Home Blog Page 2324

James Swan oo ka Hadlay Ku Biirista Somalia ee xubinimada Golaha Amaanka ee QM

Jimco 7 June 2024 {HMC}  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey in dalkooda loo doortay kurisga Golaha Ammaanka QM ee 2025-2026.

“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortey kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartey ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan.

“Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay.

Waa markii labaad ee Soomaaliya ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoona tixgalinaysa horumarka, nabadda iyo xasilloonida ay ku talaabsatay.

Soomaaliya inay Golaha Ammaanka QM xubin ka noqoto waxaa ugu dameysay 1970-1972.

Soomaaliya oo Dadaal Badan Ku Bixisay Ka mid Noqoshada Golaha Amaanka ee QM.

Jimco 7 June 2024 {HMC} WASHINGTON — Soomaaliya ayaa loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah, kadib codbixin Khamiistii ka dhacday Golaha loo dhan yahay.

Soomaaliya ayaa ku biiri doonta laba dal oo kale oo Afrikaan ah – Algeria iyo Sierra Leone – iyada oo Soomaaliya uu muddo xileedka u billaabanayo Janaayo 2025.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa qeyb ka ah xulka Soomaaliya ee doorashada u aaday Mareykanka.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa ah hay’adda ugu sareysa ee go’aamisa, kana doodda arrimaha caalamka, waxaana Soomaaliya ay xubin ka ahayd hay’addaas muddadii u dhexeysay 1971-1972, sidaa darteen dib u soo laabashada Soomaaliya waxay marag u tahay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dowlad dhiska, duniduna waa qireysa” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray.

“Soomaaliya ayaa wax ku biirin doonta jirkaas. Soomaaliya waxay khibrad u leedahay dawlad-fashilantay, dawlad jilicsan iyo arrimaha xasaradaha bini’aadantinimo.

Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay sameysay soo kabasho baaxad leh.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Codeyntii loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammanka laga bilaabo Jannaayo 2025.

Flydubai suspends Mogadishu flights due to safety concerns

Jimco 7 June 2024 {HMC}  Flydubai Airlines has suspended its operations to and from Mogadishu, effective June 11, 2024, according to a message sent to its partners.

The message stated, “We regret to inform you that due to operational reasons, flydubai will be suspending its operations to/from Mogadishu effective June 11, 2024. Our last flight shall be operated on June 10.”

advertisements
The airline did not specify the reasons behind the suspension, but reports suggest it is due to security concerns.

This is not the first time Flydubai has taken such a step. In April, a similar situation unfolded when several airlines, including Flydubai, halted their flights to Mogadishu in response to a security alert from the US Embassy.

However, some airlines resumed their flights to the Somali capital a few days later.

Flydubai, based in Dubai in the United Arab Emirates, began its direct flights to Mogadishu on March 9, 2023, marking the first direct flight between Somalia and the UAE.

Somalia joins UN Security Council after more than 50 years

Jimco 7 June 2024 {HMC}  WASHINGTON — The United Nations General Assembly on Thursday elected Somalia to the 15-member U.N. Security Council for a two-year term starting in 2025.

The tiny Horn of Africa nation was among five countries that received the winning votes, alongside Denmark, Greece, Pakistan, and Panama.

“It is both symbolic and strong diplomatic status for Somalia to appear among the Security Council members and this will help Somalia to have a better access for member nations,” said Somalia analyst Abdiqafar Abdi Wardhere, who is based in Virginia.

For the first time in more than 50 years, he said, Somalia will have a vote on decisions regarding world conflicts.

“The Security Council is the only U.N. body that can make legally binding decisions such as imposing sanctions and authorizing use of force. Therefore, Somalia would get a vote that determines the world issues and resolutions,” Wardhere said.

Announcing the elections’ results, the U.N. General Assembly President Dennis Francis, said, “In a secret ballot, the elected countries secured the required two-thirds majority of Member States present and voting in the 193-member General Assembly.”

Following the news, the United Nations in Somalia congratulated the Somali government and its people “on their country’s election today to a seat on the UN Security Council for 2025-2026.”

“Somalia has come a long way over the past three decades on its path to peace, prosperity, and security,” said the UN Secretary-General’s Acting Special Representative for Somalia James Swan. “Election to a seat on the Security Council is recognition of that commendable progress.”

“Somalia’s experiences place it in a unique position to contribute to Council deliberations on international peace and security,” Swan added.

The Security Council’s five permanent veto-wielding members are Britain, China, France, Russia and the United States.

The five countries that got elected Thursday will replace Ecuador, Japan, Malta, Mozambique and Switzerland, whose terms end December 31.

Somali and the other elected new members will join existing non-permanent members Algeria, Guyana, the Republic of Korea, Sierra Leone and Slovenia, whose terms started in January.

According to United Nations, the 10 non-permanent seats on the Security Council are distributed according to four regional groupings: Africa and Asia; Eastern Europe; Latin America and the Caribbean; and the Western European and other States group.

The newly elected members were endorsed by their respective regional groups and ran largely uncontested.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Dowlada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo xirey Shirka Garsoorka

Jimco 7 June 2024 {HMC} Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Dowlada Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo xirey Shirka Garsoorka

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Jubbaland oo soo dhaweyey in shirka banbaxa ee Gudiga Joogtada ah lagu qabto Kismaayo.

