Home Blog Page 2334

{DAAWO MUUQAALKA} “Intay jiraan Taageerayaasheena gobolka Togdheer xibiga KULMIYE loo biqi maayo”Xoghayaha Xisbiga.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} “Intay jiraan Taageerayaasheena gobolka Togdheer xibiga KULMIYE loo biqi maayo”Xoghayaha Xisbiga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Haweenka xisbiga KULMIYE Ee Togdheer ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Xisbiga.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Haweenka xisbiga KULMIYE Ee Togdheer ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Xisbiga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} SSC-Khaatumo oo lacago gaarsiisay Shacab Uu Saameyn dab kacay guryahoooda.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} SSC-Khaatumo oo lacago gaarsiisay Shacab Uu Saameyn dab kacay guryahoooda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan looga tashanayay amniga iyo horumarka degmada Hodan.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Kulan looga tashanayay amniga iyo horumarka degmada Hodan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Afhayeenka Ciidamada ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee lagu Qaaday AS.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Afhayeenka Ciidamada ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ee lagu Qaaday AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Abiy Axmed heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar.

0

Talaado 4 June 2024 {HMC} Abiy Axmed heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiir Fiqi iyo wafti uu hogaaminaayo oo u Ambabaxay magaalada New York +ujeedka.

Talaado 4 June 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah u kicitimay Magaalada New York, isagoo hoggaaminaya Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka oo lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June.

Laga bilaabo 1 Janaayo, 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31 December, 2026.

Musharraxnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika ee xilligan u gaarka ah bariga Afrika, waxa ay ku hanan doontaa si aan tartan ku jirin, taasoo la jaan-qaadaysa hannaanka kaltanka wareegga ee kooxda Afrika.

Soomaaliya, ayaa musharraxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018, waxa ay si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa, meertadiisa 44aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo qabsoomay bishii Febraayo, 2024.

Soomaaliya, oo xubin ka ah Qaramada Midoobey tan iyo gobonnimadeedii sanadkii 1960, waxay hore xubin uga noqotay Golaha ammaanka oo muddo xileedkeedu ahaa 1971-1972, waxa ay kaalin lixaad leh ka qaadatay qaadaa-dhigidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga.

Maxkamadeynta Imran Khan oo dhinaca kale isku rogtay -maxaa isbadalay?

Talaado 4 June 2024 {HMC} Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa laashay xukun lagu riday ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisi arrimaha dibadda, Shah Mahmood Qureshi.

Go’aanka cusub ee maxkamadda ayaa yimid kadib markii hore Imran Khan loogu xukumay kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka.

Sida ay ku dhawaaqeen laba xubnood oo ka tirsan garsoorka maxkamadda sare, ra’iisal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda waxaa lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya kadib markii bishii January ay maxkamadda hoose ay ku xukuntay labadan masuul min toban sannadood oo xadhig ah, kadib markii ay maxkamadda hoose ku heshay inay si cad u shaaciyeen nuxurka xogo sir ah oo diblomaasiyadeed.

Labadan masuul ayaa ku dooday in eedaha loo soo jeediyey ay yihiin kuwo been abuur ah iyo wanjal siyaasadeed, oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Khan ayaa markaas si cad u sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Inkasta oo maxkamadda sare ay go’aankan soo saartay, haddana weli lama filayo in xabsiga laga sii daayo, iyaga oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Soomaali badan oo maxkamada lasoo taagay kadib markii lagu eedeyay……

Talaado 4 June 2024 {HMC} Mid ka mid ah xeer-beegtida go’aanka ka gaareysa kiiska maxkamadda Soomaali ku eedeysan inay malaayiin dollar ka xadeen dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in haweeney ay gurigeeda ugu keentay $120,000, si ay ugu codeyso inaysan dambi laheyn toddoba ka mid ah eedeysanayaasha.

Haweeneydan oo hadda laga saaray xeer-beegtida ayaa waxay sheegtay in sidoo kale haweeneyda lacagta u keentay ay u ballan-qaaday lacag dheeraad ah, haddii dambi lagu waayo toddobada qof oo ku eedeysan inay $40 milyan ka xadeen barnaamij loogu talo-galay in caruurta lagu quudiyo intii lagu jiray COVID-19.

“Tani gabi ahaanba waa ka baxsan tahay anshaxa,” Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Joseph Thompson ayaa maxkamadda ka sheegay Isniintii. “Tani waa dhaqan aad looga xumaado. Tani waa wax ka dhaca filimada mooryaanta.”

Toddobadan qof ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee 70 eedaysane oo la filayo in maxkamad la soo taago, iyadoo la rumeysan yahay in lacagta guud ee la xaday ay gaareyso $250 milyan.

Sideed iyo toban kale ayaa qirtay dambiga, waxaana mas’uuliyiinta ay sheegeen inay dib usoo celiyeen $50 milyan oo ka mid ah lacagta lagu xaday kiiskan, oo ah mid ka mid ah kuwii ugu xatooyada badnaa ee kiiska la xiriira COVID-19.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in qayb yar oo ka mid ah lacagtaas ay ku baxday quudinta carruurta dakhliga qoysaskoodu yar yahay, halka inta soo hartay lagu kharash gareeyay iibsashada baabuurta raaxada, dahab, safaro iyo guryo.

Intii lagu guda jiray maxkamadeynta oo billaabatay bishii April, qareennada difaaca ayaa su’aal galiyay tayada baaritaanka FBI-da, waxayna soo jeediyeen in tani ay noqon karto kiis la xiriira dhibaato xagga diiwaan-gelinta ah ee aanu aheyn khiyaano, ayada oo deg degta barnaamijka ku socday dartiis laga yaabo inaysan eedeysanayaasha watqi u helin inay saxaan diiwaankooda.

Toddobadan eedaysane ee bilowga ah waxay ku xirnaayeen maqaayad ka qayb qaadatay barnaamijka gargaarka cuntada. Kuwa weli sugaya maxkamadaynta waxaa ka mid ah Aimee Bock, oo ah aas-aasaha hay’adda Feeding Our Future, oo ah hay’adda xudunta u ah fadeexadda.

Xeer-beegtida 23-jirka ah ayaa sheegtay inay isla markiiba ku wareejisay boorsada lacagta ah booliska. Waxay sheegtay in qof dumar ah ay uga tagtay soddogeed Axaddii una dhaaftay fariinta ah inay heli doonto boorso kale oo lacag ah haddii ay u codayso in la sii daayo toddobada eedeysane, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska Star Tribune ee Minneapolis.

Qareenka difaaca Andrew Birrell ayaa u sheegay garsooraha in boorsada lacagta caddaanka ah ay tahay “eedeyn murugo iyo caro leh.”

Ka hor inta aan la sii wadin kiiska, garsoore Nancy Brasel ayaa su’aalo weydisiay 17 kale oo ka mid ah xeer-beegtiida, haddii ay jiraan xiriiro aan anshax aheyn oo lala soo sameeyey, balse midkoodna ma sheegin.

Lacagta la tuhunsan yahay in la xaday ayaa ka timid Waaxda Beeraha Mareykanka, waxaana maamulayey Waaxda Waxbarashada gobolka. Ururada aan macaash doonka aheyn iyo kuwa ku xiran ayaa lacag lagu siiyey inay quudiyaan caruurta qoysaska saboolka ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {03-06-2024}

Isniin 3 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare Maxamuud

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO