Home Blog Page 2345

Shiinaha oo si adag ugu jawaabay Somaliland kadib tallabadii ay qaaday Soomaaliland?

Sabti 01 June 2024 {HMC} Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bisha May.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Shiinaha mowqifkiisu yahay “in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Shiinaha uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka in dowladdo badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale inay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isu-taagga Taiwan.

Hadalka kasoo yeeray Shiinaha ayaa imanaya xilli uu sanadihii dambe kor u kacay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba sheegta inay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo keentay in Hargeysa ay martiqaad heer sare ah ka hesho munaasabadda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Shiinaha iyo Somaliland ayaa horey marar badan hawada isku mariyay hadallo kul-kulul, ayada oo xiisaddooda kasii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa ee u hoggaamiyo Muuse Biixi xiriir la yeetay Taiwan oo Shiinaha u aqoonsanyahay qayb kamid ah dhulkeeda.

Mareykanka oo duqayn ka fuliyay deegaanada Puntland + khasaaraha ka dhashay.

Sabti 01 June 2024 {HMC} Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 31-kii bishan May lagu dilay duqeyn cusub oo ka dhacday deegaan ka tirsan maamulka Puntland 3 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa waxa ay ka dhacday deegaan fog oo ku dhow deegaanka Dhardhaar oo qiyaastii 81-KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
“Soomaaliya ayaa weli muhiim u ah ammaanka Bariga Afrika.

“Ciidamada Maraykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababaridda, la-talinta iyo qalabaynta ciidamada saaxiibada la asih, ay u soo qabtaan ISIS.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Ma jiro wax khasaare ah duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida ay sheegtay AFRICOM.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadiida sheegatay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Goor-dambe waxaa la xaqiijiyey in duqeymaha ay sheegtay dowladda federaalka ay buuraleyda Caalmadow ka dhaceen, balse Puntland ayaa beenisay oo sheegtay in dowladda federaalka aysan howlgal ka fuli karin dhulka Puntland.

Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha AS iyo 20 ka tirsan ah.

Dowladda Soomaaliya oo Go,aan lama filaaan ah ka qaadatay ciidamada ITOOBIYA.

Sabti 01 June 2024 {HMC} Ciidamada Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana dhamaantood laga saari doonaa dalka, si ka duwan wadamada kale ee ciidamada ATMIS ay ka socdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee dalka jooga ayaa aad u badan lagamana hayo tiro rasmi ah, maadaama ay jiraan cutubyo aan ka tirsaneyn ATMIS oo si ka madax-banaan howlgalka Midowga Afrika u jooga dalka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya aysan hadda kadib ilaali ka sii ahaa doonin xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyey in gabi-ahaantood laga saaro dalka dhamaadka sanadkaan.

Hadda ciidamada Itoobiya goobaha ugu muhiimsan ee dalka ay uga sugan yihiin waxaa ka mid ah Baydhaba oo madaxtooyada maamulka K/Galbeed ay degan yihiin, Gedo, Bakool iyo Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa hadda shaacisay inay ka go’antahay in bilo gudahood dalka looga saaro dhamaan ciidanka ka jooga Itoobiya.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya waxay saaxiibada caalamiga ah kala xaajoonaysaa in la helo ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka hawlgeli doona Soomaaliya muddo hal sano ah oo ku beegan Janaayo 2025-ka.

Sida u qorsheysan dowladda Soomaaliya ciidamada cusub ee Janaayo 2025 ka howl-bilaabaya dalka kuma jiraan kuwa Itoobiya, waxayna u badan tahay in qiyaastii 10,000 oo ciidanka ATMIS ka tirsan ay sii joogi doonaan, kuwaas oo wax laga bedelayo hanaanka ay u shaqeeyaan iyo magaca ay ku howlgalaan.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay, waxayna gaartay heer labada dal ay kala xirtaan safaaradaha, iskuna hanjabaan, Soomaaliya ayaa raadsatay garbo caalami ah, waxayna muujisay in dhanka diblomaasiyadda ay uga adkaatay Itoobiya, sidoo kale Soomaaliya ayaa u diyaar garowday hadii Itoobiyaanku wax ku raadiyaan gacan ka hadal.

Awooda ugu weyn ee Soomaaliya ay ku tashaneyso waa Turkiga oo saxiixay in 10 sano uu difaaci doono badda Soomaaliya, mudadaas waxaa lagu dhisi doonaa ciidamada badda Soomaaliya, sida lagu xusay heshiiska, waxaana lasoo saari doonaa shidaalka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {31-05-2024}

Jimco 31 May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Taliye Sanbaloolshe oo weerar afka ku qaaday Maamulka Gobolka Hiiraan.

Jimco 31 May 2024 {HMC} Taliyaha hey’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka furay shir aayo ka tashi ah oo gogoshiisa uu isagu dhigay.

Taliye Sanbaloolshe ayaa gogoshaas u dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle, isagoo kula taliyey inay aayahooda ka tashadaan oo sameystaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii AS iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan.

Taliyaha NISA ayaa shirka Maxaas ka furmay ka sheegay in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii AS, balse hadda aysan jirin wax talo ah.

Sababta wuxuu ku sheegay in markaas uu noolaa Nabadoon Cilmi Hagar oo beesha ku hogaami jiray dagaalka AS, balse markii uu dhintay ay taladii meesha ka baxday ciduna aysan laheyn wax qorshe ah.

Meelaha uu Sanbaloolshe beeshiisa ku dhaliilay waxaa ka mid ah xaaladda magaalada Beledweyne, wuxuu sheegay in aysan jirin cid masuul ka ah amniga magaaladaas, maadaama aysan deganeyn dad talo ka dhaxeyso.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Cali Madaxweyne ee Xawaadle ee shirka Maxaas isugu tegay ka dalbaday inay shirkaan ka soo saaraan go’aan ay ku mideysan yihiin, si wax looga bedelo xaaladda ka jirta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Taliyaha NISA wuxuu beeshiisa ka codsaday inay iska iloobaan wax kasta oo khilaafaad ah oo dhexdooda ka jira, isla markaana ay la yimaadaan talo mideysan oo ay isku maamulaan, beelaha kalena ay kula dhaqmaan.

Israel pummels Gaza as troops push into central Rafah


Friday May 31, 2024

Israeli forces on Friday struck targets across the Gaza Strip, with witnesses reporting air raids around the southern city of Rafah, the latest focus of the nearly eight-month war.

Israel launched its military incursion into Rafah in early May despite international objections over the safety of civilians sheltering in the city on Gaza’s border with Egypt.

A strike that sparked a fire and killed dozens in a displacement camp at the weekend drew a wave of fresh condemnation.

Witnesses said Friday Israeli strikes hit the Rafah area as well as central Gaza’s Nuseirat, and an AFP correspondent reported intense bombardment in the north.

Strikes on two separate locations killed a total of 11 people overnight, medical sources at a hospital in Deir al-Balah and the Nuseirat refugee camp reported.

The Israeli military said its troops “continue… operational activities” in the Rafah area, and found rocket launchers, weapons and “tunnel shafts” in the city center.

An air strike “targeted and eliminated” a militant in that area, it added.

In central Gaza, further air strikes “eliminated several terrorists who operated near” troops, the military said without elaborating.

Israel, which has repeatedly vowed to destroy Hamas after the Palestinian militant group attacked southern Israel on October 7, said on Wednesday its forces had taken over the 14-kilometer Philadelphi corridor along the Gaza-Egypt border, where it alleges weapons were being smuggled.

Egypt, a longtime mediator in the conflict, has yet to officially comment on the Israeli takeover, which officials have previously said could violate the two countries’ 1979 peace deal.

Amid stalled diplomatic efforts towards a ceasefire, Hamas said it had informed mediators it would only agree a “comprehensive” truce agreement including a hostage-prisoner swap if Israel halts its “aggression.”

On Thursday, Israel said its forces had killed about 300 Palestinian militants in Rafah since launching its military operation in the city.

A stream of civilians fled Rafah, taking their belongings on their shoulders, in cars or on donkey-drawn carts.

Aid at sea

Before the Rafah offensive began, the United Nations said up to 1.4 million people were sheltering in the city. Since then, 1 million have fled the area, the U.N. agency for Palestinian refugees, UNRWA, has said.

The United Nations has warned of looming famine in Gaza.

The Israeli seizure of the Rafah crossing has further slowed sporadic deliveries of aid for Gaza’s 2.4 million people and effectively shuttered the territory’s main exit point.

However, Israel said at the weekend that aid deliveries had been stepped up, including through its Kerem Shalom crossing with Gaza.

Cyprus, the European Union’s easternmost member, said humanitarian aid shipped to Gaza was being kept at sea off the territory’s coast, after a U.S.-built pier was damaged in bad weather.

In an interview on French channel LCI, Prime Minister Benjamin Netanyahu dismissed as “anti-Semitic slander” accusations Israel was deliberately targeting and starving Gazan civilians.

Netanyahu, who has often spoke to foreign media during the war but largely avoided interviews with Israeli outlets, said the ratio of militants to civilians killed so far in the Israeli offensive was “the lowest rate we have seen in an urban war.”

Hundreds of demonstrators rallied late Thursday outside the offices of private broadcaster TF1, LCI’s parent company, in Paris’s western suburbs, to protest the broadcast.

Wearing black and white keffiyeh scarves and waving Palestinian flags, the protesters chanted: “Gaza, Paris is with you.”

Car, house hit

The Gaza war was sparked by Hamas’s October 7 attack on southern Israel, which resulted in the deaths of 1,189 people, mostly civilians, according to an AFP tally based on Israeli official figures.

Militants also took 252 hostages, 121 of whom remain in Gaza, including 37 the army says are dead.

Israel’s retaliatory offensive has killed at least 36,224 people in Gaza, mostly civilians, according to the Hamas-run territory’s health ministry.

A medical official at Al-Aqsa Martyrs Hospital in central Gaza’s Deir al-Balah said eight people, including two children, were killed in an air strike that hit a house in Al-Bureij refugee camp.

Another source at Nuseirat’s Al-Awda Hospital reported three deaths in a strike on a car.

An AFP correspondent saw Israeli military vehicles southwest of Gaza City, in the territory’s north.

Sunday’s Israeli strike and resulting fire at the Rafah displacement camp killed 45 people, according to Gaza officials, and prompted two days of discussions at the U.N. Security Council.

Israel has said it targeted a Hamas compound and killed two senior members.

After the strike, Algeria presented a draft resolution to the U.N. Security Council demanding an immediate cease-fire and the release of all hostages, but it was unclear when it would be voted on.

Amid the fighting, Israeli war Cabinet minister Benny Gantz’s centrist party submitted a bill to dissolve parliament for an early election, drawing criticism from Netanyahu’s right-wing Likud party.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka 31-05-2024

Jicmo 31, May 20224 {HMC} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka 31-05-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamo Dheeraad oo la geeyay Furimaha Dagaalka iyo Dagaal ka dhan AS oo la iclaamiyay.

Jicmo 31, May 20224 {HMC} Ciidamo Dheeraad oo la geeyay Furimaha Dagaalka iyo Dagaal ka dhan AS oo la iclaamiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somalia Poised to Secure Non-Permanent Seat on UN Security Council

Friday 31 May 2024 {HMC}  Somalia is set to secure a non-permanent seat on the United Nations Security Council for the 2024-2025 term, running unopposed for the African Group seat. The vote is scheduled for June 6 during the 78th session of the UN General Assembly.

Along with Somalia, Denmark, Greece, Pakistan, and Panama are running for the five available seats. All five candidates have previously served on the Council, including Pakistan seven times, Panama five times, Denmark four times, and Greece twice.

It will be Somalia’s second term on the Security Council, having last served from 1971 to 1972.

Somalia’s candidacy has received strong backing from the African Union (AU). At the 44th Ordinary Session of the AU Executive Council in February 2024, Somalia was endorsed as the sole candidate for the African seat.

 

This endorsement led to the withdrawal of other contenders, including Mauritius and Madagascar.

In its campaign, Somalia has emphasized the importance of conflict prevention, sustainable development, and humanitarian assistance to address the root causes of conflict.

 

The country also plans to prioritize the Women, Peace, and Security (WPS) and Youth, Peace, and Security (YPS) agendas, stressing the involvement of civil society.

Somalia’s dual membership in the League of Arab States (LAS) and the Organization of Islamic Cooperation (OIC) positions it as a strategic mediator in regional conflicts.

The country aims to foster dialogue among diverse groups, drawing on its unique regional ties.

During its previous Security Council term, Somalia supported global decolonization efforts and presided over a historic high-level meeting in Addis Ababa, the first to be held in Africa. Somalia plans to advocate for enhanced UN-AU cooperation and support the implementation of resolution 2719, which authorizes UN funding for AU peace support operations.

The election process requires formal balloting, even for uncontested seats. Somalia needs a two-thirds majority in the General Assembly vote, or at least 129 affirmative votes if all 193 UN member states participate.

 

The election will fill five seats on the Security Council: one for the African Group, one for the Asia-Pacific Group, one for the Latin American and Caribbean Group, and two for the Western European and Others Group.

The new members will take up their seats on January 1, 2025, and will serve until December 31, 2026.

The UN Security Council consists of 15 members, including five permanent members and ten non-permanent members elected for two-year terms.

 

The Council is responsible for maintaining international peace and security, making decisions on sanctions, the use of force, and peacekeeping missions.

{DAAWO MUUQAALKA} ismaamul kalle oo soomaali ay degto ayaa Laga mamnuucay nuuc ka mid ah qaadka Ka baxa Kenya.

Jicmo 31, May 20224 {HMC} ismaamul kalle oo soomaali ay degto ayaa Laga mamnuucay nuuc ka mid ah qaadka Ka baxa Kenya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA