Home Blog Page 2343

Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadkan

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka baxaan dalka dhamaadka December 2024, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali.

Ciidamada Itoobiya ayaan ka mid noqon doonin ciidamada AU-da” ee ka howlgali doona Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), bisha December ee sanadkan.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in ciidamada lagu dhisidoono howlgalka cusub ay ka imaan doonaan afar waddan oo kala ah, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS. Waxaa sidoo kale qeybo kamid ah gobolada Koonfurta dalka ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka ahayn howgalka ATMIS.

ATMIS ayaa la filayaa in ay Soomaaliya ka baxdo dhamaadka December 2024, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710 (2023).

Si kastaba ha ahaatee, ATMIS waxa ay sheegtay in ay jiraan qorshayaal lagu dhisayo ciidan ka dambeeya ATMIS si ay gacan uga geystaan ilaalinta xarumaha istiraatiijiga ah ee dadka, xarumaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda.

Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay, ka dib markii 01-kii January ee Sannadkan ay Itoobiya la saxeexatay Heshiis Is-afgarad ah maamulka Somaliland, iyadoo heshiiskaas uu Itoobiya u oggolaanayo inay Badda ka hesho Saldhig Milatari yo deked ganacsi, si ay Somaliland iyaduna aqoonsi u hesho.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiiskaas, waxayna bishii April eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Muqtaar Maxamed Waare, waxayna amar ku bixisay in la xiro xafiisyada qunsuliyada Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo Ee Warbaahinta Hiiraanweyn 01 06 2024

Sabti june, 01, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Abdi yare

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Flooding kills 528 in East Africa amid heavy rains.


Saturday June 1, 2024

At least 528 people had been killed by heavy rains and flash floods that continue to cause damage and displacement across East Africa, the United Nations relief agency said on Friday.

The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said that as of May 30, about 1.6 million people, mainly in Ethiopia, Kenya and Somalia, had been affected, including up to 482,320 people displaced.

“Humanitarian partners across the East African region continue to support governments in search and rescue operations, conducting needs assessments, pre-positioning available stocks, and providing urgent assistance,” the OCHA said in its heavy rains update released in the Kenyan capital of Nairobi.

Rainfall was expected to decrease in the arid and semi-arid areas of Kenya, Somalia, and southern-southeast Ethiopia in late May.

However, according to the Climate Prediction and Applications Center of the Intergovernmental Authority on Development, several areas in the region — Djibouti, Eritrea, central and northern Ethiopia, western and coastal Kenya, much of Uganda, South Sudan and Sudan — are expected to receive above-average rainfall for the June-to-September period.

June to September is an important rainy season, especially in the northern and western parts of the Greater Horn of Africa, where it generally contributes more than 40 percent of the annual rainfall and more than 90 percent in parts of the north.

Somali refugees in Dadaab decry cutting of cash transfers for food


Saturday June 1, 2024

(ERGO) – The cutting of electronic cash transfers that were being given to refugees in the Dadaab camps in northern Kenya has left Somali families struggling to find enough food.

According to the camp leaders, the cash aid popularly known as bamba chakula [meaning “get your food” in the Swahili-based slang called Sheng] was cut by the UN’s World Food Programme from April due to lack of funds.

However, refugee families continue to receive rations of lentils and sorghum.
Fadumo Omar Ibrahim and her large family of 11 people have been facing food shortage in Dadaab’s Hagadera camp for the past two months following the ending of the cash transfers.

Fadumo used to receive $45 under bamba chakula that she used to buy essential food including rice, flour and sugar. She said they now cook only once a day and have to rely on neighbours for support.

“Our condition is very dire. We don’t have anything; we didn’t even make tea this morning because we don’t have sugar. We don’t have relatives abroad to support us. I can’t work, I am 60. I normally make canjero (flat bread) in the morning and we don’t even have that. We are facing hardship,” Fadumo told Radio Ergo.

She used to be able to buy powdered milk and clothing for her children. Local shops also allowed her to take items on credit as she could repay when she received her cash aid. Now she has already built up a debt of $193 with local shopkeepers, who constantly remind her to pay back her dues.

“The shop owners come to my house telling me to pay them, and I don’t have the money. I would take sugar and tea but no one can give me anything on credit, the money we got has all stopped,” she said.

She received her monthly allocation of 55 kilograms of sorghum and 16 kilograms of lentils for the month but it ran out on 20 May.

“We need the bamba chakula because we don’t have other sources of income. If we don’t get it and they [aid organisations] remain silent people will suffer,” she said.

Fadumo and her family were displaced from Mogaanbow village in Jamame district, in Somalia’s Lower Juba region, following severe drought in 2002 that left their four-hectare farm shrivelled.

Also living in Hagadera camp, Jaariyo Mukhtar Hussein says she is struggling to feed her eight children. After learning that they would no longer be receiving the aid money, she started looking for cleaning jobs but only manages to get odd jobs for about $3 a week.

She used to rely on the cash aid to buy milk, sugar, rice and flour for her young children. The two-year-old still breastfeeding finds it hard to eat the grains they are given.

“We get 42 kilograms of sorghum, and it is not good, there is no flour, no spaghetti or rice. Our children get diarrhoea and they vomit whenever they eat the food we get. It is not useful, the bamba chakula used to get us sugar, milk, salt and tea leaves,” she complained.

She is worried about their survival in the camp with few job opportunities. She can stay a week without getting a cleaning job. Her husband is a porter and also earning irregular wages.

“We are poor people, my husband goes to work in the morning and sometimes comes back with no income.

We need the WFP and the UN to get us back the chakula or take us somewhere else!” she demanded.

Hagadera camp leader, Khalif Dhubow Jelle, told Radio Ergo the cuts in cash aid would throw the destitute families into a precarious living. Businesses in the camp has also been affected because the refugees no longer have any cash to spend.

“The effects of the cash aid are huge, because this was the main source of income for the refugees. The other thing they get is sorghum and its food that has stayed for a long time before it is consumed. We were hoping to live in this camp until our country becomes peaceful but now our hopes have been dashed. The money was indispensable and people depended on it,” he stated.

maleeshiyo beeleed Weerar Ku Qaaday ciidanka Koonfur Galbeed Iyo Dagaal Culus oo Wili Ka Socodo Bardaale

Sabti 01 June 2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyaad beeleed ah.

Sida aan wararka u heleyno ciidamo maleeshiyo beeleed degmada Bardaale kasoo jeeda ayaa weerar culus ku qaaday fariisimo ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin Bardaale, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaana ku waramaya in ay maqlayaan rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayaan, walina lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka socda.

Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday fariisimaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in horey degmada looga saaray, waxaana guul dareestay wadahadlo la doonayay in xiisada lagu xaliyo.

Madaxda Sare ee Masar oo kulamo Sagootin ah Usameeyay Safiirka J.F.S ee Masar.

Sabti 01 June 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa siyaaba kala duwan kulamo Sagootin ah ugu sameeyay Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo ay u dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar daddaalladii diblomaasiyadeed, waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu ku howlanaa intii uu Masar ka howlgalayay iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, iyago xusay sida dowladda iyo shacabka Masar ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Sidoo kalle Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa ku amaanay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar inu xoojiyay xiriirka iyo wadashaqeynta ururka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Kulamada uu la yeeshay waxa uuna tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Masar, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Wasiirka Amniga Gudaha oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

Sabti 01 June 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag} ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeesheen wadahadal miro dhal leh.

Wasiirka Amniga iyo Frantz Celestin ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxa ay diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leeyihiin xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga xuduudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hay’adda IOM ayaa kamid ah hay’adaha sida weyn u taageera dowladad Soomaaliya, waxav ayna hay’adahan wada shaqeyn dhaw la leedahay qaar kamid ah ahy’adaha dowladad Soomaaliya.

Qarax miino oo aay Al Shabaab ku aaseen wado Ku Taalo Buuromareer oo la fashaliyay.

Sabti 01 June 2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Somaliyeed gaar ahaan ururka 26-aad guutada 6-aad ayaa fashiliyay qarax miino oo la sheegay in kooxda Al Shabaab ku aaseen waddo aada dhinaca beeraha ee magaalada Buuromareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xogta qaraxa miino ayaa la sheegay in ay heleen ciidanka xoogga dalka, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen markii ay gaareen goobta qaraxa lagu aasay in ay kasoo saaraan miinadaasi oon wali qarxin.

Taliyaha ururka 26-aad guutada 6-aad qaybta 60-aad CXDS Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle ayaa waraahinta u sheegay in Al Shabaab doonayeen in qaraxasai miino ku dhibaateeyaan dadka shacabka, balse ciidamada ku guuleesteen in ay fashiliyaan.

Qaraxyo miino oo lagu aasay hareerooyinka waddooyinka ayaa marar badan khasaarooyin kala duwan waxa uu kasoo gaaray dad shacab ah, miinooyinka la aaso ayaana kala garan shacab iyo ciidan, waxa ayna ku qarxaan cidii xiulligaasi dul marta.

Maxaa ka taqaanaa Taariikhda Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka?

Sabti 01 June 2024 {HMC} Maraykanku waxa uu leeyahay laba xisbi siyaasadeed oo waa weyn Xisbiga Dimoqraadiga iyo Xisbiga Jamhuuriga. Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa taariikhda xisbiga Dimoqraadiga.

Xisbiga Dimoqraadiga waxa uu caan ku yahay in uu doorbido dawlad federaal oo ballaaran iyo siyaasad bulsho oo hor u socod ah.

Hase yeeshee, arrinta weligeed sidan ma aheyn.

1792-kii, markii Aabayaasha Aasaaska, Thomas Jefferson iyo James Madison ay abuureen Xisbiga Dimoqraadiga-Jamhuuriga, oo markii dambe noqday Xisbiga Dimoqraadiga, waxay doonayeen in dowladda federaalka ay yeelato door kooban iyo in dad badan ay qeyb ka noqdaan geedi-socodka dimoqraadiyadda.

1829-kii, Madaxweyne Andrew Jackson ayaa ballaariyey mabaadi’daas. Waxa uu rabay in dawladda federaalka ay sii yaraato, wuxuuna u ololeeyey in dadka wax dooranaya laga ballaariyo milkiilayaasha dhulka, oo lagu soo daro ragga cadaanka ah ee dhammaan dabaqadaha bulshada.

Ragga madow ayaan laheyn xuquuq ay ku codeeyaan muddo 41 sano ah, illaa laga ansixiyay wax ka-beddelkii 15-aad ee dastuurka. Haweenka ayaan codeyn jirin muddo 91 sano ah illaa laga ansixiyay wax ka-beddelkii 19-aad. Islamarkaana Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee meesha ka saaray caqabadihii hortaagnaa cod-bixiyayaasha madowga ah ayaa qaatay 136 sano in la ansixiyo.

Ololihii madaxweyne ee Jackson ee guuleystay ayaa ahaa asalka astaanta Xisbiga Dimeqraadiga – dameerka. Kuwa ka soo horjeeday ayaa ugu yeeray “jackass,” astaantaas oo ay taageerayaashiisu qaateen.

1860-kii, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa u kala qaybsamay joqraafi ahaan markii uu soo dhowaa Dagaalkii Sokeeye. Dimoqraadiyiinta Waqooyi iyo kuwa Koonfur waxay isku khilaafeen addoonsiga iyo ilaalinta midnimada.

Markii Koonfurta looga adkaaday Dagaalkii Sokeeye 1865-kii, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa lumiyay sumcaddii qaranka muddo dhowr jiil ah, halka Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Abraham Lincoln uu gacanta ku hayey siyaasadda.

1912-kii, markii Dimoqraadigii ugu horreeyay ee Koonfurta tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Sokeeye loo doortay madaxweyne, xisbigu wuxuu qaatay siyaasad horusocod ah. Madaxweyne Woodrow Wilson waxa uu xoojiyey sharciyada shaqada ee federaalka, wuxuuna u ololeeyey xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay codeeyaan, kaasi oo la ansixiyey 1920-kii.

Waxay qaadatay illaa ay ka dhacday dhaqaale xumadii Great Depression in Dimoqraadiga ay dib u soo ceshadaan awoodoodii siyaasadeed, ayada oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Franklin Roosevelt, kaasi oo sii ballaariyey doorka dawladda federaalka iyada oo loo marayo barnaamijyo taxane ah oo loo yaqaan Heshiiska Cusub.

Cod-bixiyeyaal badan oo madow ayaa u wareegay Xisbiga Dimoqraadiga sababo la xiriira siyaasadaha Roosevelt.

Dimoqraadiyiinta ayaa maamulayey saaxada siyaasadda inta badan 50-kii sano ee xigay, xisbiguna wuxuu u sii dhaqaaqay dhinaca bidix ee siyaasadaha bulshada.

Bartamihii 1960-meeyadii, Madaxweyne Lyndon Johnson ayaa meel mariyey sharciga xuquuqda madaniga ah, iyo sidoo kale barnaamijyo bulsho oo waa weyn, kuwaas oo ka fogeeyey cod-bixiyeyaashii Dimoqraadiga Koonfurta, oo intooda badan ku biiray Xisbiga Jamhuuriga.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta ayaa isu bed-beddalay madaxtinimada.

Madaxweyne Barack Obama, madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah, ayaa ballaariyay doorka dowladda markii uu saxiixay sharciga daryeelka caafimaadka ee loo yaqaan “Obamacare.”

Markii Madaxweyne Joe Biden uu yimid xafiiska intii lagu jiray COVID-19, isaga iyo sharci-dajiyayaashu waxay ansixiyeen $1.8 tiriliyan oo xirmo gargaar COVID-19 ah, $ 1.2 tiriliyan oo ah sharciga kaabayaasha iyo $ 369 bilyan oo dheeri ah oo loogu talagalay isbeddelka cimilada.

Waxaa qoray Megan Duzor, waxaa tifaftiray Sharon Shahid iyo Jepsen, waxaa tarjumay Axmed Cali Sheekh.