Arbaco 5 June 2024 {HMC} Maxuu yahay Saldhiga Ciidamada Danab ee Laga Hirgalinayo Jowhar.?
{DAAWO MUUQAALKA} SSC-Khaatumo ahna kusimaha hogaamiyaha ayaa saxIxay waregtada dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2024.
Arbaco 5 June 2024 {HMC} SSC-Khaatumo ahna kusimaha hogaamiyaha ayaa saxIxay waregtada dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2024.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Wada dadaalo Ku aadan isdhex galka Bulshada
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Wada dadaalo Ku aadan isdhex galka Bulshada
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.06.2024}
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaam Aadan
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Mareykanka oo saaray ee sharci ka dhanka ah Tahriibayaasha Soomaalidu ka mid yihiin?
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Mareykanka oo saaray ee sharci ka dhanka ah Tahriibayaasha Soomaalidu ka mid yihiin?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale Oo Soo Bandhigay Caruur Iyo Hooyoyinkooda Uu Caawiyay
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Gudoomiye Madaale Oo Soo Bandhigay Caruur Iyo Hooyoyinkooda Uu Caawiyay
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Roobow oo kulan la qaatay Madaxda xafiiska arrimaha xajka iyo Shirkada xamlooyinka.
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Wasiirka Roobow oo kulan la qaatay Madaxda xafiiska arrimaha xajka iyo Shirkada xamlooyinka.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Maxay salka ku haysaa xiisadda gacan ka hadalka sababtay ee ka taagan Bardaale?
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Maxay salka ku haysaa xiisadda gacan ka hadalka sababtay ee ka taagan Bardaale?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Maxeey noqon kartaa jawaabta Xamaas laga sugayo in ay ka bixiso soojeedinta xabad-joojinta?
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Jawaabta kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ee ku aaddan hindisaha xabbad-joojinta ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa weli la sugayaa, sidda laga soo xigtay Aqalka Cad.
lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa u sheegay warfidiyeenka.
“Waxaan jawaab ka sugeynaa Xamaas iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar,” Sullivan ayaa yiri.
“Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa ku sugnaan doona Doha si uu ula tashado dhexdhexaadiyeyaasha Qatar hindisaha xabbad joojinta Gaza,” Sullivan ayaa raaciyay.
Qatar ayaa Gaza ka dhex dhexaadineysay Israel iyo Xamaas.
Raiisel wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa weli ah mid aan mugdi ku jirin oo uu “dal-daloolo” ka helay soo jeedinta Biden halka saaxiibadiisa xagjirka ah ay ka soo horjeedaan heshiis kasta oo xabbad joojin ah oo lala galo Hamas.
Waxay ku hanjabeen inay jabin doonaan xukuumadda isbahaysiga ee Netanyahu haddii uu aqbalo heshiiska Biden
Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa dhanka kale ku celiyay in aysan aqbali karin wax heshiis ah ilaa ay Israa’iil samayso go’aan “cad” oo ah xabbad-joojin joogto ah iyo inay gebi ahaanba ka baxdo go’doominta Gaza
Soomaaliya oo taageero u heshay ku biirida Golaha Ammaanka ee qaramada midoobe.
Arbaco 5 June 2024 {HMC} Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartami doonin kursiga wadamada Afrika.
Inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 6-da June ayaa la qorsheeyay in codbixinta la qaado.
Soomaaliya ayaa ah dalka matalaya Qaarada Afrika, mana jiro dal kale oo Afrika ka socda oo tartanka la galaya, waxaana ay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha
Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay ururka Midowga Afrika oo ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka.
Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.
In Soomaaliya ay hesho kursiga aan joogtada aheyn ee Afrika ay ku leedahay golaha ammaanka ee QM, waxay ku timid dedaal diblomaasiyadeed oo ay dawladdu bixisay, kuna kasbatay in loo garto inay kaligeed u tartanto kursigaas.



