Home Blog Page 2342

Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Wadamo African Ah oo La Kulmay Wasiirka Maaliyadda XFS

Sabti june, 01, 2024 (HMC) – Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u keh, Dowladda iyo Bulshada intana.

Sidoo kale kulanka waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo balaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya, iyo fulinta mashaariic horey bangiga u ballanqaaday.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Naag ayaa Ceelasha Biyaha nagu Bartay Sida Biskoolada Dadka loogu dilay. “Ibraahin iyo Farxaan”

Sabti 01 June 2024 {HMC} Naag ayaa Ceelasha Biyaha nagu Bartay Sida Biskoolada Dadka loogu dilay. “Ibraahin iyo Farxaan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Final champions

Sabti 01 June 2024 {HMC} WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Final champions

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Muwaadin Soomaali ah oo la sheegay in uu geystay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

Sabti 01 June 2024 {HMC} Muwaadin Soomaali ah oo la sheegay in uu geystay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka degmada Heliwaa oo dhallinyarada caanka ah ee Muqdisho kala hadlay kicinta dadweynaha…

Sabti 01 June 2024 {HMC} Maamulka degmada Heliwaa oo dhallinyarada caanka ah ee Muqdisho kala hadlay kicinta dadweynaha…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Bardaale oo la dilay

Sabti 01 June 2024 {HMC} Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Bardaale oo la dilay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka 01 06 2024

Sabti 01 June 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka 01 06 2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Nisa oo Gacanta Kusoo Dhigtay Xubno ganacsato Ah oo u hoggaansamay Amarka AS.

Sabti june, 01, 2024 (HMC) –  Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo si dhaw ula socday isku dayo ay Al Shabaab si dhuumaaleysi ah baad ugu weydiisaneysay xubno ganacsato ah,ayaa gacanta kusoo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda,waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay uga digeysaa Ganacsatada in ay u dhego-nuglaadaan isku dayada daciifka ah ee AS ay ku doonayaan in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa sheegtay in uu waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darteed waxaa la farayaa dadweynaha in ay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin AS  “Ayaa Lagu Yiri Qoraal Kasoo Baxay Nisa.

Hoos Ka Aqriso

 

Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka.?

Sabti 1 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaas oo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah.

Maxaa Ka Jiro in Dowladda Soomaaliya aay muddeysay xilliga ciidanka Itoobiya ka baxaan Soomaaliya

Sabti june, 01, 2024 (HMC) – Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya ayaa meel xun gaaray, kaddib markiii Ra’isul Wasaaraha Itooniya Abiy Axmed heshiis is-afgarad ah la saxiixday Madaxweynaha Somaliland .

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii heshiiska wada galeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa xiriirka dowladda Federaalka iyo tan Itoobuiya meeshii ugu xumeyd gaaray, waxaana guul dareestay dedaalo lagu doonayay in labada dal la isku soo dhaweeyo.

Itoobiya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo qaarkood katirsan yihiin howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS, halka kuwa kalana si sharcidarro ah kusoo galeen qeybo kamid ah Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ee sannadkan ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka.

Howlgalka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ayaa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo dhammaadka sannadkan, hasa ahaatee waxaa soo baxaya in muddo sannad ah ciidankan loogu dari doono howlgalka ,iyadoona laga reebi doono kuwa Itoobiya ka socda.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay’’ ayuu yiri Xuseen Macali

La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya ayaana sheegay in sababta ciidamada Itoobiya in ay sii joogaan dalka aysan dowladda u dooneyn ay tahay khilaafka siyaasadeed ee labada dal ka dhaxeeya.

‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’ayuu yiri Xuseen Macalin.

Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaana ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka oo ay ka howlgalaan, lamana oga sida ay suurto gal ku noqon doonto rabitaanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidanka Itoobiya laga reebo howlgalka ATMIS dalkana ka baxaan.