Home Blog Page 2327

Kuuriyada Koonfureed oo ballan qaad cusub u sameeysay Dowladda Somaliya,

Khamiis june, 06, 2024 (HMC)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Ra’iisul Wasaare, ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

Soomaaliya ayaa la tagtay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalkeenna, kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.

{DAAWO MUUQAALKA}Haweynay Da’ah Oo Lashaaciyay In Ay Geeriyootay Oo Si Lama FIlaan Lagu Ogaaday In AY Nooshahay

{Khamiis 6 June 2024 {HMC}  Haweynay Da’ah Oo Lashaaciyay In Ay Geeriyootay Oo Si Lama FIlaan Lagu Ogaaday In AY Nooshahay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Gantaan Ay Riday Israel Oo Sababay Dabkacay Keemo Kuyaala Qasa

{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Gantaan Ay Riday Israel Oo Sababay Dabkacay Keemo Kuyaala Qasa

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Ku biirida Soomaaliya ee golaha ammaanka UN-ka oo cod loo qaadayo.

Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha June ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Guushan taariikhiga ah oo si weyn isha loogu haayo ayaa la filayaa in si rasmi ah kaddib codbixin uu u qaaday golaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.
Wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa New York u jooga codbixinta.
Sidda uu xeerinayo xeerka Qaramada Midoobay ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa kursiga ku fadhiisan doonta labo sano oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.
Soomaaliya waxaa ku biiraysaa afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo shaqeeyeen Golaha ay ku jirto Soomaaliya horaantii 1970-meeyadii.
Sikastaba ha ahaatee, dalalkan ku biiraya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay badali doonan wadamadda lagu kala magacaabo Mozambique, Switzerland, Malta, Japan, iyo Ecuador.

Somalia iyo Ciraaq oo ka wada hadlay iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka wadanka Ciraaq ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Ciraaq Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka wadanka Ciraaq ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Ciraaq gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Kuxigeenkii Hore ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan.

PSF oo si adag u beeniyay warkii kasoo yeeray taliyaha Booliiska Puntland

Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Taliyaha ciidanka booliiska ee maamulka Puntland Jeneral Muumin Cabdi Shire ,oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay ciidamada PSF in iyagu masuul ka ahaayeen kana dambeeyeen iska-horimaadkii shalay ka dhacay saldhigga booliiska magaalada Boosaaso.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada PSF ayaa lagu beeniyay warka kasoo baxay taliyaha booliiska Puntland, waxaana qoraalka lagu sheegay in dhacdadii shalay ciidankii ku luta lahaa ahaayeen kuwa dad ka xirnaa halkaasi u tagay.

Taliska ciidamada PSF ayaa dhanka kale ciidamada booliiska Puntland ku eedeeyay in magaalada Garawe qaab afduub ah ugu xirteen afhayeenka ciidamada PSF, waxa ayna xuseen in si sharcidarro ah loo xiray afhayeenka .

Ciidamada PSF oo ah ciidao si gaar ah u tababaran looguna tala galay la dagaallanka Al Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku lug yeeshay iska-horimaadyo ka dhacay magaalada Boosaaso oo xarun u ah ciidankan.

Maxay tahay digniinta culus ee Putin uu mar kale u jeediyey Reer-galbeedka.?

Khamiis june, 06, 2024 (HMC) Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa bixiyey digniin ku wajahan wadamada Reer-galbeedka isaga oo sheegay in Moscow ay hubeyn karto waddamo damacsan in la weeraro bartilmaameedyada Reer-galbeedka.

Putin ayaa ku dhaliilay wadamada Reer-galbeedka hubka riddada dheer oo ay geeyeen dalka Ukraine.

Dhowr waddan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Ukraine siiyay oggolaansho buuxa oo ay ku garaaci karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

Tallaabadan oo kale waxay horseedi kartaa “dhibaatooyin aad u daran”, ayuu Putin u sheegay saxafiyiinta ajnabiga ah.

Madaxweyne Putin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Jarmalka oo dhawaan Ukraine u sheegay in ay xor u yihiin in ay ku garaacaan bartilmaameedyada gudaha Ruushka hubka riddada dheer ee Jarmalka.

“Marka ay yiraahdaan waxaa jiri doona gantaallo badan oo an ku garaaci doonno bartilmaameedyada dhulka Ruushka, tani waxay si dhab ah u burburinaysaa xiriirka Ruushka iyo Jarmalka,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ukraine u fasaxay in ay u adeegsato hubka uu Mareykanka keeno si ay u weerarto bartilmaameedyada Ruushka, balse kaliya meel u dhow gobolka Kharkiv.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Ukraine aysan isticmaali karin gantaallada riddada dheer ee ATACMS dhulka Ruushka.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gaza

Khamiis june, 06, 2024 (HMC) –Isra’il ayaa Arbacadi shalay sii wadday duqeymaha cirka ah ee ay ka waddo Gaza, xilli ay sii socdaan wadahadallada caalamiga ah ee lagu xiixayo xabbad-joojin la kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas.

Millatariga Isra’il ayaa duqeeyay deegaanno ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Gaza, halkaas oo la xaqiijiyay in ay ku dileen tobnaan qof.

Ciidamada Isra’il waxay sheegeen in ay qaadeen howlgal ay ku bartilmaameedsadeen qeybo ka mid ah deegaannada Bureyj iyo Deyr Al Balax ee Bartamaha Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeyn ay ciidanka Isra’il la beegsadeen iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat lagu dilay 27 qof. Dadka lagu dilay weerarka ayaa u badnaan qoysas gabbaad ka dhiganayay iskuulka.

Sidoo kale goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in duqeymo ay ciidanka Israil ku garaaceen xeryaha qaxootiga ee Maghazi iyo Deyr Al Balax lagu dilay 11 qof.

Dhanka kale, wakiillo ka socda maamulka madaxweyne Jose Biden ayaa gaaray Bariga Dhexe si ay u xiiraan, hindisaha xabbad-joojinta ee uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Jimcihi.

Hindisahaan oo ka kooban saddex waji, ayuu Biden ku sheegay in qeybta koowaad ay ogolaan doonto xabbad joojin lix todobaad ah iyo in la is weydaarto la heystayaasha labada dhinac, iyo in Gaza la geeyo gargaar bani’

Aadannimo.

War xalay kasoo baxay hogaamiyaha Xamaas, ayay Xamaas ku gacan-seyrtay qorshaha xabbad-joojinta Isra’il iyo Xamaas ee madaxweyne Biden.

Isra’il, horay ayay u sheegtay in aysan ku qanacsaneyn, balse ay soo dhaweyneyso.

{DAAWO MUUQAA;LKA} Ra’isul wasaare ku xigeenka oo Magaalada Jowhar ka Daah furay Mashaariic Muhiim ah.

{Khamiis 6 June 2024 {HMC} Ra’isul wasaare ku xigeenka oo Magaalada Jowhar ka Daah furay Mashaariic Muhiim ah.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Strong evidence that Ethiopia committed genocide in Tigray war: Report


Wednesday June 5, 2024

Report says Ethiopia and allies had ‘intent to destroy Tigrayans as an ethnic group’ and calls for prosecution at ICJ.

 

There is compelling evidence that Ethiopian forces committed genocidal acts during the Tigray war, a new report has concluded.

Issued on Tuesday by the United States-based New Lines Institute, the 120-page draft quotes multiple, widespread and credible independent reports that Ethiopian forces and their allies carried out “acts constituting the crime of genocide” during the conflict, which ran between 2020-22. The authors call for Ethiopia to be brought before the International Court of Justice.

The Tigray war erupted in November 2020, as a bid by the regional government for autonomy saw the Ethiopian military move into the northern region of the country.

Thousands died in the two-year conflict, which formally came to an end in November 2022. Both sides accused each other of atrocities, including massacres, rape and arbitrary detentions, but each strenuously denies responsibility for abuses.

In a report issued last September, the United Nations said war crimes and crimes against humanity were still being committed nearly a year after government and Tigrayan regional forces agreed to end the fighting.

The New Lines Institute report now states that there is sufficient evidence that Ethiopia engaged in actions violating the Genocide Convention including the targeting of civilians with mass killings and starvation tactics.

It says the Ethiopian National Defense Force (ENDF), alongside the allied Eritrean Defence Forces (EDF) and assorted regional militia “possessed the intent to destroy Tigrayans as an ethnic group”.

At least four acts constituting the crime of genocide are noted in the report: killing Tigrayans, causing serious bodily or mental harm, deliberately inflicting conditions of life upon Tigrayans calculated to bring about their destruction, and imposing measures intended to prevent births among Tigrayans.

Additionally, the finger is pointed at social media posts made by “certain individuals” that constitute public incitement to genocide.

Ethiopia, which has been accused of seeking to prevent international scrutiny, has repeatedly denied that its forces carried out war crimes during the conflict. Eritrea has claimed such accusations against it are defamatory.

However, the new report, which took two years to compile and features the contribution of dozens of legal experts, backs up the findings of the UN by stating that there is “reasonable basis to believe” that the countries are responsible for war crimes and/or crimes against humanity.

In conclusion, the authors call on the international community to put pressure on Ethiopia via bilateral relations, as well as bringing the country before the ICJ.

SOURCE: AL JAZEERA