ciidanka Israa’iil, oo ka mid ahaa askartii laga saaray Qasa oo is dilay

Axad 9 June 2024 {HMC} Talaabada uu qaaday askarigan ayaa tmid kaddib markii lagu wargeliyay inuu dib ugu laabanayo Qasa, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa warbixin laga sii daayay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Ciidamada Israel ayaa cabsi iyo argagax weyn kala kulmay dagaalada ka holcaya Magaalada Gaza kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay halka qaar kalena ay qaadeen cuduro nafsi ah iyo waxyeelo xaga maskaxda ah.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Israa’iil, Ben Gvir ayaa isku dayay inuu ka qayb galo aaska sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil oo la sheegay in lagu dilay inta uu socday howlgalkii shalay ay Israa’iil ku soo furatay 4 maxabuus.

Qoyska sarkaalka ayaa la sheegay iney diiddeen inuu aaska yimaado Gvir, iyagoo sheegay inaysan dooneyn siyaasiyiinta inay isku sawirraan munaasabadda aaska wiilkooda iyagoo dhibco siyaasadeed ka raadsanaya.

Dawladda Colombia, ayaa Dhinaca kale ku dhawaaqday go’aan ay ku joojinayso dhuxusha ay ka iibiso Israa’iil ilaa xasuuqa ka socda marinka Qasa uu joogsanayo.

Madax katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xabsiga la dhigay

Axad 9 June 2024 {HMC} Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabtay mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo loo haysto in ay sii daayeen rag ku eedaysan burcad-badeed.

Laamaha amniga Puntland ayaa xabsiga dhigay guddoomiyihii Maxkamadda Derejada koowaad ee ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool, Cabdiraxmaan Fool-jaawe.

Sidoo kale waxa xabsiga loo taxaabay Xeer-ilaaliyihii Maxkamadda Derejada koowaad ciidamada qalabka-sida ee Nugaal iyo Sool Mr.Keenadiid, ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha maxkamaddaasi, Mr.Qoolle iyo laba garsooe oo la kala yidhaahdo, Cali Sahal iyo Cabdiweli Xuseen.

Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegey in madaxtooyada Puntland u haysato sii deynta rag ku eedeysnaa Burcad-badeed, kuwaa oo msxkamadda sheegtay in wax denbi ah ku-waayeen.

MD Somaliland oo Sheegay heshiiska ay la galeen Itoobiya in uu yahay mid labada dhinacba dan ugu jirto,

Axad 9 June 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal u jeediyay labada golle ee Baarlamaanka Somaliland ayuu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa khudbada uu jeediyay kaga hadlay heshiiskii ay gaareen maamulkiisa iyo dowladda Itoobiya , kaa oo dhigayay in Itoobiya la siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, dhanka Itoobiyana iyana u aqoonsato in ay yihiin dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maamul ahaan diyaar u yihiin in ay iskaashi iyo wax wada qeybsi la sameestaan cid kasta oo u garaabeysa maamulkooda una aqoonsaneysa in dal madax-bannaan noqdaan.

”Waxaannu ka tashannay danta Somaliland, waxa lagama-maarmaan noqotay in la-raaco halka ay ku jirto danta Somaliland. Danta Somaliland waxay ku jirtaa Dawlad kasta oo ka garaabaysa Qaranimada Somaliland iyo Madax-bannaanideeda. Dal kasta oo ogol in ay Somaliland si siman wax-u-wada qabsadaan oo ay danno isu-weydaarsadaan iyo saaxiibtimo ku fadhida is-ixtiraam iyo is-qadarin” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uu yahay mid labada dhinacba dan ugu jiro, isagoo tilmaamay in Itoobiya san ugu jirto in ay hesho bad , halka dhanlooda dan ugu jirto aqoonsi.

”Is-af-garadka Ethiopia iyo Somaliland dhex-maray 1-dii January waxa sal u ah qodobbada aan soo xusay ee ah sinnaan laba dal oo midna Aqoonsi helaayo, midna Saldhig Ciiidan Baddeed oo kiro ah helaayo. Nuxurka wax-wada-qabsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo Dekedda Berbera u adeegi doonta Dadka iyo Dalka Ethiopia” ayuu yiri Muuse Biixi.

Heshiiska dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland gaareen ayaan wali fulin, waxaana heshiiskaasi si weyn uga hortimid dowladda Federaalka Soomaaliya, oo caalamka ashtako ka dhan ah heshiiska iyo dowladad Itoobiya u gudbisay .