Home Blog Page 2325

Ciidanka RSF oo Dalka Suadan Ka Geysaty Xasuuqii Uga Badnaa

Jimco june, 07, 2024 (HMC) –  Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhintay 200 oo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay xoogaga fallaagada ah ku qaadeen dalka Suudaan, mas’uuliyiin maxalli ah iyo goob joogayaal ayaa sheegay in uu dhacay xasuuqii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada sanadka ah oo ay ku barakaceen in ka badan 7 milyan oo qof.

Dad goob joogayaal ah ayaa CNN u sheegay Khamiistii sida dagaalyahano ka tirsan ciidamada militariga ee Rapid Support Forces (RSF) ay ku soo degeen tuulada Wad al-Nour ee bartamaha gobolka Al-Jazira Arbacadii.

Waxay ku tilmaameen muuqaalo argagax iyo xasuuq ah in ka badan 40 baabuur oo hubaysan ay soo galeen tuulada, iyagoo hub culus ku furay dadkii deganaa, dhimasho iyo dhaawac ayaa u badan rayid, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Dagaalka ayaa weli ka socda meel dhowr kiilo mitir u jirta, iyadoo dadka tuulada oo aad u argagaxsan ay ka baqayaan in uu dagaal kale dhaco, ayuu yiri goobjoogaha.

Goob-jooge kale ayaa ka warbixiyay hawsha argagaxa leh ee tirinta dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay. “Ilaa hadda, waxaan in ka badan 120 qof ku aasnay ​​xabaal wadareed ku yaalla bartamaha tuulada,” ayuu yiri.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo ku sugan tuulada Wad Al-Noura oo ku hareeraysan tobanaan meydad ah oo loo diyaarinayo in la aaso.

Muuqaal kale ayaa la sheegay in uu muujinayo Maleeshiyada RSF oo hubka culculus tuulada la dhexmaraya

Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF labaduba waxay la kulmeen eedeymo hagar la’aan ah oo ku saabsan xasuuqa rayidka tan iyo markii uu dagaalka sokeeye qarxay Abriil 2023.

RSF ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii ku qiratay weerarka waxayna sheegtay in uu ahaa weerar horudhac ah oo lagu qaaday ciidamada qalabka sida ee Suudaan xerooyinka ay ku leeyihiin Wad Al-Nura kaasoo ay uga jawaabayeen weerar qorsheysan oo ay ciidamadu qaadeen. Ma aysan qiran dhimashada dadka rayidka ah ee la sheegay, mana jiraan cadeymo muujinaya in dadka la laayey ay ciidan ahaayeen.

Sida laga soo xigtay RSF-ta, sideed ka mid ah dagaalyahanadooda ayaa la dilay, kuwa kalena waa la dhaawacay, waxaana intii uu socday howlgalka ay ku qabsadeen gaadiid, hub iyo agab ciidan.

Si kastaba ha ahaatee, goob joogayaal ayaa sheegay in aysan jirin wax ciidan ah oo ku sugan tuuladaasi, iyagoo intaa ku daray in ciidamada Sudan ay ka howlgalaan saldhig ciidan oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Wad Al-Nura, taasoo lagu macneeyay inay tahay sababta weerarka.

Tuulada Wad al-Nour ayaa qiyaastii 160 kiiloo mitir dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Suudaan ee Khartoum, waxayna hadda noqotay xudunta u dambaysay ee rabshadaha ka dhacaya dal ay colaado gudaha ahi halakeeyeen.

Tuuladan ayaa muddo dheer bartilmaameed istaraatiiji ah u ahayd RSF-ta, marka loo eego halka ay ku dhowdahay ee Al-Manaaqil oo ciidammada Suudaan ay ku sugan yihiin gobolka Al-Jaziira oo keliya.

Tani ma ahayn isku daygii ugu horreeyay ee ay RSF ku doonayso inay ku maamusho Wad al-Nura, iyagoo dhowr jeer isku dayay inay qabsadaan tuulada.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya ciidamada daacada u ah laba jeneraal oo iska soo horjeeda – taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, hogaamiyaha SAF, iyo General Mohamed Hamdan Dagalo, madaxa RSF.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF labaduba waxay la kulmeen eedeymo xunxun oo ku saabsan xasuuqa rayidka.

Bishii Maarso, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in in ka badan 700 oo qof, oo ay ku jiraan tobanaan carruur ah, ay si qasab ah gobolka uga qorteen kooxda malleeshiyada ka dib markii lagu amray inay “qortaan ciidanka ama la dilayo inkastoo RSF ay beenisay arrintaas.

Dowladdee ayaa leh guusha ku biirista Golaha Ammaanka ee Soomaaliya Xassan mise Farmaajo ?

Jimco june, 07, 2024 (HMC) – Soomaaliya ayaa caawa ku guuleysatay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey, kaas oo ay ku meteli doonto muddo sanad ah Qaaradda Afrika, kursigaan ma jirin wadan kula tartamay Soomaaliya, waxayna ku gaartay galaan-galkeeda diblomaasiyadeed.

Taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne hore Farmaajo ayaa durba billaabay inay kala sheegtaan guusha Soomaaliya u soo hoyatay. Haddaba labada dhinac yaa leh guusha?

Guusha Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu amaanan oo kasoo shaqeeyey danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ee Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale), oo muddo Soomaaliya uga wakiil ah Qaramada Midoobe.

Si kastaba, waa guul uu qorshaheeda ay billowday dowladdii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana dowladda madaxweyne Xasa Sheekh ay dhameystirtay.

Dalabka Soomaaliya ee ku biirista Golaha Ammaanka ayaa la gudbiyey bishii October 2018, markaasi oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii uu madaxtooyada ku qaabilsay Xasan Sheekh kadib doorashadiisa, waxa uu ku wareejiyey feylka codsigii ay Soomaaliya u dirtay golaha ammaanka Qaramada Midoobey.

Farmaajo ayaa maalintaas sheegay in codsigaas uu Qaramada Midoobey u diray sanadkii 2018-kii, isagoo sheegay in 2024 loo codeyn doono, sida dhacday maanta, muddo xileedka kursigaas ayaa Soomaaliya u bilaabanaya 2025, waxayna ku fadhi doontaa muddo hal sano ah.

“Madaxweyne waxaan maanta kugu wareejiyey codsi aan u dirnay Qaramada Midoobey, oo aan uga qeyb galeyno Golaha Ammaanka, oo aan xareynay codsigaas 2018, doorashana aan u galeyno 2024, si aan u fariisano kursigaas 2025/2026, taasina waa dhaxal reeb aan uga tageyno umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo 2022 Xasan Sheekh u sharaxay marxaladaha uu mari doono kursigaas.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa maanta waxa uu khudbadiisii xil wareejinta ka soo jartay qeybta uu kaga hadlay kursigaan, isagoo sheegay in Soomaaliya ay gaartay guushii uu ka soo shaqeeyey.

Dalka Spain oo ku biiray Dalalka Dacwadda ku soo oogaya Israa’iil

Jimco june, 07, 2024 (HMC) –  Spain ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay ka codsan doonto maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay ku biirto kiiska Koonfur Afrika ee ku eedaynaya Israa’iil inay xasuuq ka geysatay marinka Gaza.

“Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares.

Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee codsigaas sameeya, isagoo ku biiray 12 waddan oo kale.

Koonfur Afrika ayaa dacwadda horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sannadkii hore, iyadoo ku eedaysay Israaiil, inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah, heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee sannadkii 1948-kii.

Israa’iil ayaa dhinaceeda ku doodaysa inay ka falcelinayso weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil bishii October 7-deedii, isla markaana ay doonayso inay dib u soo furato maxaabiista laga haysto.

Spain, iyo dalal kale oo reer Yurub ah, sida Ireland iyo Norway ayaa ku biiray dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo haatan kor u dhaafaya illaa 140 waddan.

Markii tiirka toogashada lagu xiray ayaa qisaasta laga cafiyay

Khamiis june, 06, 2024 (HMC)– Faysal Abshir Cabdullaahi oo loo yaqaan (Faysal Booyaax) oo saakay la soo taagay tiirka si loo dilo ayaa xarriga laga furay kaddib markii aabaha dhalay qofka loo qisaasayay uu go’aansaday in uu fasaxo.

Faysal waxa uu dilay oo saakay dartiis tiirka loo keenay Cabdulaahi Faarax Cali. Waxaa la sheegay in labadooda ay ciidamo ahaayeen, muran dhexmarayna uu keenay dilka.

Faysal Abshir ayaa hore loo qisaasay walaakii Maxamed Abshir Booyax oo sidan oo kale fal dil ah loogu soo xiiray.

Mas’uuliyiinta joogay goobta qisaasta ayaa sheegay in aabaha loo fulinayo saddex doorasho midkii uu doono oo kala ah inuu cafiyo, in uu diyo qaato ama loo qisaaso.

Aabo Faarax Cali oo goobta ka hadlay ayaa yiri sidan “Ninkan oo dilay wiilkeyga, aniga saakay is raacin maayo labada nin, xariga waa ka furayaa, waxaana doortay suldaanka eraydii uu iyir” .

Taliyaha xabsiga Nugaal waxaa lagu amray inuu xabsiga ku hayaayo inta magta laga bixinayo.

Madaxdii Hore ee Dalka oo Soo Dhaweeyaya Ku Biirsita Soomaaliya ee Golaha Amaanka ee QM

Khamiis june, 06, 2024 (HMC)  – Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war ka soo saaray guusha ay Soomaaliya ka gaartay kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ay 2025-2026 ku meteli doonto dalalka Afrika.

Farmaajo iyo Kheyre oo mid walba soo saaray qoraal gaar ah ayaa sheegay in guushaan ay ka soo shaqeeyeen, kadib markii ay codsi ay ku dalbanayaan kursigaan ay u direen Qaramada Midoobey.

Ugu horeyn Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto golaha Ammaanka.”

Kheyre oo farriin u diray Madaxda Qaranka ayaa ugu baaqay in aragti cad laga yeesho sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiskeenna Qaramada Midoobay ee New York, si uu dalku kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka.

Dhankiisa Madaxweyne hore Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay guushaan ayaa ugu horeyn hambalyo u diray shacabka iyo dowladda, isagoo yiri, “Tani waxay ku timid dadaalladii diblomaasiyadeed ee aannu soo bilowney sannadkii 2018-kii, maantana uu guul taariikhi ah dalkeennu ka gaaray.”

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray “Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan.”

Madaxweynihii hore oo wadaniyad ku dhiirigeliyey madaxda Soomaalida ayaa yiri, “Hadaf kasta oo qaran oo lagu raadiyo wadajir, loogana shaqeeyo si daacadnimo iyo waddaniyad leh, waxaa xaqiiq ah inuu miro dhal noqonayo, waana tan laga rabo in hoggaan kasta oo Soomaaliyeed uu ku shaqeeyo.”

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Gaalkacyo oo guul ku tilmaamay in ay soomaliya hesho kursiga Ammaanka Ee Qaramada Midoobey.

{Khamiis 6 June 2024 {HMC}  Shacabka Gaalkacyo oo guul ku tilmaamay in ay soomaliya hesho kursiga Ammaanka Ee Qaramada Midoobey.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo soo dhaweysay guusha Soomaaliya ay gaartay

{Khamiis 6 June 2024 {HMC}  Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo soo dhaweysay guusha Soomaaliya ay gaartay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Barnaamijka Su’aalaha Garo oo Guuleyso ee Hiiraanweyn

{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Barnaamijka Su’aalaha Garo oo Guuleyso ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 06/06/2024

{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 06/06/2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Tiirka toogashada Ayaa la Geeyey Balse waxaa Cafiyey Wiilkii uu Dilay Aabihiis.

{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Tiirka toogashada Ayaa la Geeyey Balse waxaa Cafiyey Wiilkii uu Dilay Aabihiis.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA