Home Blog Page 2346

{DAAWO MUUQAALKA} Tartan Horumarka ah ayaa u furmay Degmooyinka Hiiraan iyo Guud ahaan Hirshabelle”MW Cali Guudlaawe’

Jicmo 31, May 20224 {HMC} Tartan Horumarka ah ayaa u furmay Degmooyinka Hiiraan iyo Guud ahaan Hirshabelle”MW Cali Guudlaawe’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Doon uu sameeyay Oday Soomaaliyeed oo badbado u noqotay Shacabka Baardheere

Jicmo 31, May 20224 {HMC} Doon uu sameeyay Oday Soomaaliyeed oo badbado u noqotay Shacabka Baardheere

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

IMF Completes First Review of Somalia’s Economy

Friday 31 May 2024 {HMC} The International Monetary Fund (IMF) today officially concluded the first review of Somalia’s economy after a series of meetings between the heads of the Federal Government and the Executive Committee of the IMF, following the recent debt forgiveness.

The meetings between the heads of the Somali government and the IMF have been ongoing since December last year, when Somalia’s debt was forgiven.

The Executive Committee of the International Monetary Fund (IMF) has declared that the Federal Government of Somalia is currently on the right track for the development of the country’s economy.

The news from the high committee has allowed the government of Somalia to immediately receive a sum of $10 million to support the development of economic policy and financial reform plans.

“The IMF has given a positive forecast for 2024, expecting Somalia’s gross domestic product (GDP) to reach 3.7 percent, compared to 2.8 percent last year in 2023,” said a news release from the IMF.

This move from the top committee of the IMF comes as the Federal Government of Somalia has recently focused on issues related to the development of its financial reform programs, which it has given special priority.

Overall, this step is another important success for the Federal Government of Somalia.

IMF oo soo gabagabeeyay dib u eegistii koowad ee dhaqaalaha Soomaaliya

Jimco 31 May 2024 {HMC} Hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeysay dib u eegistii koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib kulamo isdaba joog ahaa oo dhexmaray madaxda dowladda Fedaraalka iyo gudiga sarre ee hay’adda IMF, tan iyo wixii ka dambeeyay deyn cafinta.

 

Shirarkii u dhaxeeyay Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa IMF ayaa soo socday tan iyo bishii Decembar ee sanadkii lasoo dhaafay, xiligaas oo aheyd markii Soomaaliya laga cafiyay deynta.

 

Guddiga sare ee hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay haatan ku socoto dhabaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Warka kasoo baxay guddiga sare ayaa loogu ogolaaday dowlada Soomaaliya in si deg deg ah loo siiyo lacag dhan $10 milyan oo doolar oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib u habaynta Maaliyadda.

 

“Hey’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 Boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadii tagtay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8. boqolkiiba” ayaa lagu yiri war kasoo baxday IMF.

 

Talaabadan ka soo baxday guddiga sare ee hay’adda IMF ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay mudooyinkii dambe xooga saartay arrimaha la xariira horumarinta barnaamijyadeeda dib u habeynta Maaliyadda oo ay mudnaan gaar ah siiyay.

 

Si kaataba ha ahaatee talaabadaan ayaa noqoneysa guul kale oo muhiim ah oo u soo hotay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Booliska oo maanta soo xiray Gabar kale oo Loo Heeysto falal anshax xumo

Khamiis 30, May 20224 {HMC} – Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Faadumo Sahal Shariif oo caan ka ah baraha bulshada, taasi oo loo haysto falal anshax xumo ah.

Booliska ayaa sheegay in Gabadhaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh sida ugu dhaqsaha badan, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

“Ciidanka booliska gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliska Hodan ayaa soo xiray eedeysane Fadumo Sahal Shariif 19 jir kuna eedeysan in ay ku kacday falal anshax-xumo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale waxaa lagu yrii “Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.”

Xalay ayey aheyd markii uu booliska soo xiray eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed, kaasi oo isna ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax xumo ah.

Wiilkaas uu baraha bulshada ku faafiyey muuqaallo kasoo horjeeda Diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed,” sida uu sheegay booliska.

Ninkan ayaa bartiisa TikTok ku baahiyey muuqaalo muujinaya dhaqan xumo weyn, isagoo qaadan jiray makarafoon, wuxuuna gabadhaha jidka maraya dhihi jiray “Waan rabaa, xagasha ii laab, waan kuu baahanahay” iyo kelmado kale oo xasaasi ah, muddo dheer ayey dadka reer Muqdisho farta ugu fiiqayeen booliska si ay u soo qabtaan, balse ugu dambeyn caawa ayaa lasoo xiray.

Sidaan oo kale booliska ayaa habeen hore u soo xiray Asmar Daahir Faarax oo isna ku eedeysan falal anshax-darro ah oo baraha bulshada u uku faafiyey, waxaa xabsiga la isugu geeyey dhalinyaradii baraha bulshada ku faafi jirtay muuqaalo mararka qaar dhaqan xumo toos ah muujinaya.

Intooda badan dhalinta lasoo xiray waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadiyaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiisa, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaana bilowday howl-gal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 31/5/2024

Jimco May, 31, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Madaxweyne Ruto oo sheegay in dal kale uu ka helay diyaaraddii muranka dhalisay

Khamiis 30, May 20224 {HMC} – NAIROBI — Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Khamiistii sheegay in lacagta ku baxday diyaarad khaas ah oo uu u isticmaalay safarkii uu ku tegay Mareykanka toddobaadkii tegay ay aheyd $76,000, oo aysan aheyn $1.2 milyan sida ay weriyeen warbaahinta Kenya.

Ruto ayaa sheegay in dal saaxiib la ah Kenya uu u yaboohay diyaarad raqiis ah kadib markii uu raadin sameeyey islamarkaana uu ka fakaray inuu isticmaalo diyaaradda dalka ee Kenya Airways.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii tegay Mareykanka ku tegay booqasho qaadatay afar maalin, halkaasi oo madaxweynaha Mareykanka ee marti-qaaday Joe Biden oo ku ammaanay “hoggaankiisa geesinimada leh.”

Wafdiga Ruto oo ka koobnaa ilaa 30 qof, oo ay ku jireen fannaaniin, jilayaal iyo majaajiliiste, ayaa ka caraysiiyay shacabka Kenya, sababo la xiriira qiimaha ku baxay, xilli uu isaga ku baaqay in la xakameeyo kharaashaadka.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay inuu aad u ahaa “hoggaamiye mas’uul ah.”

Ruto ayaa goor sii horeysay sheegay inuu isticmaalka diyaarad khaas ah uu ka kharash yaraa inuu ku duulo diyaaradda Kenya Airways, isaga oo aan bixin caddeymo.

Ruto ayaa ku baaqayay in la dhimo kharashaadka ku baxa dowladda tan iyo markii shacabka ay ku cambaareeyeen maamulkiisa inuu kordhiyey canshuurta iyadoo aan la dhimin kharashaadka.

Dawladda ayaa kordhinaysaa cashuuraha badeecadaha aas-aasiga ah sannad maaliyadeedka soo socda iyadoo raadinaysa inay hesho $2.3 bilyan oo dheeraad ah si loo maalgeliyo miisaaniyadda.

Horaantii May, Ruto waxa uu difaacay canshuuraha cusub isagoo yiri: “Ma doonayo in aan madax ka noqdo dal ay ka jirto dhibaato deyn ah. Waa inaan dhimnaa kharashaadkeena.”

Magaalada Minneapolis oo lagu dilay 3 qof oo uu ku jiro sarkaal Boolis ah

Khamiis 30, May 20224 {HMC} – MINNEAPOLIS — Ugu yaaan saddex qof oo uu ku jiro sarkaal bookis ah ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacay bartamaha magaalada, sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.

Katie Blackwell oo ah kaaliyaha taliyaha booliiska Minneapolis ayaa sheegtay in sarkaalka la toogtay magaciisa la yiraahdo Jamal Mitchell, oo ahaa sarkaal ku jiray sannadkiisii labaad ee shaqada.

Wargeyska Star Tribune ee kasoo baxa Minneapolis ayaa qoray in askari boolis ah ee la dilay uu ahaa 28 jir, halka sarkaal kalena ay xaaladdiisu aad u liidato kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen eedaysanaha.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday agagaarka guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Whittier.

Wargeysku waxa uu sheegay in dhacdadan ay noqotay askarigii ugu horreeyay ee ka tirsan booliiska Minneapolis oo toogasho lagu dilo isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo in ka badan 20 sano.

Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa sheegay in weli baaritaan lagu hayo sababta ka dambeysay weerarkan.

{DAAWO MUUQAALKA} Tartan Horumarka ah ayaa u furmay Degmooyinka Hiiraan iyo Guud ahaan Hirshabelle”MW Cali Guudlaawe’

Jicmo 31, May 20224 {HMC} Tartan Horumarka ah ayaa u furmay Degmooyinka Hiiraan iyo Guud ahaan Hirshabelle”MW Cali Guudlaawe’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Doon uu sameeyay Oday Soomaaliyeed oo badbado u noqotay Shacabka Baardheere