Home Blog Page 2333

Waa Kuma Mas’uulka ka tirsanaa maamulka Abiy Ahmed oo la dilay?

Talaado 4 June 2024 {HMC} Alebes Adefrash oo ahaa madaxii degmada Efratana Gidem gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gurigiisa xilli habeen ah.

Maamulka degmadu ma sheegin cidda ka dambeysay dilka mas’uulka, mana jirto sidoo kale cid loo soo qabtay.

Dilka Alebes ayaa ah dilkii ugu dambeeyay weerarro xiriir ah oo lala beegsaday mas’uuliyiinta gobolka Axmaarada.

1-dii bishii dhamaatay ee May, gudoomiyaha degmada Lasta Getachew Melise iyo madaxa xafiiska caafimaadka Million Afewarqi ayaa lagu rasaaseeyay meel u dhow Lalibala kadib shir ay ku yeesheen magaalada Waldiya, isla weerarkaas waxaa lagu dilay qof kale, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Sannadkii hore bishii July 2023, Cabdi Xuseen oo ahaa madaxa amniga ee Waqooyiga Shewa ee magaalada Shewa Robit ayaa la toogtay mana jiro wax daba gal ah oo lagu sameeyay dilkiisa.

Dilka Cabdi Xuseen waxa ka horreeyay dilkii loo gaystay Kormeere Zewdu Tadele iyo ku xigeenkiisi Worku Shimelus, kuwaas oo la dilay iyaga oo ku guda jira kormeerka imtixaan ka socday bariga Gojam.

Horraantii April 2023, Girma Yeshitila, madaxii xisbiga xukuma Itoobiya ee gobolka Amxaarada iyo shan qof oo kale ayaa lagu dilay Waqooyiga Shewa.

Dadka u dhuun-duleela qalalaasaha ka socda Itoobiya ayaa maamulka Abiy Axmed ku eedeyay dilka qaar ka mid ah maamulkiisa, kuwaasi oo laga shakiyay ama muujiyay sida ay uga xun yihiin xasuuqa ka socda qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Isku soo wada duubo, wax baaris muuqata ah laguma sameynin dhammaan dilalkii qorsheysnaa ee looga takhalusay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobollada, taasi oo abuurtay shaki horleh.

{DAAWO MUUQAALKA} SSC-Khaatumo oo lacago gaarsiisay Shacab Uu Saameyn dab kacay guryahoooda.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} SSC-Khaatumo oo lacago gaarsiisay Shacab Uu Saameyn dab kacay guryahoooda.

     HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Waa Maxay Waxa aay ka Wada Hadlayaan Golaha Amaanka ee Ku Saabsan Soomaaliya?

Talaado 4 June 2024 {HMC} Golaha Ammaanka ayaa ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo warbixin laga dhegaysan doono sii haya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa dhicidoono 24-ka bishaan June, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta X ee xafiiska arrimaha siyaasada iyo nabad dhiska ee Qaramada Midoobay.

Kulankaas ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Soomaaliya ay codsatay in la xiro xafiiska kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, arrintaas oo aysan Qaramada Midoobay soo dhowayn.

Soomaaliya oo u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa doonaysa in wax laga beddelo wada shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Waxay dowladdu sheegtay in la joogo waqtigii xoojinta awoodda hay’adaha dawladda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo shalay u ambo baxay dalka Maraykanka, ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya shirka UN-ka isagoo taageero u raadinaya in Soomaaliya ay ku guulaysato kursiga Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn.

DFS oo ku baaqday in loo midoobo ka hor tagga wararka been abuurka ah.

Talaado 4 June 2024 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah ee sida qaldan loo baahiyo.

Wasiirka oo furay Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida ee lagu qabtay Muqdishho ayaa intaa ku daray in Technologyadda casriga ah ee la haysto loo adeegsado dhanka wanaagsan oo lagula dagaallamo xumaanta.

Wuxuu mudane Daa’uud Aweys xusay in xilligan uu dalku marayo xaalad soo kabasho ah, sidaas daraaddeedna uusan u baahnayn in laga shaqeeyo kala daadinta Umadda Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo aaladaha casriga ah.

“Bulshadeenna ay colaaduhu ragaadiyeen waxay haatan ku jirtaa marxalad dib usoo kabasho ah iyo in loo abuuro jawi is-afgarad iyo kalsooni soo celin ah, sidaad ogtihiinna waqtigan casriga ah ee aynu ku nool nahay horumarka dhinaca Technologyadda halkii ugu sarreysay ayuu marayaa waxaana si sahlan noo saameeyay in si fudud loo faafiyo wararka been abuurka ah oo bulshada Qatar ku ah jiritaanka Umaddeenna, anshaxa, diinteenna xaniinka ahna wax u dhimaya”.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay ka dowlad ahaan anay indhaha ka qabsan doonin faafinta wararka been abuurka ah, kuwaas oo sababi kara iska horkeenka bulshada, hurinta colaadaha, baahinta anshax xumada IWM.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa socon doona muddo laba cisho ah, iyadoo looga doodi doona dhibaatooyinka ay sababaan wararka been abuurka ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Maxeey Yihiin Amarada La Filayo in uu Saaro Joe Biden oo Ku aadan Tahriibayaasha

Talaado 4 June 2024 {HMC}  Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado soo saaro ammaro culus oo lagu xakameynayo qulqulka soogalootiga sharci darrada ku soo gala Mareykanka.

Amarkan la qorsheeyey ayaa laamaha socdaalka awood dheeri ah u siinaya in ay si degdeg ah u tarxiilaan dadka seeragoyska ah, siiba kuwa ka soo tillaaba soohdinta dalkaasi la wadaago Meksiko, islamarkaana aan la tixgelin codsiyadooda magangelyo.

In ku dhow Lix milyan iyo Bar soogalooti ah ayaa la joojiyey iyagoo ka soo gudbaya xaduudda Mareykanka mudadii uu xilka hayey maamulka Biden, taas oo u nugleysey dacaayado lagu durayo karaankiisa, gaar ahaan xilligan oo uu olole ugu jiro dib u doorasho.

Migrant arrivals have plummeted this year, however, although experts believe the trend is not likely to be sustainable.

Telefishinka CBS ayaa wariyey madaxweyne Joe Biden uu muddaba ka fikirayey adeegsiga sharciga 1952, kaas oo u ogolaanaya in uu xaddido nidaamka magalngelyada ee dalka Mareykanka.

Sharcigan oo loo yaqaan 212{f}, ayaa madaxweynaha Mareykanka siinaya awoodo u uku hakin karo shisheeyaha dalka soo galaya, haddii uu u arko in imaanshoodu uu halis ku

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada Soomaaliya oo dalbatay in laga qeeyb qaato ka hortaga wararka Been abuurka

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Dowlada Soomaaliya oo Bulshada Soomaaliyeed ka dalbatay in laga qeeyb qaato ka hortaga wararka Been abuurka

                    HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Ururuka Dhalinyarada Besha Cabdi Yuusuf oo lagu Doortay Magaalada Baladweyne.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Gudoomiyaha Ururuka Dhalinyarada Besha Cabdi Yuusuf oo lagu Doortay Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Afhayeenka Ciidamada ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee lagu Qaaday AS.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Afhayeenka Ciidamada ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee lagu Qaaday AS.

                        HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaartay dambiyo musuq-maasuq ee loo haystay….

Talaado 4 June 2024 {HMC} Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa agaasimayaashii hore ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ku weysay eedeymo musuq maasuq oo horey loogu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa goordhaw ku dhawaaqay in Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, kadib markii lagu helay in akoonkiisa la dhigay lacago loogu talagalay qasnadda dowladda.

Diblumaasi u dhashay dalka Ingiriiska oo shaqada laga joojiyay kaddib markii uu sameyay arrin layaab leh.

Talaado 4 June 2024 {HMC} Safiirkii dalka Ingiriiska u joogay dalka Maxcio John Benjamin , ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu qoray ku taagay mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda oo kasoo jeeday dalka Maxcio.

Warbaahinta Financial Times ayaa baahisay muuqaalka safiirka oo qoray ku taagaya mid kamid ah shaqaalaha safaaradda, waxaana muuqaalka ku hoos qornaa “dilalka joogta ee ay geysanayaan kuwa maandooriyaha ka ganacsada”.

Diblumaasigan shaqada laga joojiyay ayaan ilaa hadda ka hadlin dhacdadan kaftan ahaa ee dhibka u keenay, waxaana bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska laga saaray in John Benjamin uu yahay safiir.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dhacdadan ay ka war hayaan, waxa uuna intaa ku daray in la qaaday tallaabooyin ku haboon danjiraha kaddib markii dhacdadaasi ay dhacday.

Diblumaasigan u dhashay dalka Ingiriiska ee shaqada looga joojiyay qorayga uu ku taagay qofka shaqaalaha ah ayaa horey safiir uga soo noqday dalalka Ghana iyo sidoo kale Chile oo ku kala yaalla Afrika iyo Latin Amerika.