Home Blog Page 2340

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo Ee Warbaahinta Hiiraanweyn june, 02, 2024

Axad june, 02, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahra Gabre & Abdimajiid Abdiraxmaan

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo Furay Shirka Sanadlaha 1-aad ee Garsoorka

Axad 2 June 2024 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa furay Shirka Sanadlaha 1-aad Garsoorka Dowladda Koonfur Galbeed oo maanta si Rasim ah uga furmay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Cadaalada,Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Agaasimaha Madaxtooyada, Xeer ilaaliyaha guud Koonfur Galbeed iyo Garsooriyaasha Koonfur Galbeed ayaa Goobjoog ahaa Munaasabada Furitaanka Shirka.

{DAAWO SAWIRADA}Wasiirka Dhalinyarada oo liibiya kula kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo Ku Sugnaa Dalkasi

Axad 2 June 2024 {HMC}  Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhallinyaradaan in 15 ka mid ah ay diyaar yihiin Tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay ku noqon lahaayeen oo 11-ka bishan June ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa, halka 25 kale oo iyaguna is diiwaan geliyeen inay ka degaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo soo dhamaystiri doono documents-ka socdaalka inta aysan bishan June dhammaan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku booriyay dhallinyaradan go’aanka geesinimada leh qaatay, isagoo ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee Tripoli jooga inay sidaas oo kale sameeyaan.

Wasiirka ayaa la wadaagay dhallinyarada horumarka la tiigsanayo sanadaha soo socda iyo maalgashiga caalamiga ah oo sahlaya shaqo abuur xooggan.

{DAAWO SAWIRADA} Madaale oo kulan isla xisaabtan Ah La Yeeshay Qaar Ka Mid Ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Banaadir

Axad 2 June 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye {Yabooh}.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxa uuna kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo bulshada, la dagaalanka maandooriyaha, anshax xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.

 

Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay qorshaha DF ee bixitaanka ciidamada ITOOBIYA.

Axad 2 June 2024 {HMC} Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka.

Wasaaradda amniha Koonfur Galbeed ayaa been abuur ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya.

“Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanadkan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed oo soo jawaabtay ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamtay hadalka Xuseen Macallin ee ku saabsanaa doorka ay ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan howlgalka beddelaya ciidamada ATMIS.

Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale u mahad-celisay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanadeeda, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda AS.

Hadalkan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ciidanka Itoobiya oo hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii Hooyadiis ku Dilay Wajeer oo Geeriyooday.

0

Axad 2 June 2024 {HMC} Ninkii Hooyadiis ku Dilay Wajeer oo Geeriyooday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.06.2024}

Axad 2 June 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Soomaaliya oo Xubin sare ku yeelanayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Axad 2 June 2024 {HMC} Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 2024-2025 ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartamin kursiga dhanka wadamada Afrika.

Codbixinta ayaa la qorsheeyay 6-da Jun, 2024ta inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama ayaa u tartamaya shanta kursi ee diyaarsan. Dhammaan shanta murashax ayaa hore uga soo mid noqday golahan, Pakistan ayaa markii toddobaad ka mid noqoneysa golaha, Panama shan jeer, Danmark afar jeer, Giriiga laba jeer, halka Soomaaliyana ay markii labaad xubin ka noqoneyso xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.

Musharaxnimada Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka helay Midowga Afrika (AU). Fadhigii caadiga ahaa ee 44-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika bishii Febraayo 2024, ayaana lagu ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.

Ansixintan ayaa keentay in la baabi’iyo tartamayaasha kale, oo ay ku jiraan Mauritius iyo Madagascar.

Soomaaliya ayaa ololaheeda waxay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay ka-hortagga colaadaha, horumar waara, iyo gargaarka bini’aadantinimo si wax looga qabto sababaha keena colaadaha.

Soomaaliya ayaa sidoo kale qorsheynaysa iney mudnaanta siiso arimaha haweenka, nabadda, iyo amniga (WPS) iyo ajandaha dhalinyarada, nabadda, iyo amniga (YPS), iyadoo xoogga la saarayo ka qaybgalka bulshada rayidka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye kuxigeenka Gobalka karkaar ” Waan u mahad celinaynaa dhalinyarda ka shaqaynaysa…..”

0

Axad 2 June 2024 {HMC} Gudoomiye kuxigeenka Gobalka karkaar ” Waan u mahad celinaynaa dhalinyarda ka shaqaynaysa…..”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} SSC-Khaatumo iyo Turkiga oo iska wareystay xaaladda Soomaaliya

0

Axad 2 June 2024 {HMC} SSC-Khaatumo iyo Turkiga oo iska wareystay xaaladda Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA