Home Blog Page 2323

Dagaal udhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa ka socdo Deegaano ku dhow Caabudwaaq

Sabti 8 June 2024 {HMC} Faah faahino Dheerad ah Ayaa Laga Helayaa Dagaal Xoog u dhaxeeyo maleeshiyaad kasoo kala jeeda Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa ka socda deegaanka laandheer 20 km u jira Magaaladda Caabudwaaq.

Dad aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in kadib salaada subax ee saakay ay maqlayeen diryan rasaasta la isku adeegsanayo,waxaana qayb ka ah gaadiidka dagaalka oo maleeshiyaadku haystaan.

Ma Cusbo Dagaalada Nuucaan ah Ee La Xiriira Qabaa-ilka Ku Dagaalaya Galmudug

Wixii kasoo kordha waan idinla socodsiin.

Soomaali badan oo ku nool Minnesota oo xukuno kala duwan lagi riday kadib markiii….

Sabti 8 June 2024 {HMC} Xeerbeegtida ayaa dambi ku helay shan qof oo Soomaali ah oo degan Minnesota, waxayna ku waayeen labo qof oo kale Jimcihii, doorarkii ay ku lahaayeen shirqool lagu xaday in ka badan $40 milyan oo qeyb ka aheyd barnaamij loogu talo-galay in lagu quudiyo carruurta intii uu socday Coronavirus.

Kiiskan ayaa soo jiitay dareen badan ka dib markii qof uu isku dayay in uu laaluusho xeerbeegti, isaga oo u keenay shandad ay ku jirto lacag dhan $120,000 oo caddaan ah.

Xeerbeegtigaas ayaa la beddelay ka hor inta aan la guda gelin go’aan gaarista, waxaana sidoo kale la eryay xeerbeegti labaad oo arrintaas loo sheegay. Baaritaanka FBI-da ee isku dayga laaluushka ayaa sii socda, iyadoo aan la shaacin cid loo qabtay.

Ka dib markii la akhriyay xukunnada, kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joe Thompson ayaa isku dayga laaluushka ku tilmaamay “weerar lagu qaaday nidaamkeena cadaaladda dembiyada,” wuxuuna u sheegay suxufiyiinta in mas’uuliyiintu ay baari doonaan.

Ma bixin wax faallo ah oo kale oo arrintan ku saabsan, wuxuuna muujiyay inuu ku qanacsan yahay xukunnada kiiskan khiyaanada ah.

“Been ayey sheegeen waxayna si khiyaano ah u sheegteen inay malaayiin cunto ah ku quudinayeen carruurta Minnesota intii uu socday COVID-19. Eedaysanayaashu waxay ka faa’iidaysteen masiibada COVID-19 si ay khiyaameeyaan gobolka Minnesota waxayna xadeen tobanaan milyan oo dollar,” ayuu yiri Thompson.

“Dhaqankani ma ahayn dambi oo kaliya, ee wuxuu ahaa dhaqan xumo iyo nacasnimo.”

Qareennada difaaca ayaa ku dooday intii ay maxkamadda socotay in kalyantigooda ay cunto dhab ah siiyeen dad dhab ah.

Toddobada qof ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee 70 eedeysane oo la soo taago maxkamadda waxa dacwad oogayaasha federaalku ay ugu yeereen mid ka mid ah khiyaanooyinkii ugu weynaa ee la xiriira lacagaha lagu lunsaday COVID-19 ee Mareykanka.

In ka badan $250 milyan oo lacagta federaalka ah ayaa lagu lagu xaday Minnesota guud ahaan, iyadoo kaliya $50 milyan oo ka mid ah la soo celiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Gargaarka cunnada ayaa ka yimid Waaxda Beeraha ee Mareykanka, waxaana maamulayay gobolka, kaasi oo lacagta cuntada ku shubi jiray hay’ado aan macaash doon ahayn iyo ururo ku xiran kuwaas oo maamulayey, qorshuhuna ahaa inay caruurta ku quudiyaan.

Eedaysanayaasha ayaa lagu eedeeyay in ay soo saareen qaan sheegadka cunnooyin aan waligood la bixin, ayna abuureen shirkado been ah, sidoo kalena sameeyeen been xalaaleyn lacag iyo khiyaanooyin kale.

Dacwad-oogayaasha federaalka ayaa sheegay in kaliya wax aad u yar oo ka mid ah lacagtii dowladda ay bixisay loo adeegsaday in lagu quudiyo caruurta qoysaska saboolka ah, halka inta kale loo adeegsaday in lagu iibsado baabuur raaxo, dahab, guryo iyo safarro.

Xubnaha dambiga lagu helay ayaa kala ah; Abdiaziz Shafii Farah, Mohamed Jama Ismail, Abdimajid Mohamed Nur, Mukhtar Mohamed Shariff iyo Hayat Mohamed Nur, kuwaas oo lagu helay inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

Dacwad-oogayaasha ayaa ku sheegay Abdiaziz Farah inuu hoggaaminayey kooxda xatooyada sameysay, waxaana lagu helay 23 ka mid ah 24-kii dacwad ee lagu soo oogay.

Said Shafii Farah iyo Abdiwahab Maalim Aftin ayaa lagu waayey dhammaan dambiyadii lagu soo oogay.

Xukunka xabsiyada ay wajahayaan kuwa dambiga lagu helay ayaa la waqtiyeyn doonaa goor dambe.

Jubbaland oo ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka kooxda AS.

Sabti 8 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tababar heer sare ugu soo xiray ciidan cusub dugsiga tababarka ciidanka Darawiishta Jubbaland ee Akadeemiyo.

Guutada Birjeex ee ciidamada Darawiishta Jubbaland oo mudooyinkii u dambeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howl-galo ay dhawaan ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib-tirayo Khawaariijta, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka.

Axmed Madoobe u mahad-celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.

Waxaa madaxweynahu uu sheegay in howl-galada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

Sidoo kale waxaa ciidankan tababarka loo soo xiray lala soo bandhigay hub culus, kaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda AS ee ka bilaabanaya maamulkaasi.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa isla shalay xariga ka jaray wajiga koobaad ee dhismaha Isbitaalka ciidanka Jubbaland.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Isbitaalka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayay wasiirka caafimaadka Eng Ismaaciil Garas, wasiir ku-xigeenka amniga gudaha Aadan Xaaji, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo qaar kamida howl-wadeenada Isbitaalka ka howlgali doona.

Isbitaalkan ayaa si guud ugu wada shaqayn doona dhammaan ciidamada kala duwan iyadoo lagu samayn doono qaliinada kala duwan iyo daaweeyntooda isla markana laga heli doono dhammaan qalabka muhiimka u ah adeegyada caafimaadka.

Axmed Madoobe ayaa ballan-qaaday in isbitaalkan la balaadhin doono isla markana qeybo cusub lagu kordhin doono iyadoo dhakhatiir cusub oo tayo leh lagu soo kordhin doono.

Waxaa uu intaas ku daray hoggaamiyaha Jubbaland in sababta loo sameeyay Isbitaalkan ay tahay in ciidamada ay helaan daryeel gaar ah oo lagaga kaaftoomo in la geeyo Isbitaalada dadweynaha loogu adeego.

{DAAWO MUQAALKA} Danjire Maxamed Sheekh Isaaq ayaa soo dhaweeyey guusha Soomaaliya ka gaartay Amaanka ee QM.

Jimco 7 June 2024 {HMC} Danjire Maxamed Sheekh Isaaq ayaa soo dhaweeyey guusha Soomaaliya ka gaartay Amaanka ee QM.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {07.06.2024}

Jimco 7 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirxamaan macalin muuse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Aadan Madoobe oo shir furay Kismayo

Jimco 7 June 2024 {HMC} Gudoomiye Aadan Madoobe oo shir furay Kismayo

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ururka Xisbullah oo Weerar ku qaaday Askarta israa’iil.

Jimco 7 June 2024 {HMC} Ururka Xisbullah oo Weerar ku qaaday Askarta israa’iil.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

Jimco 7 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

;

{DAAWO MUUQAALKA} Wabarka Beesha Baadicade oo lagu soo Dhaweeyey Degmada Buulo-Burde.

Jimco 7 June 2024 {HMC} Wabarka Beesha Baadicade oo lagu soo Dhaweeyey Degmada Buulo-Burde.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wabarka Beesha Baadicade oo lagu soo Dhaweeyey Degmada Buulo-Burde.

Jimco 7 June 2024 {HMC} Wabarka Beesha Baadicade oo lagu soo Dhaweeyey Degmada Buulo-Burde.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA