Home Blog Page 2317

{DAAWO MUUQAALKA} Goobaha ciidamada Itoobiya ka baxaan waxaa la gayn doonnaa ciidamo kale

0

Axad 09, June 2024 {HMC} Goobaha ciidamada Itoobiya ka baxaan waxaa la gayn doonnaa ciidamo kale

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Ceeldheer iyo Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii shalay.

Sabti 8 June 2024 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Ceeldheer iyo Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii shalay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Carabta oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

Sabti 8 June 2024 {HMC} Carabta oo u hanjabay hoggaamiyaasha Xamaas ee dalalkooda ku nool

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Goobaha ciidamada Itoobiya ka baxaan waxaa la gayn doonnaa ciidamo kale

Sabti 8 June 2024 {HMC} Goobaha ciidamada Itoobiya ka baxaan waxaa la gayn doonnaa ciidamo kale

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Afar qof oo lagu dilay xuduudka Soomaaliya iyo Keny.

Axad 09, June 2024 {HMC} Dabley hubeysan oo ku sugan waqooyiga Kenya ayaa toogasho ku dilay afar ka mid ah shaqaalaha dhismaha isbitaal ku yaalla meel u dhow xero qaxooti iyo xuduudka Soomaaliya halkaas oo ay ka jiraan kooxo mintidiin ah, sida ay
booliisku sheegeen Sabtidii.

Koox ka kooban 8 qof oo shaqaale ah ayaa Jimcihii nastay markii la weeraray, iyadoo afar toogasho lagu dilay meel u dhow, sarkaal booliis ah oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee
Associated Press.

Afarta qof ee kale ee shaqaalaha ah ayaa baxsaday iyagoo badqaba, sida uu sheegay sarkaalku.

Goobta laga dhisayo isbitaalka ayaa ku dhow xerada qaxootiga ee ugu weyn Kenya ee Dhadhaab, iyo xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Degmada Garissa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo gudbay xuduuda.

Booliska deegaanka ayaa sheegay in weerarkii Jimcaha laga yaabo inay soo abaabuleen koox hubaysan oo uga digay qandaraaslaha inuu ka fogaado aagga, oo ay u arkaan inay yihiin caws.

Waqooyiga Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay rabshado sababay dhimashada dhowr qof oo ka dhacay
meelo kala duwan.

Mareykanka oo Qatar iyo Masar ku cadaadinaya in ay soo qabtaan madaxda sare ee xamaas.

Axad 09, June 2024 {HMC} Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa la sheegay inay ugu hanjabeen hoggaanka Xamaas inay la kulmi karaan xarig, xannibaad hantidooda, cunaqabatayn iyo in laga cayriyo Doha oo ay deggan yihiin saraakiisha sare ee Xamas , halkaasoo sidoo kale uu ku yaallo xafiiska siyaasadda ururka.

Arrimahan ayaa ku dhici kara madaxda Xamaas haddii aysan oggalaan soo jeedintii u dambeysay ee Biden ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa, sida uu shaaca ka qaaday wargeyska Mareykanka ah ee Wall Street Journal.

Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Qatar iyo Masar inay wax walba sameeyaan si Xamaas ay u oggalaato heshiiska, halka kooxda Falastiiniyiinta ay shaki badan badan ka qabaan heshiiskaas

Madaxa siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniya ayaa hadal uu soo saaray , wuxuu ku celiyay inaysan qaadan doonin heshiis aan bixinayn dammaanad qaad nabadgalyo oo ay si buuxda u helayaan dadka Qasa, isagoo intaa ku daray inaysan is dhiibi doonin oo ay is difaaci doonaan illaa ay ka helayaan xuquuqdooda sharciga ah.

Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.

Kala duwanaanshiyaha yar ee ereyada ku qoran heshiiska la soo bandhigay ayaa noqday qodob ku dheggan wada xaajoodka, gaar ahaan ka dib markii Netanyahu uu ka jawaabay khudbadii Biden iyo in uu xoogga saaray in aan la soo afjarin dagaalka ka hor inta aan la burburin awoodda milatari ee Xamaas.

Madaxda Xamaas ayaa sheegay in Israel ay dooneyso xabad joojin kooban oo lagu sii daayo la heystayaasha ka dibna ay halkeeda ka sii wado dagaalka.

Heshiiska uu soo bandhigay Biden ayaa la sheegay inuusan si cad u qeexeynin in dagaalka la soo afjarayo waana taas mid Xamaas ay u diidan tahay heshiiskan.

Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda Qatar iyo Masar inay ku wargeliyaan hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh in dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan bilaabashada wada xaajoodka xabbad-joojinta oo dhammaystiran toddobaadka saddexaad ee wejiga koowaad ee heshiiska, iyo in la isku afgaran doono qodobbada xabbad-joojinta joogtada ah. toddobaadka shanaad, sida uu sheegayo wargeysku.

Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in Haniyeh hanjabaadaha ka dib uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta, wuxuuna qeexay in Israa’iil ay bixiso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan xabbad-joojin joogto ah, gaar ahaan ka dib hadalkii Netanyahu ee ahaa inuusan aqbali doonin joojinta dagaalka.

Doorashada Baarlamaanka Yurub oo maanta lasoo gaba gabeynayo.

Axad 09, June 2024 {HMC} Codbixiyaasha ilaa 21 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka ayaa maanta oo Axad ah soo gaba gabeyn doona doorashada baarlamaanka Yurub oo socotay saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.

Natiijada kasoo baxdo doorashadan ayaa lagu wadaa in golaha baarlamaanka Yurub ay u jiiddo jihada midigta isla markaana ay ssare u qaaddo tirada dadka aaminsan mabaad’ida waddaniyadda ee qowmiga ah ee reer Yurub.

Doorashadan ayaa qaabeyn doonta sida Midowga Yurub oo ah dallad ay hoos harsadaan ilaa 450 milyan oo ruux, uu u wajahi doono caqabado ay ka mid yihiin Ruushka, loollanka wax soo saarka Shiinaha iyo Mareykanka iyo isbaddalka cimmilada.

Ilaa 400 oo milyan oo qof ayaa cododkooda ka dhiibanaya doorashadan, waxana la filayaa in kooxaha midigta ay guulo kasoo hooyaan

210 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza iyo Isra’il oo soo badbaadisay 4 la heyste

Axad 09, June 2024 (HMC) Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il Sabtidi shalay ku qaadday bartamaha Gaza.

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood, ayay ciidamada Isra’il ku sheegeen inuu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Isra’il ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in ay ogyihiin in khasaaraha weerarki ay ku qadeen Nuseyrat uu ka yaryahay 100 qof, balse aysan gareyn inta argagixiso ka ah dadkaasi ay dileen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {08-06-2024}

Sabti june, 08, 2024 (HMC) Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

DFS oo Guul Ka Sheegatay Dagaal Maanta Ka Dhacay Degmada Ceeldheer

Sabti june, 08, 2024 (HMC) –Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga AS ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Dagaalka koowaad waxaa uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan AS.

Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan. Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad kale.

Sidoo kale, intii ka hartay AS waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal, waxaana xogta horudhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 AS ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Meydadka AS ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen cadowga, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay cadowga,.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaa ka shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana dowladdu si joogta warbixin uga siin doontaa dadweynaha hadba sida ay xaaladdu noqoto.