Home Blog Page 2349

{DAAWO SAWIRADA} Degmada Waajid oo Laga Dajiyay 2-Diyaaradood oo siday Nalalka ku Shaqeeya Cadceeda

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Maamulka Degmada Waajid oo uu Horkacaayo

Gudoomiyaha Degmada ahna Duqa Magaalada Maxamed Macalin Yuusuf ayaa la Wareegay

2-Diyaaradood oo siday Nalalka ku Shaqeeya Cadceeda oo Wasaaradda Arimaha Gudaha

iyo Hay’adda NIIS FOUNDATION ugu Talagaleen in lagu Xiro Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool.

{DAAWO SAWIRADA} Xubin Ka Tirsanaa AS oo isku soo Dhiibay Ciidanka Gobolka Baay.

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Cali Guudow Maadey oo ka tirsanaa AS, ayaa maanta isku soo dhiibay ururka 47-aad Guutada 8-aad ee Taliska Qeybta 60-aad CXDS kuwaas oo fadhigooda uu yahay degaanka Goof Gaduud Buureey ee Gobolka Baay.

Cali Guudow ayaa mudo ka tirsanaa kooxda AS, waxana uu ka qeyb-qaatay sida uu sheegay dagaalo ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud Iyo Qeybo kamid ah Koonfurta Mudug.

Dhallinyaro Badan oo Ka  barbar dagaalamayey Ururka AS ayaa maalmihii ugu dambeeyay  isku soo dhiibaya ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, Wareesiyo eey Bixiyeen ayeeyna Ku Sheegeen in aay udulqaadan Waayeen Duurka aay Ku jiraan oo aayna udheertahy Weerarada Cirka iyo Dhulka oo aay Kala Kulmayeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxibda caalamka.

Wasiir Daa’uud Aweys oo magaalada Manama uga qayb galay shirka Wasiirrada Warfaafinta dalalka Carabta

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxreyn kula kulmay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Baxreyn Dr. Ramzan bin Abdullah Al Nuaimi.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, iyadoo la isla gartay in labada dhinacba ay si deg deg ah uga shaqeeyaan arrimahaas.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u mahadceliyey Boqortooyada Baxreyn soo dhoweynta iyo martigelinta shirka 54-aad ee Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Carabta, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay mowqifka cad ee Boqortooyada Baxreyn ka qaadatay dhowrista , wadajirka iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Baxreyn ayaa carabka ku adkeeyay sida qotada dheer ee xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Boqortooyada Baxreyn iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah, kaas oo ka muuqda horumar is daba joog ah oo ka tarjumaya sida ay ugu heelan yihiin labada dal ee walaalaha ah si loo gaaro dano guud.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa magaalada Manama uga qayb galay shirka Wasiirrada Warfaafinta dalalka Carabta meertadeeda 54-aad kaas oo arrimo muhiim ah oo la xiriira danaha waddamada Carabta looga hadlay.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeele oo maanta kormeeray Mashaariic laga fuliyay Matabaan

Khamiis 30, May 20224 {HMC}  Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa maanta soo kormeeray 25-mashruuc oo maamulkiisa ka hirgeliyay degmada Matabaan iyo deegaannada ku xeeran.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tagay xarunta sadhigga booliska, suuqa xoollaha, garoonka Diyaaraddaha degmada Matabaan iyo sidoo kale garoonka kubadda cagta ee Matabaan..

Socdaalka kormeerka waxaa Madaxweynaha Hirshabeelle ku wehlinayey maamulka degmada, maamulka gobalka Hiiraan, xildhibaano, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle ayaa dhagax-dhiggay dugsiga hoose, dhexe iyo sarre ee degmada Matabaan.

Dhaqanka iyo maamulka deegaanka Qod-Qod ayaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} waxa ay guddoonsiiyeen fardo iyagoo ugu dambeyn ka codsaday inuu degmo u meel-mariyo maadaama ay dhammeystireen sharuuddihii laga rabay.

“Ma jirto farxad ka weyn in adeegga ugu muhiimsan dowladnimada inuu maanta u dhan yahay shacabka degmada Matabaan iyo deegaanada hoos-taga. Bulshada Qod-Qod waxaan ugu mahadcelinayaa maamuuskii ay u sameeyeen aniga iyo wafdigeyda, waana u abaal-guddi doonnaa haddii uu Alle idmo.” Ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shacabka Hirshabeelle ugu bishaareeyay in la joogo waqtigii qurruxda dowladnima.

Friends helped pay for private jet – Kenya leader.

Thursday  30 May 2024 {HMC} Kenya’s President William Ruto has said that the private plane he used to fly to the US last week only cost about 10m shillings [$73,000; £60,000], following criticism that he was being extravagant.

He said “some friends” of the country offered it at that price when he had opted to use the national airline to save money.

He said there was “no way” he could have spent about $1.5m – the figure that was reported to have cost to hire the Boeing 737-700 VIP plane.

“I am not a mad man,” he said, speaking at a National Prayer Breakfast event in Nairobi on Thursday.

But the remarks have provoked more backlash, with some Kenyans online asking who the friends are.

Mr Ruto went to the US last week on a three-day official state visit – the first such trip by an African leader in more than 15 years.

While he was there, Kenya secured a number of investment deals worth billions of dollars.

After returning to the country, the president defended himself against concerns over the cost of the trip, saying the luxury jet he had used was cheaper than the national airline – without disclosing the amounts.

Criticism continued, with some questioning his statement and others saying that he should have used Kenya Airways.

On Thursday, the president explained that he was told that the cheapest plane would cost about $530,000 and he instructed his office to book Kenya Airways for himself and his entourage of about 30 people.

But when some friends heard that he was going to travel on a commercial flight, they asked him how much he was willing to pay for a hired plane, he said.

“We have built a big reputation as a country and we have built friends… I said I was not ready to pay more than [$153m]. They said bring [$73,000] we’ll give you the plane,” the president explained.

He insisted he was not going to allow misuse of taxpayers’ money. “I must lead from the front as I tell others to tighten their belt, mine must be where it begins”.

“So relax and the debate must end,” he said.

But the debate has not ended and some Kenyans online are asking whether it was appropriate to accept the offer.

“Who are those ‘friends’ giving a president a gift? He needs to disclose this,” Karani Mutonga said on X (formerly Twitter).

“If it was a gift from an external source, it comes with some geopolitical implications. No free lunch,” said Mwangi Maina.

The continued row over spending by the government has come amid concerns that the government has been using taxpayers’ money to fund extravagance – which officials have regularly denied.

Since coming to power in 2022, Mr Ruto has raised several taxes and imposed new ones, angering many Kenyans.

SOURCE BBC 

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgalladii ugu dambeeyey ee dagaalka AS iyo warbixin laga soo saaray

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Howlgalladii ugu dambeeyey ee dagaalka AS iyo warbixin laga soo saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo gaaray Baydhabo iyo masuuliyiin ka hadlay

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo gaaray Baydhabo iyo masuuliyiin ka hadlay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo kulan xog wareysi ah la qaatay wafdi ka socday Qarammada Midobay

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo kulan xog wareysi ah la qaatay wafdi ka socday Qarammada Midobay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray waddo gasha xarunta dhexe ee SoDMA.

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray waddo gasha xarunta dhexe ee SoDMA.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Baardheere oo samaystay dooni macmal ah

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Shacabka Baardheere oo samaystay dooni macmal ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA