Home Blog Page 2328

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa ku Guuleeystay Doorashada Ra’isul Wasaaraha Hindiya.?

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Yaa ku Guuleeystay Doorashada Ra’isul Wasaaraha Hindiya.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Dowgaab ee Gobolka Mudug oo dalbaday in laga caawiyo dhismaha Isbitaalka deegaanku yeesho.

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Maamulka Dowgaab ee Gobolka Mudug oo dalbaday in laga caawiyo dhismaha Isbitaalka deegaanku yeesho.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoome Madaale “Adduunka dhan ayay saameeyeen baraha bulshadu

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Guddoome Madaale “Adduunka dhan ayay saameeyeen baraha bulshadu

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xukunka Maxamuud oo Muqdisho Lacagaha AS uga Aruurin jiray

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Xukunka Maxamuud oo Muqdisho Lacagaha AS uga Aruurin jiray

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 05 06 2024

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 05 06 2024

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ka baxay deegaanka Xawaadleey

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ka baxay deegaanka Xawaadleey

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Lafta-gareen” Dadka sida ay Nafta u ilaaliyaan Waa in Dhirta Masuuliyad leeyskaga Saaro.”

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC}Madaxweyne Lafta-gareen” Dadka sida ay Nafta u ilaaliyaan Waa in Dhirta Masuuliyad leeyskaga Saaro.”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05-06-2024

Arbaco june, 05, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Shugri Baryare Maxamuud

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Madaale oo Dhagax Dhigay Xaruun cusub oo aay Yeelaneeyao degmada Wadajir

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta  dhagax-dhigay dhismaha cusub oo ay yeelaneyso xarunta degmada Wadajir, taa oo lagu dhisi doono iskutashi dadweyne oo qeyb ka ah barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal Dollar.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale sida uu had iyo jeer u dhiiragalinayo horumarista caasimaada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in ay isku tashtaan oo dalkooda dhistaan, islamarkaana ay ka maarmaan gacmaha shisheeye.

Xarunta degmada Wadajir ayaa horey ugu bur burtay weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al Shabaab ku qaaday, waxaana hadda la filayaa in xarunta degmada loo dhiso si ka qurux badan sidii ay markii hore aheyd.

Xubin AS Uqaabilsanaa Aruurinta Lacagaha Magaalada Muqdisho oo La Xukumay

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshaha AS, gaar ahaan inuu u Qaabilsanaa aruurinta lacagaha aay ka Qadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa AS ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-kii, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo AS ka tirsan, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa AS u aruurin jiray lacagaha , isaggoo AS u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago

Sidoo kale waxa uu AS u gudbin jiray Qiyaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogtooda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, arrimahaan wuxu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloodba mar ay AS U siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bishii January ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishii May ee Sanadkaan 2024.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.