Sabti 8 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubbaland oo maanta Kismaayo ka daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe.
Xubin Muhiim U Eheed Al shabaab iyo ilaaladiisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay
Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Wasiirka Wasaaradda Amiga maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koofur galbeed ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa al shabaab iyo ilaalo uu watay.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in howlgal qorsheysan oo ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen degmada Ufurow ee gobolka Bay lagu dilay sarkaalka iyo ilaalo uu watay oo gaaraya 5 xubnood.
Ciidanka oo haystay xogta kooxdan ayaa ka soo baxay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay, halkaasoo saldhiyo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed sida wasiirku sheegay.
“Howlagalkaasi Ciidanka mid qorshaysan ayuu ahaa degmada Qansax dheere ayayna kasoo bexeen waxayna degmada Ufurow ku dileen sarkaal iyo malleeshiyaadkiisa” ayuu yiri wasiirka amniga KG oo aan sheegin magaca sarkaalka la dilay iyo waxa uu al shabaab u qaabilsanaa.
{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Madaxweyne lafta gareen iyo Ciidamada Itoobiya
Sabti 8 June 2024 {HMC} Maxay ka wada hadleen Madaxweyne lafta gareen iyo Ciidamada Itoobiya
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Somaliland oo soo iibsatay dayuurado kuwaasoo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah
Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Taliska Guud ee ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.
Muuse Biixi waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay ay yeelan doonto Somaliland, kuwaasoo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah muddo laba sanno ahna qaadan doona casharada la xidhiidha cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland u diyaarisay, si loo helo dad aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, kana soo qalinjebiya Dugsiga Barashada Duulimaadyada (Civil Aviation Institute) oo ay dhigi doonaan macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, maadaama Madaxweynaha uu qorshaynayo sidii looga miro dhalin lahaa hirgelinta iyo aasaaska shirkada Diyaaraha ee Somaliland Airlines mustaqbalka dhaw.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu warbiximo ka dhegeystay maareeye ku xigeenka Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, mudane Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada ku hawlan shaqada dhinaca hawada, Iyagoo Madaxweynaha tusay shaqada ay hayaan baaxadeeda iyo sida ay u kala hagaan una kala badbaadiyaan diyaaradahaa, siyaana adeegyo badan oo ay u baahan yihiin.
Ugu danbayn Madaxweynaha Somaliland waxa uu kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland waxaana halkaa ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kala duwan, halka Taliyaha Ciidanka Boolisa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo hoggaanka dhismuhu ay ku soo dhaweyeen madaxweynaha Dhismayaal ka socda Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland.
Rag Ka Tirsanaa AS oo Nolosha Lagu Qabtay iyo Kuwa Kaloo….
Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Ciidanka dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna halkaasi ku dileen xubno katirsan Al Shabaab , halka kuwa kalana ay nolosha ku qabteen.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidanka oo helay xogta koox katirsan Al Shabaab oo jidka u galay sidii ay dadka u dhibaateyn lahaayeen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in si lama filaan ah ugu kor dhaceen kooxda Al Shabaab. ee jidka gashay.
Ciidanka ayaana howlgalka ku dilay labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ee jidka galay, waxa ay sidoo kale ciidanka nolosha kusoo qabteen 13-xubnood kale oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo is dhiibay.
Magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in la keenay maleeshiyaadka Al Shabaab katirsan ee ciidanka dowladda nolosha ku qabteen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan howlgaljan maanta la fuliyay.
booliiska gobolka Banaadir oo soo xiray nin dhallinyaro ah oo baraha bulshada ka waday dhaqanxumo
Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir , gaar ahaan saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa maanta soo xiray nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in baraha bulshada ka waday waxyaabo dhaqanxumo ah oo kasoo horjeeda anshaxa iyo diinta islaamka.
War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada xireen Akram C/Salaan Cabdullahi 22 jir, ninkan ayaana booliiska sheegeen in uu baraha bulshada gaar ahaan Tiktok ka waday falal dhaqanxumo ah .
Booliiska gobolka Banaadir ayaana ka codsaday dadka ku dhaqan caasimadda in booliiska kusoo wargaliyaan dadka dhaqanxumada dadka ku dhax wada, si dadkaasi loo soo qabto loogana qaado tallaabooyinka ku haboon.
Ciidanka booliiska ayaa horey magaalada Muqdisho ugu xir xiray dhallinyaro badan oo lagu eedeeyay in baraha bulshada ka wadeen kicin bulsho iyo sidoo kale falal dhaqanxumo ah, waxa ayna booliiska ku hanjabeen in ay soo qaban doonaan cid kasta wax gef ah ku kacda.
Shirka diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka oo Kismaayo Ka Furmay
Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ku qabsoomay Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.
Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxa uu ajeedkiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.
Ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa {EAC}, shuruudaha qofka baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahan yahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahan yahay iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo inuu bixiyo iyo sidoo kale dhammaan shuruudaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.
Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyay ajendayaashii hore ee qabyada ahaa si loo dhameystiro kalfadhiga shanaad, iyagoo isla falanqeeyay howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaalla.
{DAAWO MUUQAALKA} Odayaasha dhaqan oo sheegay in dhul markii hore looga qaaday Dan guud ahaan la dajiyey Shaqsiyaad.
Sabti 8 June 2024 {HMC} Odayaasha dhaqan oo sheegay in dhul markii hore looga qaaday Dan guud ahaan la dajiyey Shaqsiyaad.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 08 06 2024
Sabti 8 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 08 06 2024
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Xujeydii ugu dambeysay oo maanta laga sagootiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sabti 8 June 2024 {HMC} Xujeydii ugu dambeysay oo maanta laga sagootiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.



