Home Blog Page 2350

Dowaladda Soomaaliya oo ka qayb gashey Shir ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Khamiis 30, May 20224 {HMC}  Dowaladda Soomaaliya oo ka qayb gashey shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa hadal.jeedintiisa waxaa ka mid ahaa inuu cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee ku aadan hishiis beenaadkii ay galeen Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

{DAAWO SAWIRADA} RW ku Xigeenka oo Masuul Ka Socday QM la wadaagay duruufta ay keentay isbeddelka cimilada

Khamiis 30, May 20224 {HMC}  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka {UNEP Excutive Director} Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.
Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya oo Geneva kaga qeyb-gashay Shirka Maamulka Garaadka Macmalka

Khamiis 30, May 20224 {HMC}  Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali {Soomaali} ayaa Magaalada Geneva kaga qeyb- galay kulan muhiim ah oo dib loogu eegay Maamulka Garaadka Macmalka ee Artificial Inelegance- AI for Good 2024 oo hormar balaaran laga gaaray mudooyinkii dambe isla markaana looga faa’iideesan lahaa.

Si loo dhiso kalsoonida Xogta AI-da, aysan dhicin in banaanka u baxaan xog muhiim ah taasoo khatar ka dhalan karta, waxaa laga doodayaa in Dal walba sameesto sharciyo & habraacyo u gaar ah oo ku saleesan baahida dalkiisa ka dibna la jaanqaado kan aduunku ku midoobayo.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa intii lagu guda jiray Shirka waxa uu adkeeyey muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhinacyada badan ee maamulka AI-da, Iyadoo wada shaqaynta noocan ah ay lagama maarmaan u tahay hubinta in dalalka soo koraya, sida Soomaaliya, ay ka faa’iidaystaan faa’iidooyinka waaweyn ee AI-da.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa Shirka ku soo bandhigay baahida loo qabo in la helo halbeegyo la isla ogolyahay, taasoo xaqiijinaysa inaysan jirin dal ka haraya kacaanka AI-da.

{DAAWO MUUQAALKA} Kooxda Xuutiyiinta oo weerar ku qaaday Markab Xamuul iyo khasaare ka dhashay

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Kooxda Xuutiyiinta oo weerar ku qaaday Markab Xamuul iyo khasaare ka dhashay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 30/5/2024

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 30/5/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Caaqil Sanyarre ayaa ka hadlay Xaaladaha kasoo Cusboonaaday Gobolka Sanaag gaar ahaana Ceerigaabo

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Caaqil Sanyarre ayaa ka hadlay Xaaladaha kasoo Cusboonaaday Gobolka Sanaag gaar ahaana Ceerigaabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wadadaan wexeey Muhiim u tahay dhaqaalaha Dalka”Wasiirka Howlaha Guud”

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wadadaan wexeey Muhiim u tahay dhaqaalaha Dalka”Wasiirka Howlaha Guud”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waxaa maanta si rasmi ah Loo bilaabay dhisamaha Wadada isku xirto Jowhar iyo Balcad

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Waxaa maanta si rasmi ah Loo bilaabay dhisamaha Wadada isku xirto Jowhar iyo Balcad

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xubno ka tirsan As oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada oo Faah faahiyey sabata ay usoo goosteen.

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Xubno ka tirsan As oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada oo Faah faahiyey sabata ay usoo goosteen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdo Naxdin leh oo Xalay Ka dhacday Afgooye

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Dhacdo Naxdin leh oo Xalay Ka dhacday Afgooye

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA