Home Blog Page 2315

{DAAWO SAWIRADA} Masuuliyiin tagtay Ceeldheer kaddib weerarkii Al Shabaab shalay ku qaadeen

Axad 09, June 2024 {HMC} Kooxda Al Shabaab ayaa shalay weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer waxaa ku dhintay saraakiil katirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale oo shacab ahaa.

Waxaa saakay degmada Ceeldheer gaaray masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe, masuuliyiintan ayaana degmada u tagay garab istaag iyo dhiirigelinta ciidanka huwanta ee iska difaacay weerarkii Al Shabaab.

Masuuliyiintan oo dhiirogelin ugu tagay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ku amaanay sidii ay jilbaha ugu dhigeen isagana difaaceen weerarkii kooxda Al Shabaab shalay kusoo qaadeen degmada Ceeldheer.

Xaalada degmada Ceeldheer oo shalay dagaal dhiig badan ku daatay uu ka dhacay ayaa saakay ah mid degan, waxaana degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Puntland oo ka hadlay hub iyo qami garoowe lagu Qabtay.

Axad 9 June 2024 {HMC}  Booliska Puntland oo ka hadlay hub iyo qami garoowe lagu Qabtay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyed ee Minnesota.

Axad 9 June 2024 {HMC} Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyed ee Minnesota.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Kooxda Buula-xaabley ayaa usoo gudubtay finalka tartanka 8-da naadi ee magaalada baladwayne

Axad 9 June 2024 {HMC} Kooxda Buula-xaabley ayaa usoo gudubtay finalka tartanka 8-da naadi ee magaalada baladwayne

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaali Dalka Mareykanka Xukun Adag Lagu Ridey

Axad 9 June 2024 {HMC} Soomaali Dalka Mareykanka Xukun Adag Lagu Ridey

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dib u-dayactir lagu bilaabay Ceel biyoodyada deegaannadii AS laga xoreeyay

Axad 9 June 2024 {HMC} Dib u-dayactir lagu bilaabay Ceel biyoodyada deegaannadii AS laga xoreeyay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud oo sababay dhimashada in ka badan 50 ruux

Axad 9 June 2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud oo sababay dhimashada in ka badan 50 ruux

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Danjire Salaad Cali Jeelle “Guulaha dowladdu sanadahaan waa isdaba joog”.

Axad 8 June 2024 {HMC} Danjire Salaad Cali Jeelle “Guulaha dowladdu sanadahaan waa isdaba joog”.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Digniino adag oo Laga soo Saaray Dhac Lagu eedeeyay Gudoomiyaal Degmo

Axad 09, June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baasha Yuusuf Axmed oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho, ayaa digniin adag kasoo saaray dhac farsameysan oo ay bilaabeen qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Baasha Yuusuf ayaa sheegay in ay hayaan xogta guddoomiyaal degmo oo si khaldan u adeegsanaya xilka ay hayaan, kuwaa uu sheegay in dhibaato ku hayaan qaar kamid ah shacabka degan degmooyinka ay maamulaan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Sare in ay jiraan guddoomiyaal degmo oo dadka weydiinaya dukumiintiyada guryaha ay degan yihiin, waxa uuna xusay marka ay ka waayaan in guryaha ka saarayaan si ay u iibsadaan ama lacago baad ah uga qaataan.

Guddoomiyah Maxkamadda Sare ayaana uga digay guddoomiyaasha falalkaasi ku kaca in ay galaayaan dambi ayna ku muteysan karaan ciqaab adag, isaga oo sheegay in qof walbo lagu qaadi doono ciqaabta dambiga uu galay.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kusoo aadaya xilli shacabka degan magaalada Muqdisho qaarkood ka cabanayaan in awoodda iyo shaarka dowladda lagu dhibaateeyo mararka qaar laguna baado

Qaramada midoobe oo qaaday tallabo ka dhan ah Israel & Netahyahu oo ka falceliyay.

Axad 09, June 2024 {HMC} Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qaramada Midoobay kadib markii Qaramada Midoobay ay militariga dalkaas ku dartay liiska dalalkaxadgudubyada u geysta carruurta, sida Xamaas.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Israa’iil ayaa warkan faafiyay toddobaad ka hor inta aan liiska golaha la horgeyn, Golaha Ammaanka isagoo soo bandhigay muuqaal taleefoon oo uu soo diray sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay mid khiyaali ah. Laakiin afhayeenka xoghayaha guud ayaa sheegay in habka ay ku timid warbixinta uu ahaa mid si wanaagsan loo dhisay oo hufan.

Xadgudubyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid yihiin weerraro lagu qaaday iskuulada iyo isbitaalada iyo is hor taaga gargaarka.

Milateriga Israel ayaa 8 bilood oo uu socday dagaalka Gaza dilay in ka badan 35 kun oo qof kuwaasoo intooda badan ay yihiin haween iyo caruur aan waxba galabsan.