Axad 2 June 2024 {HMC} Raashiya iyo Ukraine oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal
{DAAWO MUUQAALKA} hey’adda duulimaadka adduunka qaabilsan, oo qiimeeyay duulimaadka hawada Soomaaliya
Axad 2 June 2024 {HMC} hey’adda duulimaadka adduunka qaabilsan, oo qiimeeyay duulimaadka hawada Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Gabdhuhu fursad weyn ayey u heystaa in ay qeyb ka noqdaan ciidanka Booliska
Axad 2 June 2024 {HMC} Gabdhuhu fursad weyn ayey u heystaa in ay qeyb ka noqdaan ciidanka Booliska
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Jaamacada Hiiraan Waxaa ka socda Difaacashada Buuga Qalin Jabinta Dufcadii 11-aad.
Axad 2 June 2024 {HMC} Jaamacada Hiiraan Waxaa ka socda Difaacashada Buuga Qalin Jabinta Dufcadii 11-aad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Nin todobadkii lasoo dhaafay hooyadii ku dilay magaalada wajeer oo si la yaab leh asigane udhintay.
Axad 2 June 2024 {HMC} Wararka aan ka heleyno Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya inuu caawa geeriyooday ninkii dhawaan magaaladaasi ku dilay hooyadii.
Sida wararkii horaba lagu baahiyay markuu dilay hooyadiis ayuu isku dayay inuu baxsado isagoo wata baangad balse waxaa ka hortagay dadka xaafada oo garaacay markii la isugu tagay ilaa isagoo tacbaan ah booliiska lagu wareejiyey.
Wararka aan heleyno waxay sheegayaan inuu isbitaalka la dhigay sidii maalinkaas loo garaacay ayna xaaladiisa liidatay, ugu danbeyna caawa ayuu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibayay.
Wararkii ugu dambeeyay Wajeer laga helaayo markuu hooyadiis dilay kadib waxay sheegayaan inuu lacag darteed maamada u dilay taasoo aheyd lacag 200 Kun Shilinka kenya oo u dhiganta 1,500 Doolar taasoo ay faraqa ku heysatay isagoo rabay inuu qasab kaga qaato.
Safaaradda Jarmalka oo faafisay warqad fadeexad weyn ku ah Masuuliyiin ka tirsan DF.
Axad 2 June 2024 {HMC} Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku beenisay qoraal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada oo ka hadlayay aqoon-darro dhinaca luuqadda Ingiriiska ah oo haysata qaar ka mida wasiirada iyo mas’uuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warqadda ayaa waxaa ku qornaa mas’uul ka tirsan safaaradda oo ka cabanaya is-fahan darro ka dhex-taagan ayaga iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, oo uu u sababaeeyey luuqaddooda Ingiriiska oo aad u liidata.
Wuxuu si gaar ah u xusayaa, sida warqadda ku qoran, wasiirka difaaca Soomaaliya oo mar ka carooday kadib markii ay is-fahmi waayeen, kadibna uu wax ka sheegay luuqaaddiisa Ingiriiska.
Si kastaba, qoraalka Safaaradda Jarmalka ayaa lagu caddeeyay in Qoraalka (MEMO) ee laga faafiyay Safaaradda Jarmalka uu yahay been abuur la dhoodhoobay, isla markaana qofka magaciisa lagu xusay qoraalka uu sanado ka hor ka tegay safaaradda.
“Safaaradda Jarmalka waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in Qoraalka lagu sheegay inuu kasoo baxay xafiiskeenna uu yahay been-abuur. Qofka magaciisa ku xusan Qoraalkana uu safaaradda ka tagay sannado ka hor,” ayaa lagu yiri warka safaaradda Jarmalka ee Somaliya.
Qoraalka ayaa waxaa faafintiisa ka qeyb qaatay taageerayaasha xubno caan ka ah baraha bulshada, kooxda nabad iyo nolo lee madaxweyne Farmaajo iyo shacab kale.
Ma cadda xaqiiqda dhabta ah ee warqadda, haddii ay abuureen xubno kasoo horjeeda dowladda federaalka, iyo haddii uu dhab yahay balse markii fadeexadda dhacday la beeniyey.
Taliska Ciidanka xoogga oo shaaciyay waqtiga ay kusoo afjarayaan kooxda AS.
Axad 2 June 2024 {HMC} Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Generaal Maadeey Sheekh Nuur Ufuroow ayaa galabta ka hadlay dagaalka AS, isagoo sheegay in bishaan lagu jiro ee Juun aysan la dhaafi doonin kooxda AS.
Jeneraal Ufurow ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay gaareen dhamaan goobihii ay duulaanka ka qaadi lahaayeen, isagoo balan qaaday, inay maalmo gudahood ay ku soo qabqaba doonaan kooxda AS.
Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu furay Ra’iisul Wasaaraha XFS, kaas oo ku saabsanaa barnaamij loogu magac daray “Hooyo u Hiilli Qarankaaga,” oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.
“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maanta waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, guusha waxay haya Allaah, laakiin anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allah,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii ugu dambeeyey ee xoogga dalka ay maalmo ka hor Muqdisho ka baxeen, “Mudane Ra’iisul Wasaare, ciidan aan rabno inay dagaal galaan maanta Xamar nagama joogaan, waxaa loo jiheystay furimaha dagaalka, waxay sugayaan amarkii ay xabadda ku bilaabi lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo barnaamijka “Hooyo u Hiilli Qarankaaga” daahfuray ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisidda nabadda iyo amniga, waxuuna tilmaamay in Hooyooyinku ay leeyihiin awood gaar ah oo ay ku baraarujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad.
Waxa uu sheegay in kooxaha Khawaarijta ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xumaanta, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan sidii guryaha looga soo saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Khawaarijta, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay in ay taageerto haweenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbaadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {01-06-2024}
Sabti 1 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO SAWIRADA} Booliska oo Muqdisho ku xiray 9 dhallinyaro ah oo ku eedeysan dil wadareed
Sabti 1 June 2024 {HMC} Ciidanka Booliska saldhigyada degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay 9 dhallinyaro ah oo ku eedeysan dil wadareed ay u geestay Marxuum Cabdimaalik Cali Cismaan oo 18 jir ahaa, sida uu shaaciyey taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.
“Dadkaan waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.Muwaadin hadii aad lakulanto fal danbiyeed ama uu kusoo gaaro waxaad la xariirtaa xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soonaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banaadir@bolice.g.v.so.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo Md Xassan Shiikh oo Ka Wada Hadlay Arima Muhiim Ah
Sabti june, 01, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya {UNSOM} kaasoo dhawaan loo soo magacaabay wakiil KMG ah isagoo dhinaca kale ka mahad celiyey taageerada dhinac walba leh ee Mareykanku siiyo Somalia.



