Home Blog Page 2329

Maxaa Ka Jiro in Ciidamada dowladda aay ka baxeen deegaanka Xawaadleey?

Arbaco 5 June 2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen tuuloyinka hoostaga deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa Xawaadleey iney isaga baxeen gudaha deegaankaas, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadu ay soo baneeyaan Xawaadleey.

Deegaanka Xawaadleey ayaa ka mid ah deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee sanadkii hore laga xureeyay Al-shabaab, waxaana haatan markale muuqata dhaqdhaqaaqyo ay kooxdu ku dooneyso iney ku qabsato deegaankaas oo muhiim ah.

Tuulooyinka saacadahii lasoo dhaafay lagu arkay Kooxda oo ay dhaqdhaqaaqyada xoogan ka bilaaween waxaa ka mid tuulooyinka kala ah Shanlow, Dhagaxow iyo Farbaraki oo dhamaan ku yaala nawaaxiga Xawaadleey.

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabsi qaba dhaqdhaqaayadaan u dhaxeeya kooxda Shabaab iyo ciidamada dowladda oo sababi kara in lagu dul dagaalamo.

Dabley u dhashay dalka Syria oo Safaarad dowladda Mareykanka leedahay saakay weeraray

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Hadal ka soo baxay Ciiddanka dalka Lubnaan ayaa lagu xaqiijiyey in Dabley u dhashay dalka Syria uu saakayto oo Arbaco ah weerar ku qaaday meel ku dhow Dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin nawaaxiga Deegaanka Aukar ee Waqooyiga Caasimada dalkaasi ee Beirut.

Qoraalka waxaa lagu xusay in la dhaawacay Ninkii weerarka ku qaaday safaaradda Maraykanka, kadib, Israsaasayn socotay muddo 30 daqiiqo ah.

Docda kale, Safaaradda Maraykanka ayaa xaqiijisay weerarkaasi iyo inaysan waxba soo gaarin Dibloomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ee ku sugnaa gudaha Safaaradda.

Qoraal la soo dhigay Barta X ee Safaaradda Maraykanka ee Lubnaan (@usembassybeirut) ayaa lagu sheegay in Hub Fudud lagu soo weeraray Kadinka laga galo Dhismaha Safaaradda abaarihii 08:34 daqiiqo ee Aroornimadii saakayto

Qoraalka waxaa mahadnaq loo jeediyey Fal-celinta Degdega ee Ciiddanka Lubnaan (LAF), ISF iyo Kooxda Ilaaladda Safaaradda (Embassy security team).

Ninkii weerarka geystay oo la dhaawacay ayaa la dhigay Isbitaal ay leeyihiin Milliteriga dalka Lubnaan.

Weerarkii maanta ma ahayn kii ugu horeeyey ee lagu qaado Dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Caasimada dalka Lubnaan ee Beirut.

Sanadkii 1983-dii, weerar loo adeegsaday Qaraxyo ayaa lala beegsaday Safaaradda, iyadoo ay 63 qof ku geeriyoodeen.

Weerarkaasi kadib, Dhismaha Safaaradda Maraykanka oo ku yaallay Bartamaha Beirut waxaa loo soo wareejiyey Nawaaxiga Deegaanka Aukar ee Waqooyiga Beirut oo ay ku badan yihiin dadka Kirishtaanka Lubnaan.

Qarax kale ayaa lala beegsaday Dhismaha Cusub ee Safaaradda Maraykanka bishii September 20-dii ee sanadkii 1984-kii.

 

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamsa oo La Kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ee Kuuriyada Koofureed

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed {KOICA} CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta {TVET}.

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

{DAAWO SAWIRADA} Hogaanka Ugu Sareeyo XDS oo taallada ciidamadda Talyaaniga ee Muqdisho Ubax dhigay

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo taliyaha ciidamadda dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay taallada Daljirka ee Italy, loona yaqaan taallada geesiyaashii ciidamadda Talyaaniga.

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu hogaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamadda milatariga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

intaa kadib taliyaha ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac .

Labada taliye ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo sidii ay garab ugu siin laheyd la dagaallanka kooxaha argagaxisada ah.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Gaaray Jowhar.

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dalka oo Gaaray Jowhar.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan lagu taageerayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC}  Kulan lagu taageerayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ma Xasan Ali Kheyraa Mase Waa Qof Kale Bal Adiga Kala Saar.?

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Ma Xasan Ali Kheyraa Mase Waa Qof Kale Bal Adiga Kala Saar.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQALKA} Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland Oo digniin Adag u diray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye.

0

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland Oo digniin Adag u diray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Wasiir muqtaar Roobow oo si kulul ugu hadlay eedeymo loo jeediyay oo ku aadan arrimaha Xajka.

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Xajka sanadkaan.

Roobow ayaa marka hore soo hadal qaaday eed loo jeediyay oo ku saabsan inuu Xajka ka dhacay lacag 10 milyan oo dollar ah, taas oo la sheegay inuu ka qaatay shirkadaha.

Wasiirka ayaa beeniyay in ay jirto arrintaasi, isaga oo ka sheekeeyay hadal dhex-maray isaga iyo nin kale oo culimo ah oo kala hadlay lacagtaas lagu eedeeyay isaga.

“Maalin dhaweyd nin culima ah oo lagu tiriyo uun culimada Soomaaliyeed ayaan mar wada-hadleynay wuxuu igu yiri waxaan hubaa dhowr 10 milyan inaad Xajka ka dhacday, war saas ma jirto ayaan ku iri markaas ayuu igu yiri haddii kalena nin aan waxba la socon ayaa tehee gacantaada wax lagu cunay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa garnaqsaday, wuxuuna tilmaamay in arrintan wax laga waydiin karo shirkadaha Xajka oo uu ku dooday in xitaa aan laga qaadin hal sinti.

“Shirkadaha waa joogaan hadda ma u maleynaayo hal shirkad oo na dhihi karto hal sinti oo laaluush ah ayaa layga qaatay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuuu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay arrimaha Xajka, isla markaana ay shaqo wanaagsan ka qabatay, si loola dagaalamo musuqa.

“Waxaa dhici jirtay in fiisooyinka suuqa lagu iibsado, laakiin labada sano oo aan joogno lama iibin hal xabo” ayuu sii daray Roobow.

Sanad kasta ayaa waxaa qaylo dhaan kasoo yeertaa adeegga Xajka, waxaana bannaanka usoo baxa eedeyn loo jeediyo wasaaradda iyo shirkadaha qaar oo xadgudub lagu eedeeyo.

XAMZA oo qudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Koonfur Kuuriya iyo Afrika.

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyada.

Xamza ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha ay haysato, isaga oo tilmaamay in ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isaga oo sheegay in Alle uu ugu deeqay kheyraad dabiici ah.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waa weyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, kaas oo looga wada-hadlayo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday dadaallo xoogan oo kula macaamilo dalalka caalamka, maadaama laga cafiyay daynta, sidoo kalena laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.