Sabti 8 June 2024 {HMC} Naftaada iyo Nolashadaa cidii wax ka qabanaysa uun raac Qabiil waxba inoo tari maayee”Duqa Hargeysa”
{DAAWO MUUQAALKA} Waa tee Goobta Dalxiis ee Looga yimaado Qeybo Kamid ah Gobolada Dalka.
Sabti 8 June 2024 {HMC} Waa tee Goobta Dalxiis ee Looga yimaado Qeybo Kamid ah Gobolada Dalka.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} War Deg Deg Ah Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Ceeldheer iyo Dowlada Oo war Kasoo Saartay.
Sabti 8 June 2024 {HMC} War Deg Deg Ah Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Ceeldheer iyo Dowlada Oo war Kasoo Saartay.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Khasaaro ka dhashay dagaal Beelled ka dhacay Galgaduud.
Sabti 8 June 2024 {HMC} Khasaaro ka dhashay dagaal Beelled ka dhacay Galgaduud.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Arimaha Dibada oo lagu soo lagu soo dhaweeyey Minnesota
Sabti 8 June 2024 {HMC} Wasiirka Arimaha Dibada oo lagu soo lagu soo dhaweeyey Minnesota
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.06.2024}
Sabti 8 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Maraykanka iyo Ingiriiska oo qaaday weeraro dhinaca cirka oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Sabti 8 June 2024 {HMC} Ciidamada Maraykanka ayaa gudaha Yemen ku burburiyey afar diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn iyo laba gantaal oo an nooca loo adeegsado weerarada maraakiibta. Goobta lagu burburiyey saanaddan milateri ayaa ka mida, deegaanada gacanta ugu jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iran.
Xuutiyiinta ayaa beryahan ugu dambeeyeyba bartilmaameedsanayey gaadiidka badda ee maraya marin biyoodka badda cas iyo gacanka cadmeed, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore, iyaga oo sheegay inay weeraradan ay garab istaag ugu muujinayaan Falastiiniyiinta Qaza.
Weerarada Xuutiyiinta ayaa halis weyn ku keenay ammaanka marin biyoodkan caalamiga ah, waxaana taasi ay keentay in Maraykanka iyo Ingiriisku inay qaadaan weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Taliska ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay illaa afar gantaal oo nooca balastiga ah inay ku rideen dhinaca badda cas, afar iyo labaatankii saacadood ee ugu dambeeyey, hase ahaatee aanay wax khasaare ah keenin.
Weerarada Xuutiyiinta ayaa sare u qaaday qiimaha caymiska ee gaadiidka badda, taasoo qaarkood ku kelliftay inay isticmaalaan marino aad u dhaadheer, si ay uga wareegaan marinbiyoodka badda cas.
Dagaal Culus oo ka socdo degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Sabti 8 June 2024 {HMC} Dagaallamayaal katirsan kooxda AS oo aad u hubeysnaa, ayaa saakay aroortii hore weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer, waxaana qaraxyada kaddib xigay weerar toos ah oo saldhigyada ku qaadeen dabley hubeysan.
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay kooxda weerarka qaaday iyo ciidanka dowladda ayaana halkaasi ka dhacay, waxaana jira khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.
Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerar cagmarin ah sakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna AS sheegeen in weerarka ku dileen askar badan sidoo kale ku qabsadeen hub iyo saanad.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wali ka hadlin weerarkan xooggan ee saakay lagu qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, lamana oga ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay .
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa AS kala wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ay hakad galeen howlgalladii ka dhanka ahaa kooxda AS ee horey u socday.
{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Arimaha Dibada oo lagu soo lagu soo dhaweeyey Minnesota
Sabti 8 June 2024 {HMC} Wasiirka Arimaha Dibada oo lagu soo lagu soo dhaweeyey Minnesota
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Muqdisho Waddooyin xirnaa 16 sano oo la furay
Sabti 8 June 2024 {HMC} Muqdisho Waddooyin xirnaa 16 sano oo la furay