Jimco 7 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jubbaland oo soo dhaweyey in shirka banbaxa ee Gudiga Joogtada ah lagu qabto Kismaayo.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Ruushka oo Dhoolatus Milateri Ka Sameynaya Xeebaha Mareykanka

Jimco 7 June 2024 {HMC}  Wasaaradda Difaaca ee Cuba, ayaa ku dhawaaqday in 3 markab oo ka mid ah maraakiibta ciidanka badda Ruushka oo uu ku jiro markabka badda hoostiisa quusa ee qaada nukliyeerka ee Kazan (K-560) , inay soo gaari doonaan toddobaadka dambe dekedda caasimadda Cuba ee Havana.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay dhoolatuska militari ee Ruushka uu ka sameynayso badda Caribbean-ka.

Cuba, waxay sheegtay maraakiibta Ruushka inaysan halis ku ahayn ammaanka gobolka, iyadoo ku andacoonaysa inuusan midkoodna soo qaadi doonin hubka nukliyerka.

Dhoolatuska militari ee ciidanka Ruushka , ayaa noqonaya midkii ugu horreyay ee muddo dheer oo sannado ah ka dhacaya meel aan ka fogayn dhulka Mareykanka , iyadoo qof walba uu xasuusan yahay xiisadda Ruushka iyo Mareykanka ee ku dhoweyd dagaal nukliyeer ah taasoo ka dhalatay markii Ruushka uu hubkiisa nukliyeerka geeyay Cuba.

Balse hadda dhoolatuskan ayaa sida cad jawaab u ah taageerrada Mareykanka ee Ukraine oo uu geeyay gantaaladiisa riddadaa dheer iyo taageerrada sii socota ee waddamada galbeedka ay siinayaan Ukraine, halka Putin uu shalay soo saaray hadal uu ku sheegayo in haddii ay dhacdo hubka Mareykanka uu geeyay Ukraine ay khasaaro ka dhaliyaan dhulka Ruushka, inay gayn doonaan gantaaladooda riddada dheer meel kasta oo khasaare lagu gaarsiin karo Mareykanka iyo xulafadiisa galbeedka.

Amiir Harry oo racfaan ka qaadanaya xukun horay loo riday

Jimco 7 June 2024 {HMC}  Amiir Harry wuxuu awood u yeelan doonaa inuu rafcaan ka qaato go’aanka maxkamadda sare kaas oo meesha ka saaray caqabadiisa ku saabsan go’aanka lagu dhimay heerkiisa ammaan ee shakhsi ahaaneed marka uu booqdo UK.

Amiir Harry wuxuu markii ugu horreysay qaaday tallaabo sharci ah oo ka dhan ah Home Office 2020 iyo go’aan ah inuu helo ilaalin ka duwan oo canshuur bixiyaha ah kadib markii isaga iyo xaaskiisa Meghan ay ka bexeen nolosha qoyska boqortooyada.

Bishii Febraayo, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in go’aankaas uu ahaa mid sharci ah oo meesha ka saaray kiiskii Harry, ka hor inta aan bishii Abriil loo diidin ogolaanshaha inuu uga doodo xukunkaas maxkamad sare.

Laakiin maxkamada racfaanka ayaa hadda sheegtay in ay dhageysan doonto dacwadiisa ka dib codsi toos ah oo uga yimid qareennada amiirka.

Go’aanka lagu dhimay ammaankiisa bishii Febraayo 2020 waxaa qaatay Guddiga Fulinta ee Royal iyo VIP (Ravec) – kaas oo u wakiishay mas’uuliyadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee bixinta qabanqaabada amniga xubnaha qoyska boqortooyada.

Xukun bishii Febraayo, garsooraha Maxkamadda Sare ee hawlgabka ah, Sir Peter Lane ayaa diiday kiiska amiirka wuxuuna soo gabagabeeyey habka Ravec inuusan ahayn mid caqli-gal ah ama nidaam ahaan cadaalad darro ah.

Si la mid ah xubnaha kale ee qoyska boqortooyada, Amiir Harry iyo Meghan waxay heleen ilaalin ammaan oo si guud loo maalgeliyo ka hor intaanay ka tagin xilalka boqortooyada oo aanay u guurin gobolka California ee Maraykanka.

Netanyahu oo lagu casuumay Congress-ka Mareykanka

Jimco june, 07, 2024 (HMC) –  Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo fadhi wadajir ah oo Congress-ka Mareykanka ku yeelanayaan magaalada Washington.

Martiqaadkan ayaa ah hindise ay leeyihiin madaxda jamhuuriga, waxaana lagu wadaa in la qabto 24-ka bisha Luulyo.

Xubno badan oo ka tirsan Kongareeska Dimuqraadiga ayaa muujiyay inay qaadacayaan habka uu u socdo barnaamijkan casuumaadda ah.

Laakiin hogaamiyaha sare ee Dimuqraadiga, hogaamiyaha aqlabiyada Senetka Chuck Schumer, ayaa sheegay in inkasta oo uu khilaaf qoto dheer kala dhaxeeyay Netanyahu, uu ku biiray martiqaadka sababtoo ah xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.06.2024}

Jimco 7 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaam Maacalin Muse 

Farsamadii ::Dhaqane Khaliif Abdi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO