Home Blog Page 2344

Muwaadiniinta Itoobiya oo maalgashanaya Somaliland kadib markii….

Sabti 01 June 2024 {HMC} Wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha maamulka Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa ugu baaqay maalqabeennada kasoo jeeda dalka Itoobiya in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland.

Wasiirka ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Ethiopian Herald ku sheegay in loo baahan yahay in sare loo qaado iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiska isfaham ee u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Itoobiya uu labada dhinac u furi doono fursado badan oo lagu xoojinayo cilaaqaadka dhaqaale ee labada dal .

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim wuxuu ugu baaqay ganacsatada Itoobiya inay maalgashan karaan sibirka, isaga oo xusay in dekeddii laga dhoofinayeyna ay ku taallo Somaliland ayna u fududaaneyso ganacsatada in si fudud ku dhoofsadaan sibirka.

Waxa uu intaa ku daray wasiirka Maalgashiga Somaliland in la maalgashan karo kalluumaysiga iyo beeraha, waxaanu caddeeyay inay xukuumadda Somaliland u fududeysay nidaamka maalgashiga maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka ayaana sheegay in hadda jiraan ganacsato yar yar oo ka shaqeesta gudaha Somaliland, waxa uuna rejo ka muujiyay in shirkadaha waa weyn ee ka jira dalka Itoobiya ay maalgashi ku sameestaan kana shaqeestaan Somaliland.

{DAAWO MUUQAALKA} Gaaddidleyda Beledweyne oo ka digatay in ay dunto Buundo muhiim u ah isku socdka magaalada.

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} Gaaddidleyda Beledweyne oo ka digatay in ay dunto Buundo muhiim u ah isku socdka magaalada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Duqeyn ka dhacday gobalka Bari iyo dowlada oo ka hadashay

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} FAAH FAAHIN Duqeyn ka dhacday gobalka Bari iyo dowlada oo ka hadashay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01.06.2024}

Sabti 01 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fartaag “ATMIS hadii ay dalka ka baxdo ciidamadii badali lahaa waa diyaar sanyihin”

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} Wasiir Fartaag “ATMIS hadii ay dalka ka baxdo ciidamadii badali lahaa waa diyaar sanyihin”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaano iyo wasiirro soo dhaweyn Muqdisho Ugu sameeyey Xildhibaan Maxamed Caddow

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} Xildhibaano iyo wasiirro soo dhaweyn Muqdisho Ugu sameeyey Xildhibaan Maxamed Caddow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} 8 kun oo xujey Soomaliyeed ah o gaareen Sacuudiga.

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} 8 kun oo xujey Soomaliyeed ah o gaareen Sacuudiga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Turkiga oo weeraray Dhamaan madaxda wadamada Islaamka.

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Turkiga oo weeraray Dhamaan madaxda wadamada Islaamka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Jeyte”Hiiraan AS ayaa geesaha ka jooga waa in Dagaal loo diyaar garoobo”

0

Sabti 01 June 2024 {HMC} Cali Jeyte”Hiiraan AS ayaa geesaha ka jooga waa in Dagaal loo diyaar garoobo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Biden oo sheegay Heshiis Xabbad-joojineed oo Israa’iil ay aqbashay.

Sabti 01 June 2024 {HMC} Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax, ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden wuxuu Jimcihii ku dhawaaqay inuu dabada ka riixayo heshiis xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaas oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira, in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix toddobaad ah, taasoo looga gudbi doono, wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah.

Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona “xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden, xilli uu hadal ka jeedinayey Jimcihii Aqalka Cad ee Maraykanka.

Heshiiskan haddii la isla afgarto ayay ku jirtaa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan dhammaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla marinka Gaza, lana sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, oo ay ku jiraan haweenka, waayeelka, dadka nugul iyo muwaadiniinta Maraykanka ah, halka dhinaca kalena la sii dayn doono boqollaal falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.

Intaa waxaa dheer, Israa’iil inay ogolaan doonto in gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah la geeyo marinka Qaza iyo in muwaadiniinta Falastiiniyiintu ay dib ugu laabtaan guryahooda laga barakiciyey oo ay ku jiraan Woqooyiga Qaza.

Marka la dhaafo heshiiska xabbadjoojinta ee soconaya muddada lixda toddobad ah, Biden ayaa ka digay, in in hore loo socdaa inay noqon doonto mid aad u adag.

Wuxuu sheegay in haddii uu si daacad ah u hadlo, inay jiraan, waxyaabo kala duwan oo oo ay tahay in laga wadahadlo si looga dhaqaaqo wejiga koowaad, looguna gudbo wejiga labaad.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in illaa inta wadaxaajoodyadu ay socdaan, si kasta oo ay ahaataba, in xabbad-joojintu ay socondoonto, xittaa haddii wadahadaladu ay soo jiitamaan muddada lixda toddobaad ee hore ee la qorsheeyey, isaga oo wacad ku maray in dhexdhexaadiyayaasha ka kala socda Maraykanka, Masar iyo Qatar inay sii wadi doonaan illaaa laga gaadhayo heshiis rasmi ah.

Biden ayaa sheegay in wejiga labaad lagu sii dayn doono dhammaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, oo ay ku jiraan ciidamada laga qabsaday Israa’iil. Halka Ciidamada Israa’iil ay iyaguna ka bixi doonaan marinka Qaza. Biden ayaa intaas raaciyey in Israa’iil ay si dhamaystiran u joojin doonto colaadda, illaa inta Xamaas ay ka soo baxayso ballaanqaadyadeeda.

Biden ayaa sheegay, in wejiga saddexaad oo ah kan ugu dambeeyaa, inuu ka kooban yahay qorshe ballaadhan oo dib loogu dhisayo marinka Qaza, iyada oo meydadka la haystayaasha wixii ku hadhay dhinaca Qazana loo gudbin doono eheladooda.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa la isku mari waayay wadahadalada u dhexeeyey labada dhinac, iyada oo dhinac waliba uu ku eedaynayey dhinaca kale.

Khamiistii ayay ahayd markii ay Xamaas sheegtay inay dhexdhexaadiyayaasha ku wargelisay inay diyaariyeen heshiis dhamaystiran oo ay ku jiraan in maxaabiista la isdhaafsado, haddii Israa’iil ay joojiso dagaalka.

Biden ayaa ugu baaqay Xamaas inay aqbalaan heshiiskan cusub.

Inkasta oo Maraykanku uu soo bandhigay in la gaadho heshiis nabadeed, ama ay hore uga digeen in Israa’iil ay weerarto Rafax, ama xataa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay uga digtay Israa’iil inay sii waddo weerarka Rafax, haddana waxaa xaqiiqo jirta in Israa’iil ay sii ballaadhinayso weerarkeeda, iyada oo ciidamadoodu ay sheegayaan inay halkaas ka socdaan hawlgallo kala duwani