{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Sidee u dhacay xukunkii qisaasta ahaa ee lagu fuliyay ragii dilay macalinka iyo Dr ka
{DAAWO MUUQAALKA} Sidee u dhacay xukunkii qisaasta ahaa ee lagu fuliyay ragii dilay macalinka iyo Dr ka
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 06-06-2024
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussein & Shikri Baryare
Farsamadii ::Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Ururka Xizbullah oo weerar dhimasho iyo dhaawac leh ku qaaday Israel
Khamiis june, 06, 2024 (HMC) TEL AVIV — Militariga Israa’iil ayaa Khamiista maanta ah sheegay in askari lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee kooxda Xizbullah ee ay Iiraan taageerto, taasi oo ah khasaarihii ugu dambeeyay ee isku dhacyo bilihii dhowaa ka socday xuduudda.
Refael Kauders ayaa Arbacadii “ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga”, ayey ciidamadu ku sheegeen website-kooda.
Warbixin kooban oo uu siiyay warbaahinta, ayaa afhayeenka ciidamada Colonel Peter Lerner waxa uu ku sheegay in Kauders, oo 39 jir ahaa, lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee Xizbullah ku qaadeen magaalada Hurfeish ee waqooyiga Israa’iil.
“Waxa ka dhashay natiijo xun, dabcan, oo ah askari la dilay,” ayuu yiri Lerner.
Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in weerarka sidoo kale lagu dhaawacay sagaal askari oo mid ka mid ah uu dhaawaciisu culus yahay.
Lerner waxa uu sheegay in “Xizbullah…sideedii bilood ee la soo dhaafay ay si maalinle ah u kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Israa’iil” ayna “isku dayayaan in ay jebiyaan hababka difaaca ee Israel.”
Dhimashadii ugu dambeysay ayaa ka dhigeysa ugu yaraan 15 askari iyo 11 rayid ah oo lagu dilay waqooyiga Israel, sida laga soo xigtay militariga, tan iyo markii ay billowdeen iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada Israel iyo Xizbullah, oo ah xulafada Xamas, kuwaas oo bilowday ka dib markii dagaalka Gaza uu qarxay 7-dii October.
Dhinaca Lubnaan, rabshadaha xudduudda waxaa ku dhintay ugu yaraan 455 qof, oo u badan dagaalyahanno laakiin ay ku jiraan 88 qof oo rayid ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Dagaalka Gaza ayaa billowda kadib markii Xamas ay weerar culus ku qaaday Israel 7-dii October, kaasi oo ay ku dhinteen 1,194 oo Israa’iiliyiin ah, oo u badan shacab, sida ku cad xogta AFP oo ku saleysan tiro-koobka rasmiga ah ee Israa’iil.
Xamas ayaa sidoo kale afduubtay 251 oqf, oo isugu jira Israa’iiliyiin iyo ajaaniib, kuwaas oo 120 ka mid ah weli lagu hayo Gaza, oo ay ku jiraan 41 qof oo militariga ay sheegeen inay dhinteen.
Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay cirib-tireyso Xamas, waxayna Gaza ku qaaday dagaal dhulka iyo cirka ah, oo ay ku dhinteen 36,586 qof oo badankood shacab ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza ee Xamas ay maamusho.
Sida ay sheegeen militariga Israa’iil, 645 askari ayaa la dilay tan iyo 7-dii October, oo ay ku jiraan 294 ku dhintay ololaha ka dhanka ah Xamas ee dhulka Falastiiniyiinta.
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha QM, Dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagta QM oo daahfuray Mashruuca kaydinta Biyaha Jowhar
Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Jowhar, Somalia, 5 June 2024 Hay’adda Cuntada iyo Beeraha QM, Dowladda Soomaaliya iyo bahwadaagta QM ayaa magaalada Jowhar daahfuray Barnaamijka Kaydinta Biyaha si wax looga qabto dhibaatooyinka isbadalka cimilada loona hagaajiyo waxsoosaarka beeraha.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay bilaabidda mashruuca oo wax badan ka badali doona nolosha muwaadiniinta.
“Waxaan la dhacsanahay sida hal-abuurka leh ee barnaamijka loo qaabeeyay si loo hagaajiyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah. Haddii aan soo celino keydadkii biyaha , xalino colaadaha, aan hirgalino nidaamyada digniinaha hore, waxaan muujinaynaa sida ay nooga go’anyahay u babacdhigga isbadalka cimilada iyo yaraynta colaadaha si bulshadeenu uga wada faa’iidaysato. Hirgalinta mashruucan waa mid naga go’an maamul ahaan.”
Mashruucan ayaa ah mid ay ka qaybgalayaan bah-wadaag kala duwan islamarkaasina soconaya sanado badan iyadoo looga gol-leeyahay yaraynta fatahaadaha iyo abaaraha iyo xoojinta waxsoosaarka beeraha si loo hagaajiyo sugnaanta cuntada iyadoo loo marayo iskaashi u dhexeeya Dowladda Soomaaliya, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan QM ee FAO iyo bahwadaagteeda – Hay’adda Caalamiga ah ee socdaalka(IOM), Barnaamijka Deegaamaynta QM (UN Habitat), Hay’adda QM u qaabilsan Horumarinta Warshadaha(UNIDO), Barnaamijka Deegaanka QM oo taageero ka helaya Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho iyo taageerada la filayo ee USAID, Sanduuqa Midaysan ee Soomaaliya(SJF) iyo Sanduuqa Dhismaha Nabadda QM.
Barnaamijkan ayaa lagu wadaa in xaqiijiyo in 368 887 ruux oo ku nool shan Degmo Hirshabelle ah ay helaan biyo sidoo kalena la yareeyo halista fatahaadda ee ay wajahayaan 1.5 Milyan oo ruux iyo in la yareeyo abaarta ay wajihi karaan 1.65 Milyan oo ruux. Arrintan ayaa sidoo kale la filayaa in ay hagaajiso waxsoosaarka cuntada ayna kordhiso isku-tiirsanaanta maxaliga ah.
Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac oo goobta ka hadlay ayaa barnaamijka ku tilmaamay mid muujinaya awoodda iskaashigu u leeyahay ka hortagga baahida bini’aadanimada iyo dalka loo hoggaamiyo mustaqbal wanaagsan. “ Lahaanshaha bulshada iyo midayntu waa muhiim. Bulshadu waa in ay u aragtaa in barnaamijkan ay iyadu leedahay, dareenka lahaanshuhuna wuxuu muhiim u yahay guusha barnaamijka. Waa in aan badalnaa aragtida ah in kanaalku yahay mashruuc dowladeed, si ay dadku ugu arkaan mid ay iyagu leeyihiin. Barnaamijkani wuxuu u gogol xaarayaa hindiseyaal cusub islamarkaasna u muujinayaa deeqbixiyeyaasha fursadaha xooggan ee maalgalinta ee Soomaaliya.”
Isagoo qiraya muhiimadda barnaamijka, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye), ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan QM ee FAO xaqiijinta maalgalinta barnaamijka isagoo sidoo kalena xusay muhiimadda kaqaybgalka bulshada.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Alexander Jones, oo ka mid ah Masuuliinta FAO . Wuxuu bidhaamiyay sida iskaashiga ka dhexeeya bahwadaagta kala duwan uu u xalin karo dhibaatooyin baaxad leh oo la xiriira isbadalka cimilada iyo colaadaha .

Somali Deputy Prime Minister Salah Jama and Said Hussein Iid, Minister for Agriculture and Irrigation of Somalia, hold a round table discussion at the launch of JOSP, attended by Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.
The Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, is an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia.





Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO, as part of a three day country visit, today attended the launch event of the Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.

A drone image shows an overhead shot of the waterway and IDP camp next to the Sabuun Canal, Jowhar, Somalia. 5 June 2024
The Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, is an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia.

Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO, as part of a three day country visit, today attended the launch event of the Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.

Alex Jones, Director Resource Mobilization Division FAO (l) (pictured with Etienne Peterschmitt, FAO Country Director [c}), as part of a three day country visit, today attended the launch event of the Jowhar Offstream Storage Programme, or JOSP, an integrated, multi-donor government-led initiative co-creating climate-resilient, inclusive, safe and prosperous communities in Somalia held at the State House, Jowhar, Somalia. 5 June 2024.
{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH:- Ragii Dilay Macalinka iyo Dhaqtarka oo Goordhow la tooktay.
{Khamiis 6 June 2024 {HMC} WAR DEG DEG AH:- Ragii Dilay Macalinka iyo Dhaqtarka oo Goordhow la tooktay.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Dad ku dhintey duqeyn Israeli ka geysatay dugsi QM ku leedahay Qaza
Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Ugu yaraan 27 qof ayaa ku geeriyoodey duqeyn diyaaradaha Israa’iil ka geysteen dugsi ay maamusho QM oo gabbaad u ahaa dad barakacayaal ah oo ku sugan.
Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey weerarka ay ku qaaddeen dugsiga QM oo ay sheegeen in uu saldhig u ahaa ururka Xamaas.
Wariyeyaal deegaanka ka ag dhow ayaa BBC-da u sheegay diyaarad ay Isra’il leedahay ay labo gantaal ku dhufatay dabaqa saree e dugsiga oo ku yaal xerada qaxootiga Nuseyraat. Wrbaahinta Xamaas ayaa weerarka lagu beegsaday dugsigan oo hoy u ahaa boqool qoys oo barakacayaal ah ku tilmaantay “xasuuq foolxun”.
Gaadiidka gurmadka degdegga ayaa dadkii halkaas ku dhaawacmay ula cararay goobaha caafimaadka, halka sawirro laga qaaday goobta la weeraray ay muujinayaan burbur lixaad leh oo soo gaaray dhismaha iyo maydadka maryo lagu duuduubay oo safan.
Ismail al-Thawabta oo agaasime ka ah xafiiska warfaafinta xamaas ayaa been-abuur ku tilmaamay sheegashada Israa’iil ee ah in dugsiga QM uu xarun u ahaa urukooda.
Dil Toogasha ah oo goordhaw lagu fuliyay raga Loohestay dilka Macalin Dugsi iyo walaalkii
Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa goordhaw xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay in ay si bareer ah dil ugu geesteen macalin dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo isna dhatar ahaa.
Raggan xukun dilka ah lagu fuliyay oo lagu kala magacaabo Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile Cabdullahi Xasan ayaa si bareer ah deegaanka Ilix ugu dilay Dr Axmed Xasan cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo walaalo ah.
Gacankudhiiglayaasha ayaana dilka kaddib iyaga oo baxsad ahaa laga soo qabtay gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana lagu soo wareejiyay maxkamadda gobolka Galgaduud oo ugu dambeyn raggan xukun dil ah ku fulisay.
Aabaha iyo ehelada kale ee labada wiil ee walaalaha ee horey loo dilay ayaa maxkamadda gobolka Galgaduud ka dalbaday in ragga dilka u geestay wiilashooda loo qisaaso laguna fuliyo xukun dil ah.
Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukunno kala duwan oo dil ah ku fulisay dhowr qof oo lagu helay in ay geesteen dilal bareer ah, kuwaa oo intooda badan lagu toogtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Galgaduud oo dil toogasha ku fulineysa ragii dilay macalinka iyo Dr walaalaha ahaa
{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Maxkamadda Galgaduud oo dil toogasha ku fulineysa ragii dilay macalinka iyo Dr walaalaha ahaa
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Cidanka Bada oo tababar ku sabsan gargarka deg dega ah u so xiray askar ka tirsan Cidanka
{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Taliyaha Cidanka Bada oo tababar ku sabsan gargarka deg dega ah u so xiray askar ka tirsan Cidanka
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Deegaanka oo howlgal ku dilay xubin ka tirsan AS
{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Ciidamada Deegaanka oo howlgal ku dilay xubin ka tirsan AS



