Home Blog Page 2347

{DAAWO MUUQAALKA} Bulshadiina halkan joogta maha bulsho yar oo uu xirsi guri yaroo goljano ku shiriyo

{DAAWO MUUQAALKA} Tartan ay ka qayb Galayaan 8 naadi oo Maanta Laga daahfuray Baladweyne.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {31.05.2024}

Jicmo 31, May 20224 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii :Abdi Qani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

ismaamulka Wajeer oo Laga mamnuucay nuuc ka mid ah qaadka Ka Baxa Dalka Kenya

Khamiis 30, May 20224 {HMC} –  Xildhibaanada lagasoo doorto ismaamulka Wajeer iyo calumo awdiinka deegaanka deegaanka oo war saxafaadeed qabtay ayaa sheegay in ay mamnuucayaan maandooriyaha Makuga luu yaqaano ee kabaxa dalka Kenya.

“Maqooqaha waxuu kamid yahay daroogada faraha badan oo bulshada dhibaatooyin u keensada sidaas darteed ayaan go’aan uga gaadhnay.” sidaas waxaa BBC da u sheegay Aadan Cabdi Buule oo ah xildhibaan lagasoo doorto Wajiir

Xildhibaanku waxuu sheegay in masuuliyaddi ka saarantahay dadka deegaanka iyaguna ay yahiin dadkii danahooda matali lahaa, sdiaa daraadeedna ay tahay in u istaagaan arimaha saameynta ku leh.

“Dowlad goboleedka hadii aan nahay masuuliyad baa naga saaran shacabkayaga innaga gorgortan kama galayno, saamay weyn ayuu ku leeyahay magaalada [Wajeer] waana falanqaynay annagoo ah xildhibaanadii lasoo doortay iyo culimo awdiinka”

Dalka Kenya waxaa ka dhalatay hadal hayn baaxad leh oo uu keenay nooc kamid ah qaadka suuqyada dalka lagu iibiyo kadib markii saddex kamida gobolada dalka ee dhaca dhanka xeebta laga joojiyay isticmaalka qaadkaan.

Joojinta qaadkan ayay goboladu u cuskadeen in uu noqday mid saamayn baaxadleh oo caafimaad ku yeeshay bulshada goboladooda keenayna xanuunno dhanka dhimirka iyo cuduro dadka isticmaalana ay noqdeen kuwo danbiyo ku kaca.

Beeroleyda uu u baxo qaadkan ayaana arrintaas aad uga cadhootay iyada arrintaasi ay sababtay in madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo safar dibadda ah ku maqnaa markuu soo noqdayba la fadhiistay beeroleyda isaga oo sheegay in qaadka nooca loo yaqaanno Makugga uu yahay mid sharci ah sidaas oo ay tahayna aan la hor istaagi karin.

“Haddii aan dowladda ay nala qaadan wayno in aan joojino waxaan kordhin doonaa canshuurta dadkayga keenana waxaan ka codsanaynaa in ay joojiyaan qaadka oo ay dadkoodana u naxaan ilaahayna ka cabsadaan.” Ayuu yidhi Aadan Cabdi Buule oo ah xildhibaan lagasoo doorto Wajeer,

Maxaa farqi ah oo u dhexeeya Makuga iyo Miiraaga?
Ururka Cilmi Baadhista Xoolaha iyo Beeraha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in farqiga u dhexeeya Miiraaga iyo khaadka nooca Makuga loo yaqaanno Soomaaliduna u taqaanno ‘maqooqaha’ in uu yahay in cadadka labada maado ee loo yaqaanno Cathines iyo Cathinones uu yahay oo ah labada Kimiko ee mirqaanka sababa.

Sidoo kale kala duwanaanshaha ayaa ah in khaadka Miirooga lasoo jaro isaga iyo laantiisaba halka kan Makuga isaga caleentiisa bas ah geedka lagasoo jaro.

Qiimaha suuqyada dalka Kenya lagu iibiyo ayaa aad u kala duwan qiimaha miirooga caadiga ah inta ugu yar ee suuqa laga iibsan karo waxay ku fadhidaa 150-200 oo shilinka Kenya ah lacag u dhinta [$1.15-1.54], halka Maqooqaha lagu iibsado 50 shilling [$0.38].

Sidoo kale kala duwanaanshaha kale ee u dhexeeya waa mudada lagusoo guro labadoodaba qaadka Miirooga waxaa lasoo guraa 28 berri kadib bixitaankiisa halka kan Makuga lagusoo jaro 7 berri keli ah.

Khaadka Miirooga waa mid si maalinle ah loogu dhoofiyo dalka Soomaaliya laakiin kan Makuga kamid ma’aha noocyada qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya.

Sannadkii 2022 kii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa dalka Kenya la saxiixday heshiis wax isweydaarsi ah kaas oo ka koobnaa toban qodob ayna ugu muhiimsanaayeen in Kenya Soomaaliya u soo dhoofin doonto qaadka oo muddo ka xayirnaa, Soomaaliyana ay u dhoofin doonto kalluunka dalka Kenya.

Heshiishkaas markii la kala saxiixday 4 berri oo qudha Kenya jaadkii ay Soomaaliya u soo daashubay waxay ka samaysay lacag dhan 221 milyan oo shilinka Kenya ah ($1.9 Million). Axdigii ay kala galeen dowladda Kenya iyo Soomaaliya dantii dhanka Kenya ay lahayd way gaadhay oo beeraleydeeda beerata qaadka way qancisay iyada oo Kenya ay ka samayso qaadka malaayiin doolar sanadkii.

Booliska Soomaaliya oo xiray nin falal anshax Xumo ah ku faafiyey barta Tiktok

Jimco 31, May 20224 {HMC} –  Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed 22 jir ah.

Ninkan ayaa ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska.

Yaxye Xasan Maxamed oo si weyn looga yaqaan barta Tiktok ayaa ku caan baxay Muuqaalo ay dad badan dhibsadeen oo uu bartaasi soo gelin jiray.

Ninkan ayaa iska soo duubayey Muuqaalo laga jilay isagoo faduulinaya gabdho wadada maraya, isla markaana leh ereyo anshax xumo ah sida “abaayo waa rabaa.. Madaxa ii geli, xagasha ii laab iwm.

Booliska Muqdisho ayaa maalmahan waday iney xirxiraan dhalinyaro iskugu jira rag iyo Dumar caan ka ah baraha bulshada, kuwaasoo lagu eedeeyey iney baahiyeen muuqaalo ka turjumayey falal ay ka mid yihiin anshax xumo, aflagaado iyo iska horkeen bulsho oo ku saleysan qabyaalad, iyadoo lagu wado in dhowaan la soo taago Maxkamad.

Maxeey Yihiin Mowjadaha halista ah ee dul hoganaya Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Jimco 31, May 20224 {HMC} –  Dowladda Federaalka Soomaliya (DFS) ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo 2 sano jirsatay waxaa dul hoganaya mowjado siyasadeed, dhaqaale, iyo nabadgelyo oo khatar ku ah geedisocodka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Tilmaamaha mowjadahaas waxaa ka mid ah:

1- Hakadka iyo Walaaca Xoogan ee laga qabo Gulufka Ciribtirka Al-Shabab wejigii kowaad ee Hirshabelle iyo Galmudug. Qiimeynno ku saabsan natiijada gulufkaas oo caalamka lala wadaagay waxay taageeren saadaashii guuldarro ee ay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) shaacisay ka hor bilowga gulufka Ciribtirka Al Shabab. Hay’adda waxay saadaalisay in DFS iyo Dowlad Goboleedyada (DG) aysan ka guuleysan karin Al Shabab sababo ay soo bandhigtay.

Is barbardhig Ciidammada Soomaliya iyo Al Shabab ee uu sameyay Professor Paul D. Williams ( The Somali National Army Versus Al Shabab – A Net Assessment) bishii Abrile 2024 wuxuu sheegay in libintu raaceyso Al Shabab. Waa dib u dhac laga tabaabushan karay.

2- Waxtar Yarida Dowladnimada Soomaaliya. 12 sano kaddib, waxtarka dowladnimada Soomaaliya beesha caalaamka taagerayay weli waa liita. Waxaa la saluugsan yahay shaqo fulinta iyo adeeg bixinta Dowladda heer federal, dowlad gobol, iyo dowlad hoose iyo kala lahaanshaha iyo kala sarreynta awoodaha sharci dejinta, fulinta, iyo garsoorka. Waxaa laga cabanaya ku takrifalka awoodda Dowladda.

Inkastoo la cuskanayo nidaamka federaalka, maalin kasta waxaa kordhaya caqabadaha iyo dareenka wiiqaya rajada hirgelinta nidaamka federaalka oo u baahan qeexid degdeg ah.

3- Bixitaanka Ciidammada Afrika ee Nabad Ilaalinta (ATMIS) iyo Kalsooni yarida lagu qabo hogaaminta, kartida, iyo dishibiilinka Ciidammada DFS ee u xilsaaran Amniga iyo difaaca dadka iyo dalka. Dalalka Deriska waxay caalamka u sheegeen inay cabsi weyn ka qabaan khataraha ka imaanaya Soomaaliya haddii ciidammada Afrikaanka ah baxaan, taaso qiil u siineysa faragelinta Soomaaliya si ay isaga badbaadiyaan khatarahaas. Dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay heerka khatarka Soomaaliya 4 ayadoo khatarka ugu sarreysa tahay 5.

Daraasad ka soo baxday Machadka Siyaasadda ee Imaraadka bishaan Maajo 24, 2024, ciinwaankeedu yahay “Expansion of the Islamic State in Puntland: A New Round of Jihadist Infighting in Somalia” waxay dhigeysa in Soomaaliya tahay goob ay ku dagaalamayaan labada garab ee Argagixisada caalamka ee ku kala abtirsada Al Qaacida iyo Dowladda Islaamka iyo in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland kala goosteen xiriirka, isla markaana ay taag daaran yihiin. Arrimahaas waxay cudurdaar u yihiin adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM.

4- Dhaqaale xumo ka dhalatay arrimo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin qalalaasaha adduunka ka taagan oo dhaliyay sicir barar, gulufka Ciribtirka Al Shabab, dhibaatooyinka isbeddelka cimilada, dagaallo sokeeye, khilaafaadka siyaasadda, burcad badeedka, deeq bixiyayaasha oo ka daalay (fatigue) taageridda Soomaaliya, natiijada deyn cafinta oo macnaheedu yahay cun deyntii laguu cafiyay, iyo cunaqabateyn ka timada maamulxumada deeqaha dibedda. Dowladda waxaa laga sugayay dhismaha ciidan iyo maamul hanta nabadgelyada oo kharaj farabadan u baahan.

5- Dagaalka Laas Canood iyo Hargeisa oo saameyn xoog leh ku mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo dagaalkaas ku lammaan nooca xiriirka dowladnimo ee Muqdisho-Laas Caanood- Garowe-Hargeisa- ayadoo la fiirinayo qodobbada 1 (JFS), 7(dhulka JFS) , 8 (shacabka Soomaaliyeed), 9 (Magaala Madaxda JFS), 48 (qaab dhismeedka DFS), 49 (Tirada DG) , iyo 50 ( Mabaadi’da ee JFS) ee dastuurka kmg. Hirgelinta Nidaamka Federaalka waa inay taagerta midnimada JFS.

6- Khilaafka ka taagan dhammeystirka dastuurka kmg iyo diyaarinta doorasho xor iyo xalaal ah. Dhammeystirka dastuurka kmg waa arrin lel mudnaanta kowaad, hase yeeshe waa howl u baahan dadaal, daacadnimo, daahfuran, degdegsiimo, aqoon dhinacyo badan ku saleysan. Dal kama jiri karaan labo dastuur ama dastuur 4 cutub ah iyo dastuur 15 cutub ah. Dastuurka waa hal dokumenti, hal sharci.

7- Khilaafka la xiriira Madaxweynayaal (hogaamiyayaal) DG oo muddo xileedkoodii dhammaday, welina xukunka haysta. Muddo kororsi waa bilowga fowdo.

8- Saameynta Siyaasiin Soomaaliyed oo marti u ah Dowlado shisheeye ee ka mid ah taagerayaasha Beesha Caalamka ee DFS. Arrintaas waxay saameyneysa Madaxbannanida siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan

9- Madax Soomaaliyeed oo dano siyasadeed, dhaqaale, iyo amni ku leh dalalka deriska la ah Soomaaliya, dalalkaasoo Soomaaliya ka leh dano qaran, taaso wiiqeysa ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya.

10- Heshiiska Is afgaradka dhexmaray Hargeisa (Somaliland) iyo Ethiopia ee ku saabsan dhul, saldhig ciidan badeed, iyo deked Ethiopia ku qaadaneyso dhulka JFS si Ethiopia ugu aqoonsato Hargeisa dowlad gooni u goosad ah ee ka madaxbannaan Soomaaliya. Heshiiska waa waxba kama jiraan.

Haseyeeshe, dowladda Ethiopia waxay ku mashquulsan tahay hirgelinta danaheeda ayadoo aaminsan in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad qaran ee ay ka jirto dowlad qof ama qabiil.

Wasiiru Dowladaha DFS wuxuu sheegay in dowladaha reer Galbeed u guuxayaan in Ethiopia hesho dhul iyo bad ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, qaab sulux ah.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Kenya oo heshiis difaac la gashay Soomaaliya aysan aqoonsan go’aankii Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) ee badda Soomaaliya, taaso ah arrin welwelkeeda leh.

Warar ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ka shaqeyneyso in Soomaliya ka tanaasusho qayb ka mid ah dhulka iyo baddaa loo xukumay.

11- Khilaafaadka iyo is qabqabsiga ka dhex aloosan Madaxda DFS dhinac ah iyo DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo dhinac ah, taaso dhaawacday kalsoonida iyo karaamada DFS. Dad badan waxay aaminsan yihiin in khilaafka u dhexeeya Madaxda DFS yahay mid raalli laga yahay. Madax ka mid ah DFS waxay ka shaqeeyan kooxeysi iyo fidno qabiil.

12- Khilaafaadka laga dhex huriyay beelaha Gobolka Benadir, kaaso qabsaday baraha bulshada, kana soo horjeeda nidaamka dowliga ah. Waxaa muuqda walaac iyo niyad xumo ayadoo bulshada isweydiineyso ujeedada laga leeyahay kala isku dirka, kala fogeynta, iyo colaadda sokeeye ee bulshada Soomaaliyeed.

13- Xiritaanka Xafiska UNSOM oo loo asaasay inuu Soomaaliya ka taagero, kalana taliyo dib u heshiisiinta iyo dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Xafiiska wuxuu tiir dhexaad u yahay helitaanka dhaqaale xoog leh si DFS iyo DG u gaaran heer Soomaaliya uga gudubto xaaladda burburka dowladeed ee kalliftay adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM. Waxaa isweydin mudan in “Soomaaliya ka gudubtay xaaladda nabadgelyo xumo iyo burbur dowladeed ee ku xusan cutubka VII?”

Wax ka qabashada mowjadaha dul hoganaya DFS waxay u baahan tahay:

(1) hogaamin geed fadhi ah, dareensan mowjadaha ku meegarsan Soomaaliya iyo danaha caalamka ee is diidaya, aaminsan dastuurka kmg iyo habraaca dejinta siyaasadda dowladda, ku dheggan danta guud, iyo

(2) adeegsiga maamul guud oo karti leh, u xilsaaran qorsheynta iyo fulinta wax qabadka dowladda, ku xisaaabtamaya la xisaabtan dhab ah, ilaalinaya sharciga iyo danta guud. Haybadda dowladnimada Soomaaliya waxay ku xiran tahay hab dhaqanka wanaagsan ee Madaxda astaanta u ah.

Madaxweynaha dalka Kenya wuxuu ku celcelinaya inaan loo dooran inuu ka shaqeeyo dib u doorashadiisa ee loo doortay horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa. Waa tusaale Wanaagsan oo mudan ku dayasho iyo ku camalfal.

Madaxweyne Xasan Shekh farriin Gaar ah u diray haxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Jimco 31, May 20224 {HMC} –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Dhambaalka qoraalka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu diray ayaa ahaa mid uu ku dalbanayey xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo dhambaalkaas loogu dhiibay dowladda Sacuudiga ayaa gaarsiiyey maanta.

Ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda ee Boqortooyada Sacuudiga Daljire Sacuud bin Maxamed Al-Sati ayaa maanta kusoo dhaweeyay Danjire Dahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.

Ergayga ayaa halkaas looga guddoomay dhambaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u diray Boqortooyada Sacuudiga, kaas oo lagu dalbanayey sii xoojinta xiriirka labada dal.

Saaxiibtinimada Sacuudiga waxay Soomaaliya u tahay muhiim, waxaana xusid mudan waligiisba uu wanaagsanaa xiriirka labada dal.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, kabka miisaaniyadda dowladda, mashaariicda, deeqaha iyo wixii lamid ah.

Dhaxalsugaha uu sida tooska ah ugu socdo dhambaalka Madaxweynaha Maxamed Bin Salmaan ayaa ah nin awood badan, wuxuuna hadda toos u maamulaa dowladda, maadaama uu xanuunsan yahay Boqorka Salmaan oo hadda da’ ah.

Dowlada Sweden oo sheegtay in Iran ay kooxo burcad ah u adeegsatay inay beegsadaan danaha Israa’iil

Jimco 31, May 20224 {HMC} –  Hay’adda qaabilsan amniga gudaha ee Sweden ayaa ku eedaysay Iran inay isticmaashay budhcad ku sugan gudaha Sweden, si ay u bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo Yuhuudda.

Daniel Stenling oo ah madaxa qaabilsan ka hortagga sirdoonada debedda ee hay’adda amniga Sweden ayaa eedaymahan u jeediyey Iran, xilli uu qabtay shir jaraa’id.

Wuxuu sheegay inay arrintani ahayd, isku day ay doonayeen inay ku bartilmaameedsadaan danaha Israa’iil iyo kuwa Yuhuudda ee ku yaalla gudaha Sweden. Wuxuu sheegay inuu jiro xidhiidh u dhexeeya shabakado budhcad ah iyo shakhsiyaad ka hawlgala hay’adaha amniga ee Iran.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isku dayday inay arrintan wax ka weydiiso wasaaradda arrimaha debedda ee Iran, hase ahaatee uma suurogelin.

Hay’adda amniga Sweden ayaa sidoo kale ku eedaysay Iran, in maamulka Iran uu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah dadka ka soo horjeeda oo ay ku jiraan qurbe-joogta Iran, iyaga oo sidoo kalena bartilmaameedsanaya danaha dalalka kale.

Madaxweyne Trump oo lagu helay dhammaan 34 dambi oo lagu soo eedeeyay

Jimco 31, May 20224 {HMC} – NEW YORK — Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi khamiistii, markii xeerbeegtida New York ay ku heleen dambi ah inuu been abuur ku sameeyay dukumeenti, si uu u qariyo lacag lagu aamusiyay haweeney sameysa filimada galmada kahor doorashadii madaxweynaha ee 2016-ka.

Kadib markii ay ka doodeen muddo laba maalmood ah, 12 xubnood oo xeerbeegti ah ayaa ku dhawaaqay inay Trump ku heleen dhammaan 34-ta eedeymo ee uu wajahay.

Xukunkan ayaa Mareykanka ku riixaya xaalad aan sahansaneyn kahor doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 5-ta November, markaasoo Trump oo ah musharraxa Jamhuuriga, uu isku dayi doono inuu Aqalka Cad dib ugala wareego Madaxweynaha Dimuqraadiga ah Joe Biden.

Trump oo 77 jir ah ayaa diiday inuu wax khalad ah sameeyay, waxaana la filayaa inuu racfaan ka qaato xukunka.

Waxa uu wajahayaa ugu badnaan afar sano oo xabsi ah, inkastoo dadka kale ee lagu helo dambigan ay inta badan helaan xukuno gaaban, ganaaxyo ama tijaabin.

Xarigu kama hor istaagayo inuu u ololeeyo, ama uu qabto xilka haddii uu ku guulaysto.

Soomaaliya oo Shir Caalami ah geysay xad-gudubka Itoobiya ee badda

Khamiis 30, May 20224 {HMC} – Dowaladda federaalka Soomaaliya oo ka qayb-gashey shirka madasha iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa halkaasi geysay mowqifka dowladda ee xad-gudubka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo maanta khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer wasiir ee madashaasi ayaa caddeeyay in dowladda federaalka ay meel adag ka taagan tahay xad-gudubka xukuumadda Abiy iyo damaca guracan ee lasoo shir tagtay.

Wasiirka ayaa cambaareeyay xad-gudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aadan heshiis beenaadkii ay galeen Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi.

Heshiiskan oo 1-dii Janaayo ee sanadkaan lagu saxiixay Addis Ababa ayaa waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayadoo dagaal diblumaasiyadeed adag la gashay Itoobiya, kaasi oo cadaadis horleh saaray xukuumadda Abiy oo weli aan ka fuqin damaca guracan ee ku dooneyso badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dagaal ka xigto inuu dhaqan-gal noqdo heshiiskaasi oo Itoobiya siinaya qeybo kamid ah biyaheeda.

Itoobiya ayaa raadinaysay inay hesho bad tan iyo 1993-kii markii ay ka go’day Eritrea, taasi oo ka dhigtay dal aan bad lahayn.

Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkasta oo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xireenka Niilka Buluugga ah ay ka digeen qorshahan inuu sii huriyo colaadda gobolka.

Si kastaba, heshiiskan ayaa meeshii u xumeyd gaarsiiyay xiriirka labada dal, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay xiriirkii diblomaasi u jartay Itoobiya, islamarkaana dalka ka cayrisay safiirkii Addis Ababa u fadhiyey Muqdisho.